4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Waa Xad-gudub Qafaalka iyo Gacan-gelinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed
fiogf49gjkf0d

ARAGTIDA
Hiiraan Online
Monday, May 19, 2008


Maamul Goboleedka Puntland iyo maamulka goonida isku taagey ee Soomaaliland waxay caadeysteen qab-qabashada muwaaadiniin Soomaaliyeed iyo u gacan gelinta mudwaadiniintaas ee Itoobiya. Qafaalkaan iyo gacan-gelintaan waxaa aad loogu hayaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo u dhashay ama ka soo jeeda gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Maamullada Puntland iyo Somaliland waa in ay ka waantoobaan qafaalka sharci darrada ah iyo gacan-gelinta damiir la'aanta ah ee ay kula kacayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ee Jamhuuriyadda ku nool, ama kuwa ku nool meelaha kale. Qafaalka qof Soomaali ah iyo gacan-gelinta loo gacan geliyaa Itoobiya waxaa ka dhalanaya xad-gudub, jir-dil ama kaba darane dil loo geysto muwaadinkaas Soomaaliga ah. Dastuurka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah, iyo dhaqanka Soomaaida ayay ka soo horjeeddaa in laga xayuubiyo muwaadinka Soomaaliga ah xuquuqda laguma xad-gudbaanka ah ee nafeed, nololeed iyo midda in aan la jir-dillin
 
Gobollada Puntland iyo Somaliland waa inay xusuunaadaan in qafaalashada iyo iibinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tahay falkii horseeday burburkooda, sanadkii 2006-da.

Sida ku cad Dastuurka Soomaaliya ee 1960-kii (kaas oo tix-gelin ka mudan axdiyada mac-malka ah ee la sameeyey dagaalada sokeeye kaddib), qof kasta oo hooyadi iyo aabihi ay Soomaali yihiin – ha ku noolaado gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ama Kenya, ama Itoobiya ama Canada ama meel ka mid ah daafaha adduunka – qofkaasi si su'aal la'aan ah ayuu muwaadin uga yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Taasina waxa ay sugaysaa ama siinaysaa muwaadinkaas xuquuq laguma xad-gudbaan ah taas oo aanay ka xayuubin karin siyaasiyiin iyo ciidamo "nabad sugid ku sheeg ah" balse nabadda waddanigaas waxyeeleynaya kuwaas oo u adeegaya waddan kale.

Dastuurka Soomaaliya ee xuquuqda iyo xasaanda muwaadinka Soomaaliga qeexay ayaa ah midka sidoo kale qeexaya in calanka Soomaaliya uu leeyahay midab buluug cirka oo kale ah xiddig cad oo shan gees ahna dhexda ku leh. Qodobka 2-aad ee Dastuurkaas ayaa tibaaxaya, "Qofna lagama xayuubin karo xuquuqdiisa wadani-ahaaneed arrimo siyaasadeed awgood" haddaba waa lagama maar-maan in ciidamada sir-doonka ee Puntland iyo Soomaaliland ay ogaadaan in aysan xaq u lahayn in ay xayuubiyaan xaqa waddani iyo Soomaali ahaanta qof Soomaali ah, gaar ahaan dhibbanayaasha qafaalka hadda socde ee ka soo jeeda gobolka Ogaadeeniya.
 
Weliba, qodobka 11 ee Dastuurka Soomaaliya gaar ahaan faqrooyinka 2-aad iyo 2-aad ayaa sii caddaynaya caquuqda laguma xad-gudbaanka ah ee muwaadinka Soomaaliga ah, waxa uuna qodobkaasi u dhigan yahay sedan, "Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaadu kuna safro six or ah meel kasta oo ka mid dhulka Soomaaliya lamina tarxiili karo"

Sababta ugu weyn ee ay dowladuhu u jiraan waa dhowrista iyo difaaca dadkooda. Waa wax aad loola yaabo lagana yax-yaxo in meeshii la ilaalin lahaa xaquuqa muwaadinka Soomaaliga ah in madaxda iyo sir-doonka Puntland iyo Soomaaliland ay shaqo ka dhigtaan qafaalka iyo u gacan-gelinta Itoobiya muwaadin Soomaaliyeed.

Soomaalida u gacanta gasha ciidamanda sirta ee Itoobiya, waxay badanaaba la kulmaan jir dil aan naxariis lahayn, marar qaarkood waxay ku dhintaan gacanta ciidamada Itoobiya.

Warbixin sanadeedka ay dowladda mareykanka ka soo saarto xaaladda bani'aadanimo ee dalka Itoobiya " the state of human rights in Ethiopia" , ayey ku sheegtay:

Sida shacabka itoobiya loogu diiday in ay codkooda ku beddelaan doorashadii ugu dambeysay ee ka dacda dalka Itoobiya
Dilid iyo daryeel la'aan loo geysto dadka u xiran siyaasadda mucaaradna ku ah dowladda Itoobiya
Dadka oo layska xiro ayaga oo aan maxkamad la soo taageyn iyo dacwado aan dhammaaneyn oo lagu soo oogo
Saxaafadda oo loo diido ay si xor wax u qoraan ama u sheegaan
Dowladda oo faraglin ku sameysa ururada bulshada ayada markaas xirta madaxda ururada bulshada. Waxaad warbixintaas ka aqrisan kartaa:
http://www.state.gov/g/drl/rls/hrrpt/2007/100481.htm

Haddii sawirka noocaas ah ay dowladda Mareykanka ka bixisay xaqiiqda hortaala shacabka Itoobiya, maxaad ka fileysaa Soomaaliga u gacan gala ciidamada sirta ee dalka Itoobiya?. Waxaa marka la gudboon Somaliland iyo Puntland in ay joojiyaan sida sharci darrada ah ay dadka Soomaaliyeed ugu dhiibayaan dowladda Itoobiya.

Waxaan ammaan u soo jeedineynaa dadaalka shacabka Puntland iyo Somaliland gaar ahaan suxufiyiinta oo mar waliba soo gudbiya markii mawaadin Soomaaliyeed laga soo qabto deegaanada Puntland iyo Somaliland.


Sida ku cad xeerka Caalamiga ah ee xuquuqul insaanka (The Universal Declaration of Human Rights) ayaa wuxuu xarrimayaa qabashada iyo gudbinta, ujeeda ka dambeysana tahay in lagu jirdil. Waxayna ku xusantahay xeerka 3 iyo 5 kaas si cad u qeexaya in qofwaliba uu xaq u leeyahay in si xor ah u noolaado, qofna looga geysan karo jirdil ama loola dhaqmo si bani'aadamnimada ka baxasan ama ciqaab

Xeerkaas caalimiga ah ee adduunku ku dhaqmo iyo waliba dastuurka Dowladda Federaalka ayaa ka mamnuucaya in siyaasiyiinta iyo ciidanka sirta ahba ay ku tuntaan xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxaan ugu dambeyntii u soo jeedineynaa madaxda Puntalnd and Somalland in ay ka waantoobaan sida sharcidarrada ah oo ay walaalohooda Soomaaliyeed ugu gudbinayaa dowladda Itoobiya

Qof kasata oo lagu soo oogo in uu dambi galay, waxaa haboon in Soomaaliya maxkamada lagu saaro.


Wixii tusaala ah noogu soo dira: [email protected]


 





Click here