4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xal u helidda Mashaakilka Dalka Soomaaliya
fiogf49gjkf0d


Sunday, May 11, 2008

Ku:       Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

            Mudane Ahmedou Ould-Abdallah

Ku:       Guddoomiyaha Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya

            Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Ku:       Raisulwasaaraha Soomaaliya

            Mudane Xasan Nuur Xuseen

Og:       Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed

 

Ujeedo: Xal u helidda Mashaakilka Dalka Soomaaliya

 

 

  • Markaan eegnay dhibaatada xad dhaaftay ee uu ku sugan yahay Shacabka Soomaaliyeed mantay,
  • Markaan garowsanay in jiritaankii iyo madaxbanaadi Dalka soomaaliya gashay mugdi iyo cakirnaan adag.
  • Markaan qiimaynay fursadda shirka Jabuuti u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.
  • Markaan aragnay is jiid jiidka u dhexeeya laba garab ee shirka lagu casumay.
  • Waxaan go’aansanay in aan taladaan idiin soo bandhigno.

 

Anagoo ku hadlayna magaca Dhalinyarada Soomaaliyeed, tixgalinaynana rabitaanka shacabka soomaaliyeed iyo danta guud, waxaan idiin soo bandhigaynaa qodobo aad u muhiim ah oo aan aaminsanahay in ay u noqon karaan fure xalka soomaaliya ee ragaaday.  Anagoo ka eegayna dhan walba oo suurto galinaya guul ka gaarista shirkaan la iclaamiyey iyo suurto galnimada guul ku dhammaanshihiisa.

 

            Walaalayaal sida aad wada ogsoon tihiin waxaa jira qodobo gundhig u ah in shirku ku bilowdo jawi macquul ah, waana in tanaasulkeeda laga helaa labada qaybood ee shirku u furmayo. Waana qodobada hoos ku qoran:

 

  1. In Shirka la soo fariisiyo xubnaha ugu sareeya labada garab ee Dowladda iyo Isbahaysiga
  2. In Ciidamada Ethiopia dalka laga saaro, si deg deg ah lana sheego waqti cayiman oo ay gabi ahaan uga tilaabayaan xuduudka Dalka Soomaaliya
  3. In xabad joojin guud la suurto galiyo
  4. In Dowladdu Ciidamadeeda kala baxdo goobaha shacabku degan yahay
  5. In shacabka qaxay dib loogu soo celiyo guryahooda
  6. In Isbahaysigu balan qaado in ay nabadgeliyaan Ciidamada Ethiopia waqtiga ay ku jiraan guuritaanka
  7. In isbahaysigu balan qaado in aysan wayrarayn goobaha iyo masuuliyiinta Dowladda
  8. In Dowladdu aysan samayn karin wax hub ka dhigis ah inta laga dhisayo dowlad wadaag ah
  9. In ciidamo Qaramada Midowbay la ogolaado in ay dalka yimaadaan lana suurto galiyo jawigii ay ku imaan lahaayeen.
  10. In ciidanka Qaramada midoobay la wareegaan nabadgelyada ilaha dhaqaalaha iyo xaafiisyada Dowladda.
  11. In gobol walbo loo madaxbaneeyo in uu soo doorto maamulkiisa si dimuquraadi ah
  12. In labada qolaba (Dowladda iyo Isbahaysiga) u madax banaanyihiin dhexgalka shacabka iyo u tartamidda xilkay doonaan
  13. In UN-ku dhiso guddi Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka madax banaan labada garab.
  14. In UN-ka iyo Hay’adaha kale ee caalamku la shaqeeyaan Guddigaas, kaasoo shaqaynaya muddo 12 bilood (hal sano).
  15. Guddigaas wuxuu xariir la samaynayaa oo u dhaxaynayaa, qaybahaan hoos ku qoran
    1. Dowladda
    2. Isbahaysiga
    3. Iyo UN-ka

Guddigaan shaqadiisu waxay noqonaysaa fududaynta howlaha shacabka, dib u heshiisiinta iyo suurto galinta Doorasho xor ah.

 

Waxaan aamin sanahay in Shirka Jabuuti yahay fursadda aad u qiimo badan oo mudan in looga faa’ideeyo shacabka Soomaaliyeed.  Runtuna waxay tahay in labadiina qolaba aad tanaasushaan in shacabka dantiisu ku jirto.  Maantay labadiina qolaba waxaad ku jirtaan nolol xaaraan ah, shacabka soomaaliyeedna wuxuu ku jira cadaab aduunyo oo aad adinku mas’uuliyadeeda leedihiin.  Dabacsanaanta aad muujisaan maantay waxay u tahay hiilo, xilalka aad haysaan maantay waxaa ka qiimo badan dhul xaaqayaasha xornimadooda ku seexda. 

 

Waxaan Ilaahay idinkaga baryeynaa in aad aqbashaan talooyinkeena oo aad muujisaan tanaasul iyo qalbi wanaagsan.

 

Wabilaahi Towfiiq


 

Guddoomiya Ururka Dhaliyarada Soomaalida Maraykanka

Xuseen Sh.Nur Xuseen Samatar
E-mail: [email protected]



 





Click here