4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Danjire Ahmedou Ould-Abdallah: Indheergarad ku xeeldheer nabadda
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
HIIRAAN ONLINE
Tuesday, July 29, 2008

 


Iskuday badan oo lagu hungoobay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya iyo wakiilo la soo magacaabay oo aan waxba qaban, Xoghayaha Qaramada Midoobay  (QM) wuxu ugu dambeystii u soo magacaabay Soomaaliya Danjire firfircoon. Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo horay u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Mauritania,  ayaa si aqoon ay ku dheehantahay uga shaqeeyey heshiiska lagu gaaray dalka Jabuuti ee dhexeeyey dowladda Federalka iyo mucaarka Isbaheysiga ee uu fadhigoodu ahaa dalka Eritrea.

 

Danjire Ould-Abdalla oo aqoon dheer u leh diblomaasiyadda ayaa si habsami ah u abaaray dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya isaga oo joojiyey tartanka shirarka caalimiga oo aan mira dhalin oo looga bartay wakiilada isaga ka horeeyey oo caado ka dhigtay in ay tagaan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ayaga oo ay wehliyaan waardiyayaal adag.

 

Danjire Oulad-Abdallah wuxuu soo jeediyey in Xafiiska Siyaasadda ee QM laga wareejiyo magaalada Nairobi loona wareejiyo dalka Soomaaliya oo la ogyahay xaaladeeda nabadeed. Sidoo kale wuxuu ka digay sida sharci darrada ah ee looga kaluumeysto xeebaha dalka Soomaaliya iyo sida qashinka warshadaha loogu qobo xeebaha Soomaaliya.

 

Qoraalkan ayeey Hiiraan Online waxay ugu mahadnaqeysa Danjire Ahmed Ould-Abdallah horumaka uu ka gaaray nabadeynta dalka Soomaaliya, waxaanan ku dhiirigalineynaa in uu dadaalkiisa sii wado.

 

Danjire Ould-Abdallah wuxuu ka leexday wadadii kuwii isaga ka horeeyey oo tixgalin gaar ah siin jiray dagaal oogayaasha. Waxaa u caddaaday in Dowladda Federaalka, ganacsatada Soomaaliyeed, Maxaakiimta Islaamka, qurba joogta, aqoonyahannada, wadamada dariska iyo caalamk intiisa kale oo horay dhibaato ku ahaa xalinta khilaafka Soomaaliya ayuu si wanaagsan uga faa’ideystay sidoo nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya

 

Bisha May iyo Juun, Danjire Ould-Abdalla ayaa dalka Jabuuti wuxuu hogaanka u qabtay heshiis lagu dhexdhexaadinayo  khilaafka u dhexeeya Soomaalida isaga oo ka dhaadhiciyey qaar badan oo ka biyo diidsanaa in nabadda ay dan ugu jirto dhammaan ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tusay in Soomaalida badankeeda ay  nabadd doonayaan, dagaalna ay ku daaleen.

 

Inkasta oo ay wali jiraan dad ka biyo diidsan heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti, haddane Danjire Ould-Abdallah kama daalin sidii uu dhammaan garbaha siyaasadda Soomaaliya isku hayo in uu heshiis dhexdhigo. Wuxuu xataa ka codsaday Golaha Ammaanka ee QM in ay Sheikh Xasan Daahir Aweey laga saaro liiska argagixisada si markaas uu ugu soo biiro heshiiska ay wadaan asxaabtiisi Isbaheysiga. Aa rintaas ayaa ah mid ay ku raacday Jendayi Frazer oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda wareysi ay siisay laanta afka Soomaaliga ee BBCda.

 

Guulaha ugu waaweyn ee uu gaaray Danjire Ould-Abdalla ayaa ah in uu fahmay muhimadda ay leeyihiin qurba joogta Soomaaliyeed isaga oo gartay in ay yihiin xubin firfircoon qayb weyn ka qaadan kara nabadeynta dalka Soomaaliya. Danjire Ould-Abdallah ayaa hadda socdaalo dheer ku kala bixinaya Waqooyiga America iyo Yurub isaga oo goobaya kaalmada qubajoogta Soomaaliyeed, isaga oo markaasna  siinayo warbixintii ugu dambeysay ee Soomaaliya.

 

Waxaan Dajire Ould-Abdallah xasuusineynaa in dhibaatada Soomaaliya aysan Soomaalida kaliyah keenin sida uu marar badan ku celceliyey. Haa, dhibaatada Soomaaliya waxaa badankeeda keenay Soomaali, laakin waxaa jira dhibaato ay ku hayaan wadamo shisheeya ah. Haddii aysan jiri lahayn hubka sida xad dhaafka loogu soo dirayo Soomaaliya iyo sida aan caadiga ahayn ee ay xubno shisheeyey u majo xaabinayaan heshiis kasta oo la gaaro, Soomaaliya  xaaladdeeda sidaan waa ka duwanaan lahayd.

 

Ugu dambeystii, waxaan ku dhiirigalineynaa Danjire Ould-Abdallah in uu sii wada howsha adag ee uu hayo, waxaaan mark kale ugu mahadcelineynaa sida ay niyadda uga tahay in xal kama dambeys ah loogu helo dhibaatada dalka Soomaaliya.

 

Fikraddaada ku soo dir: [email protected]



 





Click here