4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
1-da LuuliyoMaalinta Xorriyadda: Shalay iyo Maant
fiogf49gjkf0d

A R A G T I G D A
HIIRAAN ONLINE
Talaado, July 01, 2008



Wali rajo ayaa jirta lagu badbaadin karo Soomaaliya

Manta 1-da July waa maalintii Soomaaliya ay xorowdey. Waxay ahayd saqdii dhexe 1-da July sannadkii 1960-kii markii dadka Soomaaliyeed ay qarankooda dhisteen, calan qurxoonna surteen. Jamhuuriyadda Soomaaliya ayuu ahaa magaca la siiyey Qaranka cusub.
 
Waddan kasta oo rasmi ahaan u jira waxaa lagama maarmaan ah in uu leeyahay saddex tilmaamood oo aasaas u ah qaranimada kuwaas oo kala ah: madaxbannaani, xorriyad dhuleed iyo madax-bannaani siyaasadeed. Intaa ka dib waddan kasta oo qiimo leh, waxa uu ku dadaalaa in uu sugo ammaanka gudaha waxa uuna u ban-baxaa in uu helo maamul wanaagsan, horumar dhaqaale iyo mid bulsho. Arrimahaasina waa  kuwa  dunida oo dhan qabyo u ah.
 
1-dii July 1960-kii, aabayaashii xoriyadda dhaliyey waa ay ku guuleysteen in ay dhidibada u aasaan tiirarka Qaranimada; taasina waxaa ka dhashay in daafaha dunida oo idil aqoonsi Soomaaliya looga soo diro. Sidoo kalana, Soomaaliya waxay xubin ka noqotay kuna biirtay ururka Qaramada Midoobey, Jamhuuriyadda cusubna waxa ay xaqiiqo ah iyo si dareen ahba salka u dhigatay booskii ay ku lahayd bulshada caalamka. Taas ayay ahayd waxa ay aabayaashii qaranimada dhaliyey ay soo hoyiyeen. Waxay ku rajo weynaayeen in jiilalka ku xiga ay u istaagaan hawsha weyn ee dhismaha qaranka curdanka ah.  In kasta oo jiilalkii danbe looga fadhiyey in ay shaararka gacmihiisa laabtaan oo u istaagaan in ay qaybtooda ka qaataaan hayaanka caalamka oo idil uu ugu jrey sidii horumar loo gaari lahaa, haddana waxay ku soo guryo noqdeen in ay fur-furaan guulihii aabayaashii gobanimadu ay u garbo-beeleen.
 
Soo soco, oo imow 1-da July 2008, waxaana xaqiiqo ah in madaxbannaanidii, xorriyaddii dhuleed iyo madax-bannaanidii siyaasadeed aanay midna Soomaaliya ka sugnayn. Midda hore, Soomaaliya marka loo qaybiyo saddex meelood, hal meel oo loo yaqaan Somaliland ayaa goosasho ku dhawaaqday. Ka maqnaanshaha Somaliland ay Soomaaliya ka maqan tahay, in kasta oo aan dunidu aqoonsanayn balse ay xaqiiqo ahaan u jirta, waa calaamatul su ‘aal weyn oo dul saraan madaxbannaani iyo dhawr-sanaanta dhuleed ee Soomaaliya. Waxaa taa ka sii weyn, in gees kasta oo Soomaaliya ay ku dhex jiraan kumanaan kun oo askar iyo ciidamo kuwa sirta oo Itoobiya ah. Joogitaanka ciidanka Itoobiyaanka ah ee ajnabiga ah ama DFKM ha u yeerato ama dalka ha ku soo duulaane waa mid ka hor imaanaysa mabaadii’da lama dhaafaanka ah ee qaranimada. 
  
Waddamadu waxay xor ku yihiin waa in ay xuduudoodu tahay laguma xad-gudbaan; dal xor ah ciidan dal kale siduu doono uguma dhex jiro. In dalku xor yahay oo aan dalal kale gacanta kula jirin ayaana keenta madax-banaanida siyaasadeed. In Qaran uu xor yahay waxaa loola jeedaa in wadankaasi uu danihiisa eegto, dalkiisana uu u maamulo sida uu doono.
 
Nasiib darro, kuwa isku haysta mustaqbalka iyo siyaasadda Soomaaliya una qaba in ay dowr culus uga jiraan loollanka, waxa ugu awood badan arrimaha aayaha Qaranka taabanya, dalal iyo ururo shisheeye sida ururada Qaramada midoobey, safaaradaha Nairobi ka furan, Itoobiya iyo Eriteriya. 
 
Sababta ugu weyn ee madaxbannaanida, xorriyadda dhuleed iyo madax-bannaani siyaasadeed ee Soomaaliya ay u dhantaalantahay waxa ay tahay annaga - Soomaali haddan nahay - ayaa ku dheelnay guulihii horseedkii xorriyadda ay hanteen. Halgamaayaashaasi guulaha taariikhiga ah ee ay soo hoyiyeen waxa ay ku gaareen awood iyo aqoon aad uga yar waxa aannu xilligan haysanno ama heli karno. Culaysyada saarnaa horseedkaas ayaana ka badnaa midka Soomaalida xiligaan horyaalla. 
 
Mahadi ha ka gaadho SYL, halgamayaasii kale iyo Soomaalidii gacanta siisay, 1-da July ee 1960-kii waxay ahayd maalin rajo la ciir-ciiraysa. Ummadda Soomaaliyeedna mid bay ahayd. Si aan u sawirno bisaylka iyo aragti-dheerida dadka Soomaaliyeed ee xilligaas, aan dib u jaleecno afartii maal-mood ee taariikhda badeshey ee u dhexaysey 26-ka Juun iyo 1-da July. Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaanney “British” Somaliland waxay xornimadood qaateen 26-kii Juun ee sannadkii 1960-kii.  Afar maalmood kaddib, 1-dii July, 1960-kii ayaa Soomaaliya inteeda kale oo loo yaqaanay “Italian” Somaliland madax-banaani hanatay. Isla maalintaa 1-da Luuliyo ayaa labadaas gobol ee Soomaaliya - Waqooyi iyo Koofur, sidii loo yaqaanney, waxay go’aan sadeen in ay dib u midoobaan, iyaga oo yagleelay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
 
Ama ha sababto xammaasadda xorriyadda, am il-duuf iyo kama ka dhacay aabayaasha gobanimada ha noqoto ama aragti-gaabni siyaasiyiinta ka dhacday ha ahaatee, awooddihii iyo muuqaaladii kale ee Jamhuuriyadda cusub waxaa loo badiyey Koofurta. Tusaale ahaan, Madaxweynihii Jamhuuriyadda, Wasiirkii 1-aad iyo magaalo madaxdii oo Muqdisho ah - intaba Koofur ayay raaceen. Sad-bursigaas ama dheeligaas awood-qaybsi, waa u muuqdy siyaasiyiinta Woqooyiga ka timid, kumase ayan dhicin in ay dib u dhigaan dhalashada Qaranka, isku darsanka iyo damaashaadka 1-da Luuliyo.
 
 Dadka Soomaaliyeed ee Waqooyiga oo afar dharaarood ku naallooday gobanimo kuna raaxaystay saxan-saxada xorriyadda waxay u heellanaayeen ku dhawaaqidda iyo dhalashada Jamhuuriyad Soomaaliyeed mid ah xorna ah. Waxay ka filayeen siyaasiyinta ay soo dirsadeen an aysan siyaasad iyo xukun qaybi ku mashquulin, xitaa iyaga oo laga sad-bursaday. Dareenka guud ee Waqooyi iyo Koofur waxa uu ahaa  mid isha ku haya madax-banaanida iyo abuurista qaran haysta xorriyad buuxda oo madax bannaan.
 
Maanta oo ah 1-da July Soomaaliland lagama xusin 26-ka Juun iyo 1-da July. Waxaaba jirta in 18-ka May - oo ah maalintii Waqooyiga Soomaaliya ama Somaliland ay Soomaaliya ka goosatay  - in lagu baddeley maalmahaas taariikhiga ku ahaa Soomaliya.
 
Xaqiiqdaas muruga leh iyo weliba dagaalada ba’an, dilka ugaarsiga ah iyo maqnaanta horumar nooc walba ah ayaan noqday xaqiiqada Soomaliya taas oo ka timid siyaasad-xumadeenna aan gaamurtay oo waliba ah mid danbaysa. Waxaan galnay kar-kaar iyo siriq siyaasadeed iyo dagaal murugsan, markaan iska hornimid oo aan diidney in aan is fahanno. Waxaan isku samaynay xad-gudub iyo caddaalad darro; waxaanna ku gabood falnay kalsoonidii shacabka iyo awoodda Qaran oo ammaanada nagu ahayd.
 
Dhaawacyadaas aannu nafteenna u geysanney ayaa burbiriyey siyaasaddeennii iyo xuduudaheennii cid kasta oo noo ciil cunsanayd ama dani ka haysay khayraadkeenana waxay heleen fursan ay nooga aar gutaan danahoodana naga fushadaan. Taasaana keentay in maanta oo ay July 1 tahay aannu murugo la taahno – kolkii ay ahayd in aan dabaashaad la dabbaal-degno.
 
Dib u soo celinta sharaftii iyo haybaddii Soomaaliya ma adka. Waxaan u baahan nahay oo qura in aan ka shidaal qaadanno aragtidii siyaasadeed ee guusha ay ku gaareen jiilkii xorriyadda dhaliyey. Taas oo ahayd in ay wax isku hanbeeyeen. Waxay ku mintideen dantii Qaranka. Waa suura-gal in July-daan July-da xigta aannu dammaashaadno – waase haddii aan heshiinno, oo aannu wax isku hanbayno, aannuna aqbalno in aan dhab ahaantii hal qoys nahay. Dunidaan waa ku yar yihiin, waddamo ay dadkiisu waddaagaan hal dhaqan, hal luuqad iyo hal diin iyo weliba waddan sida keenna u bilic-san.
 
Danta guud aannu ku mintidno. Heshiiska dhawaan Jabuuti ka soo yeeray waxa uu u eg yahay fursadda ugu wanaagsan ee ina hor-taalla. Nabadda aannu fursad siinno. Furaha madaxbannaani, xorriyad dhuleed iyo madax-bannaani siyaasadeed waa MIDNIMO. Guri qayb-san nolol iyo  nagaansho midna kama hir
 
Aragitdaada ku soo dir: [email protected]


 





Click here