4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
MAXAA LAGU XASUUSTAA 26ka JANUARY
fiogf49gjkf0d

W/Q: Abdi Aden Hassan(Zeylici)
Wednesday, January 30, 2008

Waxaa toddobaadkan ku buuxsamay oo 17 sano ka soo wareegtay, markii ay soo gabo-gabowday 21 sano oo Soomaalidu nabad, barwaaqo iyo baraare ku naalooneysay, 26kii January 1991kii ayey aheyd markii taariikhda mugdiga iyo murugada leh ay Soomaalida u bilaabatay, waxayna aheyd markii wax saxaafadda reer Galbeedku ugu yeereen kacdoon shacbi ahi uu caasimadda Muqdisho ka bilowday, waxa uu ahaa kacdoon aan ujeedo iyo jaho midna laheyn, waxaana bilowday barakac iyo bur-burinta hantidii qaranka iyo middii gaarka loo lahaaba, waxaanan hubaa in hogaamiyeyaashii kacdoonkaas ay maanta ka xun yihiin sidii uu xaalkaasu ku dambeeyey oo ka qoomameynayaan wixii ay horseedeen, waayo wixii ay filayeen iyo waxa dhacay waa kaaf iyo kala dheeri.

Dhacdadan waxa ay ku soo beegantay dhacdo wararka adduunka toddobaadkan ku jirtay, taas oo ah geerida madaxweynihii hore ee INDONESIA GEN.ZUHARTO oo muddo dhowr iyo soddon sano ah ka talinayey dalkaas, waxa uu u soo dagaalamay gobonnimaddii dalka, waxaana Indonesia uu gaarsiiyey horumar dhaqaale, iyo farsamo oo xoog leh, iydoo weliba dalkaas ay ku nool yihiin dad ka badan 230 million oo qof, 1998kii ayuu is casilay iyadoo berigaas qalalaaso dhaqaale oo ASIA ka dhacay uu sabab u ahaa, waxaan tusaalahaas u soo qaatay malaha dad badan oo soomaaliyeed maanta way aqbali lahaayeen in hal qof 50ka sano uu madaxwene ahaado haddii ay soo gabo-gaboobeyso oo looga gudbi karo dhibaatada soomaalida maanta heysata.

Iyadoo aan la soo koobi karin wixii dhacay 17kaa sano ayey hadana arrintu fari ka qodneyn, waxase la yaab leh in weli dad soomaaliyeed ay maanta qaxayaan 17 sano kadib oo aad mooddaa in sheekadu hadda bilaabatay, waxaa gaajo darteed maqaarka xoolaha iyo geedaha u cunay kumanaan soomaali ah, waxaa dhintay oo AK 47 iyo hub kaleba uu galaaftay nolosha boqolaal kun, soomaalida ka sakow waxaa muddadaas SOMALIA naftooda ku waayey dad ajaanib ah oo isugu jiray Dhakhaatiir, Weriyeyaal iyo dad kaleba, waxaa la aasay midnnimadii Soomaalida oo qoloba gobol goosatay oo magac ula baxday.
Waxaa sanad ka hor xoog ku galay caasimadda Muqdisho ciidamada ETHIOPIA iyo meelo kaleba, taas oo dad badani u arkaan qabsasho iyo gumeysi hor leh, waana weji hor leh oo xaaladda soomaaliya yeelatay, iyadoo beesha caalamkuna ku jaha wareertay mushkiladda soomaalida oo aan la ogeyn xilliga ay soo geba-geboobi doonto, waxayse aniga ila tahay in aanan iloobi doonin 26ka JANUARY oo maalin madow taariikhda iyo sooyaalka soomaalida ku ah.


WQ: Abdi Aden Hassan(Zeylici)
E-mail:  [email protected]
TORONTO-CANADA.



 





Click here