4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
BARBAARTA SOOMAALIYEED IYO BUUFISKA
fiogf49gjkf0d

W/Q:Raage Cali Dheere
Wednesday, January 30, 2008

Waxaa dhab ah BUUFISKA in maantay u maraayo heerkii igu sareeyay marka loo eego xiliyadii hore, waaxaad arkaysaa markaa tagto meelaha dhalinyarada iskugu yimadaan, sida maqayadaha lagu shaaxo in inta badan dhalinyaradu ay ka shakaysanaayaan buufiska, qarkood ayaa dhahayaan "waxaa i haayo buufis xun habeenadaan ma seexdo waayo magaaladaan waa nacay waa iga hor -timid iyo hadala kale oo aad u farabadan".
 
Dhalinyarada buufiska
 
Dhalinyarada buufiska qabto inta badan waa saaxiibo oo waxay jacelyihiin in ay ka shakaystaan mara walbo buufiska mana jeclo qof an bufis qabin in ay la shakaystaan marka waydiiso oo aad dhahdo maxaa dadka kale shakadoodada u diidaysaan, waxay jawaab kaga dhigayaan "dadka ma yaqaniin macnaha buufiska waxaan loo joogin ay ku galinayaan sida siyaasad , wax barasho, iyo niyad jab jogta ah marka horaa loo yiri (shinbirba shinbirkiisu la duulaa)
 
Waxyaba igu yabka badan oo aad ku arkayso dhalinyaradaan ayaa waxaa ka mid ah in ay is tusaan qariiradaha calamka ayagoo dhahaya suuriya way ku dhagantahay turkiga ama ruushka waxuu xaduud la leyahay filand,maraka qaar ayaa waxaad u malaynasaa inay yihiin qabiiro ku taqasusay juquraafiga sida ay u yaqaniin wadamada xadadka leh iyo kuwa badaha u dhaxeyaan,waxaa intaasi dheer ayagoo yaqaano inta lagu qaato sharciga wadamada yurub iyo waliba sida ay isku dhiibi lahayen marka ay tagan yurub.
 
Waa maxay buufis ?
 
Buufiska,waa marka uu qofku raboodo in uu dhoofo ama ka tago meel uu horay u joogay nacane masha ow joogi jiray, halka dhalinyarada qaarna ay ku macneyeen in buufisku oo lamid yahay jacelka sida qofka wax jacel uu urabo in qofka u jacelyahay u helo ayuu buufiskane uu u rabaa in helo halka uu u buufsanyahay.
 
Malisku gudbiyaa buufiska ?
 
Buufiska, waa la kala qadaa buufiska, waliba si fudud ayaa loo kala qadaa marka aad saxiib la noqoto qofka buufiska qabo uuna in badan kaga shekayo buufiska haayo iyo inta sana u haayo buufiskaan iyo inta mar uu ku fashilmay buufiskan, ayaa adigane waxaad qatar igu jirtaa inaad si fudud ku qadid
buufiska.
 
Daawo maleyahay buufiska ?
 
Buufiska,daawo wuu leeyahay waxaana daawa u ah in uu qafka buufiska haayo tago meesha uu buufiska u haayo islamrkaana aheyd halka ow ku riyoon jiray, walow ay jirto dadka buufiska haayo in aysan la xariirin dhaqtar daawayo hadaba waxaa jirto siyaalo badan o qofka buufiska haayo ku resan karo waxana ka mid ah isagoo helo hadafkiisa waxuu ahay .
 
Maloo dhinta buufiska ?
 
Buufiska,waa loo dhintaa waxaana logu dhintaa siyaabo aan toos aheyn oo ay ka mid tahay qofka oo nafsadiisa haligo isaga oo aan kala garanayn waxa u samaynaayo sida isagoo dhax maro meel halis badan o kaga timaado dhimasho sida aan ogsonahay kumanan qofood oo samaali ah ayaa baduhu laqeyn,qaarna waxay dhax jiireyn baraf oo halkaasi orso ku cuntay, kuwane xaduudyo inta xoog ku
jiiray ayaa la dilay .
 
Ugu danbantii waxaan maqalakaygii ku soo gababaynaa kulana dardarmaa dhalinyarada buufiska qabto in inta is dajiyaan naftoodana qeyr u sheegan haday fusad u heli karaane waa in ay wax bartaan waayo waa ubixii wadanka bari aya loo bahanyahay dhalinyarada waa kuwii wadanka xukimi lahaay ama hogaamin lahaay.

W/Q Raage Cali Dheere 
E-mail: [email protected]



 





Click here