4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
MAXAA LOO AFLAGAADEYNAYAA NEBIGEENA SUUBAN MUXAMMAD (Salallahu calayhi wasallam)
fiogf49gjkf0d

W/Q:Idris Axmed Cusmaan
Saturday, February 16, 2008

 

“Waan idinku imtixaaneynaa xoolahiina iyo naftiina waxaadna ka maqleysaan kuwa la siiyey kitaabka oo idinka horeeyey iyo mushrikiinta dhib badan hadaadse samritaan oo aad dhowrsataan arrintaasu waa umuuraha loo qasdo”.

Aala-Cimraan 186.

Aayadaha Quraanka kariimka ee kor ku xusan ayaa si cad u qeexaya in kuwa horteena kutubada lagu soo dejiyey iyo kuwa mushrikiinta aan wax badan oo aflagaado iyo dhib kala kulmi doono haddii aynu nahay ummada muslimiinta ee xaqa ku taagan. Laakinse haddii aynu nahay kuwo sabar badan oo Allah ka cabsada aysan waxba naga dhibeyn dhibka, aflagaadeynta iyo eedeemaha na lagu hayo. Waxaa waayahan dambe soo badanaya dhibaatooyinka loo geysto diinta Islaamka iyo Muslimiinta. Waa goor uu Boobka kaniisada katoolikada yiraahdo muxuu keenay Muxammadkan, naceyb, dil, iyo argagax mooyee!!!. Goor kalena kitaabka Quraanka kariimka muqsulaha iyo nijaasada lagu tirtiro amaba lagu dul istaago, sidoo kalena asal raaca mintidka ah ee kaniisadaha oo mar walba ay ka soo yeeraan aflagaadooyin, eedeyn iyo been abuur ku wajihan nebigeena suuban salallahu calyhi wasallam, diinta Islaamka iyo Muslimiinta.

 

Mararka  kale waxaa la isticmaalaa kuwo maangaaban oo jahliga ku habsaday oo mar hore sheeganayay inay ahaayeen muslimiin.kana soo cararay dib u dhac, dulmi iyo jahli. Damac hunguri weynaan leh, aduunyo jaceyl iyo ku soo caan bixid darteed ayay bani’aadminimadooda iyo diintoodaba ugu bedeshaan wax yaroo aduunyo ku raaxeysi ah iyagoo qora buugaag, filim ka sameeya ama idaacadaha iyo telefiishanada adduunka wareysi kaga bixiya aflgaadeeynta diinta Islaamka iyo Rasuulkena suuban salallahu calayhi wasallam.  Iyadoo ay sidaa arrintu tahay ayaa wargeyskii Daanishka (Denmark) Jyllands Posten wuxuu dabayaaqadii sannadkii 2005, Sebtemeber 30keeda daabacay sawiro aflagaadeynaya rasuulka salaalahu calayhi wasallam. Ka dib markii mudahaaraadyo badan ay ka dhaceen goobo badan oo caalamka Islaamka ka mid ah, la qaadicay iibsashada badeecooyinka waddanka Denmarka ka timaada, ayaa weliba waxaa wargeysku mar labaad daabacay sawirada foosha xun ee lagu aflagaadeynayo nebigeena oo ah  midka ugu kheer iyo sharaf badan khalqiga oo dhan.

 

Wargeyska ayaa marmarsiiyo ugu dhigay sababta dib u  daabicida sawirada inay ku tuhmeen saddex nin Muslimiin ahi isku dayga dilka ninka sawiray kartuunka lagu aflagaadeynayo Muxammad (salallahu calayhi wasallam); sidaa darteed ay ku muujinayaan xuriyada warbaahinta. Waa yaabee maxay tahay xuriyadan ku xadgudbeysa caqiidada, sharafta, diinta, jiritaanka, aadaminimada, ummad ka kooban hal bilyan iyo bar?!. Waa maxay xuriyadan warbaahinta aan xitaa laheyn damiirka ay ku dhowraan dareenka iyo xuquuqda dadka kale?!. Waa maxay xuriyadan xaasidnimada iyo xaqdiga ka buuxa oo dano kale laga wato, maxaa yeelay wargeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska ee loo yaqan Guardian ayaa shaaca ka qaaday in wargeyskan Jyllands Posten uu mar hore diiday sawir caadi ah oo nebi Ciise ( calleyhi salam ) inuu soo daabaco iyagoo yiri: waxaynu ka cabsanaynaa inay arrintan abuurto khilaaf iyo qalaalase ka dhex dhaca bulshada?!. War bal fiiriya siday wax u socdaan, sow gardaro cad ma ahan ?!. Halkan hoose ka aqriso in wargeyska diiday sawirka nebi Ciise ( caleyhisalaam ) mar hore:

http://www.guardian.co.uk/media/2006/feb/06/pressandpublishing.politics

Anagu “muslimiinta” kama raali nihin nebi Ciise (caleyhisalaam) iyo rususha iyo nebiyada oo dhan in la soo sawiro, dhammantood waa rusulo iyo nebiyo sharaf leh oo aan aad iyo aad u ixtiraameyno, raacsannahay, waxay naga mudan yihiin weyneyn iyo qadarin sida nebigeena Muxammad (salallhu caleyhi wasallam).

Waxaad dhahdaan waxaan rumeynay Allah iyo waxa na loo soo dejiyey iyo waxa lagu soo dejiyey Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub iyo caruurtooda iyo wixii la siiyey (nebi) Muuse iyo (nebi) Ciise iyo wixii la siiyey nebiyadii kale xagga rabigooda, kala geynmeyno dhexdooda, waxaana u hogaansameynaa Allah.  

Al-Baqara 136.

Laakin arrinta la yaabka badan waa sida ay ugu adeeganayaan magaca xuriyada warbaahinta, dimoqraadiga, sinaanta iyo cadaalada, xuriyada shaqsiga, goorta ay rabaan oo dani ugu jirto inay Islaamka iyo muslimiinta kula dagaalamaan.

 

Mudaharadyo badan ayaa maalintii shalay iyo arbacadii ka dhacay dawladaha muslimiinta laga bilaabo Muritaaniya iyo Morooko ilaa iyo Pakistan iyo Iraan iyo dhamman dowladaha carabta. Dhowr wadahadalo iyo xiriiryo ayaa lala yeeshay safiirada dawlada Denmark u fadhiya wadamada Muslimiinta. Jaamacada carabta iyo Uruka dawladaha muslimiinta ayaa dacwo ka geeyey qaramada midoobay arrinta aflagaadada diinta Islaamka iyo rasuulka salallahu calayhi wasallam, laakinse arrintu way iska cadahay waxaana loola jeedaa in marka hore shacbiga reer galbeedka oo soo fahmaya wanaaga diinta Islaamka loo tuso Islaamka mid dib u dhac, jahli, argagax iyo dil keliya ku saleysan. Weliba waxaa inagu waajib ah inaan shaqsiyada aad iyo aadka u heer sareysa ee nebigeena Muxammad (salallahu caleyhi wasallam), taariikh nololeedkiisa, wanaaga iyo kheerka uu u keenay aadamiga oo dhan u sharaxno dadka aan muslimiinta aheyn oo ku furan mowjado aad iyo aad u baaxad weyn oo ku saabsan xumaan u muujinta diinta Islaamka, rasuulkeena ( Salallahu caleyhi wasallam) iyo muslimiinta.
 

Banaanbaxyada looga soo horjeedo sawirada kartuunka lagu aflagaadeyey
nebigeena Muxammad (scw) oo ka dhacay dowladaha Muslimiinta
:


Idris Axmed Cusmaan
E-mail:  [email protected]



 





Click here