4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Cajaa’ib: Maanso maqal iyo akhris ah
fiogf49gjkf0d

Inj. Maxamed Cali Cibaar

[email protected]

  

Maansadaan la magacbaxday Cajaa’ib waxay soo baxday 26kii Jannaayo 2008, waxayna maansadu ka hadlaysaaarrimo arrimo ay ka mid yihiin: 

 

Xaaladda musiibo ee ay Soomaalidu maanta ku sugantahay, taas oo ah mid ay iyadu gacmaheeda ku kasbatay. Dhibkaas oo aan cidna dhinac marin, dhamaanna la wada dhadhamiyay.

 

Sida hoggaankii umadda iyo aqoonyahannadeediiba ay uga gaabiyeen waxkaqashada arrimaha faraha ka baxay, ayna nasiibdarro in badan oo ka mid ahi ay noqdeen kuwa dhimbilaha sii hurinaya, maxastana xaabada uga dhigaya.

 

Sida  ay dowladihii caalamku  indhaha uga qabsadeen xasuuqa iyo xadgudubyada ka socda Soomaaliya, iyagoo waliba ay qaarkood si toos ah uga qaybqaadanayaan falalka ka dhanka bani’aadminnimada ee lagu hayo maatida Soomaaliyeed.

 

In ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay wax ka bartaan waayihii kharaaraa ee la soo maray, kuna baraarugaan halista ay diin, dad iyo dal ahaanba maanta ku suganyihiin. Waa in loo wada guntadaa sidii looga shaqeyn lahaa badbaadada ummaddan sii rogmaneysa.

 

In haddii maanta ay dowladihii dunida iyo ururradii ay ku mideysnaayeenba ay naga hiilliyeen, aysan taasi la macno aheyn in la garab iyo gaashaan la’yahay. Sida loo arag xunyahay, looma Alle la’a. Haddii iimaan iyo Allekacabsi lala yimaadana waa hubaal in Eebbe uu awooddiisa xoogga badan noogu hiillin doono.

 

 

Maansada Cajaa’ib waxay ku billaabmeysaa:

 

 

Cishaba waa ceyn adduune

 

Codkeyga waxaan u gaabshay

 

Haddaad Cabdiyow1 tabeyso

 

Cadowgan isi soo baheystay

Canaadkiyo cagajugleynta

 

Inaan ka cabsooday maaha

 

Inaan caynleyda maanso

 

Walaal curin waayay maaha

 

Inaan sida qaar ku ceesha

 

Cantuugo yar siistay maaha

 

Waxaase I ciilay saaxib

 

Caloolyowga waxaygu beeray

 

Cajaa’ibka taagan maanta:

 

 

Markaan xaqa iska cameynay

 

Halkuu dulmi noo carrowshay

 

Taladan caynkeed wareegtee

 

Ka raran hoostiyo caloosha

 

Xafiiska cunaha ku yaalla

 

Carrabku uu agaasimaayo

 

Ee uu cilmigiisu keenay

 

Wixii camirnaa dhexdiisiyo

Inuu carrigiiba joogo

Canjeeriyo koob caddeys ah

 

Caleen jaad ahoo cagaaran

 

Amaba caanteyn sunuud ah.

 

 

Waxaase i ciilay saaxib

 

Caloolyowga waxaygu beeray

 

Cajaa’ibka taagan maanta:

 

Colaadda sokeeyoo faankaa

 

Cashiiradan la isku bi’iyay

 

Ceebtaan laga dhiidhineynin

 

Cudurka waallidee dillaacee

 

Bukaanka calaashigiisa

 

Carunka maatida dhamaatiyo

 

Cabidda dhiig ehel u roontay

 

Cirbadda la yiraa halaaggu

 

Haddana caafimaad la moodoo

 

Soomaali ku ciribgo’eyso.

 

 

Waxaase i ciilay saaxib

 

Caloolyowga waxaygu beeray

 

Cajaa’ibka taagan maanta:

 

Cayaar qabriyada dushooda

 

Dharaartii lagu caweeyo

 

Cirrooluhu ugu horreeyo

 

Cuqaashii jiibineyso

 

Culumadii daawaneyso

 

Dumarka carraweeladooda

 

Cuuggiyo midka labawajiilaa

 

Fidnooluhu ay ka caanyiin

 

Markii kuman curad la dooxoo

 

Xinjiri goobta ay caseyso

 

Ku naaxa calaacalkoodoy

 

Cabaad ugu bilanto dheeshu

 

Intii shaydaan careysan

Cirfiid in la raalligeliyo.

 

Waxaase i ciilay saaxib

Caloolyowga waxaygu beeray

 

Cajaa’ibka taagan maanta:

 

Cosobkii laga dhaxlay awoowiyo

Ciiddeennii udgoon aheydee

Cirweyne na soo hujuumiyo

 

Shisheeyuhu uu ka caagay

 

Intaan kumi ceyrineynay

 

Markaan daaficii cidleynay

 

Hororkii ciddiyaha xumaayeen

 

Dorraad ceyriinka siinnay

 

Tigree inuu casir yimaado

 

Inuu calankiisa ka taagto

 

Keennana carraduu ku jiido

 

Sidii calalkii u duubo

 

Caasimaddeennii burburiyo

 

Masaajiddii calaq ku qooshtoo

 

Inaanu casuunnay sheegto.

 

 

Waxaase i ciilay saaxib

 

Caloolyowga waxaygu beeray

 

Cajaa’ibka taagan maanta:

 

Markey xaajadu cakirantee

 

Culaabta la qaadi waayo

 

Iney Qarankooda caynshaan

 

Kuwii loo soo carbiyayee

 

Islaan cafash iibineysa

 

Cariish shilin laga aruurshiyo

 

Canshuurta ku soo barbaaray

 

Cayilka iyagoo la liici

Badina lulaneyso caashu

 

Iney kibir camanka buuri

 

La yaabi ciyaalka baahan

Caatada haqaneysa oonka

Cooshadahaa lagu qaxaayo

 

Caa’iladoodiina ka faani

 

Oo uu cindigoodu siiyay

Iney caasinnimadu sharaftoy

Aabbiyo hooyaba ka cararaan

 

Ku dhuuntaan carro shisheeye

 

Halkaa cawskiyo ku daaqaan

 

Cashada hoostooda taalla

 

Cambuulada lagu dagaayo

 

Cantoobo la eedi doono.

 

 

Dadkaan caashaqay xumaantee

 

Isagoo coodkiisu buuxo

 

Sidii ruux ceyr ah tuugsan

 

Dakaan cisi heli karaaya

 

Cabiidnimadase ka doortay

 

Dadkaan codsigiisu keenay

 

Gumeysiga caawa jooga

 

Inuu cayayaan dulleysto

 

Midduu Cabdullaahi2 sheegay

 

Carruuraha soo koraayiyo

 

Hilibka ubadkee cajiiman

 

Cuqubadii laga horjoogay

 

Hadduu codcod sixina mooday

 

Ciqaab xeeradii ka leefyoo

 

Catowgiisaa u maragee

 

Cabbaar haddii uu dhibtooday

 

Cadaabkiina wada dhadhamiyay

 

Cadradahaa lagu hor jiitiyo

 

Raggiisa la ceejinaayo

 

Rafaadku inuu caraadshuu

 

Casharka ku baraarugaa iyo

Inuu weli calawasaadoo

Annagaa caadka sare u dhaafnoo

 

Calaacasha timo ka keenniyo

Caaqnimadii aan naqaannay

Cideysi kas dhaafi waayo

Cishooyinkaan aanu dhowrno.

 

 

Haddii cudud laysku geeyo

 

Caqliga aan laga midoobin

 

Cafisku waa  lama huraane

 

Haddaan laabaha la culannoo

 

Cuqdado aan laga koreyn iyo

 

Cuncunku tafaraaruq keeno

 

Kalsoonidu heddey cadhowdoo

 

Caynaanka la wada haweystay

 

Intuu ninba cirif u jiito

 

Daneysigu gaaro caalwaa

 

Run waa lagu ciilbaxaaye

 

Haddaan cimrigeen rucleyno

 

Amaan cakuyey la meerno

 

Caaddifad aan qorshe laheyn iyo

 

Carcarar guuli kuma timaado

 

Cadaawana laguma jebiyo.

 

 

Halganku cahdi iyo iskaashi

 

Cadliga oo lagu hoggaansho

Calowga oo laga ilaalsho

Halbeeg cabbiruu rabaaye

 

Intuu caalluhu horboodo

 

Markey himiladu cawaranto

 

Mugdiga leysku wada ciriirshoo

 

Cilaaqtanka lagu tartamayo

 

Ayaan cudbigii ku doodin

 

Inuu birahaba ka culusyay

 

Rajada yaan caad la saarin

 

Iyadoon cudurdaar la moogeyn

 

Wixii cilladaa aan darisno

 

Canaanta ha loo dulqaato

 

Halkey caanuhu ka daateen

 

Duleellada aan cufeyno

 

Waanadu yay canaanyo keenin.

 

 

Cigaal intuu madaxa saarto

 

Ninkii garka soo cillaansha

 

Khaliijka cambuurradiisiyo

Cimaamad guduudan qaatoo

 

Kalmado carabiya yaqaanna

 

Haddaan camalkiis tilmaamin

 

Ka dhigin ceel loo arooriyo

 

Cadceed wax iftiimineysoo

 

Badbaadiya caamadiisa

 

Richard Burton 3 -kii Cadmeed iyo

 

Billuu Shiikh Cabdalla yahaye

 

Curraafkii soo hagoogta

 

Durbaba caalim yaan la moodin.

 

 

Casrigu qaar uu dawakhiyoo

 

Fikrado lagu soo cabbeeyoo

 

Maskaxdu cubantaan arkaaye

 

Aqoontiisu key curyaantee

 

Cunsuriyadi iney gar tahay iyo

 

Caqiidooyin Jaan rumeysan

 

Caadiyo dhaqankeennii diiddan

 

Islaamkaba cay u haysta

 

Cawrana aan dadan kareynin

 

Asey tiisuba caddilantee

 

Cadale googgaalihiisa

 

Intaan cutub loo rigeynin

 

Amaan la caleemosaarin

 

La cuskan xuub caarocaaro

 

Calaamad kalaa ku taalle

 

Halkuu carcartaan ka keenay

 

Cinwaankeeda aanu hubinno.

 

 

Cadaadis markii la saaray

 

Qaarkoodna carbuun la siiyay

 

Carabahaan weheshaneyiyo

 

Afrikadaan caawineynay

 

Hadduu caalamkii dhammaantii

Garteenna ka caajisaayoo

 

Dhibkeenna ku ciidi saaka

 

Woyaane hadduu u ciidmin

Cagoole gurguuranaayiyo

 

Cutuushyada gowracooda

 

Xasuuqa hadduu ku caawin

Cadadka kumannaanka dhaafiyo

 

Meydkey cagafcagaftu duugto

Hadduu uba carrabdhabaayo.

 

 

Sidii cambihiyo babaayga

 

Inaan cunto nahay la boobo

 

Haddii loo wada codeeyay

 

Golaha4 cilinkaa ku baaqay

 

Cantaatac wax loo abuuray

 

Inuu dulmanaha cabburiyo

 

Awalba cucub buu ahaaye

 

Isagu calafka ma go’aansho

Wuxuuse calaanku sheegay

 

Caaqibadiis iney dhamaatay

 

Ciyaalsuuqina u taliso.

 

 

Laakiin sey la tahay cawaanta

 

Annagu meel ciirsilaa iyo

 

Cidliyo geerigo’an ma joogno

 

Diinkaba  isagoo caddiinoon

 

Laheyn qoloftaa cusleysay

Markey haddii is ciyatay

 

Intuu Cantallaay ka kow yey

 

Cadkiisa u soo heshiiyeen

 

Ciyoonna akhbaarti gaartoo

 

Colkii kugu soo dhawaaye

 

La yiri carar oo godkaa gal

 

Isagoon baqdin cantatabeynin

 

Caadilkii uu isku halleeyiyo

 

Iimaankiisaa ka celiyee

 

Cibaadada weynaheenna

 

Caddaalad haddii aan badinno

 

Haddaan midnimada ciseynoo

 

La diido qabyaalad caabbud

 

Warmaha tuman caaraddooda

 

Haddaan caabbinta ku samirnoon

 

Dhufeysyada jiif-cabbeyno

 

Cawiyo maalinna dadaalno

 

Quraanku siduu caddeeyay

 

Allaha cirka roob ka keena

 

Casiiskaa noo gargaariye

 

Carshiga aan khayr ka filanno.

 

Carshiga aan khayr ka filanno

 

Carshiga aan khayr ka filanno

 

Carshiga aan khayr ka filanno.

 

 

1.Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wuxuu bare sare ka yahay Jaamacadda Minnesota ee waddanka Mareykanka. Cabdi wuxuu kaalin hormuudnimo uga jiraa halganka loogu jiro sidii loo badbaadin lahaa  jiritaanka umadda Soomaaliyeed ee halista ku sugan. 

 

2. Abwaan C/laahi Suladaan ( Timacadde), A.H.N , sugaantiisa dhaxalgalka ah ee taariikhda gashay waxaa ka mid ahaa gabaygii; Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane.

 

 

3. Richard Francis Burton (1821-1890), oo Soomaalida dhexdeeda uga caanbaxay Shiikh Cabdalla, wuxuu ahaa sahmiye weyn oo  ay dhalashadiisu Ingiriis aheyd. Intii u dhaxeysay 1842- 1853 wuxuu ka mid ahaa ciidamadii ay qoratay shirkaddii  British East India Company. Sanadkii 1853, sida la sheego waxaa u suurtogashay inuu booqdo magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina, isagoo isku ekeysiinaya qof muslim ah oo soo xajinaya. Bishii May 1854, Richard waxaa loo badalay magaalada Cadan ee waddanka Yamen, si uu u soo basaaso dadka Soomaalida ah oo xillagaas ay gumeysteyaashu wax yar ka yaqiinneen. Richard Burton, isagoo iska dhigaya wadaad carbeed oo diinta Islaamka faafinaya ayuu howshiisii ka billaabay magaalada Saylac isagoo soo sahmiyay ilaa magaalada Harar oo xilligaas aheyd xaruntii ugu muhiimsaneyd ee Soomaalida. Bishii Abriil 1855, ka dib markii laga warhelay khiyaanadiisa ayay dagaalyahanno Soomaaliyeed agagaarka Berbera ku weerareen Burton iyo askar la socotay oo Ingiriis iyo Afrikaanba laheyd. Dagaalkaas oo ahaa mid aad u culus waxaa Richard Burton ka soo gaaray dhaawacyo culus, wuxuuna ku baxsaday doon ula carartay magaalada Cadan.

 

 

4.  Golaha Qaramada Midoobay.


Inj. Maxamed Cabdi Cibaar
E-mail:



 





Click here