11/17/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
Maxaan ka Ognahay Dhibka Dhalinyarada
fiogf49gjkf0d

W/Q: Mohamed Mukhtar
Sunday, February 03, 2008

Mudooyinkaan danbe qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool wadankaan Ingiriiska waxa ay noqonayeen kuwa soo jiida saxaafada, iyaga oo lagu eedaynayo danbiyo kala duwan sida dil iyo dhac.  Sidoo kale waxaa sii badanyay is faham la’aanta u dhaxeysa dhalinyarada iyo dadka waaweyn ee Soomaliyeed. Haddaba arimahaan si wax looga ogaado ayay Dr Caroline Paskell oo ka tirsan London School of Economics waxa ay sameysay cilmi baaris lagu eegayo arimahaan. Inkasta oo cilmi baaristani ku saabsanayd deegaan gaar ah haddana dooda iyo baahida dhalinyarada qabaan waa ay ka taagan tahay meel walbo oo ay jaaliyaddu degen tahay. Haddaba qoraalkaan waxaan ku soo koobeynaa waxyabihii ay sheegtay cilmi baaristani gaar ahaan inta quseysa waalidka iyo dhalinyarada.

Dhibka dhalinyarada

Dhalinta Soomaliyeed waxa ay la qabaan dhibaatooyinka guud ee ay jaaliyaddu qabto sida dhaqaalo yarida iyo gurya xumida, laakin waxaa jira mashaakilaad ayaga u qaas ah. Mashaakilaadkaas waxaa ka mid ah hoos u dhac waxbarasho (school under-performance), ka saaridda dugsiga (school exclusion), ka mid noqoshada kooxaha burcadka (gang involvement), anshax xumida (anti-social behaviour), iyo isticmaalka ama ka ganacsiga maandooriyayaasha (drug-use or drug-dealing).

Kuliidashada xaga waxbarashada waxaa loo arkay in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee hortaagan dhalinta Soomaliyeed. Waxaana la aaminsan yahay in ay furo u tahay dhamaan dhibaatoyinka kale ee ay la kulmaan dhalinyarada Soomaliyeed. Inkasta oo aanay cilmi baaristani sheegin inta ay la eg tahay hooseynta ardayda Soomaliyeed, laakin warbixin kale oo aay soo bandhigtay degmada Lambeth ee magaalada London waxa ay muujinaysaa sida ay ardayda Soomaliyeed ee dhigta dugsiyada sare waxbarashadooda ay u liidato marka loo garabdhigo jaaliyadaha kale.

Warbixinta Lambeth waxa ay sheegtay sababaha dhalinyarada Soomaliyeed waxbarashada ugu liitaan in ay ka mid yihiin cilado xaga luqada, faham la’aan qaabka waxbarashada Ingiriiska, iyo kaalmada caruurta ay ka helaan waalidka oo xadidan.

Ka mid noqoshada kooxaha burcadka (gang involvement) ayaa waxaa uu noqday dhibka labaad ee dhalinta haysta. Sameynta kooxaha noocaanihi waxaa ay aad u taabo galeen shantii sano ee ugu danbeysay. Kooxahani kuma saleysno qabiil ama sinji balse waxa ay ku saleysan yihiin dagaan (postcode). Sababta ugu weyn ee loo sameeyo ama ay dhalinyarada u galaan waa helitaanka saaxibo difaaca.

Isticmaalka ama ka ganacsiga maandooriyayaasha ayaa noqday dhibka sadexaad. Cilmi baaristu waxa ay sheegtay in dhibkani yimaado marka dhalinyarada waxbarashadooda hoos u dhacdo ama laga soo ceyriyo waxbarashada. Sidoo kale waxa ay sheegtay in jaaliyada iyo waalidiintaba aanay jecleen in ay sheegaan in caruurtooda isticmaalaan ama ka ganacsadaan maandooriyayaal taana waxay sii adkeeynaysa ogaanshaha inta ay la eg tahay dhibaatada iyo xal u heli deedaba.

Kasaarida dugsiga (school exclusion) ayaa isna lagu sheegay in uu aad ugu xeran yahay  gaabinta waxbarasho (school under-performance) iyo ka mid noqoshada kooxaha burcadka (gang involvement). Waalidiinta iyo kuwa la shaqeeyo caruurta waxa ay u arkaan kasaarida dugsiga in uu yahay astaanta ugu weyn ee lagu garto dhibaatoyinka soo wajaho dhalinyarada. Dugsiyada waagii hore waxay u arki jireen kasaarida dugsiga (school exclusion) in uu yahay xal fiican balse hadda waxay dareemeen in ku haynta ardayda dugsiga dhexdiisa in ay ka fiican tahay ka saarida dugsiga.

Anshax xumida (anti-social behaviour) gaar ahaan joogsiga wadooyinka ayaa noqday arin ay caan ku noqdaan dhalinyarada Soomaliyeed. Waalid badan ayaa waxa ay walwal ka muujiyeen dhibaatada caruurtooda ka soo gaari karta inkasta oo aanay tan la mid aheyd sameyn fal danbiyeed.

Xaga fal danbiyeedka, dhalinyarada Soomaliyeed guud ahaan waa ay ku cusub yihiin xaga danbiyada marka la garab dhigo jaaliyadaha kale. Fal danbiyeedyada nooca la xariira maandooriyayaasha iyo kamid noqoshada burcad ayaa ah kuwa ugu badan oo ay galaan dhalinyarada Soomaliyeed.

Isfahamka dhalinyarada iyo dadka waaweyn

Dhamaan mashaakilaadka aan kor ku soo xusnay waa dhibaatooyinka dhalinyarada Soomaliyeed kala kulmaan banaanka. Is fahamka la’aanta ka dhex jirta dhalinyarada iyo waalidka waa mashaakil ay dhilinyarada kala kulmaan guriga dhexdiisa. Qeybtaan hoose waxaan ku soo qaadaneynaa waxyaabaha keena is faham la’aantaas.

Qoysaska Soomalida marka ay joogeen wadankooda waxa ay cawinaad ka heli jireen qaraabada, wiilashana waqtigooda badankii waxa ay ku qaadan jireen ama ku ciyaari jireen banaanka halka howsha guriga ay ku dhici jirtay gabdhaha. Somaliya, aabuhu wuxuu ahaa mid banaanka ka soo shaqeeyo halka hooyadanu guriga ka shaqeyn jirtay. Halkaan, wadankaan Ingiriiska, waxaa is badelay qaab nololeedkii qoysaska Soomaliyeed. Waxaa la waayay kaalmadii qaraabada, sidoo kale caruurta banaanka kuma cayaaraan. Tani waxa ay kordhisay howshii waalidka. Intaa waxaa dheer is badalka ku yimid qoyska gudihiisa.. Halkaan marka la yimid, hooyada Somaliyeed waxa u fududadaaday kaalintii hooyanimo ay sii wadato, balse aabihii Somaliyeed waxaa ku adkaatay in uu noqdo qof banaanka ka soo shaqeeya. Aqoondaro luqadeed ama xirfadeed ayaa ah arimaha adkeeyay in aabayasha shaqo wada helaan. Aaboyaal badan ayaa waqtigooda ku qaato cunitaanka qaadka taana waxa ay culeys dheeraad ah dusha ka saartaa hooyooyinka. Waxaa intaa dheer in gabdhihii aay rabaan in wiilasha ka qeyb qataan howlaha guriga. Isku soo duboo tani waxa ay abuurtaa in uu yaraado xiriirka qoyska dhexdiisa ka jira.

Qoysaska Soomalida waxaa aad ugu badan qoysaska hooyada kaligeed (single mother) ay waalidka tahay. Ka maqnaanshaha aabaha waxa ay dhalisaa dhaqalihii guriga soo geli lahaa in uu yarado, gaar ahaan wiilasha waxa ay waayaan cid ay ku daydaan (role model), taana waxa ay keentaa in culeyska hooyada hayo sii bato ayna waqti u weydo ay kaga warqabto dhamaan caruurta.

Cilmi baaristu waxay tiri waalidka Soomalida waxa ay daremayaan in sharciga wadankaan gacmaha ka xeray oo aan loo ogalayn in caruurtooda edbiyaan taasna ay dhaliso in ilmaha faraha ka baxaan. Waalidiintu waxa kale oo ay sheegeen in caruur badan been abuursameeyaan si xurnimo dheeraad ah u helaan. Ilmaha Soomaliyeed waxay sheegeen in waalidkood uu ku qayliyo halka uu wax u sheegi lahaa, in uu amar siyo halka uu kala tashan lahaa,  taana ay abuurto kala durugsanaan u dhaxeysa caruurta iyo waalidka.   

Luqada ayaa ayadana noqotay caqabad soo kala dhexgasha ilmaha iyo waalidka. Inta badan waalidka Soomalida si fiican uguma hadli karaan luqada Ingiriiska, halka caruurtana luqadooda kowaad ay tahay Ingiriis. Inkasta oo waalidku ku dhiiri geliyo caruurtooda in luqada Ingiriiska si fican u bartaan haddana iyaga laftooda si fiican uma bartaan, taana waxay abuurtaa sadex arimood. 1 - in ay yaraato tixgelinta caruurta u hayaan waalidkooda. 2 – in caruurtu ka faa’ideystaan aqoon darida waalidka sida iyaga oo si qaldan u tarjumaan waxyaabaha aanay rabin in waalidkooda ogadaan. 3 – waalidka laftooda oo dareemo in aanay caawin karin ilmahooda.  

Guryaha oo cariiri ah waxa ay abuuraan iska hor imaad dhexmara qoyska. Qoysaska Soomalida inta badan waxa ay lee yihiin 4 ama 5 caruur ah, waana iska caadi in la helo qoysas leh tiro intaa ka badan. Tani waxa ay keenaysaa in caruurta waayaan meel ay wax ku bartaan ama waqtigooda ku qaatan taana ay dhaliso in caruurta wadooyinka istaagaan.

Talo bixin

Climi baaristu waxa ay ku talinaysaa in waalidku fahmo aqbalana kala duwanaanshaha labada dhaqan ay tahay mida ugu horesyo ee wax looga qaban karo mashaakilaadka la xariira dhalinyarada. Sidoo kale waalidka waa in uu xiriir sokeeya la sameysto caruurta isaga oo kala hadlaya waxyaabaha caruuta quseeyo sida waxbarashada, saaxiibada, iwm. Sidoo kale waa in ay waalidku fahmo howsha ay qabtaan hay’adaha adeega bulshada (social services) iyo awooda ay lee yihiin. Tani macnaheedu waxa ay tahay in waalidku isku dayo in uu barto sharciga si uu u fahmo waxa sharciga uu ka qabo korinta ilmaha.


Mohamed Mukhtar
London, UK
[email protected]



advertisements
 
Click here