4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Hiiraan Online waxa ay hanbalyeyneysaa Daljirka Dahson
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
HIIRAAN ONLINE
Tuesday, August 19, 2008

 


Daljirka Dahsoon ee Soomaaliya waa Dumarka Soomaaliyeed
Bulshada Somaliyeed waxa loo qeybin karaa kooxo la yaqaano. Sida dhalinyaro, qurbo joog, siyaasiyiin, dumar, ganacsato, ciidan, culimada diinta, hogaaniye dhaqameed, indheergarad, iyo bahada warbaahinta.

 

Hadii aan qiimeyno kooxahan wax qabadkooda ku wajahan horu kaca ama (la’aantiisa) shaki la’aan qaarbaa waxqabadkoodu muuqanayaa.

 

Sidoo kale qaarbaa ku sifoobaya qiyaamo qaran, qiimeynta kooxahan dabadeed,  qaar ayaan kaba muuqan sawirka.

 

Marka laga reebo koox uun, kooxdaas oo aan ugu yeerno ciidanka aan la garawsan, gebi kooxaha kale ee aan dusha ku soo xusnay   waxa ay ku hor kufeen ummadda, marka laga hadlayo waxqabad bulsheed. Inbadan oo ka mid ahina waxa ayba yihiin denbiilayaal ku sifoobay wax u qabad la’aan qaran, bal eeg aqriste aafada labaatanka sano lagu jiro.

 

Dhanka kale kuwa aanu ugu yeernay Daljirka dahson cid iyo qaran toona waxba uma geysan, sidey doonto ha ahaatee labaatankii sano ee la soo dhaafay waxay ku keliyoobeen badbaadada wadankooda oo qaarkoodna naftoodii ay u hureen.

 

Hadii aadan ilaa iminka garan cida aan ka hadleyno, kula yaabi meyno, kelina kuma tihid arinkaa. Badi Soomaalidu wacaal kama hayaan cida ay yihiin sareeyeyaashani soomaali oo dhami ay aheyd in ay abaal uga dhigaan salaan sharaf ay ku muteysteen badbaadada Somalia.

 

Dal jirka dahson ee Somalia waa haweenka Soomaaliyeed.

 

Lama mid aha raga soomaliyeed ee micno darida ku burburiyay qarankoodii, haweenka soomaaliyeed gudo iyo dibad halkeydoonaan ha ku sugnaadeene cid wax mey yeelin, waxa ay ambaqaadeen horu kacii dalka, dhan dhaqaale iyo dhan kaleba.

 

Dhan walba Qiimaha garaadkooda lama goyn karo.waxa ay mudan yihiin marxabeyn iyo raynreyn, waxa aan si gaarah u qadarineynaa sida ay uga bedqabaan cudur sidaha qabiilka ee hawl gabka baday raga Soomaaliyeed.

 

Dumarka la’aantood, Soomaalidu muddo hore ayeey dabar go'lahaayeen. Dumarka Soomaaliyeed la'aantooda ummadda Soomaaliyeed horumar ma garteen. Haweenka Soomaaliyeed waan in loo hambalyeeyaa, la raali geliyaa, la xaal mariyaa, lala tashtaa, intaas oo idil ka dibna waa in loo qiraa in ay yihiin bedbaaadiyeyaal ummad.

 

Hiiraan Online waxa ay maqaalkan ku xuseysaa haweenka somaliyeed melba ay joogaan

 

Ku soo dir rayigaaga: [email protected]



 





Click here