4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Loolanka Siyaasadeed ee dowladda iyo Duqa magaalada Muqdisho
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
HIIRAAN ONLINE
Tuesday, August 12, 2008

 


Xilka qaadista ama magacaabista Duqa magaalada Muqdisho  Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere) oo ay isku hayaan madaxdii ugu sareysay dowladda iyo golohoodii wasiiradda  oo laga sugayey nabadeynta iyo horumarka Soomaaliyeed ayaa ah arrin aad loola yaabo.

Haddii ay magaalada Muqdisho oo ah caasimadda qaranka Soomaaliya ay muhimad gaar ah leedahay, waxay ahayd in ay dastuurka ku caddahay sida loo magacaabayo ama xilka looga qaadayo.  Haddii markaas oo madmadow soo galo fasiraadda dastuurka, waxaa ahayd in loo gudbiyo maxkamadda dastuuriga ah taaso oo xalisa isqabqabsiga xubnaha dowladda. Waxaase dhibaatada heerkaan gaarsiiyey ayada oo aysan jirin maxkamad dastuuri ah oo waddanka u dhisan.

Mar haddii Maxkamad Dastuuri aysan jirin, waxay u muuqataa in howshaan aysan huridoonin in la horgeeyo golaha Baarlmaanka kuwaas oo nasiib darro sida horayba looga bartay codkooda la kala iibsada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ilaa iyo dhalashadeediiba la kacaalaa kufeysay  iska horimmaad dhexdeeda ah ayaa arrinta  xil ka qaadista Maxamed Dheere waxay noqotay mid sii horisa, waxayse dhibaatadaan kuwii hore kaga duwanaan kartaa ayada  oo beesha caalamka la moodo in ay xiiso gaar ah u hayso  arrimaha dowladda federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliyeed ayaa horay ugu guuleystay loolan awoodeed (Power struggle) oo horay u dhexmaray isaga iyo madax sare ee dowladda oo ay ka mid ahaayeen (Guddoomiyhii hore ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaarihii  hore, guddoomiyihii maxkamadda sare).

Wuxuuse hadal ka joogaa, wax uu ku dambeyndoono loolanka awoodeed ee u dhexeeya Cabdullahi Yusuf iyo Nuur Cadde, ayada oo ay soo ifbaxday kala qaybsanaan xool leh ee u dhexeysa golaha wasiirada iyo xubnaha baarlmaanka.

Maxamed Dheere oo in muddo ah ka dhex-mooqday siyaasadda Soomaaliya ayaa xil ka qaadistiisa waxay dadbane u arkaan in ay bilow  u tahay qorshe dheer ee uu Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde ku hiigsanayo nabadeynta magaalada Muqdishu taas oo Ra’iisul Wasaaruhu isleeyahy wuxuu gogol xaar u noqon karaa arrimaha dib u heshiinsiinta.

Sii haynta Maxamed Dheere ee xilka Duqa magaalada muqdisho iyo haddii uu ka daba tagayo madaxdii horay xilka looga qaaday waxaad moodaa in aysan ku xirneyn Soomaalida balse ay u taalo Beesha Caalamka gaar ahaan dowladda Itoobiya oo ciidan xoog leh ka joogo dalka Soomaaliya.

Ugu dambeystii, loolankan awooda lagu dagaalamayo ayaa wuxuu ku soo koobmay magaalada Muqdishu ayda uu xurguftaas uu udub-dhexaad u yahay Maxamed Dheere, beesha caalamkana laga sugaayo go’aankeed.

Dadweynaha reer Muqdishu oo sida dastuurka qorayo ay ahayd in ay soo doortaan duqa magaalada Muqdishu ayaad nasiib darro waxaad moodaa in ay korjooto ka yihiin waxa laysku hayaba.

Nala wadaag dareenkaaga iyo dowrkaaga: [email protected]



 





Click here