4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa Xal Ah?
fiogf49gjkf0d

Qore Cabdi Nuur Maxamed
Sunday, April 06, 2008

Inta aan u guda gelin ka hadalka xalka somalia iyo dhibta nabad-raadinta somalia, waxaan marka hore jecelahay in aan xuso in aan nasiib u helay in bishi March 29 ilaa 30 keedi aan ka qeybgalo shir ay soo qabanqaabiyeen isbahaysiga somaliyeed ee ka dhisan dalka Sweden. Shirkaas oo ka dhacay meel u dhow magaalada Gotenbög ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan ama aan iraahdo inta badan uruurada somaliyeed oo NGOyada ah ee ka dhisan dalka Sweden kuna bahoobay isbahaysigan. Waxaa halkaas lagu doortay guddoomiye cusub oo la yiraahdo Farax C. Faarax oo ah shaqsi ay iiga muuqatay in uu leeyahay waayaragnmo buuxda oo dhinacyo badan leh waxaan u rejeeyayaa inuu xislkaas adag si geesinimo iyo karti leh uga soo baxo. 
 
Guddoomiyaha cusub wuxuu beddelay Cabdul Nuur Makaraan oo agaasime guud ka ah heyadda Horn Consulting oo runtii aad ugu faraxsanaa in xilki uu isbahaysiga u hayay uu iska wareejiyo ka dib marki uu Guddomiyahay cusub Faarax C. Faarax uu ku guuleystgay doorashadi madaxtinimada isbahaysiga. Waxaan ka fursan karin in aa qiro in shirkaasi ii fursad cusub iyo waayaragnimo nolosheyda ku nsoo korortay waayo waa marki ugu horeysay oo aan goobjoog ka ahaado muddo 17 sano ah doorasho si qeylo la´aan ah loo soo qabanaqqbiyay una dhacday iyadoo aysan qeylo ka yeerin iyadoo aan hub la isugu hanjabin lacag laaluush ahna aan la kala qaadanin.  Waxaan filayaa in siyaasiyiinta Somaliyeed ay ku daydaan hannaanka iyo tusaalaha uu is bahaysigan bixiyay.
 
Waxaa xusid mudan in inti uu shirka socday uu nagala soo qeybgalay abwaanka weyn ee somaliyeed Mudane Mustafa Sheikh Cilmi oo Xamar inooga yimid ahna abwaan aan ka seexan curinta maanso lagu cabbirayo hadba heerka uu dalku marayo waana shaqsi ka badbaadi doona haddii ay suugaantu dacwad ku soo oogto abwaanadi la yiqiinay ee curinta ka gaabsaday inti dagaaladu socdeen, ama tiriyay gabayo qabyaalad ama erayo isku dir ah ay ku dhehan yihiin. Dal ma dhinto inta nay suugaantiisu nooshayahy waxaase loo yaabaa marka ay abwaannadiisu iyo qorayaashiisuba ay ka gaabsadaan xaqiiqda dalkooda ka dhaceysa.
 
Waxaa shirka kaalin weyn ka qaatay oo intaa makrafoon iyo sawirro la daba joogay Radio Somaliweyn oo ay masaleysay Ikraam iyo Universal TV oo uu daadihinayay Cabdullahi iimaan.  Gees walba oo aad shirka ka eegto wuxuu aha mid ku cajabiya marka laga reebo ka qeybgalka dumarka oo aad u yaraa taasoo keentay in Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd oo ah shaqsi si u dhqadhaaqa dadka laga tirada badan yahay in uu tilmaamo ama dhaliilo tirada yar ee dumarka ee hor fadhiyay mar uu hadalka qaatay isagoo raba in uu iftiimiyo qodob uu markaas shirku ka hadlayay. Sida ay taasi ku dhacday waan u kuurgalay marki dambe wax jawaab ah oo i qanciyase ma helin iyadoo shirkguddoonku ku gaabsaday in qof walba la casuumay.
 
Iyadoo qeyb la iga siiyay waqtigii loo qoondeeyay shaqsiyaadka loo gartay in ay shirka ka hadlaan ayaa haddana aysan ii suuragelin in aan halkaa ka jeediyo dhammáan wixii aan doonayay oo dhan in aan soo bandhigo, waqtiga oo ciriiri ahaa awgeed. Waxaase ii suuragashay in aan koox koox ula kulmo ka soo qeybgalayaashi shirka kalana hadlo dhibaatada dalka haysata iyo sida ay u arkaan in xal lagu heli karo.
´
Su´aasheydu waxay ahayd:
 
"Waad aragtaan in dalki faraha ka baxay. Sidee Somalia gacan Somaliyeed loogu soo celin karaa? Waxaa socda dadaalo nabadeed oo isa soo taraya waxaanse la iska indha tiri karin khilaafka siyaasadeed in uu gaaray meel aad u fog. Meel waxaa ka jira TFG iyo Itobiya oo gacan ka haystga mareykanka, meelna waxaa ka jira muqaawamo oo kacdoon hubeysan kala soo horjeeda dawladda iyo xulufadeeda. Haddii aan la is indha tireyn dawlad ay maxkamaduhu ka maqan yihiin wey adag tahay in Somalia laga dhiso. Sidoo kale waxaa adag in ay hirgasho dawlad ay ka tirsan yihiin xubno Al-Shabaab ah xitaa haddii dawladdasi tahay mid loo wada dhan yahay oo somali isku raacday waayo waxaad ogtihiin in Mareykanku Al-Shabaab ku tilmaayay argagiso ama rag gacan saar la leh argagixisada. Waxaad mooddaa in Somalia laga dhiso dawlad ay ku wada jiraan Al shabaab iyo qolada TFG in ay ka sahlan tahay in malaaig iyo sheydaan miis qura la isugu keeno lagana codsado in ay wada shaqeeyaan. Inta ay arrimahan taagan yihiina suuragal ma aha in Somalia dawlad laga dhiso. Haddaba maxaa xal ah? Ma dalkaanu iska ilownaa mise xal baan heli karnaa?" Jawaabihii aan helay waxay isugu soo biyo shubteen waa "waa qasab in xal la helaa, waana in aan isaga nimaadaa arrintan mar kale" Jawaab cad weli lama hayo, anigan ma hayo ee adiga maxay kula tahay?
 
Cabdi-Nuur Maxamad
Qoraa iyo film sameeye
Gävle, Sweden
[email protected]



 





Click here