4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Nabad ku soo Dabbaalidda Soomaaliya
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D  A
HIIRAAN ONLINE
Monday, April 07, 2008 


Waa canug Soomaaliyeed oo cunto ka sugaya hooyadiis, Xaro qaxooti oo taala degmada Johar ku taala, Sept. 26, 2007. (Khalil Senosi/ AP Photo)
Haddii ay jirto arrimaha Soomaaliya, arrin aan wax is-beddel ku imaan labaatankii sano ee la soo dhaafay, arrintaasi waa in mushkiladda Soomaaliya ay sanad kasta sii murgeysey. Maanta oo ay dhamaatay saddexdii bilood ee ugu horreysey sanadkan 2008, xaaladda Soomaaliya waxaa lagu tilmaami karaa – xaaladdii ugu xumayd ee Soomaaliya ay soo marto intii ayba jirtey. Dhab ahaantii, hal-beeg kasta oo lagu miisaamo horumarka bini’aadamka, waxaa soo baxaysa Soomaaliya in ay tahay meesha ugu liidata caalamka. Tusaale ahaan, haddii la baaro labada eray ee Soomaaliya iyo ugu xun waxaa soo caddaanaysa in erayga ugu xun (iyo erayo la macno ah) ay lammaanayaal ku yihiin Soomaaliya - in aad ugu badan inta ay erayadaas raacaan waddamada kale ee caalamka.   

 

Waxa uu tilmaamay Ahmedou Ould-Abdallah, sarkaalka sare ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, “xaaladda Soomaaliya ayaa ugu xun Qaaradda (Afrika].” Hay’adda UNICEF-na waxay sheegtay, “Soomaaliya ayaa ugu xun meel caruur ku noolaato.” Hay’adda dabagalka ku samaysa musuq-maasuqa ee Transparency International, waxa ay Soomaaliya ku tilmaantay, “meesha ugu musuq-maasuq badan.”  Ururka Wariyayaasha aan Xadka Lahayna (Reporters Without Borders), waxa ay Soomaaliya ku  tilmaameen, “meesha suxufiyiinta ugu khatarsan Afrika.” Haya’adda Amnesty International waxa ka tiri xorriyadda saxaafadda ee Soomaliya in “ilaa iyo sanadkii 1991, xilliggan uu yahay midkii ugu xumaa.” Ururka badaha ee International Maritime Bureau waxa uu isna yiri, “Biyaha Soomaaliya ayaa ah kuwa ugu khatar iyo burcad-baddeed badan adduunka oo idil.” Dhinaca qoxootiga, sida uu sheegay UN High Commissioner for Refugees, “Soomaaliya waa meesha ay ka jirta baahidda ugu badan ee bini’aadaminimo adduunka oo idil – (xaaladda Soomaliyana) waa ay ka xun tahay Daafuur.” UNICEF, waxay ay iyana sheegtay in Soomaaliya ay ka jirto “nafaqo-darada ugu daran.” Dhinaca dhaqaalaha iyo lacagaha, wakaaladda wararka ee Bloomberg News oo qiimayn ku samaysay lacagaha 72 wadan, waxa ay lacagta Soomaaliya ku tilmaantay, “lacagta ugu liidaha.”  Dhinaca xuquuqda iinsaanka, Leslie Lefkow ee hay’adda Human Rights Watch waxa ay tiri, “run ahaantii, markaad adduunka eegto arrinta Soomaaliya wax lala bar-bardhigi karo ma jirto - baaxadda danbiyada iyo badnida barakicinta.”  Dhinaca dadka Soomaaliya u gurmada, afhayeenka World Food Program waxa uu Soomaaliya ku sheegay, “mid ka mid ah meelaha ugu xun, haddii aysanba ahayn meesha ugu xun adduunka ee ay ka hawl-gelaan haya’daha samafalka.” Haya’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO-na waxa ay tilmaantay in, “tilmaamayaasha (heerka iyo hurumarka) caafimaad ee Soomaaliya ay yihiin kuwa adduuka ugu hooseeya.”

 

Ilaha ugu weyn oo ay ka burqanayaan dhibaatooyinka Soomaaliya, waa la’aanta nabadda iyo dagaalada huraya.  Si loo joojiyo dhibaatooyinka Soomaaliya la degey, Soomaalidu waxa ay u baahan tahay in ay heshiiyaan. Dabka Soomaaliya ka holcaya, Soomaailda ayaa shidday ama gacan ku siisay umaddo kale in ay sii hurriyaan. Nasiib darro, arrinka ah in Soomaaliya nabad lagu soo dabbaallo, waxa uu noqday arrin duug ah oo laga daaley laguna daalay. Nabad Soomaaliiya laga dhaliyo, waxay noqotay mid la gaari waayey. Waa in aan is weydiinnaa sababta taas keentay. Ma waxaa keenay in mushkiladda Soomaaliya ay tahay mid aan xal-lahayn, taas oo ka dhigaysa baadi-goobka nabad Soomaaliya, wax aanba suurto galba ahayn? Mise dadka hormuudka ka ah dib-u-heshiisiinta ayaa ku socdey jid khaldan mise kuwa la heshiisiiyo ayaanba ahayn dadkii nabaddu ka go’dey ee munaasibka ahaa? Mise dadkii ay ahayd in ay nabad doonaan ayaa hawshii ku fashilmay, amaba aan u istaagin oo aan doonayn in ay waajibkooda gutaan? Mise waxaa jira sababo naga qarsoon oo nabad iyo Soomaliya ka dhigaya waddooyin aan kulmin?

 

Sababtu waxay doonto ha noqotee, hadda waxaa na horyaal Soomaaliya oo dhex-muquursan dagaalo murugsan oo labaatan jirsaday. Waxaan ku sugan nahay xaalad Muqdisho oo aan la moodin Magaalo-mdax balse ay u ekaatay galangal iyo guri ba’ay. Waxaan haynaa, Soomaaliya oo dad ka badan boqolaal kun ay barakeceen; intaa in le’egna ay qarka u saran yihiin barakac dagaalada aloosan iyo kuwa soo muuqda awgood. Waxaan xaqiiqo ah saddex-meelood hal meel, dhulkii Soomaliya ee gobolada woqooyi in ay goosteen shan iyo toban sano ka hor – iyadoo aanayba jirin wax la iska yiri raadka ka dhashay go’niin-kaas. Waxaa na horyaal in Soomaali hal-malyan gaaraya - oo ah dabaqaddii dhexe  - in ay dalka uga firxadeen daafaha dunida, rajada soo noqodkooduna uu yar yahay. Waxaan ku jirnaa xaalad labada awoodood oo siyaasad ahaan ugu tug-tugta roon Soomaaliya -  DFKM iyo Isbahaysiga Casmara xaruntoodu tahay - aanayba u soo jeedin wadahadal dhex mara oo heshiis keena.

 

Soomaliya waxa ay ku jirtaa xaalad xitaa Ergeyga Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan, aanu ku dhiirran karin in uu soo bandhigo hindisihiisa nabadda ee Soomaaliya, cabsi uu ka qabo in ay xubnaha Bulshada Caalamka ka carqaladeeyaan hindisahaas. Soomaliya waxa ay noqotay haybaddii Qaran la burburiyey ayna  baddaleen u daacad noqosho iyo dabasocod qabyaalad sida cudurka u fiddaysa; Soomaaliya waxa ay noqotay dal, rajo-xumada, fara-gelinta shisheeyaha, macan-gagnimada siyaasadeed (oo ka marran dareen wada-shaqyn iyo is-fahan) ay noqotay aasaaska siyaasaddu ka bilaabato iyo qorshaha hawl-galka ee loo batay.

 

Kaddib markii ay xanuujisay xaaladdahaas laga yax-yaxo ee dalka, ayay Shabakadda Hiiraan Online, goosatay in ay akhristayaasheeda la wadaagto qoraalkaan. Waxaan warsanaynaa, ku raadjoognaa, baadigoobaynaa sidii haddaan Soomaali nahay – dal iyo dibadba – aan gacan ugu geysan karno sidii Soomaaliya ay ku heli lahayd nabad. Waxaan aragnaa sida kaliya ee Soomaaliya ay ku soo ceshan karto sharaftii ay lahayd  - oo in badan ay si weyn balse sii lib-dhaysa ay u xusuustaan kuwo kalana ay sawir-niyadeed kaliya ku arkaan - in ay tahay oo kaliya Soomaaliya  oo nabad lagu soo dabbaallo. Soomaaliyana nabad ka dhalan mayso haddii dadaal weyn oo nabad iyo dib-u-heshiisiin aanay Soomaalidu la imaan, maxaa yeelay labaatan sano in ku dhow, ayaa jidka nabadda la hareer marsanaa.

 

In kasta oo dhibaatooyin maansheeyey iyo ayaan-darro noocyo badan ay Soomaaliya hareereeyeen, haddana labaatan sano Soomaaliya waa iska luudaysey. Taas waxaa suuro galiyey ayaan aamminsan nahay, adkaysiga iyo dhabar adayga sarreeya ee ummadda Soomaaliyeed. Waxaan aragnaa kuna kalsoon nahay, rajada kaliya ee laga qabaa in Soomaaliya ay ka soo baxdo godka ay ku dhacday, in ay tahay maan-furnaanta, fir-fircoonida, dhiiranaanta  iyo dadaalka dadka Soomaaliyeed - rag iyo hablaba.

 

Shabakadda Hiiraan Online-na waxay aad u danaynaysaa in ay maqasho dareenka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaalli lahaa.


Fadlan ku soo dir dareenkaaga oo kooban:

Editorial@hiiraan.com



 





Click here