4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
BOOLISKA SOOMAALILAND: ISKA DAAYA MASAAKIINTA!!

Qore: Guled Ismail
Sunday, September 23, 2007

 

Waxaan akhristay sheeko aan ku xumaaaday oo ku qoreyd HadwanaagNews “Booliska Hargeysa oo dagaal ku haya Xaaraan kariyeyaasha”. Shebekadda oo soo xiganeysa wargeyska Geeska Afrika waxay soo bandhigtay sheeko maalin kasta ka dhacda Soomalilan iyo Soomaaliya oo dhan oo ah Booliska oo nafta isugu keena dadka danyarta ah aan xoog iyo xool toona haysan, maxaysatada iyo hooyooyinka gaajoonaya.

 

Dadka shacbiga ahina waxaad moodaa mid naxiiriistii iyo biniaadminimadii ka fogaatay oo Booliiska iyagaa usoo horkaca oo kusoo hoogaamiya waxyeeelada iyo dibindaabyeeynta masaakiinta.

 

Bisha Rabadaan ee barakaysan waxay ahayd inay raxmad quluubta muslimiinta geliso ee ma ahayn in loo adeegsado sidii wax loo yeeli lahaa dadka liita ee la xawla walaa quwatada ah ee aan quutal daruuri helin Rabadaan iyo bil kale toona.

 

Dadkani oo u badan hooyooyin waxay kariyaan raashin yar qadadii si ay dakhli yar u helaan oo ay caruurtooda caano boodhe yar habeenkii u siistaan. Cashadii iyo bilaha kale lama tartami karaan hudheelada waaweyn sidaa darted inta hudheeladani xidhan yihiin ee maalmaha rabadaanta ah ayey in yar oo hiliba buul hoostii ku kariyaan oo maalintii haday ugu badnaato laba doolar kasoo gasho.

 

Dadkaas aad arkeyso ayaa Booliis, odayaal isku sheeg, culuma isku sheeg iyo rag kale oo waaweyni intay isugu tagaan cagta mariyaan oo raashinkii ay karinayeen daadiyaan oo waabahooda dumiyaan.

 

Shar iyo xaraani hadday jirto taasaa xaaraana ah oo wax bashar iyo ilaahba ka cadhoodo ah. Waryaa xaq Booliska iyo dadkan kale ee is magacaabay u siiyey inay ilaahay iyo dadkiisa soo kala dhex galaan? War ilaahay sow arki maayo in xaaran karinta dadkan gaajo iyo macaluuli u geysay ee aan kibir iyo gaalnimo midina u geynin?

 

Balse miyaaney waali aheyn in magaalo weyn aan meelina fureeyn maalin oo dhan? Waar miyaan dadka safarka ah, haweenka nuujiniya caruurta, bukaanka il daran, caruurta aan qaan gaadhin la odhan Soon ma haysto illeen ilaahay waa caadile? Yaa wax u karinaya dadkan oo dhan?

 

Marka maaaskiintan lagu leefo ee weelkoodii la qaato ayey iyaga oo gaajoonaya guryahoodii u hulleelaan. Ma jiro meel keli ah oo Hargeysa iyo magaalo kale toona Afur iyo Casho lagu siiyo gaajoodeyaasha kumanaanka ah ee magaalooyinkaa ku nool. Raggii iyo Booliiskii u xoog sheegtay maxaystada intay guryahoodii ku noqdaan yey timir iyo sambuuse isku miisaan iyagoo islaweyn oo hadhowno qaad ka dambeysiiyaan. Carruurtii maxaystadu caaano boodhe la’aan ayey habeenkaa seexdaan.

 

Berigii hore sidaa dadka iyo dalku ma ahaan jirin. Dulqaadasho iyo raxmad iyo isu dembi dhaaf ayaa jiri jiray oo sii xoogeysan jiraya Bishan barakysan. Booliiisku iskuma hawli jirin eryadka dadka aan waxba geysan ee cidna wax yeelin. Odayaashu wey ka gilgilan jireen hadday arkaan dad liita oo laga gar daran yahay dumarna sidaaba ninka u eega waxyeelo daayoo dhirbaaxaa lala tiigsan jiray. Culimadu qofka iyo ilaahiisa yey isu deyn jireen ii iyaga iskamay dhigi jirin inay illaahay iyo addoomihiisa u dhexeeyaan.

 

Rabadaanta hudheeladu wey furraan jireen laakiin daahyo dheeraad ayaa lagu xidhi jiray. Qofkii doonaaya intuu iska qadeeyo ayuu ilaahiisa dembi dhaaf weydiisan jiray.

 

Waar Goormaaynuu caadeysannay hagar daameynta haweenka iyo ubadka gaajadu indhaha qodday? Waar goormaa Wadaad isku sheegto goosteen inay iyagu ilaahay iyo dadkiisa u dhexeeyaan? Waar goormaa ragii mar gob ahaan jiray ragannimo moodeen in dusuudda haweenku walaaqayaan laad lagu malaaso? Waar goormay shaqo booliis iyo shaqo dawladeed noqotay `xaaraan Karin ilaaline?

 

Waar ma anaa waalan mise cadan baa laga heeesayaa?    


Guled Ismaaciil
E-mail: [email protected]



 





Click here