4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Fahanka Islaamka: Sidee Islaamku xal u noqon karaa?

Islaamku waa diinta shacabka Soomaaliyeed, waxuuna ku leeyahay taariikhdeena kaalin lama ilaawaan ah, maanta aynu jooganana awoodaha siyaasadeed ee Soomaaliya isku haya waa labo awoodood. Wadaado ay matalayaan maxaakimta Islaamka, oo aaminsan in Soomaaliya dib lugaha isugu taagi karto haddii dalka lagu soo dabaalo sharciga Ilaah. iyo dhanka kale dawlada KMG oo rumeeysan in cadaaladda lagu gaari karo qeybsiga qaab qabiil iyo in qabiilada Soomaaliyeed lakala dhaxdhigo xuduudo.

 

Haddaba maadaama Islaamka ku soo biiray qaamuuska siyaasadeed ee Soomaalida wadaadaduna noqdeen awoodda maanta kula loolameysa qabiileeystayaasha talada wadanka, ayaa waxaan is tusiyay muhimadda ay leedahay in si furan looga doodo- aniga oo ka duulayo halkudhaga wadaadada ee ah in Islaamku xal u yahay dhibaatada- inaan isweydiino fahan noocee ah ayaa xal noqon kara? Maxaase halbeeg u ah fahan Islaam oo caafimaad qaba? Mase yahay kan hadda aanu ku araganay Soomaaliya ee ay keeneen culimadii ka soo aflaxday iskuulada Sacuudiga iyo Masar oo mid walba uu daacad u yahay iskoolkiisii iyo fahankii uu ka soo min guuriyay macalinkiisa?. Waxaa maanta caalamka Islaamka ka taagan doodo waaweyn oo la xiriira fahanka Islaamka iyo sidii looga soo saari lahaa quraanka waxyaabahii xal u noqon lahaa dhibaatada akhlaaqeed, bulshadeed, ibna-aadanimo, siyaasadeed iyo jiritaan ee ku habsatay muslimiinta, Sidoo kale waxaa socdo fahanno kala duwan qaarkoodana iska horimaanayaan oo ka jira caalamka Islaamka gaar ahaan Soomaaliya, oo wadaadii wadanka qabtay 6dii bilood waxaa lagu arkay dhaqan iyo akhlaaq sii murjiyay xal u helidda dhibaatada gaamurtay ee Soomaaliya. Haddaba xalkii ay sheegayeen wadaadada ma waxuu noqday Kud ka guur oo qanjo u guur? Sideey wax noqdeen? Ma jirtaa in diinta sidii habooneyd aysan u fahansaneyn kooxdaan, oo ay meel gooni ah uga dhagantahay?

 

Diinta Islaamka waa tii ugu danbeeysay ee Ilaah ku soo dajiyo dadka, sida Ilaah inoo cadeeyay “Maanta ayaan idiin dhameeystirnay diintiinii”i. Hase ahaatee; Nabiga SCW waxa uu inoo waramay Ilaah inuu u soo saarayo umaddan qarni kasta qof u cusbooneeysiiya diinteeda”ii Waxaa hubaal in aqoon yahankan keeni doonin diin cusub balse uu diintii la weeciyay, khalad loo qaatay, ama laga dhacay in la fahmo, uu boorka ka jafi doono, isaga oo u laabanaya asalkii diinta oo ah quraanka, sunnaha iyo mabaadiida Islaamka ee waa weyn, ee ay isla ogolaadeen culumida ku xeeldheer garashada diinta Islaamka.

 

Taariikhda Islaamka waxaa dhex ceegaaga tusaalayaal waa weyn oo xoojinaya arintan, laga soo bilaabo qarnigii kobaad ee Islaamka, oo waxaa horteena imaanaya fahankii Ibnu-Cabaas, ee ku aadanaa ujeedooyinka Islaamka kana fogaa xaraf ku dhagga. Laga soo bilaabo qarnigii kobaad illaa qarnigan aynu joogno waxaa socdo dadaalo joogto ah oo ay culimada ku cusbooneysiinayaan diinta, kalana dagaalamayaan bidcada, soo galootiga iyo waxwalba oo diinta ka weecinayo ujeedooyinkii ay u soo dagtay ineey gaarsiiso aadanaha.

 

 

 

Taariikhda dheer ee Islaamka waxaad ku arkeeysaa fahan islaam oo kala gadisan, haddeey ahaan laheyd hertankii ka dhacay

·         Culimadii ku fogaaday in si falsafadi ku dheehantahay loo fahmo diinta, iyaga oo ku dooday in fakarka iyo caqliga yahay waxa ugu muhiimsan ee qofka muslimka ah Ilaah kula xisaabtmi doono iyo kuwii kale ee aaminsanaa in diinta laga ilaaliyo aqoonta soo galootiga ah, oo markaa maciin bidayay axaadiista iyo hadaladii laga sheegay saxaabadii iyo dadkii qarniyadii ugu horeeyay noolaa.

·         Culimadii fiq’higa oo xoogga saaray ineey umadda u kala cadeeyaan xalaasha iyo xaaraamta iyo kuwii kale sida Abu-xaamid Al-gazali, Ibnu-taymiya iyo culimo kale oo dareemay in diintu aheyn xalaal iyo xaaraam oo kaliya, balse ay muhiim tahay in xoogga la saaro qaybo saldhig u ah diinta oo uu fiq’higu ka tagay sida Iimaanka (caqiidada) iyo Akhlaaqda. Oo waxaad ka daalcan kartaa labadaan sheekh kutubtooda doodaha ay ka galeen arintan.

·         Culimadii Suufiyada, ee iyagna ku hawlanaa laylinta nafta iyo cibaadada joogtada ah, dayacayna noloshii kale ee aduunka iyo culimadii ka horyimid fahanka sidan ah, ee dadka u cadeeyay in suufayada teeda wanaagsan ay tahay tii nabi Muxamad SCW iyo saxaabadiisii laga dhaxlay, ee aduun iyo aakhiro labadaba loo shaqeeysanayay.

·         Culimadii u fahmay Quraanka in sida muuqata loogu dhaqmo iyo culimadii diiday fahanka xaraf raaca ah, ee dadka u sheegay in diintu leedahay ujeedoonyin (Maqaasid) guud oo waa weyn, iyada oo laga duulayana diinta lagu fahmo iyo in aayadaha quraanka ee isku moowduuca ka hadlaya laysu geeyo si micnaha iyo ujeedada dhabta ah loo helo.

 

Doodaha maanta taaganna waa kuwii shalay; oo waxaad arkeeysaa in xoogga la saarayo qeyb gooni ah lana dayacayo qaybahii kale ee diinta, sida urur u go’ay inuu dadka gaalada ah Islaamiyo, mid kale oo sheeganaya inuu khilaafada soo celinayo, mid diintii ku koobay wax iska caabin iyo urur ku hawlan qaab muuqaal ama labis gooni ah. Fahankan isaga ah ayaa maanta qariyay aqoontii iyo fahankii qumanaa ee sheegayay in diintu tahay hanuun Ilaah SW u soo dajiyay aadanaha ineey wadada nolosha u iftiimiso, barayana nolol isu dheeli tiran aduun laga macaasho iyo jano aakhiro iyo in Islaamka, xoogga saaro waxyaabaha waaweyn ee ay noloshu ku taagantahay iyo sidii aadanaha isaga kaashan lahaa dhisidda hab nololeed ku saleeysan cadaalad, isu dheelitirka guusha aduun iyo midda aakhiro, iyada oo guusha aduuna uu ku xirayo tan aakhiro.

 

Ururada Islaamka ee Soomaaliya ka hanqaaday xilligii fawdada iyo burburka waxeey iyagana diinta u keeneen foolxumo ah in sheekha Soomaaliga ah aysan dhib ku hayn dhibaatada dadkiisa ee uu muxaadarooyin tixane ah ka qabto dhibka haaysto walaalaha Jeejniya, Falastiin iyo Afgaanistaan oo dhamaantood nabadgalyo iyo nolol ahaanba dhaama Soomaalida, Wadaadadii maxaakimtana iyaga oo ka imaanaya fahanka noocaan ah ayeey bilaabeen ineey ka hadlaan dhibaatada muslimiinta ku haaysato aduunka iyaga oo aan wali gacanta ku dhigin Soomaaliya kuna fashilmay ineey maamul u dhisaan Muqdisho. Waxaana rumeeysnahay dhaqanka aanu ku aragnay maxaakimta inuu ahaa mid wadaad walba oo Soomaali ah sameeyn lahaa haddii uu talada hananlahaa.

 

Haddaba fahan Islaam oo ka jawaabo dhibaatooyinka haaysto muslimiinta gaar ahaan Soomaalida waxaa lagu gaari karaa in dib loo eego maabaadiida Islaamka, raadraacna lagu sameeyo sidii Islaamku xal ugu noqday dadyawgii hore, sida bulshadii ku dhaqneyd Madiina ee Aws iyo Khazraj, lana ifiyo hab- dhaqankii(Siiradii) Nabiga SCW uu ku gaaray guusha.

Culimada Islaamka waxeey isla-ogolaadeen in Islaamku leeyahay afar mabaadi oo waaweyn waxa kalena ay hoos imanayaan:-

 

1.      Ilaalinta Diinta: In la dhawro qofka diintiisa, sidoo kale xurriyadda uu u leeyahay inuu qaato diinta uu doonayo, iyada oo laga duulayo fahanka ah “Diinta khasab ma’aha xaq iyo baadilna weey kala cadaadeeniii Taariikhda Islaamkana waxaad ka heleeysaa tusoolooyin badan oo muujinaya in Muslimiinta ay ahaayeen u gargaarayaasha xurriyadaha. Khawaarij oo aheyd koox ka falaagoowday Muslimiinta intooda kale, Sayyid Cali Bin-abudaalib, oo yaqiinay fahankooda guracan, goor horena gartay khatarta ay ku hayaan Islaamka, waxa uu waayay daliil u ogolaanaya inuu dagaal ku qaado, ilaa goor danbe iyaga ay weerar ku soo qaadeen Muslimiinta.

2.      Ilaalinta Nafta: In la ilaaliyo nafta qofka, lana xushmeeyo waa mabda’a Islaam, Ilaah waxuu inoo sheegay inuu sharfay aadanahaiv. Waxeey taariikhda Islaamka sheegtay in Culimada badankood ay diideen ineey mubaayacov la galaan boqortooyinkii Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta, waxeeyna sabab uga dhigeen boqorradaa oo baneeystay dhiigga dadka. Somaaliya waxaad arkeeysaa in naftu tahay waxa ugu raqiisan, waxaana laga yaabaa kii dadka ku laaynayay jidka inuu masjidka uga horeeyo dadka kale, maxaa yeelay fahankiisa ka fog ujeedada diinta ayaa u waramay in qofka haddii uu tukado waxa kale oo dhan iska fududaanayaan oo uu janno ku danbeyn doono, Laakiin waxuu qoraanka kariimka ah inoo sheegayaa in qofkii dila walaalkiis si ulakac ah uu ku waarayo jahanamo.

3.      Ilaalinta Caqliga:in laga ilaaliyo caqliga maandooriyaasha iyo waxkasta oo ka qaadayo masuuliyadda Ilaah saaray, sidoo kale laga ilaaliyo in la cuburiyo oo laga horistaago inuu fakiro isla markaana si xurriyad ah u cabiro waxa uu doonayo. Islaamkana waxa uu qofka ugu baaqayaa inuu fakiro xitaa markii uu doonayo inuu garto jiritaanka Ilaah iyo hagaagsanaanta diinta Islaamka.

4.      Ilaalinta hantida ama hanaanka dhaqaalaha (haddii aan luqad casri ah ku sheego) sababtoo ah dhaqaalaha waa laf-dhabarka nolosha. Hantida la ilaalinayo waxa ay noqoneeysaa tan goonida ah iyo midda guud oo si caddaalada ah loo deeqsiiyo dadka ay ka dhaxeeyso. Sidoo kale in loo fududeeyo dadka sidii ay risqi xalaal ah u shaqeeysan lahaayeen.

 

Culimadu dhamaantood kuwii hore iyo kuwa cusub labaduba waxeey saaran yahiin hal dooni, sidaa darteed waxaa haboon in ay ka fogaadaan is xagxagashada ayna u hawl galaan sidii loo heli-lahaa wadiiqo la isku fahmo, laguna wada shaqeyn karo

Culimadii hore; waxeey xilligii qaranimada Soomaaliya waayeen kaalintii ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda, taa oo ugu danbeeyntii keentay ineey isu dhiibaan waaqic aad u qaraar, kuna raali noqdeen qeybta hooseeysa ee ay talada wadanka ka heleen, weyna u baahnaayeen duufaan jiridada u siibto fakirkoodii is dhiibay. Hase ahaatee; waxaan looga maarmeyn ineey yahiin kuwo diinta si qoto dheer u yaqaana, garanayana waxyaabo badan oo ujeedooyinka (maqaasidda) diinta ka mid ah. Culimada cusub; waxaanu ka faa’idnay diinta Islaamka dawrka weyn ee ay nolosha qofka muslim ka ah ku leedahay, in kasta oo ay wax sharax ah ka bixin habka dawrkaa uu noqonayo iyo heerka uu gaarayo, ama aadan heleynba Sheekh kaa qancin kara, sida diinta xal ugu noqon karto dhibaatooyinka seemay gayigii Soomaaliyeed.

 

Doodda ah sidee xal Islaamku ugu noqon karaa dhibaatooyinka ina haaysta? ayaa ah mid keeni karto cilmi baaris cusub iyo fakir horleh oo ku aadan Islaam ku saleeysan ujeedooyinka aanu higsaneeyno iyo muuqaalka uu yeelan karo fahan Islaam oo ka hanaqaado Soomaaliya ama sheekh ama koox cusbooneeysa diinta, kana saarto Soomaalida ciriiriga ay ku jirto dhan walba oo nolosha ka mid ah.

 

Islaam ku saleeysan ujeedooyinka diinta ee aan kor kusoo xusnay, waxuu xal dagdag ah u keeni karaa, dhibaatooyinka baabi’iyay dalkeena, waxuuna u soo bandhigayaa dadwaynaha Islaam ay fududahay in la fahmo lana dhaqan galiyo, waxuu si toos ah u taabanayaa nolol maalmeedka qafka Soomaaliga ah.

 

Waxaa hubaal in haddii ay Soomaalida isku afgarato ilaalinta afartaa mabaadii ee jiridda u ah nolosha dadka muslimiinta ah, in isbadal weyn aanu ka dareemi laheyn naftayada iyo dhamaan gayiga Soomaaliyeed

 

 

C/raxiim C. Shaafici

Email:[email protected]

 

i Suurat al-ma’ida, Aayadda 3aad

ii Xadiith, Sunnan Abu da’ud

iii Suuradda Baqara, Aaayadda 256 aad

iv Suuradda Al israa, Aayadda 70 aad

v Heshiis wada sheqeeyn


 





Click here