4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
21 Oktoobar: 16-sano Geeridii Maxamed Siyaad Barre kadib Soomaaliya ishay leedahay?

Sideed iyo soddon sannadood ka hor, ayaa habeen hore oo kale saacadihii dambe ee habeenimo, oo ku beegan 21/10/1969, waxa dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya hoggaankii taladiisa awood ku maroorsaday keligii-taliyihii hore ee Siyaad Barre, ka dib markii Madaxweynihii Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu toogasho ku dilay mid ka mid ahaa ilaaladiisii maalmo yar ka hor. Inqilaabkaa milatari ee uu awoodda ku qabsaday Siyaad Barre, waxa uu dhacay maalin keliya ka dib xilligii la dhigay tacsidii Sharmaarke, isla markaana keligii-taliyihii Barre, ayaa nidaam macangag ahaa ku hoggaaminayay Soomaaliya inka badan 21 sannadood.

 

Mudadii uu talada dalkii Soomaaliya laysku odhan jiray Siyaad Barre, waxa lagu xusuusan karaa inuu macangagnimadiisa kula baxay magacyo iyo naanayso muujinayay inaan isaga maahee qof kale jirin, kuwaasna waxa ka mid ahaa; Macallinka (teacher), Aabaha Aqoonta (father of knowledge), iyo Guul-waade (victorious leader). Isla markaana nidaamkiisii milatari, ayaa sababay inay tobanaan kun oo qof ku naf-waayaan xasuuqii iyo tacadigii aan loo meel-dayayn ee lagula kacayay ummaddii aan waxba galabsan. Iyada oo aan la soo koobi karayn axmaqnimadii laga dhaxlay Kacaankii Siyaad Barre ee dulmiyay dadkiisii, aynu dib u milicsano sidii uu kacaankaa qalafsanaa ku yimi:

 

Ka hor intii aan lagu dhaqaaqin inqilaabkii milatari ee Oktoobar 1969-kii, saraakiishii hawshan la fulinaysay, oo ballantoodu sidaa ahayd ayuu iyagii sii khiyaameeyay oo uu ka dul-guuray. Markii lagu guulaystay inqilaabkiina, Siyaad Barre, wixii loo yaqaanay Golihii Kacaanka Sare ee (SRC), ayaa u doortay Siyaad Barre inuu noqdo madaxweynihii dalka laysku odhan jiray Soomaaliya. Hase yeeshee, waxay inbadani xusuusataa in golahaas oo ka koobnaa 27 xubnood, ay ballantoodu ahayd in ugu yaraan shantii ugu saraysay oo uu Siyaad Barre ku jiray uu midkoodba mar qabto hogaaminta dalka. Balse, Siyaad Barre wuu ka talaabsaday taas oo dhexduu ku duubtay masuuliyaddii kursiga. Laga bilaabo, waqtigaas oo uu laayay qaar ka mid ahaa saraakiishii sar-sare, waxa uu maamulkiisii milatari u xuub-siibtay mid barriinsaday daadinta dhiiggii dadka. Ku dheeraan mayno aafooyinkii iyo dhaxal-xumadii uu ku suntanaa kacaankii milatari ee macangaga ahaa, balse aynu dib u milicsano wixii uu ku qeexay Siyaad Barre sidii uu kacaankiisu ku yimi, oo aanu ka soo dheeganayno mid ka mid ahaa xusuus-qorkiisii, oo uu hore Ogaal u baahiyay; “Kacaankii ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ee dhashay 21Oktoobar 1969, wuxuu dhacay kadib markii aanu af-gembinay xukuumadii sharciga ahayd ee uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo uu soo magacaabay Madaxweynihii talada dalka hayay ee Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Sababihii gun-dhiga u ahaa ee nagu dhaliyay in aan ku dhaqaaqno af-gembigii 21Oktoobar, waxa ka mid ahaa maamul-xumadii xukuumadihii aan is-dhaamin ee muddadii sagaalka sanadood ahayd maamulayay dalka Soomaaliya. Marka aan xaqiiqada laga fogaana inqilaabka aan horkacayay wuxuu ku salaysnaa hamigaygii muddada soo jiitamayay.” Isaga oo hadalkiisa sii watana, wuxuu intaa raaciyay, “Waxaan doonayay, waxa xusi doona taariikhda, waxase go’aanka wada qaatay aniga iyo 26-sarkaal, bishii March 1969-kii markii xaallada dalku gaadhay heer naxdin leh, ka dib markii doorashadii Baarlamaanka ee xilligaasi ay horseeday qalalaaso iyo qaran-jab ay gadhwadeeno ka ahaayeen 69-xisbi oo ku dhisnaa beelo iyo qabiil.”

 

Si kastaba ha ahaatee, maanta bisha Oktoobar waa 21. Waxa la fili karaa in maalintaasi tahay mid caan ka ah Soomaalida dhexdeeda, isla markaana inta garanaysa uu qofba si u xusuusan karo 38 sannadood ka hor, markii u horaysay ee ay diiwaanka taariikhda Soomaalida gashay iyo sidii ay ku gashay. Waxa aan qarsoonayn in qofba si u milicsan karo, murrugo iyo farxadba dhawr iyo labaatan sanadood oo ay 21-Oktoobar ahayd, maalin billigeedu sareeyay oo intii ay u dhalatay ku tanaadeen. Waa maalin farxaddii dhalashadeedii hore ee ay taariikhda Soomaaliya ku gashay 1969-kii, ku sagootiday dhaxal-xumo iyo karah kala dhaqaajiyay bulshadii farxada ku soo dhawaysay dhalashadeedii. Way jiri karaan inyar oo weli xusuusan noloshii macaanayd ee maalintaasi u horseeday, kana quusan la’ hibashada wixii ay hore u daadiyeen. Hase ahaatee, waxa badan inta marka ay maqasho 21-Oktoobar, murrugada iyo cadhada ka qaadaysa, ee ay ku kiciso doogihii iyo dakharadii ka gaadhay. Dhan kale marka la eego, waxa muuqata inay jiraan jiilal badan oo Soomaali ah, oo da’yarta kacday u badan, kuwaasoo aan wax badanba ka garaynin ama garanaynba maalintan. Sidaa aawadeedna aanay dareenkoodaba raad ku lahayn. La-yaab ma laha kuwaasi, oo waxa dhici karta in aan waxba looga gudbin dhacdooyinkii iyo waayihii maalintani Soomaalida la soo martay. Taana waxa eeddeeda leh intii dhitaynta dhaxalka taariikhda laga rabay, oo aan sida muuqata qalinkaba ku suuraynin wixii ay u soo joogeen ee la soo maray. Kuwaas oo ah, kuwa la rabay inay jiilasha ka danbeeya ku habaan jirtadii hore, iyagoo ka durkaya caadifad iyo marin habaabin aan haboonayn. Bal u fiirso axmaqnimadii kacaankaas, Siyaad Barre, isaga oo qaxoontinimo ku jooga tuulada Buur-dhuubo ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, ayaa sannadkii 1991-kii, weriye Talyaani ahaa oo halkaa ku booqday, waxa uu waydiiyay su’aal la xidhiidhay sababtii uu waqooyiga (Somaliland) xataa dadkii maatada ahaa ugu isticmaalay diyaaradaha, ee uu u ogolaaday in la xasuuqo, waxaanu markaa ku jawaabay; “Waa gooni u goosato doonaysay inay kala daadiyaan midnimada ummadda Soomaaliyeed, manay jirin tallaabo kale oo la qaadi lahaa, caalamkana meel kasta way ka dhacdaa taas oo kale.” Si taa la mid ah, ayaa Mr Barre, maalmihii ugu dambeeyay waxa hanjabaadihiisii ka mid ahaa; “Markii aan imi Muqdisho, waxa jirtay waddo keliya oo Talyaanigu dhiseen. Markaa haddii aad isku daydaan inaad igu khasabtaan inaan maamulka ka dego, waxaan kaga baxayaa caasimadda sidii aan ugu imi oo kale.” Isaga oo la hadlayay, xoogagii dagaalka kala horjeeday, waxa uu mar kale lahaa, “Waxaan awoodda ku qabsaday qoriga caaraddiisa; Isla qoriga caaraddiisa ayuun baana aan awoodda kaga tegi karaa.”

 

Sida lagu yaqaano, ama looga bartay taariikhda inuu ku dambeeyo kacaan iyo xukun milatari amaba maamul macangagnimo ku suntanaa, ka dib markii ay Ururkii SNM dagaal ba’an kula soo jireen sagaal sannadood, oo ay wiiqeen inta badan awooddii milatari ee nidaamkii Siyaad Barre, sidoo kalena jabhado kale oo hubaysnaa ku kaceen, ayuu khaatumo-xumo kala huleelay magaalada Muqdisho bishii Jan 1991-kii, isla markaana aakhirkii uu ku geeriyooday Magaalada Lagos ee dalka Nayjeeriya 1995-kii. Halgankaa mudada dheer lagula soo jiray nidaamkiisii macangaga ahaa, ayaana ay ka dhalatay oo laga dhaxlay in Somaliland ay si buuxda uga noqoto midawgii ay Soomaaliya ku raacday 1 July 1960-kii , laguna aasaasay qaranimadeena aynu maanta hadhsanayno.

 

Haddii aan dhinac kale ka eegno, waxa xusid mudan in lays waydiiyo 16 sannadood oo uu mootan yahay Kacaankii Barre ka dib, Soomaaliya ishay leedahay? Dabcan, jawaabtu ma foga, meel dheerna ma taalo. Waxaanan odhan karraa, Barre-yaal burbur dhaxlay ayaa weli dambaskii ku loolamaya. Kuwani waa qaar ayaan-daran oo isa-sii kabo raaciyay geerida shacbiga taagta daran ee Soomaaliya. Isla markaana waxay u egtahay in sidii laysu eeday, weli laysu eedsan yahay, naruuro darana jirto.

 

Source: Wargeyska Ogaal
Hargeysa, Somaliland


 





Click here