9/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
TAARIIKHDA DOWLADDA ISLAAMKA

Qore Sabriye Musse

Marka aynu ka hadleyno taariikhda dowladda Islaamka, waxa lagama maarmaan ah inaynu taariikhdaasi u qaybinno toddobo casri ama xilli. Haddaba haddaynu toddobadaasi casri mid-mid si kooban ugu sharraxno waxa weeye sidatan:

1-CASRIGII RASUULKA (SCW) (1-11H) (622-632CD)

Aasaaska iyo jiritaanka dowlad Islaam ah waxa markii ugu horreysay la dhagax dhigay kolkuu Rasuulku (SCW) intuu Makka ka haajiray Madiina u haajiray, halkaasi oo uu ku unkay unuggii ugu horreeyey ee ay dowlad Islaam ahi ka abuurantay. Maalinkaas bay haddaba billaabantay taariikhda Islaamka ee loo yaqaan Hijriyadu.

Unuggii Islaamku si dhaqso leh ayuu u koray una ballaartay, waxana koritaankiisa qayb libaax ka qaatay dadyowgii qof qof iyo qabiil qabiilba diinta Islaamka usoo gelayey.

Kedib furashadii Makka sanadkii siddeedaad ee Hijriyada, dowladdii Islaamku waxay billowday isfidin, qabaa'ilkii Jasiiradda carabtuna waxay markaasi  si jumlad ah usoo gelayeen Islaamka. Kolkii Rasuulka (SCW) uu Eebbe oofsaday, dowladda Islaamku waxay wada gaadhay Jasiiradda Carabta oo dhan.

2-CASRIGII KHULAFADA (11-40H) (632-661CD)

Kedib geeridii Rasuulka (SCW), Muslimiintu waxay Khaliif u doorteen Abuubakar (RC). Muddadii u dhaxaysay doorashadaas ilaa waqtigii Cali bin Abii-Dhaalib (RC), waxa loogu magac daray Casrigii Khulafaa'ur-Raashidiinta, waxayna ahayd muddo soddon sanadood ah.

Muddadaasi Khulafadu ay talinayeen, dowladda Islaamku waxay dibadda uga baxday Jasiiradda Carabta, iyada oo gaadhay dalalka Shaam (Suuriya, Lubnaan, Jordan iyo Falastiin), Qubrus, Ciraaq iyo Masar. xilligaasi caasimadda dowladdu waxay ahayd Madiina Al-Munawwara.

3-CASRIGII UMAWIYIINTA (41-132H) (661-750CD)

Dowladdii Umawiyiinta waxa billaabay Mucaawiye bin Abii-Sufyaan, waxanay jirtay muddo sagaashan sano ah. Dowladda Islaamku muddadaasi waxay u ballaaratay dhanka bari, iyada oo ka dustay Iiraan siina dhex martay Hindiya ilaa ay ka gaadhay Shiinaha iyo dalalka Aasiyada dhexe. Waxay kaloo u fidday dhanka galbeedka, laga billaabo dalalka Afrikada waqooyi ilaa ay dhex dabaalatay dhulkii la oran jiray Andalus (Isbeyn, Bortoqiiska iyo Koofurta Faransiiska). Casrigaasi isaga ah caasimadda dowladda Islaamku waxay ahayd Dimashiq (Suuriya).

4-CASRIGII CABBAASIYIINTA (132-656H) (750-1258CD)

Cabbaasiyiintu waxay afgembiyeen xoogna ku dhaxleen Umawiyiintii. Dowladdii Cabbaasiyiintu waxay ahayd mid awood badan si aad ahna u ballaaratay ilaa laga soo gaarayey Qarnigii afaraad ee Hijriyada, markaasi oo ay billowday inay tamar darreyso ilaa ay gebi ahaamba isbuuratay. Burburkii dowladdii Cabbaasiyiinta  waxa ka hoos dhashay dowlado fara badan, ugu dambayntiina Khaliifkii Cabbaasiga ee la oran jiray Al-Mustacsim waxa uu sanadkii (656H) (1258CD) ku dhintay gacantii Mangooliyiinta oo uu hogaaminayey Holaako. Casrigaasi dowladda waxa caasimad u ahayd Baqdaad (Ciraaq).

Xilligii Cabbaasiyiinta, Islaamku waxa uu gudaha usii galay dalalkii Aasiyada dhexe. Waxa kale oo uu kusii fiday Qaaradda Afrika, isagoo gaaray dadyowgii degganaa galbeedka, bartamaha iyo bariga Afrika oo dabcan Soomaalidu ay kamid ahayd.

5-CASRIGII MAMAALIIKTA (648-922H) (1250-1517CD)

Mamaaliiktu waxay xukunka kaga dambeeyeen Ayuubiyiintii, labadubana waxay samaysmeen maamulkii Cabbaasiyiinta oo weli jira. Maamulkii Mamaaliiktu waxa uu ka billowday Masar, ha yeeshee kedib markay jebiyeen ciidamadii Mangooliyiinta ee qabsaday Ciraaq iyo Shaam, waxa u suurtagashay inay saddexda gobolba iyagu gacanta ku dhigaan. Taliskii Mamaaliikta waxa ka faquuqmay dowlado Islaam ah oo fara badan sida; dalalka Afrikada waqooyi, Andalus, Hindiya, Shiinaha iyo Aasiyada dhexe.

Mamaaliiktu waxay xukunka kusoo celiyeen Cabbaasiyiintii, waana xilli ay dadka qaar ugu yeeraan Casrigii labaad ee Cabbaasiyiinta. Si kastaba arrintu ha ahaatee, awoodda dhabta ah ee dowladda Islaamku waxay xilligaasi gacanta ugu jirtay Mamaaliikta, halka ay Cabbaasiyiintu ka ahaayeen uun maqaarsaar.

Casrigii Mamaaliikta Islaamku waxa uu ku fiday Qaarad u ekeyda Hindiya, koofur-bari Aasiya, iyo koofur-galbeed Afrika. Andalus waxay caalamka Islaamka si kama dambays ah uga baxday sanaddii 1492CD.

Dowladdii Mamaaliiktu waxay jirtay ilaa 1517CD, markaasi oo ay jebisay dowladdii Cusmaaniyiintu. Caasimaddii dowladda Mamaaliiktuna waxay waqtigaasi ahayd Qaahira (Masar).

6-CASRIGII CUSMAANIYIINTA (1517-1924CD)

Dowladdii Cusmaaniyiintu waxay Turkiga ka billaabatay 1300CD, ha yeeshee waxay dhaxashay hoggaanka dunida Muslinka kedib markay ka guulaysatay dowladdii Mamaaliikta ee ka jirtay Masar, Shaam iyo Ciraaq bilowgii Qarnigii lix iyo tobnaad.

Maamulkii Cusmaaniyiintu waxa uu markaa kedib ku fiday dhulalka Balqaanka laysku yiraahdo iyo dalalkii Yurubta bari iyo dhexe. Waxa kale oo uu si fiican u gaaray Afrikada galbeed, Hindiya iyo weliba bariga iyo koofur-bari Aasiya, caasimadda dowladduna waxay xilligaasi ahayd Istambuul (Turkiga). Dowladdii Cusmaaniyiintu waxay burburtay Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, waxana ka faquuqmay dhammaan dalalkii maamulkeeda ku hoos jiray ee Turkiga dibadda ka ahaa.

Sanadkii 1924 madaxweynihii Turkiga Kamaal Ataatoork waxa uu ku dhawaaqay in Turkigu yahay Jamhuuriyad Cilmaani ah, halkaasina waxa uu ku baabi'iyey khilaafaddii Cusmaaniyiinta ee diinta ku dhisnayd.

7-CASRIGAN CUSUB

Dalalka Islaamka badankooda waxa soo gumaystay reer Yurub, ha yeeshee xornimadooda si tartiib tartiib ah bay uga soo ceshadeen. Maanta waxa jira konton iyo lix (56) dal oo xubno ka ah Ururka Islaamka. Waxa kale oo jira Muslimiin saamigoodu aanu yarayn oo ku tirsan dalal diimo kale haysta sida Hindiya iyo Shiinaha. Waxa iyana jira dalal aynu ku tilmaami karno Muslin, ha yeeshee aan xubno ka ahayn Ururka Islaamka sida Bosniya-Hersigofina iyo Ereteriya



Sabriye Muuse waa qoraa ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Boogaata uu qoray waxaa ka mid ah "Abaabinta Ubadka" iyo "Raaxada Guurka". Waxaad Sabriye kala xiriiri kartaan E-mailkiis oo ah :[email protected]



 
Click here