12/18/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Digiin: Iska Diid Dagaalka Sokeeye

Inj. Maxamed C. Cibaar

 

“Nacabkeed dab uu shiday iyana digo ku nooleyso
Dorraad weyl la dhacay iyo weligeed diyo ka sheekeyso
Daandaansi reer kama kortoo dirir u xiisooto
Dabcigeennu Soomaaliyey waa ka sii daraye
Diredire haddaan u heellannahay gacal ku duulkiisa
Waxaan cadowga naga daahay aan daba rucleyneyno
Diiftuna xarrago noogu tahay dammani sow ma aha?! “

 

(Gabaygii Damaq,1999 )

 

Sida ay qoraan taariikhyahannadu, dadka Soomaaliyeed waa dad aad u dagaallama, haba ugu sii darnaadeen kuwa sokeeye ee dhexdooda ahiye. Iyadoo taasi ay jirto, ayaa haddana dadka deraaseeya arrimaha dibuheshiisiintu waxay Soomaalidii hore ku amaanaan ku xeeldheeraanta xallinta khilaafyada iyo ku dadaalka ka hortaggoodaba.

 

Dagaalladii sokeeye ee Soomaalidii hore arrimaha inta badan sababi jiray ayaa waxaa ka mid ahaa: biyo-ku-dirirka, xoolo-ku-dirika ( siiba geela), daaq-ku-dirika, magac- ku- dirirka iyo dumar-ku-dirika. Dagaalladaas sokeeye wixii ay doonaan ha ka billowdeen, sidii la doonnana ha loogu riiqdee, marka dambe xal nabadeed iyo heshiis ayaa laga gaari jiray. Waxaa geed hoostiis arrimaha heshiisiinta ku gorfeyn jiray  guurti garyaqaanno ah oo laga soo xulay garabyadii dagaallamay iyo guddi dhexdhexaad ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo  durugsan u leh xallinta khilaafyada. Waxaana garta la geli jiray iyadoo halkudheggeedu yahay “ Gari Ilaah ayay taqaan”, akhiyaarta goobta soo gimgimtayna ay wada garwaaqsanyihiin in nabadla’aani ay tahay nolo la’aan. Arrinku markuu sidaas Alifka uga toosana ilaa Albaqra waxba ma xumaan jirin oo garta guul iyo guddoon ayaa badanaa lagu soo gabagabeyn jiray.

 

Waxaa marmar dhici jirtay in garabyadii dagaallamay oo ciilka iyo cuqdadda aan xadka lahayni ay u dhaxeysay ay goobta ka dareeraan iyagoo xigaal iyo xidid ah. Dammintii colaadda ka sokow ayaa haddana laysku waafaqi jiray in xinjirihii daatay xab lagu bedelo!! Waana tii Soomaalidii hore ku maahmaahday “ Meel xinjiri taallo, xabna ha yaallo”. Oo loola jeedo goobtii geesi godkii aakhiro loogu diray, geesi kale ha lagu gardaadiyo. Waxaana dhici jirtay in labadii qoys ama qabiil ee maalmo ka hor is tirtirayay ay dib isku tarmiyaan oo abti, adeer, eeddo, aayo iyo ehelo ay wada noqdaan.

 

Arrinka kale ee ay taariikhyahannadu tilmaameen waa in Soomaalidu ay u midoobi jireen, xurgufaha iyo xafiiltanka dhexdooda ahna ay xakameym jireen, marka arrimahooda uu shisheeyuhu faraha la soo galo, amaba ay colaadi dhexmarto. “Hadduu libaax meesha soo galo, waraabe waa nin cidda ah”. Arrimuhu mudnaan ayay kala lahaayeen, khatartana waa la kala miisaami jiray. Sokeeyaha iyo shisheeyuhuna wey kala suntanaayeen oo sinnaba iskuguma khaldami jirin.

 

Nasiibdarro, dhaqamadaas dhaxalgalka ahaa waxay ka mid noqdeen arrimihii tiirarka u ahaa habnololeedkii Soomaalidii hore oo ay gumeystayaashii gunta hoose ka gooyeen, beddelkoodiina ay tallaaleen geedo dhunkaal ah oo dhala dhibaatooyin aan dhamaad laheyn. Waxaa si ogaal ah loo halleeyay habdhaqankii dadka. Wax kasta oo ummadda u wanaagsanaa waa loo xumeeyay, wixii u xumaana waxaa looga dhigay xariir. Gumeysigu wuxuu dadka baday waxaa ka sii waxyeello badnaa naxliguu baray, kuna barbaariyay. Abwaan Hadraawi ayaa qaybo ka mid ah  maansadiisii caanka aheyd ee Daba-huwan uga hadlay hagardaamadii gumeysiga, waxaana  ereyadiisii ka mid ahaa:


“Xaq bay garbaduubayeen
Diintay gibil saarayeen
Waxay dedayeen amuur

Dhibteedu dib iigu tiil
Waxay docfaruurayeen
Dedaal abid soo taxnaa
Xafiisyadu waa dullayn
Dulmay ka horseed yihiin
Dikteetarraday dhalaan
Direyska wedkay tolaan
Dardaaran shishay qabeen
Dalkay shil u loogayeen
Dadkay u shidhaynayeen

Dardaarwerin meel u tiil
Nin bay u danaynayeen
Xadhkaha doqonkay tidcaan
Naftay damac raaciyaan
Wax bay daba qaadayaan
Qofkii biyo diid yaqaan
Darleefyey ninkay baraan

Sagaashan dabeecadood
Hadday kol ku soo degaan
Diihaal iyo saar gumeed
Ma aamino deeq ka weyn
Inay laba duul dhintaan “

 

( Daba-huwan, 1995  w.t: M.I.Warsame ( Hadraawi) )

 

Waxaa xusid mudan in arrimaha uu Abwaanku ka hadlayo  aysan aheyn kuwo ku ekaa xilliyadii gemeysiga iyo qaadashadii xornimada ka hor. Dhab ahaan maanta ayaa mariidka la qasayo, dabinnada la maleegayo iyo miinooyinka la dhigayaaba ay intii hore ka  sii halis badanyihiin. Hororku waa kii shalay iyo dorraad oo cilmi, cudud, iyo coodba ay u sii kordheen. Umaddeennuna  waa tii shalay iyo dorraad oo dooni ay ku wadeen naakhuudeyaal ay aqoonta iyo waayo-aragnimaduba ku yareyd ay kula caarisay  xeebta dib-u-dhaca, oo ah meel halis ah oo halaqyada  iyo dugaagga hoy u ah. Na bixiyow na bixi. Na badbaadiyow na badbaadi.

 

Nasiibdarro ummaddii Soomaaliyeed inteeda badani kumaba baraarugsana halista la soo gudboonaatay. Waxaana muuqaneysa in mariidkii loo qooshay uu dadkii ka dhigay wax uu salfaday iyo wax hadda ku sakhraansan. Allow yaraa inta weli caafimaadka qabtaa !!

 

Haddii dagaallada sokeeye ee Soomaalidii hore ay sababi jireen arrimaha aan kor ku soo xusnay, Soomaalida maantu waxay soo kordhiyeen dagaal geyigaba ku cusub oo biyo, xoolo, daaq, magac iyo wax kale midkoodna aan la isku haysannin. Waa  dagaal yaab leh runtii. Dagaallada noocan ah waxaa huriya Dagaal-oogeyaal eryanaya dhuuni dhalanteed ah kuwaasoo aan badankooda waligood lagu arkin goob-dagaal. Dadka waxmagaratada ah ee dagaallamayaana ma yaqaannaan sababta ay u dagaallamayaan. Dagaal-doqomeedkaan  marka la qiimeeyo ficilka daneystayaasha hurinaya oo doonistoodu aysan dhaafsiisneyn wax ay dalqada mariyaan, waxaa lagu magacaabi karaa dagaal Dalqo-u-diri ah ( wax dalqada la mariyo ayaa loo dirirayaa). Sidoo kale haddii magaca lala xiriiriyo qolada xaabada lagu shito oo aan aqoonnin sababta loo dilayo ama ay wax u dilayaan waxaa lagu magacaabi karaa dagaal iska-dirir ah ( dagaal ujeeddolaawe ah). Dagaallada noocan ah sida ay ku billowdaan aad ayay u fududdahay laakiin damintooda ayaa aad u culcus, waa hadiiba la damin karee.

 

Dagaalladaan lagu hoobtay ee Dalqa-u-dirirka ama iska-dirika ah, shaarkii la doono ha loo geliyee, ayaa marba marka ka sii dambeysa ku soo badanaya dhulka Soomaalida, dagaalladaas oo hurintooda ay door lixaad leh ka qaadanayaan quwado shisheeye oo gobolka dano kala duwan ka lihi.  Guud ahaan dhulka Soomaalida ma jirto degmo iyo gobol aan laga barooran oo aan balaayo u soo martiyin, guri walbana holacu gees ayuu ka gaaray. Doqonnimada yaabka lahi waxay tahay in ayadoo laga wada dheregsanyahay cawaaqibxumidii laga dhaxlay dagaallada sokeeye, haddana weli loo caabboonyahay oo loo ciidan uruursanaayo dagaallo cusub oo holca.

 

Waa arrin la fahmi karo in shisheeye sharta Soomaalida ku caanomaalaa uu ka shaqeeyo burburinta dalka iyo baabi’inta dadka. Waxaase ayaandarro ah in Soomaalidii ay yihiin kuwii iyagu isdabarjarayay. Waxaa loo qeylinayaa oo layskula qumanyahay in lala qaaqleeyo qabyaalad, waxaana qabriga loo sii wadaa qarannimadii iyo jiritaankii ummadda. Hurinta colaadaha waa loo heellanyahay, laakiin waxaa laga hurdaa amaba la hilmaamay in laga shaqeeyo sidii nabad lagu heli lahaa, nolol horumar lehna loo hiigsan lahaa. Tusaale ahaan, waxaa dhacda in  muddo yar gudahood hab qabyaaladeed  loogu uruuriyo malaayiin doollar si loogu huriyo colaad sokeeye. Dhanka kalena, waxaa dhacda in la waayo cid kafaalad qaadda agoon u baahan toban doollar bishiiba. Ogow agoonkaas aabbihiis waa loo ogolaa malaayiin doollar haddiiba loo helayo si uu uga qaybqaato colaadaha sokeeye ee iska-dirirka ah, laakiin agoonkii uu ka geeriyooday xitaa looma ogola 10 doollar oo uu ku noolaado!! Ka warran caqliga keenay in agoon iyo aabbihiis ay kala yeeshaan labo ehel oo midna la diyaar yahay malaayiin doollar, halka kan kalena uusan waxba quurin ? Waa waalli iyo labawajiilennimo!!

 

Gabagabadii Umadda Soomaaliyeed waxaa maanta la gudboon in ay khatarta soo foodsaartay ku baraabugaan, kana waantoobaan isqabqabsiga iyo dagaallada sokeeye oo halaag adduun iyo mid aakhiraba u horseedaya. Waxaa lagama maarmaan ah in ugu horreyn loo guntado sidii loo joojin lahaa colaadaha aan ujeeddada laheyn ee shacabka laga dhex huriyay, lagana wada shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa kalsoonidii Islaamnimo iyo Soomaalinnimo. Waa in la yureeyo oo aan la soo dhaweysan kuwa dheefsada dhiigga shacabka, waana in laga feejignaado marinhabaabinta kooxaha indhowgaradka ah ee ay la tahay in ay harsanayaan hooska cadowga.

 

Sidaan dhamaanteen la soconno, maanta waxaa caasimaddii waddanka ee Muqdisho ka taliya ciidamada cadowgeennii soo jireenka ahaa ee Itoobiya, waxaana waajib ah in lagu midoobo sidii aan u difaaci laheyn dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna ayadoo halgan dheer oo aan naxariis laheyn lala galayo cadowga ciiddeena ku soo duulay. Wadajirkeennu waa furaha guusheenna, tafaraaruqeennuna waa fursad aan u hibeynay cadowgeenna aan arxanka laheyn. Dagaal sokeeye oo sii socdaana waa annagoo gacmaheennii isku dooxnay. Ha la digtoonaado! Degdegna ha loo joojiyo dagaallada sokeeye.

 

Gabaygaan hoose oo aan qoraalkeyga ku soo gabagabeynayo wuxuu soo baxay sanadkii 1999kii, wuxuuna ka digaayay khatarta soo fool leh haddii aan laga waantoobin xafiiltanka iyo isxagxagashada Soomaalida dhexdeeda ah ayadoo la aaminayo walaalna  laga dhiganayo cadow shisheeye. Annagoo og sidey wax u dhaceen sanadihii u dambeeyay, ayaan haddana weli rajo weyn ka qabaa inaan u midowno sidii aan u dhowran laheyn karaamadeenna iyo gobonnimadeenna gebiga ka sii laalaadda. Haddii talo towfiiq leh lala yimaado, weli wey jirtaa tabar aan cadowgeenna ku turaanturreyn karno insha-Allaahu.

 

Waa  qayb ka mid ah gabaygii Damaq ee akhris wanaagsan:

 

 Marba kii digtoonow yiraa oo dacay ku maareysta
Indheergaradkeed dabargooya oo culimo nool duuga
Marna umuleheed dooxa oo damag ka siinaaya
Iyo khaa'inkii dagaya oo dalaw ka tuuraaya
Daroogada u beeroo xanniba quud daruurigiyo
Diktatoor xushmeysoo durbaan beena ugu heesto
Dabcigeennu Soomaaliyey waa ka sii daraye
Wixii daqar na soo gaarayoo weli na doogaaya
Dockayeerro waxay noo hor kici dammani sow maaha?!.

Nacabkeed dab uu shiday iyana digo ku nooleyso
Dorraad weyl la dhacay iyo weligeed diyo ka sheekeyso
Daandaansi reer kama kortoo dirir u xiisooto
Dabcigeennu Soomaaliyey waa ka sii daraye
Diredire haddaan u heellannahay gacal ku duulkiisa
Waxaan cadowga naga daahay aan daba rucleyneyno
Diiftuna xarago noogu tahay dammani sow ma aha?!

Iney haybaddeenii dam tiri daatay dhaxalkeennii
Oo aan dugaag nahay is cuna waa daliilkeede
Doolli xume Tigree ahi hadduu Doolow kaa xoogay
Uu weliba dekeddii Berbera xeryihii Dayniile
Kismaayuu ka daabulo rarkiyo balliyadii Doogle
Muqdishana dakaynteeda rabo daaji lagu miiso
Dabcigeennu Soomaaliyey waa ka sii daraye
Innagoo daciif luudiyoo daafac kari waynay
Dagaalyahanno halisaan nahiyo dadnimo sheegsheegad
Waxaan kibir isugu doobbinnaa dammani sow ma aha?!.

Daacuunku waa cudur xun iyo duumo faaftaaye
Dabadheer colaad iyo haddaan gaajo soo darisnay
Oy daadad nagu soo rogmadeen aan digaag reebin
Colaad aan damayn iyo hadday fitno dakayneyso
Nabaddiina diihaal hayoy duul waxtara weyday
Digri Alle halkii nalaga rabo dibushallay weyn leh
Dabcigeennu Soomaaliyey waa ka sii daraye
Waxa towbad loo diidayoo xumaha loo doortay
Odayguna u duudsiyi miskiin daallan oo liita
Dhalintuna diskooyada u tagi darimrimtii muusik
Oon weli la Dimoqoraadiyeyn dammani sow maaha?!

Darbaddaa haddaan meel u dayay downa qabadsiiyay
Alleylehe daldalan lama rabee daacadna u sheegay
Dullaal lama hadlaayee waxgarad samo ku deeqsiiyay
Dabayaaqadana aan Rabbigey dalab ku weydiisto.

Duulkii ku caasiya ciqaab wow diyaar abide
Adoo daaya mooyee darxumo wey la deristaaye
Dulqaad badane adigaa ahoon deeqi kaa gurine
Cirkan daah adigaa nooga dhigay derin dhulkoo idile.

Daruurahan innagu hoorayee doogga soo bixiya
Qorraxdaan kuleyl nagu dubeyn diirrimaadkeeda
Dayaxaa samada meerayee leylki noo daarma
Hawadaan daldalaneyno een naga dikhoobeynin
Darduurashada nimcadaada aan abidkeed doorsoomin
Deyn culus adaan nooga dhigin shey dib loo bixine.

Dildilloonka hirarkiyo berrigu wuxuu daboolaayo
Xidigahan dabrane aan sidii dhimbilo soo daadan
Waxa belo dahsoon iyo waxaad derbi ku owdeyso
Waxaad naga dadbeysaba Rabbiyow badi dad waa mooge
Adigaa khalqigaan kala dabbara awalna soo deystay.

Duruustaad na siisiyo beryahan waxaan digniin aragnay
Daldaliig far iyo noogu filan xusid damiineede
Buurahan inagu soo dumayuu duudkii celin waayay
Adigaan daqiiqadda waqtiga sakan u daaheyne
Waxaad damacdo adigey ahaan lagana doodeeyne.

Adaan kaa dalbeynaa Rabbiyow raxmad na deeqdaaye
Daaquudyadood naga waddiyo ducaqabaad keento
Dulmigoo galbada iyo xaqoo loo damaashaado
Dagdag nabad ah waxan kaa rabnaa dib u heshiisiine
Dandarradan ogaannaye Allow saan ha nagu deyne
Mar uun naga dulqaad dullinimadan dawarsi waa ceebe
Aakhiran dabkoogii naga hay dabaqyadii naarta
.

 

AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN


Inj. Maxamed C. Cibaar

E-mail: [email protected]



 
Click here