4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Ma Dagaal abuurbaa, mise waa doorasho ka carar??
Qore: Dr. Mohamed O Nur-Shacabi
Wednesday, November 07, 2007
 
Dahir Riyaale Kaahin
Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha Somaliland
Maskaxda qofka Somaliland ah waxaa ka guuxaya oo ay isweydiinayaan saddex qodob oo ka mid ah Dastuurka Somaliland iyo Geedi-socodka Dimuquraadiyadda oo ah:
1. Waa maxay Dimuquraadiyaddu?
2. Waa maxay xornimadu?
3. Waa maxay xuquuqal Insaanku?
 
Markaad eegto horumarka ay Dawladda Somaliland ay ku faanayso, runtii waa mid ay keensadeen shicibweynaha Somaliland, taasaana dhalisay nabad-gelyada iyo horumarka ay ku talaabasatay dawladda Somaliland oo hiil iyo hooba ka helay shicibka oo runtii ah madaalayaasha, had iyo jeerna ka hor mariyo dan kasta ta dalka. Bal hadaba aynu jaleecno waxa ay shicibku ka sugayeen dawladooda iyo waxa ay kala kulmeen.
 
Dawladda Riyaale waxay dhawaan si badheedh ah ugala baxaan guryahoodii iyagoo aan haysan sharci ay ka sitaan Maxkamada ama aysanba jirin wax dembi ah oo ay galaan madaxdii Xisbiga Qaran oo sida aynu ka wada dheregsnahay ay samaysteen xisbi cusub, kaasoo uu Dastuurku u ogolyahay-xisbiyada badan, laakiinse nasiib darro ay Dawladdu u jahaysey inay abuurayaan qalqal iyo nabad-gelyo la'aan ka dibna ay u taxaabeen xabsiga Mandheera.
 
Ka dib, markii ay odayaasha magaca weyn ku leh dalka iyo dadkaba oo uu horkacayey Abwaanka Caanka ee Hadraawi uu Madexweynhu ku ballan-qaaday inuu sii daynayo, taasoo noqotay bal-fur aan laga filayn nin weyn oo dal dhan hogaaminaya, waxayna noqotay wax af laga yidhi ee aan marnba daacadnimo iyo ballan-qaadisba lahayn. Su'aasha ah in lays weydiiyo hadaba waxay tahay, haddii Madexweynihii Somaliland uu jebiyey ballan-qaadkiisii, sidee baa loogu aamini karaa inuu hogaamiyo dalka una horseedo cadaalad iyo hab-toosan oo ku dhisan Dimuquraadiyadda iyo Dastuurka dalku dhigtay oo aad arkayso inuu baalmare isagoo aan cidna uga baqanayn, sharcigii dalkana uu gacantiisa ku qaatay. Waxaad arkaysaa in habkii Dimuquraadiyadda ee ahayd in lays-dheelitro oo ah saddexda qaybood ee dawladdu ku dhisantahay ee kala sidatan:
 
1. Qaybta Fulinta-Executive Branch
2. Qaybta Garsoorka-Judicial Branch
3. qaybta sharci-dejinta iyo ansxinteeda: Legislative Branch
 
Habka dimuquraadiyadu ku dhisantahay ayaa ah in saddexdan qaybood ay is-dheelitiraan oo aan midna midda kale ka awood weynayn. Laakiinse nasiib darradda dhacday ayaa ah in Riyaale uu isagu si toos ah u maamulo qaybta Garsoorka iyo Qaybta fulinta iyo qaybta aqalka odayaasha am (Senators), taasoo lumisay in la helo dheelitiraan ama ay lunto-Check and Balance.
 
Dhawaan waxaynu ogayn in dalka la geliyo xaalad dagaal abuur, taasoo aad arkaysey inay jirtay in Xisbiyada dalka ka jira iyo shicibku ay isu-diyaarinayeen Doorashaddii Madexweynaha oo dhici lahayd bisha soo socota ee April 2008, ay dawladdu dagaal ku qaadeen ciidamadii ay is-horfadhiyeen muddada dheer oo ay sheegeen inay in badan u samrayeen iminka ay doonayaan inay sugaan xuduudihii oo Laas-Caanood ay gudaha u galaan oo qabsadaan. Runtii waa arrin nin kastoo wax fahmayaa uu gran karo inaysan ujeedadoodii aysan taas oo qudha ahayn laakiin ay runtu tahay in doorashooyinka dib loo dhigo baqid ay ka baqayaan inaysan ku guulaysan doonin oo aad arkayso in dadku ay ka niyad jabeen dawladda waxqabadkeedii, taas darteedna dagaal abuurkan la sameeyey, runtiina aad moodo in Riyaale ka caqli-badiyey dadka Somaliland iyo Xisbiyadaba taas oo uu helay ujeedooyinkiisii ah in doorashada dib-loo dhigo afar bilood oo kale, ka dibna haddii xaaladda dagaalku sii xumaado uu dib ugu noqdo Aqalka Odayaasha oo uu weydiisto 2 sanno oo kale iyo yaa garanaya waxay noqon doonto iyo inayba doorasho dhici doonto.
 
Waxaa kaloo dhacay usbuucan in Dawladdu ay xidhay xafiiskii Shuronet-oo ah Xafiis Madexbanaan oo u furan Xuququl Insaanka arrimihiisa oo ka furan Hargeisa. Arrinta layska xidhayo muwaadintiinta iyo xafiisyadda iyagoon aan dembi cad lagu haysan Maxkamadna aysan xukumin ayaa ah wax ka baxsan habka Dimuquraadiyadda iyo Xuququl Insaanka labadaba, hadaba, maxaa ku dhacay Shicibka Somaliland oo ay wax uga qaban waayeen una diriri-waayeen xuquuqdooda. Maxaa loo waayey Mudahaaradyo nabadeed, maxaa loo waayey in dibed iyo gudahaba wax looga qori-waayey, wa arrin aad aniga iiga yaabisay. Waxaad arkaysaa in dadkii sidii afweyne waqtigiisii afka la qabtay oo baqdin la geliyey.
 
Waxaad arkaysaa in Dawladda Riyaale uu dhawaan nadaafad ballaadhan ku qaaday iyo dib-u habayn jeelasha ku yaala Hargeisa, maxaabistii badankoodiina loo taxaabay Mandheera. Waa yaab-yaabkiisee, ma hadaa lagu werweray sidii dadka loo xidhixidhi lahaa, iyadoon weli la ansxin miisaaniyaddii dalku ku shaqyn lahayd. Ninkii jiray wuxuu yidhi, "waar maanaa waallan mise Cadan baa laga heesayaa"..
 
Waxaa kaloo iyadina ah in la xuso in Dawladda Riyaale ay gacanta ku dhigtay oo iyagu xukumaan Idaacadaha dalka iyo kuwa madaxa-banaan oo iyaguna aan ka hadli karin arrin aan dawladdu ka raali ahayn. Hore waa u ogeydeen in Maamulka Riyaale uu xidhay Madexa Wargeyska Hatuf oo markii ay wax ka qoreen arrimo run ah oo cadaymahoodii la soo bandhigay loo taxaabay jeelka, waxaa kaloo Jira kuwa kaloo la dhirbaaxay ama candhuuf lagu tufay, kuwa kaloo iyagana layska xidhay ka dibna la sii daayey. Waxaad arkaysaa in Dawladda Riyaale u aabbo-yeelayn kuna tumanayaan Xuquuqda Muwaadinka iyadoon loo haysan ama lagu haysan wax sharci darro oo ay sameeyeen. Taasi waxay ku tusaysaa in Xornimada qofka ee habka Dimuquraadiyaddu dhigayso iyo ta Islaamkaba layska indho-tirayo.
 
Somaliland waxaa la geliyo xaalad ah dagaal abuur, taasoo micnaheedu ahaa doorasho ka baqid iyo kursi dheeraysi, Xisbiyada iyo Shicibka Somalilandna ma garan in arrinta la soo hoos geliyey. Xalku waa in la helaa nabad laga abuuro xaaladda Sool oo shicibka Reer Sool la gaadho oo lala tashado, ha noqoto tallo-wadaag, dawlad-wadaag iyo in aan shicibka la tusin in nabadayni midaynayso ee loo baahanyahay in meel kastaba tallada laga rogrogo oo shicibka la soo dhaweeyo, lana ixtiraamo rabitaankooda.
 
Arrinta doorasho kordhinta, waxaad arkaysaa in saddexda xisbi iyo Komishinka Doorashooyinku ay arrintan isku waafaqeen iyadoon Gurtida la war-gelin. Waxaad arkaysaa in Oday ka mid ah Gurtidu uu iminka ka soo daba-qaatay oo uu leeyahay annagaa leh awoodda wax kordhinta, taasoo laba weji yeelan karta. Waa midda hore, inay dhab ka tahay, iyo in la tusayo labada xisbi iyo Komisinka in kordhintu ay dib ugu noqonayso Gurtida iyaguna siday doonaan ka yeeli doonaan. Midna ogow, Gurtidu mar walba waxay taageeraysaa Madaexweyne Riyaale oo hore ugu kordhiyey markii watigoodii ka dhamaaday.
 
Xisbiyadu ma garan inay ku adkeeyaan heshiiskii ay hore ula galaan Madexweyne Riyaale iyo Komishinka oo aan runtii sharciyan ahayn inay hoosta ka xariiqaan in kordhin kale dhici doonin xataa haddii xaaladdu is-bedesho, taasina may dhicin.
 
Nabaddu waa qaali, waana ta keliya ee maanta Somaliland ku faani jirtay, laakiinse waxaad dusha ka tuuray Riyaale iyo inta hoos-cararta. Dadka, Baarlamaanka, Gurtida iyo Shicibku waa inay ilaashadaan nabadgelyadan ku timi dhiig iyo dhimasho, isla markaana ay iska qabtaan qof kastoo ku xad-gudba xuquuqdooda.
 
Dr. Shacabi


 





Click here