9/24/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Shirka Xamar mid Siyaasadeed mise Dhaqan?

Cabdulqaadir X. Maxamed
Tuesday, May 29, 2007

 

Shirka loo balan sanyahay in lagu qabto bartamaha bisha soo socota magaalada  Muqdisho hadiiba  uu qabsoomo ayaa dad badan oo la socda arimaha somalida eey is weeydiinayaan wajiga uu yeelano, waxa uu soo kordhinayo, ajandihiisa, muddada uu socon karo, cida iyo weliba habka loogu heshiinayo.

 

Ugu horeeynba waa nasiib daro la jaar noqotay umadda soomaaliyeed in 17 sano ka dib wixii wadanku bur bur iyo dhibaato soo maray, welibana la qabsaday oo uu gacan gumeeysi madoow ku jiro hadana aaneey ka harin dhegaha muwaadiniinta shir dib u heshiineed, sidaasoo eey tahay ayaa hadana shir ku sheegaan waxaa looga dan leeyahy in calaamka lagu qaldo, qarash looga cuno, lagu waqti dheereeysto laguna qariyo arimo badan oo xasaasi ah oo hada taagan sida arinta xasuuqa iyo dadka geedaha weli hoos jiifa oo weliba gargaar iyo dib usoo laabasho intaba loo diiday, arinta wadanka dhan oo la heeysto, taageera la ‘aanta shacabka ka heeysata kooxda Imbagaati oo dadkii eey u talin lahaayeen eey u arkaan daba dhilifyo lagu adeeganayo iydoo wax walba loo sameeyey taangiyo iyo diyaarado lagula dul hayey shacabka ayey wax walbaa hadana u socon la’yihiin.

 

Waa su’aal aqritoow inaad is weeydiiso mudan  dhibaataada maanta ka taagan soomaaliya ma dhaqan ayey ku saleeysan tahay mise siyaasad ayaa leeysku hayaa? Beesha caalamku dhaqaale ma ku bixineeysaa shir Dhaqan xili eey afka ku hayaan shir dib u heshiisiin siyaasadeed sida eey sheegtay wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee dowlada Talyaaniga Patrizia Santinelli ?

 

Jawaabta meel dheer ha u raadin hadii dhibaatadu ku saleeysan tahay dhaqan beelaha soomaaliyeed hada dagaal kama dhex taagna iskumana heeystaan Deegaan(daaqsin iyo biyo), garabyada kooxda Imbagaati ee Adis iyo Asmara ku  kala xirana dhaqanku masuul kama ahan, hogaankii shacabku aadka usoo dhoweeyey ee maxkamadaha ee dalka laga saarayna dhaqanku masuul kama ahan mana keenin, dadka wadaniniyiinta ah ee gumeeysidiidka ah dhaqanku wakiil kama ahan, shacabka Tabcanayaasha diidana dhaqanku ma keenin ee waa arimo siyaasadeed cida shacabka taageera ka heeysta ayaana ku guuleeysaneeysa si howl yar oo aan u baahneeyn taageero dowlado caalamiya iyo Taangiyo.

 

Soomaaliya inteeda badan maanta dhibaato oo dhan ayaa ka jirta dil baahsan, dhac, kufsi aan loo kala aaba yeelin cadaalad iyo xoriyad la aan aan la qiyaasi Karin sida ku cad warbixintii Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, oo sheegtay in wax cadalada ah eeysan ka jirin kofurta iyo bartamaha somaliya. kuwii ku naaxay dhiiga shacabka oo dhamaantood dib loogu soo celiyey meel kastana taagan, dadka kuwa ugu caqli iyo  cilmi liita oo leeynta iyo dhaca kusoo shaac baxay laguna abaal mariyo, maamul xumo iyo is bar baryaac aan awoodo u qeeybsaneeyn xitaa madaxda sare ee kooxda Imbagaati sida maamulka Gobolada, Safaaradaha, taliyeyaasha maleeshiyooyinka oo C/laahi iyo Geedi midkii doono u iska magacaabo waa qeeyb ka mida waxyaabaha laga dhaxlay Dilayaashii la dalacsiiyey.

 

War geeyska east Africa standard wuxuu ku sheegay Madaxweyne Yuusuf nin aan u heelaneeyn in nabad lagu soo dabaalo somaliya 16 sano dagaal ah ka dib ayuu diidan yahay fursadaha wadahalka cida wax kala dhexeeyaan waana dabeecad lagu yaqaan horbooda yaasha soomaalida iney ogolaadaan wada hadal waqti eey luntay fursadaas, sidoo kale guurtida deegaanka Xamar waxeey marar badan ku eedeeyn C/lahi inusan u dhaqmeeyn hab dowladeed.

 

Maamuladdii loo dhisay gobolada Gedo, Jubooyinka, Sh/hoose, Mudug,Galgaduud, Hiiraan intaba waxba kama socon Jowhar M dheere aye mudo u taakeeysneeyd ilaa isaga meel lagu magacaabay, Hiiraan Daba geed ayaa loo ololeeynayaa in hada dib u ugu soo laabto maalmaha soo socda, maleeshiyaadka Kooxda Imbagaati Wax sadex ilaa afar mar ka badan ayeey is rasaa-seeyeen taasoo keentay in mar walba la kala dhex dhigo tigreega waayo waxa kaliya oo shirkada lagu yahay ayaa ah in xoolaha shacabka la dhaco waana taas tan isku direeysa ileen labadii Xaqdaro ku heshiisa Xaqa ayey ku diriraane.

.

Dhamaan waxa ku jira maamulka Imbagaati waa danleey wax ka dhaxeeya eeysan jirin oo aan ka aheeyn in mid walbaa uu dantiisa gaarkaa ku gaaro inta meesha uu joogo, qabqablayaasha sida Qeeybdiid, Dhagaxtuur, Jeelle, M-dhere oo shalay lahaay waa inaan biyaha ka daba qaadnaa tigreega intuba waxeey u xusul duubayaan sidii eey berito u soo muuqan lahaayeen koleey tani socon weeysaye tan danbe dhaqaale ahaan, magac iyo muuqaal ahaan iyo dhan kastaba yaan lagu iloobi n oo isu diyaari ayaa ugu muhiimsan sababta maanta sida indha la aanta ah meel lagu  kala tegey xil uga raadinayaan.

 

Ugu danbeeyntii waxaan soo jeedinayaa shacabka soomaaliyeed ineey cod dheer ku dalbadaan, isku gaarsiiyaan, calamka ugu baaqaan in aan waqti kale looga lumin shir dib u heshiisiin Dhaqan iyadoo kuwii siyaasadada oo ah dhibka heeysta wadanka eey waxba qaban waayeen kana uusan mira dhaleeyn hadii aan la isku soo hor fariisin dhamaan dhinacyada isku haya talada wadanka si dhabana aan loo turxaan bixin waayo aasaaska xukunku waa cadaalad hadii aan cadaalad la helin dhibaatadu weey taagnaaneeysaa waligeed ilaah ayaan ka baryeynaa inuu waafajiyo dalka iyo dadkaba jidka toosan.


 

 W Q: Cabdulqaadir X. Maxamed

 E-mail: [email protected]



 
Click here