4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Warbixinta Cumar Ugaas ka soo jeediyey kulankii lagu soo dhaweeynayey Prof. Cabdi I. Samatar

Abdi Samater-Friday, July 20, 2007

Soo Jeediye:  Omar Ugas

 

Asalamu Calaykum W.W

 Salaantaas ka dib, waxaan halakan ka oran lahaa qaar ka mid ah dareenka iyo fikradaha reer Ottawa ay is dhaafsadaan marka ay timaado qodobada ay ka mid yihiin:

1-     Ethiopian occupation of Somalia

2-     War on terror iyo

3-     Somalia’s future

 

Ethiopian occupation, badi dadku aad bay uga xun yihiin, waxayna u rakaan nasiib darro iyo gunnimo laga dhaxlay jacaylka inta badan Somaalidu u hayso qabyaalada iyo danaysiga. Waxaa intaa ka sii daran  xasuuqa, iyo carada ay naxariisla’aantu ka muuqato ee Ciidamada Ethiopia, markay qabsadeen Xamar. Waxay ku tilmaamaan in arritu ayan qabsasho kaliya ahayn, uu meesha ku jiro aargoosi dadaalkii 77ka.

Waa ariin dad badan xusuusinkarta,

Waraysi BBCdu ay la yeelatay General M.A.Samater, Wasiirkii Gaashaandhiga ee waqtigaas; October 12,  2003. Wuxuu yidhi Samater:

 

Dagaalkii 77ka waxaa Soomaaliya uga dhintay 5500 (Shan kun iyo shan boqol) oo nin. Ethiopia qiyaastii (Samater) kaga dhintay 15000 ilaa 17000. Maxaabiistu Soomaalida, waaxay ahayd  270 u badan dagaaladii Galdogob iyo Balanbale, 17 ka mid ahina ahayd kii 77ka. Maxaabiistii Ethiopianka waxay dhmayd, 6000 (lix kun oo xaasas ku jireen). Tirada Ciidanka Soomaaliyeed markii Dagaalku bilowday waxay ahayd  50,000. Intii dagaalu socdayna waxaa la qoray 100,000.

Anigu(Samater), markii xilka xooga dalka iigu dambaysay waxaa Ciidanku ahaa 120,000 (Boqol iyo labaatan kun).

Taariikhdaas waxaa reer Ottawa badini u arkaan inaan Ethopiaanka iyo Soomaalida midna deg-deg u halmaami karin una hilmaami doonin

 

Haseyeeshee waxaa jira dad iyana ku dooda  “intii aan ku jiri lahayn is dooxid Soomaalida dhexdeeda ah, macaluul, qaxid iyo dowlad la’aan, in ayan waxba ka qabin gumaysi shisheeye oo nidaam iyo dowladnimo wata” Waxay ku andacoonayaan, “soo anaggii 1991kii Ethiopia iyo addunka kalba u qaxnay, si aanu u helno meel nidaam kala dambayneed iyo dowladnimo ka jirto”. Dadkaasu ma fiirshaan oo indhaha way ka laabtaan, rajadii iyo xasiloonidii ay maxkamaduhu keeneen, waxay yiraahdaan  “Maxkamaduhu mar kasta waa fashilmi la haayeen, waxaanan ku garan karaan wadaadadu halkaanba ilaa 90skii waa joogeen, waxna waa ku modoobi waayeen, waliba waxaa Jamaaca kasta u sahlanayd inay kuwa ayan jeclayn ama ka fikrad duwan, ay u daliishaan aayad quraana oo islaamnimadooda duri karta”.

     

War on terror

Inta badan dooda waa-wayn lagama yeesho halkaan. Waxaase mar mar la arkaa dad qaba in arrintaasu tahay xoogsheegasho xoola doon ah oo logu xalaalaysanayo argagixisaan la dagaalamaynaa iyo adduunkaan islaaxinaynaa

 

Somalia’s future

Sidoo kale reer Ottawa ka hadlaa ma badna, waxaa hoosaasiya caadifad qabill sida reer hebel baa dowladnimada raba ama haysta iyo igala aal inta reer hebel rabo ama haysan lahaa.

Balse, waxaa mar mar la arkaa dad aan badnayn oo uu ka muuqdo fiker qabiilka ka sareeya, kuwaasoo aaminsan in Soomaalidu isma hurto tahay dowladna aan laga maarmin. Sidaas daraadeed waxay qabaan inaan laga quusan sii wadida wadahadalada dib u heshiineed ee daka Soomaliyeed, si aan looga quusan rajo, ilaa laga helayo dad ehel u ah wadahadalada dib-u-heshiisiinta, Waxay qabaan in hawshaas oo  kale ay ku habboontahay inay hoggaanshaan dad daacad ah, oo aqoon meheradeed iyo mid waaya-aragnimoba u leh arrimaha ay ka mid yihiin:

-Dhaqanka, dhismaha iyo taariikhda bulshada Soomaaliyeed

-Aqoonta laxiriirta dabeecadaha dadka iyo isbedeladooda

-Dhexdhexaadinta iyo maaraynta isafgaranshwaaga

-Iyo guud ahaanba farsamada iyo aqoonta la xiriirta dhaqan-celinta iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo dagaalada sokeeye.

 

Dhinaca kale waxaa Jira  qaybo iyaguna aamisan in dadka hadda hor-boodayaa Siyaadda Soomaaliya, ayan ahayn kuwa guul ka keeni kara marxalada hadda la marayo oo aan u baahnayn qof meesha ku yimid xusul duub, wax doon iyo anna way kan. Waxay qabaan  in qofkii xumaan iyo dhibaato looga bartay  uu san shacbka marn ka gadmi Karin, si kasta oo uu ugu dhaarto inuu daacad yahay. Waxay halku dheg ka dhigtaan, “Geedkii fiican mirihiisaa fiican” iyo “Hal booli ahi nirig xalaala ma dhasho”. Shiinihii hore ayaa laga sheegaa oraah taasoo kale u dhow oo ah: “Haddii qof wanaagsani madax noqdo,  xataa markuu wax qaldo dawaynaha ayaa saxa/ hagaajiya qaladkii, oo marna wax xun lagama fisho. Haseyeeshee markuu madax noqdo qof aan wanaag looga baran, isagu xataa haddii uu wanaag wado ama wanaag samee isleeyahay, dadwaynaha arrintiisu ma gasho, waxayna u qaataan waxiliyo wixiisii hore”

Sidaas daraadeed, waxaad moodaa kooxahaasi inay  kaalintoodii ilaa xad la aamusanyihiin. Waxay qabaan inaan wax wanaagsan wado xun loo mari karinin. Waxay aaminsan yihiin, haddii natiijo fiican ama wax wanaagsan la rabo in markaas loo maro wado wanaagsan.

 

 Ugu dambayntii, adiga Prof: Abdi  Samatar ah, waxaa jira reer Ottawa kaa qaba fikrad ah, inaad neceb tahay Dowlada KMG ah.

 

Wasalaamu Calaykum W.W



 





Click here