9/20/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Miyaad kaxuntahay ama ku faraxsan tahay dagaalkii wakiilashada?

Mukhtar Qoransay

 

Xaaladda hadda kusoo korodhay Somaliya ayaa ah xaalad u kala qaybisay dadka 3-qeybood. Qeyb kaxun oo ka murugaysan waxa dhacay iyo waliba dhakhsaha ay ku dhaceen, qeyb ku faraxsan oo muujinaysa ama intooda badan aysan muujin karin farxadaas iyo qayb iska jahawareersan oo marba qolodii u timaada iskaga sacab tumaysa!

 

Intaan qaybahaas u gudbin, run ahaantii waa wax wanaagsan marba xaalada soo koradha in ifafaalo laga baxsho, waayo waa cashar cusub oo ay ku qiyaas qaadan karaan dadka intooda xaqiiq doonka ah mar walbana baadi goobaya daawo ka samaysan qalab sax ah. Markii maxaakimtu soo baxeen sidan oo kale ayay dadku u kala qaybsameen, waxayna dad badan oo Soomaliyeed ka qoreen qoraalo badan oo ku saabsanaa arimahaas, waxaana kamid ahaa qoraal aan cinwaan uga dhigay ’Walaal waan wareeraye yaan taageeraa ma maxaakimta mise dowladda?’, waxaadna moodaa falanqeyntii aan qoraalkaas ku xusay qeybo kamida inay run noqdeen ama xaqiiqdooda hadda la arko. Walow cilmi qaybka Rabbi kaliya ogyahay hadana Rabbi wuxuu baray aadanaha taariikhdu inay isa soo cel-celiso sidaa awgeedna ay haboon tahay in diraaso lagu sameeyo ama lagu cibro qaato taarikhda, si looga fakaro waxa dhici kara, isla markaana looga digtoonaado inuusan khaladku soo noq-noqon.

 

Xaaladda hadda dhacday hadaan usoo laabano marka hore waxaa la gudboon qofka fakaraya inuu qiimeeyo xaalad walba, intuusan calool xumaan ama murugoon ama uusan iska farxin isagoo ogeyn waxa uu ku farxayo. Kadibna markaa qaato talaabada ku haboon qiimeyntaas. Si aanan arinkaas ugu degdegin oo uusan u farxin qof calool xumaan doona ama taa caksigeed, waxaa fiican inaan ogaano dagaalkaan qoloda dajisay qorshihiisa, kuna jirtay bilowgiisa ilaa dhamaadkiisa, balse aan si toosa uga dhex muuqan laakin adeegsatay qaabka loo yaqaan dagaal-wakiilasho. Marka 2aadna waxaa wanaagsan qolodaas in CV-gooda la fiiriyo ilayn qof walba oo shaqo doon ah inuu shaqada fulin karo iyo in kale waxaa la kala ogaadaa markii la arko CV-giisa inuu aqoon iyo khibrad u leeyahay shaqadaa iyo siduu uga soo baxay hadda kahor shaqooyin lamida.

 

Dagaalkaan wuxuu ahaa dagaal wakiilasho oo aanan dhex marin Soomaaliya iyo Ethiopia kaliya, laakin caalamku uu markhaati ka ahaa inuu ahaa dagaal ay si wayn gacan uga gaysatay dowladda xooga u sheegata caalamka iyaduna wayba qiratay, hadaba aan isla fiirino dowladaas iyo CV-geeda ah dagaal kasoo hurin dalal kale? Deedna waxaa noo kala cadaan kara cidda mudan inay faraxdo iyo cidda mudan inay calool xumaato iyo in waxa dhacay guul yihiin ama bilowgii dhabihii Jahannamo

loo qaadi lahaa.

 

Taarikhda aduunka waxay marag ka tahay wadan walba oo USA si toos ah ama si wakiilasho ah ay faraha ula gasho inuu kasii xumaado siduu ahaa mooyee inuusan kasoo rayn. Maraykankuna sidiisa yahay khasaaro u jooge aanan caqli qaadan, ilayn waa maroodi xoog isbiday oo hal il kaliya wax ka arkee! Tusaale ahaan qorshe dajiyayaasha CIA waxay go’aansadeen inay ka tuuraan ra’iisul wasaarihii Iran 1953 ee la oran jiray Musadiq ee dadkiisu doorteen, laakin markii uu arkay batroolkii oo ay iska boobayaan Ingriiska iyo Maraykanku, wuxuu soo rogay xeerar qaranimo. Qorshahoodu wuxu ahaa inay Shahan meesha keenaan, laakin kuma uusan waarin ilaa uu Ayatulaahi Khumeyni kala wareegay! Cajiib maanta Iran iyo USA sidee isku yihiin akhristoow? Fara gelintaas ma USA iyo Shahan ayaa ku faraxsan maanta mise Axmed Najad?

 

Fiidnaam USA waxay go’aansatay inay Diem ku badasho Ky, qorshahaasna wuxuu sabab u noqday in 58.000 oo cidanka Marakaykanka ah ku dhintaan wadankaas, 2-malyan oo fiidnaamiyiin ahna ku baab’aan meeshaas, Maraykankuna jab iyo hoog ba’an kala soo noqday. Fara gelintaas yaa ku faraxsan maanta? Yayse taariikhdiisa baalka madow uga qoran tahay ilaa hadda?

 

Dalka layiraahdo Chile, CIA waxay soo qorsheysay in ninka ay dadkiisu doorteen Salvador Allende dil loo shir qoolo, laguna badalo Augusto Pinchet, kaas oo ahaa kaligiis taliye dilay dad kumanaan kun ah, wixii mucaarad ku ahaa oo dhana lafahooda waxaa laga soo helay xeebta Chile. Fara gelintaas ma USA ayaa ku faraxsan maanta mise dadka reer Chile?

 

Afqaanistan USA waxay keentay Xamiid Karzay, boqolaal kun oo afqaaniyiin ahna way laayeen. Karzay maanta kuwii la hishiiyayna ma maamulo, dawladiisuna reer Galbeedku waxay ku ogyihiin oo ku eedeeyaan siyaasad xumo aan horusocod laheyn iyo laaluush iyo cadaalad xumo, dadkuna 90%  inaysan ku kalsooneyn ayay idaacadaha reer Galbeedku soo sheegaan, balse Taalibaan ayaa soo laba kaclaysay oo hadda khalkhal kuriday amnigii USA iyo wixii la socday 5-sano kadib! Fara gelintaas ma USA ayaa ku faraxsan maanta mise Taalibaan?

 

Ciraaq markhaati ayaan kawada nahay, maalintii 500-1000 qof ayaa dhimata sida wararku sheegaan, wadankiina waa sii burburay, iyadoo la ogaa Ciraaq inay aheyd wadan si wanaagsan u dhisan nidaamna lahaa, balse 80-kii, ay kajirtay nolol aanan Galbeedka kajirin markaa! Fara gelintaas ma USA ayaa ku faraxsan maanta mise dadka reer Ciraaq?

 

Hadda caalamka oo idil wuxuu markhaati kayahay in dagaalkaan uu ahaa mid USA u wakiilatay Itoobiya lana garab taagnayd wax walba sida qorshayn, duyuurado casri ah, dhaawac daawayn, sahan cireed, veto, dhaqaale iwm. Raggii dadku ka neefsan waayeen iyo qaar ah itoobiyaan afsomali ku hadla waa naloo soo celiyay. Marka isweydiiyoo natiijadu maxay kaga duwaanaan doontaa wadamadaas aan kor kusoo xusnay? Mise caqliga Somaliyeed wali uma bislaan inuu taariikhda iyo dhacdooyinka dunida ku cibro qaato?

 

Teeda kale inta faraxsaneey maxaad ku faraxsan tihiin? Burburka cusub oo hadda u dhashay Somaliyaa? Yaase mudan inuu farxo ama calool xumaado haduu CV-ga ninka Soomaliya ku damdamleenaya sidaa yahay? Mindhaa ninka dib ka farxi doona ayaa mudan inuu hadda faraxa sii bilaabo oo uusan iscalool xumeyn. Inta sacabtumaysa ee aanan wali kala saari karin timirta iyo dabka oo ay waliba joornaalada caalamku ka yaaban yihiin, waxba la waydiin maayee  ha iska sacab tumaan ilaa Rabbi usoo saaro wax dantooda u garta.

 

Waxaana ku gabagabayn lahaa inaan mar walba fiirin kaliya wiilka gaajaysan ee dhagaxa loosoo dhiibay, laakin aan fiirino wiilka iyo ninka wayn ee wiilka dhagaxa usoo dhiibay, anagoo isla mar ahaantaana tabarteena ka talaabsanayn, Rabbina tala saaranayna.

 

Mukhtar Qoransay
E-mail: [email protected]



 
Click here