9/18/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Midowga Maxaakimta Islaamka: Dabeyl Caafimaad oo Dal Buka Saaqday

By Mohamed O. Musa (Beddel), Ph.D

 

Midowga Maxaakimta Islaamka (MMI) waxa ay ahaayeen dabeyl caafimaad oo dalka intii ay gaadhey dawo caafimaad u noqotey intii kalena uduggeedu saaqey. 

 

Lix iyo toban sano in ku dhow markii koonfurta Soomaaliya fawdo iyo qalalaase ay ku jirtay ayaa MMI u horseeday kacdoon bulshadii dhulkaa degganayd ku tuurtay heeryadii dagaal oogayaasha. Dadka oo gadoodsan ayey horkaceen markaas ayey raggii ku dhaadanayey in ay Maraykan hadh cad direen ayaa orod bay naftu ku aamintaa yidhi.  Dulmigii huuray ayey kadin u fureen markaasu qarax ka dhashay. Dhulkii ay dagaal oogayaasha ka xoreeyeen, sidii dhul abaar ahaa oo raxmaddii Alle maansheysay, ayey noloshi sidii daaqa u biqishay.  Guryihii dumay ayaa dib loo dhistay, kuwo cusubna waa la yagleeshay, beerihiina sidoodii ayey falashadoodii ku soo noqotey. Raxmad Alle ayaa

Koonfur badankeeda maansheysay, fooreheedii iyo saxansadeediibana uduggeeda ayaa dhulka Soomaalidu degto oo dhan wada gaadhey.

 

Intii Soomaaidu waddanka xorta ah ahayd, waxa u talinaysay hal dabaqo oo, haddiiba aaney ka madhneyn, ay ku yihiin qiyamka iyo mabaadi'da uumiyuhu wanaagga iyo xumaanta ku kala saaro oo dhaqanka Soomaalida intiisa waxyeellada leh iyo dhaqammada shisheeyahana intooda hoose si fiican u dabbaqi taqaanna.  Waa dabaqad aan gaboobin, teginna, wax ka dhaca mooyee wanaagna aanu u kordhin.  Marka umaddu inta ay kacdo doonto in ay heeryada tuurtona, iyagii oo sida dugaag gaashaysan hamuum qaba se wejiqarisyo cusub xidhan ayey soo noqdaan.  Waa dagaal oogayaal, waa madaxweynayaal, waa wasiirro, waa safiirro, waa taliyeyaal ciidan oo magacyo kala duwan ayey qaataan, duntooda iyo dhaqankooduse waa isku mid.  Halxidhaale carruureedka xerada wada usha ah ee aan mid la qaato lahayn intoo laga beddelo tafsiirkii hore in dabaqadan lagu tilmaamo ayaabay ku habboon tahay.

 

MMI waxa ay ahaayeen muunad (namuunad) u taagan garab kale oo ka mid ah garaabyada bulshada Soomaalida.  Waa garab wanaagga umadda mooyee aan weli xumaanteeda faraha la gelin.  Waa garab waddani sooc ah.  Waa garab gumeysiga iyo gunnimada bulshada shisheeyuhu la maago ka gilgisha.  Waa garab maalinta bulshadu mudato aan waxba hagran.  Waa garabka ay ka mid ahaayeen Sayid Maxamed, Sh. Bashiir iyo Sh. Xasan Barsane.

 

Jiilaal dheeraaday oo dad iyo duunyoba itaal beeleen, hillaac onkod iyo gufaaco roobaad iyo guyaad horseed u ah ayey ahaayeen.  Ummad, sidii dameerkii ku jiray sheekadii Beerta Xayawaanka, wanaag ka quusatey ayey rajo cusub iyo raynrayn ku abuureen. 

 

Meelaha dhulka Soomaalida u ladan kuwa ka taliyaa, wax ay soo kordhiyaan markii laga quustay, waxa ay dadka ku khuukhin jireen yeydaan sida Xamar noqonnin ee ha is dhaqaajinnina.  Kuwaas ayaa ugu yar oo marmarsiiyihii ay runta dadka kaga jeedin jireen ayey ka xayuubiyeen oo iyagiibaa lagu yidhi, “Kuwa Xamar ka taliyaa idinka karti iyo amaanoba roon.”

 

Aadamuhu dhammaystir ma laha oo dhalliil loo waayi maayo, oo la dhalliilay, sax iyo khaladba.  Dhalliisha waaqica ku saleysan waxa ka mid ahaa in aaney cadaaladda sidii la rabay u oogin, oo tusaale ahaan, aaney dhulkii ay qabsadeen dadkii degganaa si isle'eg hoggaanka ugu qaybin ama rag godob lagu tuhmayaa ay ka qeyb galeen hoggaankooda.  Waxa ay u badan tahay in ay arrintan sabab u ahayd arrintan jabkoodana u sababta y nafteedu.  Hab beeleed ayey wax ku bilaabeen oo dhismahooda sees u ahayd dibaddana cadaadis xoog leh oo fursad siin waayey in hoos eegaanba ayaa kaga yimid.

 

Shaneemada xidhitaankeeda, oo iyana lagu dhalliilay, haddii aynu u nimaadno, waa arrin Soomaalida qurbaha iyo shisheeyaha ay la sheekaystaan ku kooban.  Marka laga tago in Soomaalida waddanka ku nool inteeda badani yihiin muslimiin muxaafid ah oo aaney shaneemada iyo caweys-gaalaadku dhaqan u ahayn, waxa jirta in badidoodu waxyaabihii aasaaska nolosha ahaa ee quudka iyo qeydku u horreeyaan ay halgankoodii la kacaa-kufayaan.  Haddayba u hawoon lahaayeen in ay filim shisheeye daawadaan, ma karaan   in ay shatigiisa iibsadaan.  Midda kale, ninka Xamar joogay ee wax kaleba ha joogtee ay soo martey in isagoo salaaddii Subax ka soo  baxay masjikda hortiisa la yidhi shaadhka bixi, macawistana ka dhex bax, ama haweenayda goortii gabbal dhaco aan gurigeeda kadinkiisa u dhaafi karin baqe ay kufsi iyo sharaf-rid ka qabto darteed, haddii ay xataa caado u ahayd in ay shaneemo galaan, amniga MMI u keeneen iyo balwadaa khafiifka ahi arrimo ay isku doorsan karaan uma muuqdaan.

 

Dhalliilaha xagga balwada la xidhiidha waxa iyana ka mid ah ta joojinta qaadka.  Waa ay jirtay in ay qaadka dan ku qabeen dad badan oo Soomaali ah oo ka shaqeyn jiray geyntiisa iyo gadistiisaba.  Qaadka iyo daroogooyinka kaleba, sida qammaarka inta ku khasaartaa inta ka faa'iidda aad uga badan tahay, ayey Soomaalidu guud ahaan dhibta ay ku qabaan aad ugaga badan inta ka faa'iidda.  Mas'alada qaadka iyo bulshada Soomaalidu waxa ay la mid  tahay sida goob qammaar ama kasiino dowlad shisheeya waddan dan yar ah ka furatey oo dakhliga ka soo baxa keligeed qaadata dadka maxalliga ahina adeegayaal ahaan uun wax ugaga soo duulduulaan. Dhinaca dhaqaalaha haddii la eego, ganacsiga qaadku dhulka Soomaalida waxa uu ka saaraa qeyb laxaad leh oo wax soo saarkooda guud ah.  Waxa weheliya khasaare nafeed iyo waqti oo aan laxaad leh xooggii umadana waa uu burburiyey. MMI iskuma deyin in ay ka joojiyaan qaadka dhulkii ay ka talinayeen oo keliya eh, waxa ay ku guulaysteen in uu ilaa xad joogsaday shilin Soomaaliga falceliskiisuna waxa uu noqday in uu kor u kacay ku dhowaad 25%.    

 

Haddii ay soo rogaal celiyaan Ilaahey garabkooda ha galo, haddiise ay sidaa ku tagaan, taariikhda Soomaalida ee waqtigan waxa ay uga dhex muuqan doonaan sida dooxada biyaha lihi uga dhex muuqato lama degaanka buska iyo ciidda mooyee aan geed sare iyo ku hoose toona ka bixin.  Waxa ay gelidoonaan baalka ay galeen halyeyda ay u horreeyaan Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Sheekh Bashiir iyo Sh. Xasan Barsane iyo intii geesi Soomaaliyeed hortood gilgilatey gacalse weyday.


 

Mohamed O. Musa (Beddel), Ph.D.

Antigonish, NS Canada

e-mail: [email protected]



 
Click here