11/17/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa fashiliyey Maxkamdaha Islaamka

WQ Maxamed A Amiir

 

Kadib markii Maxkamadahii Islaamiga ay ka  taagroonadeen qabqablayaashii dagaalka ee dalka jilbaha dhulka u dhigay dhuuxa iyo dhiigaba ka cabayey ayaa waxay sharaftu ku jirtay in Maxkamadaha ay u yeeraan dawladda fadhiidka ku ahayd Baydhabo, kuna wareejiyaan ama ugu yaraan ay la qeybsadaan maamulka dalka. Tan waxay maxkamadaha ku heli lahaayeen sharaf aad u weyn waxayna noqon lahaayeen kuwa mar waliba loo muhdo marka ay meel xun gasho. Hasa yeeshee maysan yeelin waxayna u tafaxeyteen in ay u qoryo gurtaan  xukunka dalka. Laakiin waxay dhashay fashilaat ay dad badani ku nafwaayen.  Sababtoo ah maxkamadaha uma diyaarsanayen in ay dalka xukumaan, mana ahayn wax ay qorsheysteen ee waxay ahayd mid  degdeg ku timid, walow laga yaabo in shakhsiyaad ay qabeen damac siyaasadeed. Guusha degdegga ah ee laga gaaray dagaalkii ay la galeen  Kooxdii argagaxisa la dirirka ahayd ayaana kor u qaaday damacooda siyaasadeed.

 

Sharftaas iman lahyd haddii ay dawladda ku wareejin lahayeen maamulka Caasimadda waxay ka doorbideen in ay kaarkooda ciyaaraan una halgamaan  maqaamka ugu sareeya dalka. isla markaana sida ay sheegeteen in ay ku xukumayaan shareecada islaamka. Ma hubo in shareecada islaamka ay cid waliba wax xukiumi karto, iyada oo walina aanay taagneyn kaabayaasheeda sida kuwa dhaqaalaha kuwa bulshada iyo aqoonta diined.

 

Maxkamaduhu waxay ku bilaawdeen ka jawaabid baahi jirta, hasayeeshee markii dambe waxay noqdeen kuwa dadka kala xusha.

Shakhsiyaadka loo oggolaa in ay ku jiraan  maamulka maxkamada iyo xataa hawlfulinta  ma wada lahayn aqoon diineed waxaase lagu xushay daacadnimadooda iyo dano kale oo ay markaas buuxiyeen.

Waxa kaloo jiray khaladkaan oo kale bannaanbaxyo abuubulan oo lagu dhaleeceynayo waddanka dunida maanta ugu xoogga badan oo aan laga fiirsan cawaaqib xumada ay soo jiidi karaan.

 

Ku baaqidda jihaadka oo dad badani ay u arken inay ahayd qar iska tuur iyo qorsho xumo soo dedisay in xukunkii maxkamadaha soo afjarmo.

 

Qaab dhismeedka maxkamadaha waxaa uu ahaa qaab adag oo aysan  shacbiga waxba ka fahmi karin. Waxaa la sheegi jiray gole shuuro oo mar lagu sheegay inuu ka kooban yahay tiro sideetan ka badan, marna la yiri waxay kor u dhaafeen boqol walow aaney jrin cid wada taqaannay ragga ku jiraa ama qaabka lagu galo, iyo cidda ka tirsan marka xubno toban ka yar laga reebo, haddaan la iska qiyaasanayey. Waxaa iska caddaan ahayd in aan la aqoonin cidda awooda iska leh ee ay wax ka go’aan iyo cidda talooyinkeeda lagu soconayo. Ammaro iska burrinaya, doc ka yeernimo badan iyo iska warqab la’aan ayaa mar waliba soo baxaysay.

 

Sharciyada dhaqangalkooda ayaa ka horreeyey shaacintooda, taasoo ahayd waxyaabaha aadka loola yaabi jiray. Khaldaadka ay galaan shakhsiyaadka horboodayey maxkamadaha lama awoodin in la saxo cawaaqib kasta oo uu leeyahay gefkooda erayeedna waa laga aamusi jiray, taasoo dad badan ay u qaateen inay jiraan kooxo fara laga qaaad ah oo awoodo xad dhaaf ah lahaa.

 

Xukunka iyo fulinta sharciga waxaa uu mar waliba ahaa mid ku xeran sida ay u rabto cidda fulineysa oo ma jirin sharci caam ah oo ay dadku fahmayaan walow la yiri waxaan wax ku dhaqeynaa shareecada Islaamka.

 

Soo dhaweyntii dadka ee Maxkamadaha

 

Dadka waxay ku soo dhaweeyeen gacmo furan sababo is biirsaday dartood. Somalida waa muslim waxayana aamineen kitaabka quraanka oo ay Maxkamaduhu u shegeen in ay ku dhaqmi doonaan waxna ku dhaqi doonaan.Markaas iyadoo la hubo in caddaaladda Alle ay macaan tahay ayaa waxaa loo furay maxaakiimta albaab walba  oo uu xataa kan qalbiga ku jiro. Waxaa la bilaabay in lala shaqeeyo, loo shaqeeyo intii ay iyagu dhinac u riixeen maahee. Waxaa intaas ka qiimo badan ku soo celinta ammaan magaalada Muqdisho muddo 16 sano kadib ah.

Maxkamadaha waxay diideen in ay soo dhaweystaan afartan koox oo aysan ka fekerin dhibaatada ay u geysan karaan haddii dhabarka loo jeediyo, waxayna ahayd ugu yaraan in la mashquuliyo oo aan laga dhigin rajo-beel:

  • Culimadii waaweynd ee dalka laga yaqaannay.
  • Hogaamiyayaasha dhaqanka ee bulshada kala rogi jiray intii uu dalka dawlad la’aa oo ay iyaguna geed dheer ku xereen.
  • Siyaasiyiintii hore oo iyagana albaabada laga xertay iyadoo qaarkoodna xataa si adag loola dhaqmay.
  • Waxaase intaas oo dhan ka darraa aqoonyahankii iyo dadkii waxgalka ahaa oo ay ka  doorbideen ilmo yaryar oo wali  qaarkood ay iskuuladda ku jireen.

 Dawladda KMG ah;

 

Maxkamadaha markii ay ka xoogeen qabqablayaashii dagaalka gacan ku haynta magaalada Muqdisho waxay sheegeen in aysan xukun rabin  oo madaxdooda sare mid kamid ah isagoo Jawhar jooga la weydiiyey in ay dawlad dhisayaan waxaa uu yiri “Abadan” oo uu ula jeeday inaysan dawlad dhiseyn, kadibna waxay caddeyeen inay aqonsan yihiin dawladda KMG ah ee Baydhabo ku koobaneyd. Halkaas waxaa shacbiga soo gashay yididiilo ah in dawladda loo qabtay hawl wanaagsan oo xubno wasiiardeeda ahaa oo u diiday in ay caasimadda soo degto looga qabtay, loona gudbi dhismaha dalka iyo dib-u heshiisiin. Sidoo kale mar haddii ay maxkamdaha  dawladda aqoonsan yihiin waxaa la qabay inay  u hogaansami doonaan sharciyadeeda iyo amaaradda ay dalka ku socodsiineyso iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay gasho.

 

Madaxweynaha markii lagu doortay Dalka Keanya isla markiiba waxaa uu codsaday ciidamo gaaraya 20,000 oo shisheeye ah  in dalka la keeno, waligiisna kama tana sulin, maxkamaduhuna waa ogaayeen in ay tubada ugu soo jiraan ciidankaas oo ay dawladda geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay sidii ay u heli lahayd. Markaas waxaa halkaas ka cad in maxkamadaha ama u talagal ama ay talo maagtay oo ay halkaas khalad ka galeen. Waxayna maxkamadaha la yimaadeen feker ah dawladda oggoli waxay doontana diiday oo ahayad arrin dadka siyaasadda u dhuundaloolaa ay fahmi waayeen. Haddi ay dawladda gebi ahaan diidi lahaayeen waxay yeelana lahayd waji loola dhaqmo oo laga yaabi lahaa in uu maxsuulka kan hadda ka duwanaan lahaa.

 

La xaajoodkii Dawladda

 

Shirkii ugu horreyey ee ay maxkamadaha iyo dawladda KMG ah ay isku soo hor fadhiisteen waxaa uu ka dhacay Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan. Shirkan maxkamdaha waxay galeen khalad taariikhi ah oo bar bilow u noqday kala aamin bax iyo kala shakinta iyaga iyo dawladda. Dawladda waxay soo dirtay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamanka iyo Ra’isul wasaaraha dalka tan oo u muuqata in ay dawladdu u diyaar ahayd in ay maxkamadaha si dhab ula xaajooto kana dhacsato waxay awoodo isla markaana siiso waxa ka ritaan. Waxaana jiray warar sheegayey in jagooyin ka mid ah seddex mas’uul kuwa hayaan midkood  ee goobta yimid ay suuragal ahayd in ay maxkamadaha soo helaan, halkaasna ay shacbiga uga soo bixi lahayd dawlada wadaag ah oo ka duwanaan lahayd tan maanta!. Hasa yeeshee waxaa fashiliyey maamulkii maxaakiimta oo shirka u diray dhallinyaro aan wax ka go’in isla markaana aan awood u lahayn in ay fuliyaan wixii ay soo qaadaan.

 Xataa waxaa dhowr jeer ay dawladda ku dacwootay in la jebiyey wixii lagu soo heshiiyey.

 

Halkaas dawladda waxaa ka galay shaki badan oo ay ku adkaatay in ay maxaakiimtu rabaan in wax lala qeybsado, laakiin ay u gagabbanayaan in ay doolshe- dawladeedka iyaga wada qaataan.Intaas kuma sinna ee maxaakiimta waxay bilaabeen in ay dalka isku fidyaan gaar ahaan koofurta. Taasna waxay sii kordhisay cabsidii dawladdii iyadaba ulaha booca ah ku tukubeysay ka qabtay maxkamadaha waxayna ay maciin sii mudeen Itoobiya oo markii horaba gacan weyn ku lahayd soo saaridda qaar ka mid madaxdeeda sare ee dalka iyo soo dhisidda Baarlamanka.

 

Maxkamdaha iyo Siyaasdda dunida kadib 9/11.

Sida cid waliba oo la socota siyaasadaha dunida ay og tahay dunida waxaa ka dhacay isbadal siyaasadeed kadib 9/11, waxaana ay dunida qaataday jiho cusub.

 

Laakiin Maamulayaashii maxkamadaha Somaliya waxay u ekaayeen inysan la socon isbadalkaas ama ay is dhega mariyeen. Sababtoo ah xataa marka laga bilaaabo magacooda – Midowga Maxaakiimta Islamka- waxay ahayd  in maxkamadaha ay dib u habayn ku sameeyaan ama ay abuuraan magaca laga wada qeybgali karo oo aan u muuqan mid ay koox gaar ahi ku midowday, laakiin maxkamadaha marnaba kama fekerin arrintaas. Maxkamadaha waxay ahaayen urur diimeed aan cid kale wax u oggoleyn. Urrurada magacyada diimeed leh waxay bari iyo galbeedba yeesheen astaaamo gaar ah wixii ka dambeeyey 9/11, waxaana horaba la iska qabaa in ay yihiin kooxo xag jira ama aragagaxiso ah tanna waa feker fiday. Sidaas darted waxay ahayd in maxkamadaha ay magac guud isticmaalaan isla markaana ay maamulka ka qeyb geliyaan dadka caadiga ah.

 

Maxaa wanaagsan oo ay sameeyen?

 

Guud ahaan jabka ku dhacay maxkamadaha looma qaadan jab qabiil taasna waa feker fiican. Tan kale waxay abuureen soo celinta waddaniyaaddii oo waxay muujiyeen inaysan xuduud lahayn oo waxay gaari kareen meelo intaas ka sii fog haddii si caqli ah loo maareeyn lahaa halgankooda iyo hawlgallooda.

 

Waxaa runtii qiimo leh ka bixiddii ay ka baxeen magaalooyinka iyagoo aan ku dagaallamin iyo dalka oo ay hal gacan ku soo celiyeen gaar ahaan koofurta.

Maxkamdaha waxay muujiyen in shacbiga Somaliyeed uu wax badan qabsan karo laakiin uu baahan yahay hoggaamin daacad ah, waxayna shacbiga uga tageen halbeeg-nadabadeed lagu cabiri doona maamulka kasta oo dalka ka jira.

 

Walow ay jabeen haddana waxay ka mas’uul yihiin in dawlad ay hesho taageero caalami ah, gaar ahaan tan dhaqaalaha iyo tan milateriga ah

Intii ay maxkamadaha joogeenna waxaa tirsanaa inta qof ee ku dhimatay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dhulka ay gaareen.

 

Somaliya cidi dan kama lahayn markii uu dhiiggooda daadanayey oo ay qabaqablayaal dagaal u kala xerneyd. Iska hor imaad meel ka dhaca ayaa 20 dhallinyaro u badan  ku nafwaayi jireen cidina aan is warsan jirin, laakiin intii ay maxkamadaha soo baxeen waxaa dalka indhaha ku soo qabtay caalamka oo dhan sida Mareykanka, Qaramada Midobay Iyo kuwa kale oo badan.

 

Haddaba waxaa quman in Somalida gaar ahaan dawladda KMG guushaan degdegga ah ee ka gaareen aysan u arkin mid kama dambeys ah ee loo baahan wadahadallo dhab ah oo nadabadda lagu xasilanayo iyo inay sameyso dadaallo dib loogu dhisayo hay’adihii dawliga ahaa ee adeegyada bulsho si loo gaaro dib-u heshgsiinta dhab ah.

 

WQ Maxamed A Amiir

[email protected]



 
Click here