9/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
Imbeeki (Gabay) : Falceliska Warqaddii Madaxweyne Thabo Mbeki

Inj. Maxamed Cali Cibaar

[email protected]

 

07/02/2007

 

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay, warqad uu  qoray Madaxweynaha Koofur Afrika, MudaneThabo Mbeki. Warqaddaas oo markeedii hore lagu daabacay tirsigii 1aad ( 12 -18 Jannaayo 2007) ee wargeyska ANC Today  , wuxuu madaxweynuhu aragtidiisa uga dhiibtay, xaaladda cakiran ee Soomaaliya iyo sidii xalkeeda loo gaari lahaa.

 

Mudane Mbeki, wuxuu qoraalkiisa ku faahfaahiyay, kaalintii hormuudnimo ee Soomaaliya ay ka soo qaadatay halgankii gobonnimoddoonka Afrika. Magaalada Muqdisho , ayuu Madaxweynuhu xusay, in bartamihii toddobaatanaadkii ay aheyd xaruntii rajada ee howlaha gobonnimoddoonka Afrika laga abaabuli jiray. Madaxweyne Mbeki, wuxuu gabagabadii warqaddiisa, waddamada Afrika ku baraarujiyay, in ay u midoobaan waxkaqabashada dhibaatada Soomaaliya.

 

Marka si guud loo qiimeeyo, waxtarka warqadda Madaxweynaha, xilligaan murugo ee Soomaaliya ay maanta ku sugantahay, wey sii fiicnaan laheyd in Madaxweyne Mbeki iyo dowladdiisa Koofur Afrika laga helo hiil iyo taageero dhaafsiisan ra’yi warqad ku qoran. Wey sii fiicnaan laheyd in uusan Madaxweynuhu  ka gaabsan xaqiiqada na hortaalla iyo gumeysiga cusub ee lala damacsanyahay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Laakiin haddana, Mudane Mbeki, niyadsamaanta, isxilqaanka iyo taageerada uu ku baaqay ee Afrika oo mideysani iney wax u qabato Soomaaliya, waa dadaal mudan in looga mahadceliyo, aadna loogu ammaano.

 

Sida uu Madaxweynuhu sheegay, bartamihii toddobaatanaadkii, xilligii ay Soomaaliya    aheyd qaran awood leh, waxey garab hagarla’aan ah la barbartaagneyd waddamadii Afrika ee weli ku hoos jiray gacantii gumeysteyaasha. Waqtigaas baaqa Soomaalidu -  carruur iyo cirroolaba - wuxuu ahaa “ Hobeey Afrikaay Huruddooy, cadow ku heeryee huruddooy, halyeeyadaadii huruddooy, haad baa cunaayee huruddooy !!

 

Ka dib 30 sano, waayahaa berisamaadka ee xusuusta madaxweyne Mbeki iyo in badan oo Soomaalida qarannimada jecel ahba ku weyn, nasiibdarro, Muqdisho waxey noqotay Muqdisho kale! Soomaaliya waxay isku bedeshay Soomaaliya kale! Afrika waxey u muuqataa Afrika kale! Adduunkiina waa Adduun kale oo la sii walaaqayo, hoggaankana ay u hayaan indhowgaradyo ujeeddoxumeyaal ahi !

 

Haddii shalay, Muqdisho loo yaqaannay Xiddigtii rajada Afrika, maanta! xaalkeedu sidaas waa ka duwanyahay.  Haddii shalay, Soomaaliya ay aheyd hooyadii halganka gobonnimodoonka Afrika, hiil badan oo hagarla’aan ahna laga heli jiray, maanta! waa meel la hilmaamay, la hagraday, dab laga huriyay, kadibna si jeesjees ah loogu sheegayo meel aan loo hoyan oo halaqyogaleen ah!!

 

Sida uu sheegay Madaxweyne Mbeki, maanta Afrika waxaa la gudboon in iyadoo mideysan ay si daacadnimo ah ugu gurmato umadda Soomaaliyeed oo dhibaato lixaad lihi ay la soo deristay. Haddii aan sidaa la yeeleyn, oo aysan maanta Afrika waxba tari karin Soomaaliya, waxaa qumman in aysan yeelin, oo aysan  noqon, xaabo lagu shito oo lagu karsado lafaha umadda tabaaleysan.

 

Ciidamo Afrikaan ah oo maanta qaabka la damacsanyahay loogu diro Soomaaliya, waxay la macno yihiin, ciidamo Afrikaan oo waddanka Koofur Afrika loo diray xilligii Midabtakoorka, si ay maamulkii dulmiga ku dhisnaa ee Pretoria uga kaalmeeyaan kahortagga iyo ciribtirka ururkii xaqudirirka ahaa ee ANC iyo garabkiisii gaashaandhigga ee Umkhonto we Sizwe ( Waranka Qaranka), oo waagaas in badan oo dowladaha ilbaxnimada sheegta ka mid ahi ay u yaqiinneen urur argagixo oo adduunyada khatar aad u weyn ku hayey.

 

Sida Muuqata, dhowr waddan oo Afrikaan ah ayey askartoodu hamuun u qabaan in  Soomaaliya ay u shaqo doontaan. Waddamadaasi  welwelka kaliya ee ay qabaan waa in meel la saaro kharashka ciidamadooda lagu kireysanayo iyo ciddii ay ugu hagaagi lahaayeen. Nasiibdarro, waddamadaasi ma fahamsana, sababta Soomaaliya seefaha loogu afeysanayo. Nasiibdarro, waddamadaasi ma fahamsana, in waxa maanta Soomaaliya lagu sameynayaa ay iyagana berri ku soo socoto, xaalkuna yahay: Ninkii qeyrkii loo xiirayow, aduna soo qoyso !!.

 

Gabagabadii, waxaa mar kale mahad badan mudan, Madaxweyne Thabo Mbeki, oo warqaddiisii qiimiha laheyd ay igu dhalisay inaan qalinka u qaato qoraalkaan dheer. Si gaar ah waxaan Madaxweynaha ugu dirayaa gabaygaan hoose oo aan ku magacaabay Mbeki, oo soo baxay 05/02/2007. Gabaygu wuxuu ka warramayaa, xaaladda dhabta ah ee ay maanta ummadda Soomaaliyeed ku sugantahay, wuxuuna dhambaal u dirayaa dhinacyo kala duwan oo ay arrinta Soomaalidu khuseyso.  Waxaan rajeynayaa, in warqadda Mudane Mbeki, ay noqon doonto billoowga hiilkii umadda Soomaaliyeed ay in muddo ahba ka dhowreysay saaxiibadooda ay halganwadaagga yihiin ee reer Koofur Afrika. 

 

Waa kan Gabaygii la magacbaxay Mbeki ee akhris wanaagsan:

 

Ikhyaarow amuurahaad qortiyo ereyadaad sheegtay

Idaacadaha lagu faafi iyo aalad dheereyne

Akhris kii yaqaan wuu arkoo faham ujeedkiiye

Kaan dhaguhu awdneyn u maqal addin sidiisiiye

Soomaali adduunyada dhammaan aag kastoy joogto

U riyaaqe oday iyo ilmaba oddoroskaagiiye

Ahbal qeyrkii u adeegayoo abbabba’leynaaya

Ogaallaawe ma ahidoo shacbigu waa ogsoonyahaye

Imbeekow i maqal Afrikadii wey ilduufsheene.

 

Imbegaati wixii lagu askumay IGAD shirqoolkeedii

Arab Moi arrinkuu gole ka yiri waa afkalaqaade

Aanada la garabsiinayee eexda lagu daabay

Dulmigey Itoobiya waddoo caalamku arkaayo

Inkastood  ka gaabsatay Addis dabkey afuufeyso

Angooliyo markaan inta xaqiran garab istaageynay

 ANC ( ee en sii) wixii aan tarniyo Umkhonto we Sizwe

Mar haddaad abaalkii xustiyo sidaan aheyn waayo

Istakoor haddaan legednay iyo arxan la’ aantiisii

Edeggii gumeysiga haddii ooddii laga feyday

Oo idinku kaad doorataan eeggan talinaayo

Intaasiba anfaco noogu filan  oon ku ba’ayaaye

Imbeekow i maqal Afrikadii wey ilduufsheene.

 

Ixtiraamka aadmiga marbuu eeygu dhaamaaye

Sida awr macsaro shiidayoo indhaha loo duubay

Ama dibi intaasoo hektaar fala aroortiiba

Oogada nin laga fuulayoo loo itaal sheegtay

Oo eheladii lagu dhex raro lana uleynaayo

Ikhtiyaar qof loo diidayoo ilmadu daadeyso

Oo sidii alaabtiyo dharkii suuqa lagu iibsho

Addoonnimo xanuunkeeda iyo eelkey reebeyso

Isticmaar aan nixin waad ogtahay urugadiisiiye

Imbeekow i maqal Afrikadii wey ilduufsheene.

 

Awguul nasiibiyo ixsaan leysla soo doontay

Isii laguma helin gobonnimadaan ku istareexnaaye

Geesiyaa ifkaan laga qarshoo aakhirow kacaye

Waa tuu abaabulku dhacoo iil la doorbidaye

Waa tey madaafiic onkodi aastay xaafado’e

Waa tii awow loo diloo aabbo loo qalaye

Waa tuu dhulkii ololayoo eebo leys daraye

Ayrab geela waa tii la dhacoon ari la reebeyne

Waa taan agoon wada aheyn iyo asayleeye

Imbeekow i maqal Afrikadii wey ilduufsheene.

 

Ilaah Qaadir weeyoo isagaa kownkan maamulaye

Isagaa abuuroo khalqiga qoray arsaaqdoode

Arjigaan direyniyo markuu yeelay aammiintii

Oo ducadii uu naga aqbalay Allaheen weynaaye

Wax la soo adkeystaba markaan tuugadii erinnay

Alalaasku goortuu dhacoon aakah niri maalmo

Goortaan dugsiyo aadnayoo alifkii noo toosay

Ayaxii aboorka ka darnaa miinaduu aasay

Ugxantii dillaacdaa mar kale uumiyii rogiye

Irbad suna rag lagu soo mudoo dhaqankii uuley leh

Afmiishaarro uurku dabanyahiyo eed qabaa yimide

Imbeekow i maqal Afrikadii wey ilduufsheene.

 

Aaminnimo qof lagu tirinayoo anshax u sii raaco

Indheergarad inaad yahay la hubo aadanuhu sheegye

Ixtiraam annaga oo ku lari iyo asluub gaara

Ugaasow ergaan kaa rabnaa inaad ajiibtaaye

Intii berrito nala eersan laa waa afeef horaye

Mid adeerkaa odaygii ahaa maqal Abwaanow dheh

Mid Afrika amaah lama baryee aayahaa garo dheh

Mid kalana Iskaashiga dulmiga aayarsada hoy dheh.

 

Aarkii Mandeelliyo haddaad aqalladii gaarto

Ileyskii mugdiga nuuriyow ummaddii Soomaali

Ayaamahan musiibaa heshoy la ibtiloobeen dheh

Orobbiyo waxaa isugu tagay reer Ameerika dheh

Austareeliyana kama maqneyn uubateyntaas dheh

Aasiya afkey xiratayoo weyska eegtaa dheh

Carabihii ikhwaanow lahaa  wey inkirayaan  dheh

Ummadihii midoobana intaa way ajarayaan dheh

Axmaqiyo waxaa loo boqraa kaan waxba ogeyn dheh

Midka aynigaadaana waa laga idleeyaa dheh

Iyagoon itaal badan lahayn iskuxirkii beesha (Afrika)

Agaasimiddii xaqudirirka iyo hobey Afrikaadii

Waxa looga aargudanna waa ololahoodii dheh!

 

Amakaagga qaaradda ka jira waad ogsoontahaye

Abeesooyin maatada jaqiyo abris wax baabi’iya

Akhlaaqxumo dir lagu soo xuliyo aqli la’aantooda

Afku kuwuu u buuxaa xukuma oo la iibsadaye

Urur horusocdiyo waa u nacab kii aqoon lihiye

Mar haddey abaar iyo colaad iyagii liitaanba

Mar haddey abaalkaan mudneyn badi illoobeenba

Mar haddiiba la amraayo oo lagu adeeganayo

Ijaar yaa na siin iyo hadduu arradbax xaal joogo

Inkaar qabaha ubadkii dhashiyo umulihiis dooxay

Wuxuu maanta noogu soo ordaa waa asluub xumaye

Waa aaran lagu doogsadiyo yey iftiin heline

Waa fitno arooskeede iyo arbush waxow roone

Ammaandarrada waa dhiirrigeli joogna abidkaaye

Askartaa la sheegsheegayee lagu ugaarsanayo

Asaaggood kuwaa uu dirsado waan ehbineynaaye

Olol naara haddii aysan rabin edeb in loo yeelo

intaan ooryahoodiyo dhashii aaway ku barooran

Ashtakaan haddaba sii nahaye yey na soo aadin.

 

Anfariirnay saaxiib halkuu maray adduunkiiye

Idahaaba dhaamiyo dadkii orgidey foofshaane

Ilbaxnimada lagu faanayana waa i maqashiiye

Axdi meel u yaal iyo ma jiro waxey ilaalshaane

Marba waxa Ilaah sheegta kii ugu awood roone

Ibleyskaa u yeeriya markaa aragti shaydaane

Kii aan addeecinna hubkaa lagu asqeeyaaye

Argagixiso haddii loo yaqaan ruux Islaamoo dhan

Oogidda salaaddiyo haddii ajar la ceebeeyay

Ashahaadda annagaa qirnoo Eebbe caabbudiye

Haddaan  eber baxeynana wallaan inkira  yeeleyne

Adolf ( Hitler) sidiisii kuwaa kibirku aafeeyay

Ee dunida afarteeda gees weerar ku ekeeyay

Iimaan la’ aantaa hoddoo wey ambanayaane

Albaabkoodi waxey moodayaan irdo islaameede

Arligaad rabtaan dega ayay arrin ku goosteene

Imtixaan intii aysan mudan oon Alle ciqaabin

Haddey owgeyow talo rabaan waa insaan wuxuye

Isafgarasho nabad baa leh iyo aayatiin wacane

Ogeysii islaax inuu dan yahay ubax la sii beerto.



advertisements
 
Click here