11/18/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wadaad waa kuma?

Mohammed Marayare

 

Wadaad, Sheekh, Caalim, Imaam, Macallim, Ehlu-diin, iyo erayo la mid ahi waxay ka mid yihiin magacyada loo yaqaanno ama loogu yeedho qofka diinta yaqaanna ee laga eegayo dhaxal Nebi, waxyi diimeed oo samaawiya iyo tarbiyad Islaam oo nolosha lagu hago.

 

Waqtiyadii hore ee taariikhda la soo dhaafay waxay raggaasi ahaayeen kuwa arlada hoggaamiya oo derajada (ranking) xagga Alle ay ka horreeyaan Nebiyada iyo Rususha oo keliyihi. Waayo nebigeennii Muxammad Sallalaahu Calayhi wasallim (scw) ayaa yidhi “CILIMADU WAA DHAXASHADA ANBIYADA” oo macneheedu yahay Culimada ayaa ka dhaxasha anbiyada wax ka mid ah Cilmigii, Sharaftii, Deqsinnimadii, Geesinnimadii, Aftahannimadii, Runtii, Ixtiraamkii iyo dhammaan sifooyinkii wanaagsanaa ee Nebiyadu lahaayeen. Kolkaa waxa xadiiskaas laga qaataa in culimada la weyneeyo, la ixtiraamo, la maqlo, wax la weydiiyo, hadalkooda lagu qanco, loo gargaaro iwm.

 

Marka hawl hoggaamineed, Jihaad, talo iyo Masiir (aayatiin) ummadeed la eegayana iyaga ayaa ahaa kuwa laga sugo ama looga dambeeyo talada lagu guurayo. Nuurka cilmiga, nolosha khalqiga iyo naruurada ummaddu aad bay u sarrayn jirtay, belaayo kasta oo timaaddana xagga culimada iyo cilmiga ayaa loo carari jiray. Siyaasadda dawladeed, xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo kaalinta danjirahaba (ambassador) ninba ninkuu ka aqoon iyo aftahansan yahay ayaa loo dhiibi jiray.

 

Metalan, Mucaad Ibn Jabal radiyallaahu canhu (RC), oo ahaa ragga Saxaabadii nebiga ugu cilmiga badnaa, ayaa shaqo danjirnimo (diplomatic mission) nebigu (s c w ) ugu diray Yemen, isagoo faraya inuu dadka halkaas jooga tawxiidka iyo cilmiga sharciga ah gaadhsiiyo oo waxa uu ku yidhi “ Mucaadow, dadka aad u tegaysaa waa dad Ahlu Kitaab ah, kolkaa ha noqoto waxa ugu horreeya ee aad ugu yeedhaa Shahaadada LAA ILAAHA ILLA-LLAAHU” Mucaad muu ahayn nin aqoon daran ee wuxuu ahaa Caalim ka mid ah ragga waqtigaas ugu cilmiga badnaa saxaabada, uguna Alle aqoon iyo alle kacabsiga badnaa, taasina waxay sababtay inuu qabto mansabkaas maamuuska badan ee Ambassador.

 

Xagga deeqda iyo soo furashada, Culimada ayey ahaayeen kuwa hoggaanka u haya ee ummadda xoolahooda ku kala furta marka xaal adkaado. Waa kaas Cuthmaan Ibn Cafaan (RC), markii kumaankum ciidamo ah loo diyaariyey jihaadka gaalada lala gelayo, isaga ayuu ahaa ninkii maalkiisa ku kiciyey ciidankii la magac baxay CIIDANKII CUSLAA ee dagaalkii Tabuuk nebigu (s c w) u hoggaamiyey.

 

Xagga xaqsoorka iyo maamul wanaagga Culimada ayaa khalqiga ilaahay ugu caddaalad iyo xukum fiicnaa, illaa maantana nidaamkii Cumar Ibn Khidaab iyo Saxaabadii la midka ahayd uumiyuhu waa ka shekeeyaa kana shidaal qaataa gaal iyo Muslimba.

 

Xagga Geesinnimada, sabirka iyo ku sugnaanta safafka hore ee dagaalka maalinta xaal adkaado, culimada ayaa hoggaanka ciidamada hayey guulaha iyo goobaha ay cadaw dhigeen, dhulalka ay furteen iyo u soo jeedka masaalixda ummaddana waa wax taariikhda soo jireenka ah baal dahab ah kaga qoran. Xamse Ibn Cabdilmudallib, Khaalid Ibn Waliid, Cumar Ibn Khidaab, Dalxa Ibn Cubeydillaah, Sacad ibn Mucaad iwm ayaa ah tusaaleyaal naftu dugsato.

 

Kobcinta cilmiga iyo garaadka dadka, fidinta Risaalada xaqa ah, ka shaqaynta ummuuraha horumarineed ee mujtamaca, madhxinta hantida iyo degaanka, sahaminta ilo horumar iyo badhaadhe mustaqbal iyo dhammaanba xadaarada iyo taqadumka la sheego ee Muslim soo maray waxa hormood u ahaa rag ilaahayna gartay, addoomihiisana u naxaya oo inta ay ifka joogaan wixii alle u dhiibay ummadda uga faa’iidaynaya. Culimadii Muslimiinta ee casriyadii kala dambeeyey ayaa taariikhdu qoraysaa inay horumar aan illaa maanta qaarkii la gaadhin kaga tageen dunidan aan ku nool nahay. Shaandhaynta cilmiga diinta, Xifdiga cilmiga iyo kutubta, Maamulka hantida ummadda, Fahamka dawada, Xisaabta, Sayniska iyo cilmiga badaha (science and maritime technology) waa hubaal inay hoggaan aan illaa hadda la gaadhin u ahaayeen dunida.

 

Yaa beddelay doorkii culimada

 

Mansabyadaas sharafta leh ee siyaasad debedeed, hoggaan ciidameed, maamul iyo xaqsoor, horumar iyo taqaddum, waxa hadda beddelay rag ku sheeg lagu magacaabo Siyaasi, Aqoonyahan, Indheer garato, Cilmaani, Askari, Keligii taliye, qabqable dagaal iwm.

Raggan hadda hoggaanka ummadda haya ayaa iska daa inay horumar iyo sharaf ummadeed raadshaan ama mid shakhsiyadeed ilaashadaanene, waxay ku tartamaan cadaadinta muslimka, u kala dheeraynta gaalada, is daba marka iyo is khiyaamaynta, xadidda xoolaha ummadda, maqalka iyo u dhego nuglaanta gaalada, ku tumashada masaakiinta iyo baabi’inta karaamada muslimiinta.

Raggii gaalka iyo muslimka kala garanayey ee aan PHD iyo BOOLI sidannini waa kuwii lahaa;

Gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta
Muslim inuu ku wiirsado adaa wacay dharaartaase
Wastina ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye

Salaan Carrabey

Ka aynu sare ku xusnayse uma qudh-qudhsana warkani oo isaga gaalka ayaaba indha buuxiya oo uu muslimka ka jecel yahay - bal dayaay hareeraha ragbaan dunida noolayne!

 

Waa maxay shaqada Culimada loo oggol yahay hadda?   

 

Culimada ama dadka fahamka saxa ah ee diinta haysta oo hadda aad u yar, ayaa haddana fadliga ilaahay meel kasta laga helaa oo weli masaaliixdii ummadda ku dedaalaya inay wax uun ka reebaan oo khalqiga anfacaan.

Waxa maanta shaqada loo dirto ee loo oggol yahay ninka Sheekha ah ka mid ah; inuu Malcaamad (Dugsi) dhigo, Masaajid wax ka dhigo, Dhaxal la weydiiyo, wax meheriyo, Qaaddi (weliba tan looma oggola had iyo jeer), Quraan inuu qof ku akhriyo, Cashar tuf iwm.

 

Ninka diin laga dareemo, looma arko;

·        Nin dad maamuli kara

·        Nin ciidam hoggamin kara

·        Nin dawlad wax ka noqon kara

·        Nin siyaasad dabadeed iyo tu gudo wax ka tari kara

·        Nin dalkaba wax ka ah

 

Waxaabad mooddaa in ninka ehlu diinka ahi aanu dalkaba wax ku lahayn oo aan talaba laga warsanayn marka laga reebo qolyo dufanku ku filan yahay oo qoladii timaaddaba daba luf-lufta mooyaane.

 

Xaggee wax ka qaldan yihiin?

 

Ilaaahay waxa uu quraanka ku sheegay inaan qolo la doorin (dhalan geddin) iyagoo is dooriya mooyaane, haddaba waa yaabe ma wadaadkii ayaan kuwa sare aan ku soo sheegnay sifooyinkoodii lahayn, maxaa illaa xadkaas hoose gaadhsiiyey?

Runtu waxay tahay haa, tarbiyaddii iyo dariiqii raggaas sare ee ehlu diinka ahi ku socdeen ayaa aad looga lumay oo keenay jabkan iyo jaah wareerkan jiitamaya ee jiilba jiil ka dhaxlayo dhammaan dunida Muslimka ah.

Rag baan weli warkaasi u qudh-qudhsanayn! Waase runta biyo kama dhibcaanta ah in dariiqu qaldan yahay.

 

Metalan, kooxo-kooxaysiga, (Tabliiq, Akhwaan, Suufiyo iwm) wax islaam yaqaannay maaha, mana aha dariiq toosan oo lagu walaaloobo ee waa safaf is bar-bar yaacaya oo mid waliba qabo inuu qaldan yahay saaxiibkii isna saxan yahay. Taasina sharaf ma keentee waxay sii siyaadisaa dulliga iyo karaamo darrida.

Miyaanu tusaalahaas oo keli ahi iftiiminayn in meesha khalad jiro. Ilaahayna Shardi ayuu ku xidhay gargaarkiisa oo wuxuu yidhi “Haddii aad Allaah u gargaartaan, waan idiin gargaarayaa” Gargaarkaas waxa culimadu ku sheegtay raacidda xaqa (dariiqa nebiga (s c w) iyo u gargaarkiisa, kaasna laynagama hayo.

 

Cilmaaniyaddan lagu faanayo iyo sarrayntan dadka liitaa, waa karbaash rabbaaniya iyo dulli aan Allaah qaadayn illaa safafka la saxo oo loo noqdo diintii Nebi Muxammad iyo Salafka (Saxaabadii iyo 2dii qarni ee ku xigay). Dadka diinta sheegaana ma wada saxnee qolo keliya ayaa saxan oo xaqu ma qaybsamo ee waa mid kelya. Ninka diinka saxa ah ku sugani waa ninka raaca dariiqii Salafka oo keliya (Saxaabadii, taabiciintii iyo taabicu-taabiciintii).

 

Ummadda kale waa maxay doorkoodu?

 

Dadka aan ahayn labada qolo ee aan ka soo sheekeeyey (Culimada iyo Siyaasiga), doorkoodu ma aha inay kolba qoorta u dhigtaan mid hoggaan sun ah sita ee dadku diin buu ku dhashay, dhaqan buu lahaa, garaad iyo garashaa jirtay ee waa in saxa iyo qaladka la kala gartaa oo diinta saxa ah loo noqdaa oo laga diin, dhaqan, iyo maamul dhigtaa, kolkaas ayaa Allaah Sharaf iyo Maamuus ummadda u soo celinayaa oo xumaantan arlada buuxisay wanaag lagu beddelayaa.

Haddii taas la waayo nin walowba u diyaar garow in dulliba dulli kuu sii dhiibo – ilaahay ha ina ilaaliyee.

Waa ta kalee Ilaahay hala baryo inuu dhibta iyo halaagga khayr ku beddelo kuwo khayr lehna maamulka iyo masaalixda caamka ah inoogu dhiibo.

 

Ragga maamulka inkastaba ha le’ekaadee hadda hayana waxaan kula dardaarmayaa; Ilaahay maalin aan dheerayn ayaad hor tegaysaan waana la idin weydiinayaa Masuuliyadda aad haysaan iyo ammaanada ilaaahay idiin dhiibaye rabbigiin ka yaaba oo Muslimiinta dhawra, u adeega, xaqa ku taageera, maalkooda, naftooda iyo sharaftoodana idinkaa ka mas’uul ah oo laydin weydiinayaaye ilaaliya. Cadawga Islaamna ka hadha oo sharaftiinna ilaashada ilaahay Muslim ayuu idinka dhigaye.

 

Marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa wacane
Waslad maniya baan ahay asaan oofin wacadkiiye
Waanwaanta nololeed intaan sido waxoogaaga
Waddadii xajkii iyo intaan wadan ka gaadhaayo
Weysaysi baa ila gudboon wuduu' salaadeede
Wakhtiga maan tukado geeridaa wajiboo xigiye

                                                                 Salaan Carrabey

Subxaanaka Allaahumma Wabixamdika Ash-hadu an Laa Ilaaha Illaa Anta Astaqfiruka Wa Atuubu Ileyka.

 


Mohammed Marayare

E-mail: [email protected]



 
Click here