9/23/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Ummad Uu Wadkeedii Galoo Waalo Tumanaysa !!!!!!

W.Q. Maxamed Cali Cibaar

[email protected]

 

Nin adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban. Waa yaab iyo yaabka yaabkiis.

 

Dhowr sano ka hor, wuxuu dadweynaha caalamku aad ula yaabbanaa dhacdo naxdin iyo amakaag laheyd oo ka dhacday waddanka Jarmalka. Nin dadcun ahaa oo lagu magacaabo Armin Meiwes ayaa internetka ku faafiyay ogeysiis uu ku sheegayo inuu u baahanyahay oo uu raadinayo dad uu dilo ka dibna hilibkooda cuno.Waxaa la yaab lahaa in ninkaas dadcunka ah fikraddiisii ay dad jecleysteen lana soo xiriireen, iyagoo dadcunka u sheegaya iney rabaan in la dilo ka dibna hilibkooda la quuto!! Dadkaas waxaa ka mid ahaa ninkii Jurgen Brandes lagu magacaabi jiray ee uu dadcunkaasi dilay, ka dibna uu hilibkiisii cunay.

 

Ninka la cunay ayaa sida maxkamad laga caddeeyay raalli ka ahaa in la dilo ka dibna la cuno. Waxaa waliba taas ka sii yaab badnayd in ninka wax cunay, Armin Meiwes, uu filim ka duubay ninka uu cunay, Jurgen Brandes, oo intii aan la dilin wax ka cunaya xubin ka mid ah jirkiisii, taas oo ahayd xubintiisii taranka.  Sida filimka laga arkay, Brandes laguma khasbin inuu hilibkiisa wax ka cuno, laakiin isaga oo dhinac ka dhiigbaxayay ayuu haddana qaybo hilibkiisa ka mid ahaa wax ka quutay isagoo si aan jixinjix laheyn hilibkiisii u ruugaya.

 

Markii labada nin ee aan fayoobeyni ay wada cuneen xubintii taranka ee Brandes ka dib, ayaa mindi dhuunta laga geliyay oo la khaarajiyay dhibbanihii, hilibkiisii oo la jarjarayna qaboojiha lagu cabbeeyay. Sidaas ayuuna ninkii dadqalka ahaa ku cunay 20kiilo oo ka mid ah hilibkii dhibbanaha, isagoo ku cunay bataati iyo maraqa laga sameeyo khamriga.

 

Arrinkaan la yaabka iyo naxdinta lihi wuxuu jihowareer iyo filanwaa  ku riday hay’addii caddaaladda ee Jarmalka oo ka anfariirtay qof raalli ka noqday in la cuno oo  waliba isagii hilibkiisii wax ka cunay. Doodo iyo isjiidjiid ka dib, ugu dambeyntii  saddex sano ka hor ayay dadcunkii Meiwes maxkamadi ku xukuntay 8 sano iyo bar xarig ah. Balse dacwad kale oo laga dabaqaatay dadcunka ka dib ayay haddana maxkamadda Frankfurt ee Jarmalku dambiilahaas  ku xukuntay  xabsi-daa’in sanadkii 2006da.

 

Waa waalli iyo cudur aan wax lagu tilmaamo la aqoonnin! Ogolow in lagu dilo, kadibna lagu cuno. Kaba sii darane adigu hillibkaada wax ka cun. Haddii horay loo maqli jiray ri’ is nuugtay, maanta dunidaan yaabkeeda waxaa lagu hayaa dad ay damiirxumadoodu ugu dambeyntii gaarsiisay in ay hilibkoodii wax ka cunaan.

 

Dhacdadaan kore oo lagu tilmaami karo mid yaab badan, waxaa ka sii xanuun badan midda maanta ka taagan Soomaaliya oo iyadu ah yaabka yaabkiis. Maxaa lagu tilmaami karaa ummad in badan oo ka mid ahi ay u gacanhaatinayaan cadow ma-naxe ah, kuna leeyihiin: Kaalay na gumeyso! Kaalay na gumaad!

 

Wax kastaaba sabab ha u noqdaane, gumeysigii ma naxaha ahaa ee loo yeertay waa yimid, gumaadkiina waa billowday. Gayigii waa laysla yeeshay, gunnimo xanuunkeediina waa la dhadhamiyay!  Laakiin nasiibdarro, dhiiggii oo gobo’leynaya weli  damiirlaaweyaashii gurbaankoodii qabyaaladda ayay gubta ku hayaan, waxmagaratadiina godkii abeeso ayay sidii iskugu garbinayaan oo isku gurayaan. Gowraca ehelku waa guul, garaadkuna weli kama korin reer Garas waa gob iyo reer Gumar waa gun. Doodaha iyo isxagxagashadu kama gudbaan geel qarniyaal ka hor la kala dhacay iyo goofaf lagu muransanyhay, iyo giniyo qaybsigooda lagu heshiin waayay. Geyiga uu cadawgu xalaaleysanayo ka hadalkiisuna waa gef iyo gardarro geeri lagu muto, kan dadka ugu gurracan uguna garasho liita ayuuna go’aankiisu fulayaa. Ganacsigu waa dhashaada oo la gado, cibaadaduna waa culimada diinta oo masaajidyada dhexdooda lagu ciqaabo. Qarannimadu waa  qabyaalad, qabkuna waa in qaxootinimo lagu faano. Maxaa umaddaan ka khaldan?

 

Waxaa ka khaldan wixii ka khaldamay nimankii is cunay ee Brandes iyo Meiwes oo ay sidaasi la wanaagsanaatay,Shaydaankuna u qurxiyay. Damiirkii ayaa dabeyshaday, diintii Rabbi (swt) ayaa leyska diiday, lagana kala dareeray. Natiijadiina maxey noqotay in caqligu keeno in hilib dadeed la cuno.

 

Abwaankii Soomaaliyeed ee C/Laahi Suldaan ( Timacadde), AHN, ayaa daraasad uu sameeyay ka dib, nus qarni ka hor noo sheegay in ay Soomaalidu cuneyso hilibkii ubadkeeda. Waliba duhur cad oo loo wada jeedo ayay fagaare ku dubteen. Aan wax yar dul istaagno gabaygii dhaxalgalka ahaa ee dugsi ma leh qabyaaladi:

 

“Ubadkiinnii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga diintii ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”

 

 

 “Nin waalan walaalkiis ayaa u miyir qaba” ayay Soomaalidu ku maahmaahdaa, haddii uuse walaalkaa kaa sii waalli badanyahay waa wareer iyo cadow ha kugu wiirsado.

 

Haddii dambiilihii dadcunka ahaa ee Meiwes ay maxkamadi ku xukuntay xabsi daa’in isagoo lagu eedeeyay inuu hal qof dilay, kadibna cunay, dambiileyaasha Soomaalida dabargoynaya ee aan da’yar iyo duqowba dhaafeynin, dulmigooda waa lagu  sii dallacsiiyaa oo deeq iyo darajaba waa layskugu daraa.Caddaalad la horkeenana warkeedaba daa. Yaase dan ka leh, Dixdhagaxeed aan isku diirnaxeynin? Haddiiba leyku dirqin lahaa, yaa u doodi kara dad raba in la dabarjaro, dalkoodiina iib u yahay?

 

Intey eheladu isgaadeyso. Agoonta intaan la eegeynin. Intey umushii ilmeyneyso.Ama ay odayaal isbaaro u taal. Intuu ehlu-diinku iib joogo. Inkaartaan arkaayo waa urugee. Ilaahay isagoon indhaha tirin. Haddey axmaqyadii ulaha ku hagaan. Ambatoo iyadaa is oofeysee.Maxey ummad kale ku eeddaa? Alle-magane, sow arrinku ma aha “lax waliba shilalkey is dhigto ayaa lagu qalaa”.

 

Gabaygaan hoose oo la magacbaxay Waajib wuxuu soo baxay 2 sano ka hor, juni 2005tii, wuxuuna ka digayay halistii xilligaas soo muuqatay oo natiijadeedii ay noqotay foolxumada maanta na hortaalla. Wuxuu kaloo gabaygu muujinayaa in loo baahanyahay in aan la quusan oo aan la isdhiibin, balse taas baddalkeeda lala yimaado daacadnimo,dadaal iyo dulqaad fure u noqon kara himilada suubban ee la hiigsanayo.

 

Wuxuu gabaygu ku billaabmayaa:

 

 

Wiiwaaw haddii aanan maqal waa kastaba saaxib

Ama aan waxyeelladu I damaq wahan caloolyowgu

Wowga gabayga kuumaan tirsheen waana la hubaaye

La wareeri Soomaaliyoo waaw ayay tiriye

Waddadeedi waa laga duwoo Weer ayaa cuniye

Aan kuu warramo Maxamadow samihii weydowye.

 

Waa yaabe wax kastoo u dana ummaddan waydaaran

Ummad ay wajahaddeedu tahay wixii dhibaalkeed ah

Ummad uu waxdarankii qabiil waabab ku xaraystay

Ummad tuugga wada aamintoo uu u yahay waali

Ummad caaqilkeedii wid loo wadata maangaabka

Ummad kii waxtara weerartoo waraf ku tuuryaysa.

 

Ummad uu wadaadkeedu yahay kii waliimaysta

Ummad weysoqaad mid aan aqoon wali ku sheegaysa

Ummad wuxu sunnuhu reebay iyo walamsan xaaraanta

Ummad aan wallaahiday maraan waxba ka soo qaadin

Ummad khayrka iska weecinnoo ka warwareegaysa

Ummad uu wanaagguba dhiboo xume walaaqaysa.

 

Ummad uu saqiir aan waxgaran waalidki amraayo

Ummad uu wasiirkeedu yahay ruuxi wiiqaaya

Ummad uu waayeel kii ahaa sii walaanjinayo

Ummad uu waxgaradkeedu yahay kii werwerinaaya

Ummad uu wafdiga door u yahay kii wadeeceeya

Ummad uu wakiilkeedu yahay wacad ma oofshaanku.

 

Ummad uu warfidiyeen u yahay been waldaaminaye

Ummad aan wax hubinayninoo waa la yiri haysa

Ummad uu jahligu wabaxshayoo weelal uga buuxo

Ummad waawarey i colaad ka jecel waanwaanta

Ummad uu widaaygeedu yahay nacab wareemaaya

Ummaddaan wadiiqay ku go'i looga dhigay waasac.

 

Nukliyeerka wasakhdiisa iyo walax kastoo hoog leh

Ummad qashinka lagu waaridoo aanan u warhaynin

Warshadaha suntoodii ummaddan waqaf cuntaa moodda

Waxmagarato ummad ay heshiyo burcad wareegaysa

Waxbayahayda ummaddaan ahoo waaqle ku abaadday

Wax u naxaba ummaddaan aan helin walad daneynaaya.

 

Waddankey ku noolayd abidoo waaqeed ay joogtay

Ummad waaraad loo qaybsadoon kaba walaacaynin

Ummad aan ka waababa aqoon dabinka weegaaran

Ummad wadajirkii diiddanoo kala waswaasaysa

Ummad waddici gobonimadiyoo wacan gumaystiina.

 

Wadahadalba ummad aanan karin wiwirtan mooyaane

Wacdigiyo xaqii ummad ka jecel baadil warintiisa

Waxyigii quraankiyo ninyahow waa wax jira mooge

Walcankoodu sharaftuu lahaa waa wax aan garanne

Waa wuxuu Iblays duufsadoo wiish ku sii raraye

Waqlalkeedi waa wixii fitnada wiilal loo qalaye.

 

Culimada wardiyi waa waxii goobti loo waraye

Waywayeyda waa waxa badshiyo weer islaan xirane

Warsan wiilasheed waa waxay isku warmeeyeene

Warmoogane billaawaha u daray duqii walaashiise

Inan wacana waa wixii dharaar loo wadaajiyaye

Waa waxaan agoon weyd ahayd looga tagin weyle.

 

Waagii baryaba waa wuxuu welwel u joogaaye

Wirwir waa waxay ugu haqdeen wabigoo hoos yaalle

Waa waxa waxsoosaar ba’ shoon wuqiyad loo hayne

Wiifwiifid waa waxa badooy la walhanaysaaye

Waji gabaxa waa waxay u mudan dibad wareeggaane

Wada liidka waa waxa ka dhigay iyo watiiq baase.

 

 

Mar hadday is wada waydayoo wiririflaynayso

Mar hadduu wahsigu tabar ka yahay iyo walaahowgu

Mar hadduu waraabiyo dugaag ku ag wareegaayo

Wan dhaylaa sidiisii haddii weerar lala maagay

Oo waaxyaheed lagu murmoo la wasladeynaayo

Iyaduna walaalba u qabtiyo ehel wanaag doon ah.

 

Waabay hadday fuuqsatoo biyo wareed mooddo

Wuxuushnimo ka daran oo wallee xaalku waa halise

Waa waalli bulsho ay heshoo cadow ku wiirsadaye

Inaan waano waligeen wadnoon waafi ugu sheegno

Oon hororka widinnoon walaal waardiyaha hayno

Ducadana an Waynow niraa waajib weeyaane.

 

Waa waajib wir inaan niraa waxarta qooqaysa

Waa waajib maatida inaan nacas ka weetayno

Waa waajib waxan haysanniyo waqti inaan quurno

Waa waajib wiilasha cartami inuu wacaal gaaro

Waa waajib inan warasadeen dhaxal u weelayno

Waa wixii dardaarana in aan warqad ku muunayno.

 

Intaas waa warbixintii dhabtiyo waayahaan jiraye

Wadnahaagi saafiga ahaa waaxid inu dhowro

Suugaantii wacdaraha dhigtiyo waxaad hibaynaysay

Wadaantii harraadtira ahayd reerka ku waraabi

Waswaasiye khannaasaa jiree yuu ku waabwaabin

Ogow samuhu inuu waarayuu walalaclayn doono!

 

Ruuxii wanaag badan faloo waynaha rumeeya

Samirkuna u wehelkiisa yahay wuu aflaxayaaye

Waa tii Walcasri lagu xusiyo weer kaloo badane

Ha welwelin waxbarashaa imaan waa la doogaaye

Ha welwelin marbay waqali curan walac hillaac siinne

Ha welwelin marbuu waayo arag waraca noo kiciye.

 

Ha welwelin marbay wayrax noqon wadar halyeeyo ahe

Ha welwelin mar baa lays warsannoon waaqsan doonnaaye

Ha welwelin wargaysyadu mar bay fidin wixii roone

Ha welwelin marbay wasakhda taal raaci waadigaye

Ha welwelin wariiriga kibriyo dullinka waynaaday

Walbahaar ku naaxyada mar baad waayi gabigoode ( Insha-Allaah).

------------------------------------------------------------------------------------------

W.Q.Maxamed Cali Cibaar

[email protected]



 
Click here