11/18/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Dib Miyaa Loo Noqonayaa

Mohamed Mukhtar

Sunday, August 26, 2007

 

Shirkii dib u heshisiinta Soomaliyeed ee lagu qabtay magaalada Carta sanadkii 2000 waxyaabihii ugu cansanaa ee ka soo baxay waxaa ka mid ahaa heesta la yiraahdo “Dib baa loo noqonayaa! Waa la noqonayaa!”. Heestan waxa ay ka turjumaysaa in dadka Soomalida ah ee dibada ku nool in eey u heelan yihiin dib u noqoshada wadankoodii hooyo. Hadal haynta dib u noqoshada meelaha aadka looga hadal haayo waxaa ka mid ah wadanka Ingiriiska. Haddaba qoraaalkan waxaan ku fiirinaynaa arimaha dib u noqoshada, anaga oo fiirinayna:  Waa ayo cida noqonayso? Goorma ayaa la noqonayaa? Waa maxay sababta loo noqonayo? Halkee lagu noqonayaa? Haddii la noqdo mar kale miyaa dib halkaan loogu soo laabanayaa?

 

Mar haddii laga hadlayo noqosho waxaa cad in ay jirtay imaansho hore, haddaba si kooban aan u milicsano imaanshaha jaaliyada Soomaliyeed ee dalkaan Ingiriiska. Degitaanka jaaliyada Soomaliyeed ay soo degtay Boqortooyada Ingriiska waxaa loo kala saraa. Wejigii koowaad, kaas oo ah qarnigii 19 aad. Xiligaas oo ah markii ugu horeysay ee dad Soomali ah ay soo dageen wadaankan. Bilawgii qarnigii 20 aad waxaa aasaasmay jaaliyadii ugu horeysay. Qeybtii labaad ee jaaliyada waxa ay yimaadeen agagaarkii 1950, ayaga uu yimid in ay ka shaqeeystaan sida badmaaxiinta. 1980 waxaa uu ahaa bilowgii wejigii sedexaad, dadka imaanayayna waxaa u badnaa qaxooti ka imaanaya Soomaliya. Wejiga afaraad, waxa uu bilowday 2000. Dadka imaanayana waxaa u badan dad ka soo guurayda wadamada kale ee Yurub. Maadama dadkaani ay yimaadeen xili kala duwan doodeena aan ku furno cida rabta in ay noqoto.

 

Waa ayo cida noqonayso?

 

Dadkii imaan jiray wixii ka horeyay 1980-kii qorshahooda kuma jirin in ay wadankaan degaan. Waxay ahayeen dad rabay in ay ka shaqeystaan ama wax ka bartaan kadibna dib u laabtaan. Dadkii soo degay wixii ka danbeyaay 1980-kii iyagu waxa ay ahaayeen dad ka soo barakacay dhibaatooyinkii Soomaliya ka jiray, halkaan u yimid in ay degaan. Dadka hadda raba in ay laabtaan waa dadkii u yimid in ay degaan laakin arkay in uu farqi u dhaxeeyo qaab nololeedka ay rabaan iyo mida halkaan ka jirta. Dadkani markii in xili ah degenaadan waxaa u muuqatay farqiga weyn ee u dhaxeeya dhaqankooda iyo qaab nololeedkooda iyo midka ay u yimaadeen. Taana waxay ku dhalisay dadkani in ay bilaabaan sidii ay meel kale ku degi lahayeen. Dadka noqonaya waa dadka qaatay dhalashada wadaanka, joogayna wadankaan in ka badan 7 sano, qoys ah, rabana in ay ilmahooda ku barbaariyaan dhaqan Islaami ah isla markaan maareyn kara dhaqaale ahaan in ay meel kale degaan.  

 

Halkee lagu noqonayaa?

 

Waxa ay u muuqataa tani in ay tahay su’aasha ugu adag ee hortaala dadka raba in ay ka guuraan wadanka Ingriiska. Tusaale ahaan, Koonfurta Soomaliya waa meelaha ugu yare oo ay dadka halkaan ka guura degaan sababo amaan xumo daraadeed. Tani waxa ay keentay in Jaaliyadu raadiso degi taanka meela kale duwan. Meelaha la degayo waxaa ay lee yihiin astaamahaan: waa meel barashada diinta Islaamku fudud dahay, nabad gelyo leh, cimiladiisu qabow aheyn, miciishadiisu jaban tahay marka loo garabdhigo mida Yurub, sharciga degenaanshaha si fudud lagu heli karo isla markaana aanan ka fogeyn Soomaliya. Meelaha hadda sida aadka ah loo dego waxaa ka mid ah Qaahira, Hargeysa, Nairobi, Ajmaan, Shariqa iyo kuwa kale.

 

Goorma ayaa la noqonayaa?

 

Xaalada Soomaliya ayaa qeyb weyn ka ah arintaan dib u noqoshada. Inkasta oo aanay suurtagal aheyn in la magaacabo xili la dhihi karo waqtiga ayaa la noqonayaa, laakin sida aan kor ku soo sheegnay dadka marka ay helaan sharci iyo dhaqaale ayay bilaabaan in ay raadiyaan degaano kale. Burburka soo gaaray Soomaliya daraadeed suurtagal ma aha in si fudud in xaalada wadanka u hagaagto. Dib u dhiska iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah waxa ay qaadaneysaa waqti dheer, taas oo ku kalifaysa dadka raba in ay wadankoodii dib ugu noqdaan  in ay laabtaan xiliyo kala duwan. Islamarkaana ay u laabtaan si tartartiib ah. Inta ay xaalada ka soo reynaydo dadku waxa ay wadayaan in si tartiib ah u degaan wadamo kale duwan.

 

Waa maxay sababta loo noqonayo?

 

Dadbaa ku dooda in maadama Soomalida markooda hore ay ahaan jireen dad reer guura ah, dib u noqoshadaan ay tahay mid taa un daba socoto. Dadka doodan qaba waxa ay tusaale ahaan u soo qaataan sida Soomalida marba u degaan wadamo kala duwan, sidaa daraaded waxa ay yiraahdaan arintaan dib u noqoshada ma aha arin cusub. Waxaa jira dad iyaga arinta dib u noqoshada siiyo fasiraad taa ka duwan, ayaga oo ku doodaya in jiraan duruufo sax ah oo kalifaya in halkaan laga guuro.

 

Labo arimood ayaa la dhihi karaa in ay sababaan dib u noqoshada. Labadaan arimood mid inta badan waa la sheegaa midna lama sheego. Mida la sheego waa farqiga weyn ee u dhaxeyo qaab nololeedka iyo dhaqanka ay lee yihiin jaaliyada iyo waxa ay halkaan kula kulmeen. Qoysaska marka ay guurayaan waxyaabaha ugu weyn ee ay sheegtaan ayaa ah in ay rabaan in ilmahoodu ku koriyaan meel diinta Islaamka loogu dhaqmo. Laakin waxaa jiro arin kale oo loo guuro balse aan la sheegin, taas oo ah in dadka guuraya ay ku adkaato ku noolanshaha wadciga ka jira dalkaan Ingiriiska. Dadka Soomalida waxaa lagu tiriyaa bulsho ahaan in ay ku jiraan dabaqadaha ugu hooseeyo xaga dhaqaalah wadankaan.. Tusaale ahaan dadka guuraya intooda badan ma awoodaan in ay halkaan guri ka gataan ama ay ku noolaadan nolol la mid ah marka ay lacagtooda la tagaan wadamada soo koraya. Maadama ay halkaan ka waayeen noloshii ay raadinayeen dadka waxa ay raadiyaan in ka helaan meelo kale.     

 

Mar kale miyaa dib halkaan loogu soo laabanayaa?

 

Mukhtar oo ah madaxa wakiilka Daallo Airlines ee garoonka diyuuradaha Dubey oo aan kula kulmay Dubay ayaa ii sheegay, tiro badan oo ah dadka diyaaradooda raaca ay yihiin qoysas mar labaad u guuraya Yurub halkaas oo ay mar koodii hore ka soo gureen. Sidoo kale qoysas badan oo degay wadama kale duwan sida Masar iyo Imaaradka Carabta ayaa iyagana soo guura mar kale. Tani waxa ay muujinaysaa in dad badan oo ka guuray Yurub in ay mar kale dib u soo guraan.

 

Arimo kala duwan ayaa la sheegaa in ay keenan dib ugu soo laabashada Yurub. Arimahaas waxaa ka mid ah: ayada oo aan marka hore guurista si fiican loo qorsheyn, dhaqaalo xumi iyo ayada oo ay adkaato la qabsashada qaab nololeedka cusub. Waxaa la yiraahda “qofna ma qorshayso in uu guul dareysto laakin qofka waxa uu ku guul dareystaa in uu qorsheysto.”  Tani macnaheedu waxa ay tahay in marka la guurayo aanan si fiican looga baaran degin arinta guuritaanka, ayada oo inta badan loo guuro si laablo kac ah. Mida kale ee keenta in dib loo soo noqda ayaa ah dhaqaale xumo, waayo dadka guuray markooda halkaan kalama taagaan dhaqaale buuran ama aqoon ay kaga shaqeystaan meelaha ay degaan. Sidoo kale la qabsashada nolol heerkeeda hooseyso marka loo garab dhigo mida Yurub ayaa keenta in dad badan ay soo noqdaan.

 

Si kasto ha ahaatee waxaa xusid mudan in ay jiraan dad badan oo nolol ka sameystay meelihii ay dageen isla markaana horumar fiican ka sameyay howlaha ay ku dhex jiraan. Tusaale ahaan ganacsiga ka jira meelaha Soomalida degto ee Afrika iyo Aasiya waxaa laf dhabar u ah dad Soomali ah oo ka tagay Waqooyinga Ameerika iyo Yurub. Sidoo kale howlaha waxbarasho, caafimaad, saxafadeed, isgaarsineed iyo kuwa kale oo badan oo maanta ka jira Soomaliya gudaheeda waxaa suurtagliyay dad ka tegay qurbaha. 

 

Qofka meesha uu degayo ama ku noolanayo waa go’aan uu qofka uu lee yahay, laakin waxaa muhiim ah in qofku isu diyaariyo meesha uu degayo sidii uu ugu noolaan lahaa qaab fiican. Haddii la noqonayo waxaa laga maarmaan ah sidii dhaqanka Soomalida ahaan jiray in sahan iyo sahayba la diyaarsado. Sahayga waqtigaan cusub la qaadanayo waxaa ugu muhiimsan aqoon ama xirfad iyo dhaqaale. Sahaydaan oo horey haddii loo sii qaato suuragalenaysa in aan mar kale halkaan lagu soo laaban sidoo kale looga faa’ideyo dadka lala degayo.


 

Mohamed Mukhtar

E-mail: [email protected]



 
Click here