11/20/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Warqad Furan ee ku socota Salaad Ali Jeelle iyo Dhammaan Xubnaha Dowladda Ku Meel Gaarka Ah

Cabdiya Sheekh Ahmed

 

Salaad, walaal Farqi ayaa u Dhaxeeya Mas’uuliyad Qabiil iyo mid Qaran.

 

Salaad Cali Jeele - Wasiir ku-xigeenka W. Gaashaan Dhiga ee DKMG 
                                   sawirka © dfks.gs
Waxaan dhowaan dhageystey khudbad la yiri waxaa jeediyay Salaad Cali Jeelle oo u jeediyay qabiil gaar ah.  Salaad waxaa uu ku magacaabanyahay drajo sare ee Dowladda ku Meel Gaarka ah (DKMG).  Waliba waxaa laga yaabaa in Salaad uu kitaabka Qur’aanka ah gacantiisa saaray una dhaartay ilaalinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed guud ahaan, oo an ahayn qabiil gaar ah. 

 

Hadaba waxay dhageysiga khudbadaasi oo igu abuurtay murugo, tiiraanyo iyo rajo xumo hor leh ee an ka qabo dhismo qaran loo dhanyahay, iyo dowlad Soomaaliyeed ee ay ujeedadeedu tahay dib u heshiisiinta dadka walaalaha ee ku dhaqan dalka lagu magacaabo Soomaaliya. 

 

Aniga oo anan dib ugu noqoneyn faahfaahinta khudbadaasi, oo runti dhibeysa dhegaha qof walba oo jecel dalka Soomaaliya, ayaan waxaan goostay in inti an murugadeyda la aamusi lahaa an fariin u diro walaalkey Jeelle iyo dhammaan xubnaha xilka ka haya DKMG ah aniga oo ka rajeynayo in ay dib oga waantoobaan arrimaha sii dhaawacaya isu soo dhowaanshaha dadkayaga, siina ololinaya dagaalka ahliga ah ee sharafti dadka sheegta Soomaalida dhulka ku jiiday. 

 

Salaadow ogow, adduunku qabiilkaaga ma yaqaan balse magac Soomaali la yiraahdo unbuu yaqaan. 

 

Hawsha loo magacaabay dowladdan sideedaba waa dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee ku dhaqan dalka Soomaaliya.  Sidaas darteed waxaa haboon, muhimna ah in ay dadka xilka ka haya dowladani, ee maanta isticmaalaya cudud ayan umadda Soomaaliyeed iska caabin karin, ay iska ilaaliyaan kana waantoobaan falalka sii holcinaya dagaalka sokeeye.  Falalkaas oo sababi kara in dad badan oo ma kas ahi ay baab’iyaan dad an cidna dambi ka galin.

 

Ciddii ku riyooneysa in ay ayadu noqoto wax la yiraahdo Dowlad-Qabiil, waxaan xasuusin lahaa in ayan dhici karin wax la yiraahdo Dowlad-Qabiil. 

 

Waxaa dowlad lagu noqdaa marka ad leedahay dal jira ee madax bannaan iyo dad xor ah ee ad ka haysato kalsooni buuxda.  Mar haddii ayan jirin labadaasi wixi soo haray waa indha fara iska galin iyo jujuub, taasina ma socoto muddo dheer. 

 

Dagaal sokeeye in la galo waa wax sahlan balse waxaa adag sidi looga bixi lahaa.  Hadaba si waddan looga saaro xilli dagaal sokeeye oo loogu soo dabaalo nabad waxaa muhim ah in xubnaha loo xilsaaray howshu ay ka hufan yihiin wax dambi iyo ceeb ah, leeyihiinna sifooyinkan:

 

  1. In xubnaha dowladda mathalyaa ayan waligood wax dambi ah ka galin umadda la isku dayayo in dib loo heshiisiiyo.
  2. In ay ku sifeysanyihiin waddan jeceyl, ayna ka hormariyaan wax walba sidi loo soo celin lahaa sharafta dalka iyo umadda ku dhaqan.
  3. In ay wax walba ka hor mariyaan sidi loo biskeyn lahaa nabarada iyo dhawacyadi xanuunka badnaa ee horey u kala gaaray ummadda la heshiisiinayo, la iskana ilaaliyo in xubnaha dowladdu ayan falin ficil dhan ka ah qaar ka mid ah bulshada la heshiisiinayo.
  4. In ay xubnuhu diyaar u yihiin in ay wajahaan wax walba iyo marxalad walba ee soo food saarta ayada oo diiradda lagu hayo danta guud ee dalka iyo dadkiisa.
  5. In kalsoonida ugu horeysa laga dalbo dadka dalka u dhashay ee dowladda loo yahay, geedwalbana loo fariisto sidi dadkaa loo soo dhoweyn lahaa loona qancin lahaa.
  6. In an lagu tuman balse la ilaaliyo, la xurmeeyo, lagana difaaco cid walba ee duleyneysa diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda.
  7. In si xaq ah loo maamulo wixi xoola ah ee lagu gudooma umadda magaceeda, lana sameeyo warbixin joogta ah ee furan ee xisaabi xil ma leh.
  8. In ciddii an awoodin ama an diyaar u ahayn in ay danta guud ka hormariso danta khaaska ah iyo tan qabiilka ay si sharaf leh oga tala baxdo howsha Soomaaliya iyo Soomaalida.
  9. Ciddii khalad ka gashaa umadda ama lagu xaqiijiyo falal dhibaateynaya dad gaar ah in markaba laga qaado wixi xil ah oo ay umadda u hayaan. 
  10. Ugu dambeyn, nasiib darro, qodobada kor ku qoran iyo kuwa badan oo an rajeynayo in ay akhristayaashu ku dari doonaan waxaa hortaagan habka an qumaneyn ee dowladda lagu abuuray, kaas oo ah (AYAAD TAQAAN ee an Ahayn Maxaad Taqaan).  Saas darteed, si an dowladnimo u hantinno, waa in an dib ugu noqonnaa, xulnaana xubno kala saari kara howsha qabiilka iyo midda qaranka.

 Waxaan ka codsanayaa in akhristayaashu ay si joogta ah u sii wadaan ka hadalka iyo ka qoridda -Qabiil Qaran ma Noqdaa?

 

Cabdiya Sheekh Ahmed

[email protected]