11/13/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Qaadku Maxkamadaha iyo Shacabka Yuusan Kala Qaadin

 Qalinkii  Cawaale Xuseen

Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah (MMI) ayaa dalkii intiisa badan gacanta ku dhigay.  Waxay kala wareegeen dhiigyo-cabyo, manaxayaal ah oo shacabka Soomaaliyeed muddo 16 sano ah xamagga ku dhegganaa.  Maalinba gobol iyo magaalo ayey isku heedaameen oo cagta mariyeen dagaal oogihii xoogga ku haystay.  Qanyare, Maxamed Dheere, Muuse Suudi, Cabdi Qaybdiid, Barre Hiiraale; kolba mid ayaa kabaalkii jabay oo Allaahu akbar laga dabaqaaday.  Sidii uu abwaan Xuseen Cabdi Xalane u sifeeyey:

 

-     Caarad-dhuubta iyo hawsarkii, lagu casheysiiyey

-     Ciiriyo habaas qudha miyey, Xamar la cawlaatey

-     Ciduu yahayba warlord miyaa, dibbada loo caydhshay

 

-     Waa caadadiisii nabsigu, galinba ruux ciile

-     Ma cirkaa ku dumey tuugadii, qaranka cayn goysey

-     Naftaa carar ku aamintiyo, cago la daalshaaye

-     Iyagoo cagaag iyo kabli’i, cidhibtu dhiigeyso

-     Ceelbuur dushiisii miyey, celiya yeedhaysay

 

Inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Xadka Soomaaliya la leedahay Kenya, marka laga reebo Baydhaba iyo dhawr goobood oo kale, ayey Maxakamadahu bandiiradii Soomaaliyeed si niyad ah uga taageen.  Dhulku waa dhulkoodii, dad iyo dawladbana iyagaa u ah, sidaa daraadeed way qabsadeen lama odhan karo. 

 

Waajib cayni ah oo qof walba saarnaa ayey guteen oo dhinacoodii kasoo baxeen.  Gudashada waajibkaa waxay ku muteen ammaanta iyo bogaadinta shacbi weynaha Soomaaliyeed iyo gargaarka iyo raali ahaanshaha Rabbi. Meel uu joogaba qofkii Soomaaliga ahaa, marka laga reebo in yar oo shisheeye tikhraar ugu jira, ayaa dabaaldag galay.  Hambalyadii iyo tahniyadii ayaa dhinac walba isu dhaaftay.

 

Rajadii shacabka ayaa kor u kacday.  Dadkii car juuq dhaha dagaal-oogayaashu ku hayeen ayaa nafisay oo madaxa kor u soo qaaday.  Aqlabiyadii wadaniyiinta ahayd ayaa ku diirsatay hawsha Maxkamaduhu qabteen, dabadeedna bannaanbaxyo badan ayey abaabuleen.  Kii aan taageersanayn kollay ku tahay, shacabkii waxaa usoo noqotay xorriyatul qawlkii.  Banaanbaxyo aan Soomaaliya muddo badan lagu arag ayaa ka dhacay Xamar, Kismaayo iyo meelo kaleba. 

 

Qabyaaladdii, dhacii, boobkii, kufsigii iyo kali-cunkii qabqablayaasha dagaalka ayaa dhammaaday. Halkii aargoosigu caadiga ahaa ayaa cadli shacabku ku cawaysimay.  Halkii kanaa ila qabiil ah iyo kanaan qolo wadaagnaa dhaqanku ahaa ayaa wax wada qaybsi iyo wada noolaansho shacabku helay.  In la sinaan karo oo aan qofna kan kale ka sadbursan karin ayaaba munaasab iyo wax dhici kara noqotay. 

 

Jidgooyadii ayaa si siman loo xaaqay oo gaadiidkii dadweynaha ayaa dhib yaraan dhinac walba u gooshay iyadoon cidina baad ka qaadin.  Haddii gaadiidka dadweynuhu goob baadhiseed Maxkamaduhu amniga ku ilaaliyaan soo maro, “asalaamu calaykum, xaggeed u socotaan, iyo Alle ha idin nabad geeyo” ayaa lagu salaamaa, laguna sagootiyaa.  Waa fajac iyo layaab fiican oo aan dadku u baran.

 

Gudaha iyo dibaddaba Maxkamadahii taageero xooggan ayey heleen.  Ganacsatadii ayaa jeebka laacday, dhalinyaradii ayaa isu diiwaan galisay difaaca dalka, dumarkii ayaa dahabkoodii iibiyey oo ku taageeray Maxkamadaha iyo hawsha wanaagsan ee ay wadaan.  “Rag iyo ori reer oday niniyo, ooga ku cirroole” looma kala hadhin. 

 

Yididiilo balaadhan ayaa dalkoo dhan dheehday.  Waxyaalo badan oo shacabku ku qasbanaa inay ugu dulqaataan dagaal-oogayaashii laga adkaaday ayey diideen inay Maxkamadaha ugu cudurdaaraan.  Waayo, heerkoodii, dalabkoodii iyo rajadoodii ayaa kor u kacay. 

 

Wadaniyiintu intay ku mashquulsanaayeen taageeridda Maxkamadaha, jaalle dabadhilif oo dhan iyo cadowgii Soomaaliyeed ayaa isu tagay oo go’aansaday inay kala tuuraan nuurkaa yar.  Itoobiya ayaa dhawr hangool horta soo marisay oo hub iyo saanadba siisay si ay adhaxda isaga taagaan danta guud ee Soomaaliyeed.  Kuwii Xamar iyo Kismaayo laga caydhiyey ayaa Baydhaba isugu tagay. Hebel, hebel iyo hebel ninba ninkuu ka tuugsanaa ayaa gebran.

 

Itoobiya intaa kaliya kuma ekaanin.  Waxay soo dhoobtay ciidamo badan oo ay ku dhaaratay inaysan u ogolaanaynin in Maxkamaduhu Baydhaba hantiyaan.  Bandiiradlay ayeyba dagaal kusoo qaaday, Bardaale ayeyba dad badan ku laysay.  Kismaayo, Marka, Xamar, Jawhar, Baled Weyne iyo Dhuuso Mareeb ayeyba ulo booca ugu tukubaysaa.  Guulguul joogta ah, cagajuglayn aan kala go’ lahayn iyo xoolaha nool oo ay Tigreegu nafaqaystaan ayuu shacabkii kasoo cawday.  Gebi ahaanba, dhulkii Soomaaliyeed ayaaba wuxuu la ciirayaa ciidan gaagaaban oo kuwii Abraha u eg.

 

Bahdilka Itoobiyaanka waxaa u dheer dhulkii ay deganaayeen ee nolol maalmeedka kasoo saari jireen (hal-jir iyo mid harag dhoofsadiyo, beer ku haramaysta) ayaa bad noqday.  Labadii webi ee dalka dhex mari jiray ayaa fatahay oo adduun maasheeyey.  Meehanow ayey shacabkii Soomaaliyeed noqdeen.  Tigree, daacuun, yaxaas, macaluul iyo daryeel la’aan ayaa kala goostay.

 

Oo Maxkamadihii fiicnaa awaye?  Dadaal ayey ku jiraan oo tabari waa halkeedee difaaca dalka, daryeelka iyo gurmadka shacabka biyo-baxadu halaagtay ayey galeen.  Yabooh, qaylo dhaan, guddi samayn iyo sahay la roor ayey Maxakamadahii badankoodu ku seexdeen oo kusoo tooseen.  Tuulooyin badan ayey gurmad degdeg ah gaadhsiiyeen.  Dad habayno badan saqafka aqaladooda baryey ayey kasoo dejiyeen oo ay meel gabiib ah cagaha u turqeen.  Alxamdu lilaah, Illaahow adaa weyn oo waaxid ah ayaa yeedhay.   

 

Waxaasoo wanaag ah oo aan horray u jirin ayey Maxkamaduhu sameeyeen.  Samaan kale oo badan oo aanan ogaynna way u galeen Soomaali idilkeed.  Haseyeeshee, Ibnu-Aadam gaasir weeye oo gaabis lagama waayo.  Waxbaa khaldan oo dhaliilbaa jirta.  Qaadka, shineemooyinka iyo sigaarka Allow yaa si naga dhaha!

 

Qaadka iyo sigaarkuba, sidaan qabo dad kale oo badanina qabaan, waa xaaraan.  Akhlaaqda, nafta, nolosha, caafimaadka, hodannimada, taranka iwm ayey jaadka iyo sigaarku lid ku yihiin.  Dadka qaadka cuna waa kuwa Soomaalida ugu xishoodka daran, ugu hunguri xun uguna tayo liita.  Sidaa daraadeed, asal ahaan Maxkamuhu way ku saxan yihiin inay ka hortagaan qaadka iyo sigaarka.  Shineemadu kolba wixii lagu daawado ayey ku xukuman tahay.

 

Xaaraan maqdac ah haba ahaadeen qaadka iyo sigaarkuba laakiin siday mamnuuciddooda Maxkamaduhu u maareeyeen ma jeclaysan.  Waxaan u arkaa inay ka maarmi kareen inay isku mashquuliyaan labadaa nijaaso xaaladdan ay maanta ku jiraan awgeed: 

 

-           Dalkii oo dagaal ku jira

-           Shisheeye oo dhan oo u midoobay inuu Maxkamadaha fashiliyo xukunkoodana jilbaha dhulka ugu dhufto

-           Dadkii ay Maxkamaduhu ku xisaabtamayeen ee cududa u noqon lahaa, waa shacabka ee, oo masiibo Rabbaani ahi ku barraaqsatay

-           Maxkamadaha naftooda oo dhicis yar oo xalay dhashay ah

 

Intaa iyo kuwo kale oo badanba iyadooy dhab tahay in waqti, dadaal, maal iyo ciidan ay ku mashquuliyaan qaadka waa xikmad darro.

 

Waxay ahayd inay isticmaalaan qorshe isdaba socda oo ay shacabka ku kasbanayaan si dhibyaraan mamnuucidaasi u hirgasho.  Tusaale, waxay ku billaabi kareen inay mamnuucaan in meel caam ah qaad lagu ruugo ama sigaarka lagu nuugo.  Waxay ku billaabi kareen inay maalinta  Jimcaha ah joojiyaan qaadka iyo sigaarkaba.  Waxay soo saari kareen wareegto ay dadka ugu sheegayaan in taariikhdu markay intaa tahay wixii ka dambeeya qaadka iyo sigaarkuba mamnuuc yihiin iyagoo wakhti ku filan siinaya danlayda ka ganacsata si ay uga tabaabushaystaan xayiraaddaas. 

 

Mamnuucidda qaadka iyo shaneemooyinku inay shacabkii iyo Maxkamadaha iska horkeento ma mudna, waana laga dheeraan karay shaqaaqooyinka kooban ee ay dhalisay mamnuuciddaasi haddii ay wadaadadu suulsuulin lahaayeen arrinta. 

 

Waxaan kusoo koobayaa, wadajirka iyo iskuduubnaanta Maxkamadaha iyo shacabka ayaa wax walba ka weyn.  Itoobiya iyo dabadhilifkeedaba way ka adkaan haddii ay is maanraacaan.  Maxkamaduhu labo sano uun haddii ay sidan sii ahaadaan, ciidanka tababaraan, shacabkana wanaag tusaan  cid walba fadhaqa ayey u taagi doonaan. 

 

Haddii ay garwaaqsadaan inaysan xumaan walba dhawr billood gudahood ku suulin karin, haddii ay u kala hormariyaan arimuhu siday u kala muhiimsan yihiin, haddii ay si dhab ah u ogaadaan inay dalka iyo dadkaba iyagu dawlad u yihiin, sidaa daraadeed ka qaadka ruuga, ka sigaarka dhuuqa iyo ka xaafidul quraanka ah ee dhaqanka suubanba ay isku dayaan inay kasbadaan, haddii ay yareeyaan wax walba oo khilaaf sokeeye dhalin kara, gaar ahaan wixii iyaga dhexdooda xurguf ka abuuri kara waxay ku guulaysan doonaan inay cadowga ka difaacan dalka, dadka iyo diintaba.  Maxaa yeelay:

 

-     Ashahaado ruuxii cuskada, amase iimaan leh

-     Gaal uraayaa kama il helo, oo iblays uhuye

-     Aayado caddeeyaa jiroo, taa Allaa yidhiye

-     Walow aan sidaa aaminiyo, idam Illaahayba

-     Eebada markii lagu darreey, na anfacaysaaye (Cabdullaahi Dhoodaan)

 

Cawaale Xuseen

[email protected]

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 



 
Click here