11/13/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Soomaaliya iyo Dagaalka Ujeeddooyinka Badan: Iska Diid Dulmiga

Afyare Cabdi Cilmi

 

Dagaalka Soomaaliya ka socda waxa shirko ku ah dhowr qolo oo ay koox waliba ujeeddo gaar ah ka leedahay. Waxa kulmay siyaasadda Mareykanka ee ah inaan kooxaha Islaamdoonka dunida loo ogolaan awood siyaasadeed iyo siyaasadda Itoobiya ee ah inay Soomaaliya sii qasnaato. Ujeeddooyin mansab-doon ah oo ay qaar ka mid ah madaxda dowladda KMG ah ay leeyihiin iyo qabqablayaasha dagaalka oo raba inay isbaarooyinkoodii soo ceshadaan ayaa iyaguna jira. Haddii aan si kale u dhigo, ciidanka Itoobiya kooxaha Soomaalida ah ayuu Mareykanku u adeegsanayaa hirgelinta siyaasaddiisa ku salaysan la dagaallanka kooxaha iyo aragtiyada ka soo horjeeda. 

 

Markii dagaalkii qaboobaa uu dhamaaday sanadkii 1990, waxa is baddalay siyaasadda dunida. Xilligaas oo uu George Bush-kii hore madax ka ahaa, waxa Maraykanku qaatay in aan loo oggolaan awood siyaasadeed kooxaha Islaamdoonka (noocay doonaan ha ahaadeen, xoog iyo doorasho middii ay doonaanna ha ku yimaadeene). Aljeeriya (FIS), Falastiin (Xamaas) iyo dowladaha Suudaan, Iiraan iyo Afgaanistaan waxa loola diriray siyaabo kala duwan.

 

Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa kale oo muhiim u ah waxa loogu yeero ‘la dagaallanka argagixisada.”  Dokumentiga (National Security Strategy) ay siyaasadda Mareykanku ka shidaal qaadato waxa uu ku qeexayaa argagixiso “gacan-ka-ka hadal qorsheysan oo siyaasad ku qotoma oo lagu laayo dad aan denbi gelin.” Sidoo kale, waxaa dokumentigan ku qoran in qodobka ugu muhiimsan ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanku uu ku salaysan yahay in dimoqraadiyadda la fidiyo. Haseyeeshee, ficil ahaan, marka ay timaaddo dalalka Islaamka ee Islaamdoonku xoogga ku leeyihiin, Mareykanku wuxuu si cad u taageeraa keli-talisyada ka jira dalalkaas (bal Masar iyo Sacuudiga fiiri).

 

Dhanka kale, waxa iyaduna si weyn ugu jirta dagaalka dowladda Itoobiya. Siyaasadda Itoobiya waxa ay ku salaysan sidii ay cadow soo-jireen ah (Soomaaliya) ay u baabi’in lahayd ama dhaawac weyn ay u gaarsiin lahayd. Sidoo kale, Itoobiya waxa ay la dirirsan tahay aragtida Soomaaliweyn oo ay u aragto in dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ee ay heysato ay saamayn ku yeelan karto. 

 

Haddaba, si ay u gaaraan ujeeddooyinkooda Mareykanka iyo Itoobiya waxa ay samaysteen shaqsiyaad u badan qabqablayaal dagaal oo iyaga u shaqeeya, waxayna doonayaan inay kuwaas awood weyn u yeelaan. Illaa iyo hadda, dagaal-oogayaashu waxa ay aalad u ahaayeen labadan siyaasadood.

 

Markii dhibkii batay, waxa dhacay kacdoon shacab oo ay hoggaamiyeen Islaamdoonka Soomaalida (iyadoo ay ka qeybqaateen inta badan dhaqdhaqaayada kala duwan ee Islaamku). Waxayna ku hawl-galeen magaca Maxkamadaha Islaamka. Maxkamaduhu waxay waqti gaaban ku gaareen guulo waaweyn, waxayna jabiyeen derbiyo badan oo siyaasadeed iyo kuwo militari. Siyaasadda Soomaalida horey looguma arag xoog ka duwan kuwii hore oo wata mabaadi’ iyo masaalix Soomaalidu leedahay. Mareykanka iyo Itoobiya waxay u arkeen halis weyn xooggan cusub ee ka madaxa banaan siyaasadahooda. Waxayna iska kaashadeen sidii looga hortagi lahaa. Waxa markii hore loo adeegsaday qabqablayaasha dagaalka. Markii kuwaas laga adkaadayna waxa loo baahday awoodda militari ee Itoobiya oo kaashanaysa farsamada iyo qalabka Mareykanka.   

 

Sidaas darteed, Meles Zenawi waxa u diray kumannaan askartiisa gudaha Soomaaliya, wuxuuna dagaal bareer ah ku qaaday dalka. Markii dagaalku adkaaday waxaa qasab ku noqotay Meles inuu isticmaalo diyaarado dagaal iyo taangiyo. Waxay ciidamadaasi laayeen dad badan oo aan waxna galabsan, waxayna qabsadeen gobollo badan oo ay Muqdsiho ku jirto.

 

Ujeeddada uu dagaalka u qaaday Zenawi waxa uu ku macneeyey inuu difaacayo madax-bannaanida dalkiisa. Runtii, ma jirin maxkamado duullaan ku ah madax-bannaanida Itoobiya. Maxkamaduhu waxa ay ka soo horjeedeen, ayna caddeeyeen inay la dirirayaan ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ku jira. Taasina denbi ma ahan.

 

Tan kale, Itoobiya waxa ay ahayd isha ay ka soo burqanayaan colaadaha iyo midnimo la’aanta Soomaaliy muddo dheer. Dowladdii Soomaalida iyada ayaa dumisay. Markii dagaalka sokeeye dhacayna waxay xasillooni iyo midnimo u diidday dalka. Markii kooxi xoogeysataba waxay ka daba-abuureysay koox kale, waxayna mar walba isku-dheelli-tiraysay qabqablayaasha dagaalka si ay u sii jirto nidaam darridu. Siyaasadda Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya waxa lagu soo koobi karaa ‘yaan la kala adkaan, yaana la heshiin.’ Tusaale, Itoobiya markii Cali Mahdi la magacaabay waxay taageertay Caydiid, markii Caydiid xoogestayna waxay u wareegtay kooxihii Cali Mahdi madaxda u ahaa ee la isku dhihi jiray SSA. Markii shirkii Qaahira ay qabqablayaashu heshiiska ku saxiixeen waxay ku burburisay Cabdullaahi Yuusuf. Sidoo kale, natiijadii shirkii Carta waxa ay u adeegsatay kooxaha SSRC iyo Cabdullaahi Yuusuf.

 

Su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay maxaa u hirgeli kara Mareykan, Itoobiya iyo qabqablayaasha? Inta badan, khuburada siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanku waxa ay u arkaan in istiraatijiyadda maamulka Bush ee ku aaddan qaabka uu u wado la dagaallanka kooxaha xagjirka ah inuusan guul ku gaareyn ee ay shucuubta Muslimiinta uun sii fogeynayso.

 

Dhanka kale, suurtagal ma ahan in ciidamada Itoobiyaanku ay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada ay hadda timid ay sii joogto waqti dheer. Dagaalkan gardarada qaawan ahi waxa uu sii  kordhinayaa colaaddii soo jireenka ahayd ee u dhaxaysay dowladda Itoobiya iyo shacabka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaalidu, inkasta oo ay qeybsan yihiin, haddana waa neceb yihiin gumeysi, gaar ahaan ciidamada Itoobiya. Waxaa hadba sii badandoona jugta ay gaarsiinayaan xoogagga ka soo horjeeda ee iska-caabinaya.

 

Qabqablayaasha dagaalka, gaar ahaan kuwa Xamar, ayagu wax bay ka faa’iideen dagaalkan oo waxay soo ceshadeen isbaarooyinkoodii. Inta badan kooxdani ma laha ujeeddooyin siyaasadeed. Waxa ay doonayaan waxa ugu weyn hanti. Cabdullaahi Yuusuf iyo Geedi oo ayagu marna isla-socda, marna kala socda way jeclaan lahaayeen inay awood siyaasadeed ka dhex helaan herdanka meesha ka socda. Laakiin, ififaalaha muuqda waxa uu tusinayaa inaysan wax macno leh u hirgeli karin. Waxa ay sii jiri karaan inta ciidamada Itoobiya ay joogaan dalka, Mareykankuna uu ku taageerayo joogista. Warar xog-ogaal ah baa sheegaya in Mareykanku uu si ka duwan sida labadan nin wax u rabaan uu u rabo.

 

Maxaa la gudboon Soomaalida?

 

Waxa ay ila tahay in arrimaha la kala qaado. Aragtideyda, qodobka ah ciidamada Itoobiya ee dalka qabsaday waa mid saameyn weyn ku leh jiritaanka ummadeed, waana in si kasta oo la isaga caabbin karo la isaga caabbiyo. Guushu waxay ku xiran tahay sida midnimo, xoog, xeelad, xikmad iyo Allah ku tiirsanaan leysugu daro. Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, ayaa hadda ka hor Soomaalida ku yiri, “Allaha idin dhowro ee dhulkiinna ilaashada.”  In dhulka, diinta iyo sharfta la ilaashado oo laga ilaashado Itoobiya waxa laga rabaa dhammaan Soomaalida meeshii ay doonaanba ha joogaane. Kii wax qori kara, kii mudaaharaadi kara iyo kii si kale uga qeyb-gali kara iska xoreynta ciidamada Itoobiya waa inuu uga qeyb-gali karaba waa in dhammaan loo istaago arrinkan.

 

Arrinta la xiriirta Soomaalida dhexdeeda waa in aad looga taxadaro. Itoobiya hadda waxay isku dayeysaa in qabaa’ilka Soomaalida ay aad u sii kala fogeyso iyada oo adeegsanayso qabqablayaal dagaal. Waa inaan arrinkan loo suurtagelin, islamarkaasna jariimooyinka lagu koobo shaqsiyaadka qabqablayaasha ah. Carada iyo xamaasadda is-wata iyo dhaqankeennii ahaa in qabaa’il dhan godob ama gallad la huwiyo waxay keeni karaan inay arrinta sii fogeeyaan. Haddaba, wixii Soomaalida dhexdeeda ah, waxaa habboon in wadahadal lagu xalliyo. Maadaama Soomaalidu ay Muslimiin yihiin waa in diinta Islaamka (oo uusan urur ama shakhsi goonni u laheyn), dhaqanka Soomaalida iyo caqliga wanaagsan arrimaha Soomaalida lagu xalliyaa.

 

Tan la xiriirta siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan kooxaha uu la dirirsan yahay ama Islaamiyiinta oo dhan waa arrin caalami ah. Waxyaalaha ka dhacaya Ciraaq, Falastiin iyo Afgaanistaan waxay muujinayaan inay qasab tahay in is-baddel siyaasadeed uu yimaado. Khubarada ku xeeldheer siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanku, intooda badan, waxay rumeysan yihiin inuu dhamaaday xilligii Islaamiyiinta laga ilaalin lahaa awood siyaasadeed ama xukunka lagu heyn-lahaa keli-talisyada wadaniga ah, iska daa qabqable dagaale.

 

Dhacdooyinkii ka dhacay Soomaaliya sanadkii 2006 waxa ay muujinayaan inaan Islaamka iyo Islaamdoonka looga maarmin xallinta mushkiladda Soomaalida. Xitaa haddii quwadahan is-bahaystay ay militari-ahaan uga tag-roonaadaan, waxa xaqiiqo ah inuusan jirin xoog kale oo Islaamiyiinta kula tartami kara taageerada shacabka. Mar haddii ay sidaas tahayna waxa qasab ah in ay door rasmi ah la siiyo mabaadi’da ay wataan oo xidido ku leh bulshada dhexdeeda iyo talada wadankaba. 

 

Ugu danbeyntii, waxa muuqda in hadda lala dirirsan yahay Maxkamadaha Islaamka. Laakiin, waa in la fahmo in dagaalkani uusan ahayn mid ay koox Soomaali ah ay wadato magaca ay doonto ha yeelatee. Waxa wata Mareykanka. Itoobiya iyo qabqablayaasha dagaalkuna walow ay ujeeddooyinkeeda wataan, haddana waxa ay ka mid yihiin aaladaha la adeegsanayo. Aragtida waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin anigu shaqsi ahaan waxaan qabaa  inay waajib diini ah iyo mid wadani ah tahay ka qeyb-qaadashada sidii ciidamada Itoobiya looga saari lahaa dalka.

 


 

Afyare Cabdi Cilmi waa saxafi wax ka barta University of Alberta. Wuxuu taqasuskiisu la xiriira maaddada xiriirka caalamiga ah (International Relations).  

[email protected]



 
Click here