Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!

Inj. Maxamed Cali Cibaar 

 

Gabayga Maqsuud oo ka warramaya isbeddelladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobollo kale, wuxuu soo baxay 28kii Ogoosto 2006da. Maqsuud, wuxuu daba socdaa gabaygii Murugo oo isna soo baxay saddex bilood ka hor kaasoo qayb ka ahaa warqad furan oo aan u diray shacabka ku dhaqan magaalada  Muqdisho 28kii May, 2006da, cinwaankeedu ahaa Inta Tabar La Hayo, Talo Ha La Yeesho .

 

Sagaashan maalmood ka hor, waxay ahayd xilli muslimiin iyo gaalaba ay dadku la amakaagsanaayeen  ficilladii gurracnaa ee dagaal-oogeyaashii laga eryay Muqdisho iyo agagaarkeeda. Dilkii iyo dumintii waxaa ka sii xanuun batay ku digashada iyo ku daacdaacsiga danyartii ay Qabqableyaashu dabargoyntooda doollarka ku soo qaateen.

 

Maqaraaruf ceebeedka iyo mahadhadaan taagan

Macangagnimo lagu faano iyo maati baan laynay

Muqdishaba qofkii minid maqlaa waa matagayaaye

Waxa dambi makaankeenna yaal Mushrik ka qiirooye

Majuustiina nala yaabtay iyo Mulxidkii gaalaade

Xoolaha macaac lihi gar u leh iney mahmaahaane

Geedaha la maagana maxkamad muddac u aadaane

Haddaan Mowlahey noo naxeyn midi ma joogeene

Yaa ii muslim ahey” haddey maanta maad noqotay

Oon qabyaalad moodeyno weli iney macaash keento

Quluubtiina ay mirirsantahay waa mashaqo weyne !

 

Murugo muddo kooban ah, waa wax uu inta badan bani’aadmigu soo maro, laakiin arrinka mashaqada ahi  waa in quluubta oo mirirsan weligeed mashaakil iyo musiibo u joog la ahaado, Mowle ayaan ka magan galnaye.

 

Sida uu Quraankeenna Kariimka ahi noo sheeegay; Alle ma dooriyo qoom aan isagu is doorinnin. Waa in xalka badbaadada laga doono halka ay Rabbi (swt) iyo Rasuulkiisu (scw) noogu tilmaameen  iyadoo lala imaanayo dadaal iyo dulqaad badan.

 

Nabad baa macaan lehe haddaan odayo muuneynin

Haddaan wiilal marrasta u naxaa carriga maansheynin

Maryamiyo haddii aaney kicin Muxibbo qiireysan

Maqrib iyo haddaan mashriq gilgilan meel kastoon joogno

Yaa maali jirayey haddey muranka noo doorin

Oon mici ku dhiigliyo la didin inta mariid halaq leh

Miciinsiga afmiishaar haddaan saaka laga maarmin

Haddaan midigtu bidix muujinnoon talo la maareynin

Shacabkuna dhammaantii mintidin midnimo waa guule

Macbuudkow haddii aan la dhihin magani waa taada

Oon  dardaarankii Muxamed(SCW) iyo muuqan taladiisu

Nala muudsayoo marannayoo nala madoobeeye

Waa murugee wahe yaa u maqan magaci Soomaali ?!

 

Gabaygii Murugo

 

Alle  Weyne ayaa mahad leh, waxaa maanta isbadalay wax la yaab leh ! Muqdisho oo ahayd meeshii ay ka jirtay musiibadii Soomaaliya ugu ba’neyd ayuu maalmo gudahood ka dhacay isbedel wanaag doon ah oo nacab iyo nasteexba ay wada qireen. Mucjiso!

 

Inkastoo aan  si aad ah uga xumahay in weli  dad badan oo Soomaliyeed ay  ku dulmayihiin dalkii gudihiisa iyo dunida daafaheeda kala duwan, haddana farxad weyn ayay ii tahay inaan shacabka Soomaaliyeed kala qaybqaato raynraynta ay ku jiraan iyo sida maqsuudka leh ee ay u soo dhoweeyeen isbeddelkii ka dhacay magaalo madaxdii waddanka ee Muqdisho. Dareenkeyga ku aaddan isbedelladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo waliba gobollo kale ayaan jeclahay in aan ku soo koobo gabayga Maqsuud oo soo baxay taariikhda kor ku xusan.

 

Magacaada Mowlow haddaan maanso ku billaabo

Mu’min kuu cibaadeysta iyo Mulxidka gaaloobay

Majuus iyo Masiixiyo Yuhuud maaro loo waayay

Iyo  kii Munaafaqa intuba  kaama maarmaane
Inuu Musdafe Nabigaadi yahay aaminkii Muxamed (SCW)

Adiguna Macbuudkeenni tahay waa midaan qiraye

Mulkigaadu weynaa Rabbiyow doqon uun baa mooge.

 

Midabkoodu waayaha  adduun  gelinba waa muuqe

Waa murugo mar ay kuu tihiyo maalin faraxeede

Dhaaxaan ayaan maahsanaa sida majnuunkiiye

Dhaaxaan manfacii quudka iyo muufadii nacaye

Dhaaxaan maskaxda shiilayoon mariyay suugaane

Dhaaxaan digniin meela iyo miisay waanadaye

Mas’alooyin dhaaxaan rogrogay mustaqbalkeenna ahe

 

Maalik weynow dhaaxaan ducada Yaa Mannaan iriye

Muuqaalkii aan filanayoon muddada dhowraayay

Ma la gaaray meeshaan rabiyo waxan maleynaayay?

Ma gilgilatay magaaladii ba’daye  nacabku miineeyay?

Inuu shacabku wax maquunin karo maanta ma caddaatay?

Nimankii musiibada  ahaa sow ma liqin moolku?

Mowjado rogmada sow ma helin maanyo hirarkeedu?

 

Nabsigii mijaha sow ma qaban miigna uma taagin?

Sow maro-daf lama eedin iyo mudullo baarbaarad?

Sow lama matagin doollarkii marrasta loo laayay?

Sow ma mirqin mid kireysan iyo macangag yaahuu ah?

Mooryaantii sow lama qabqaban macashu dheeraatay?

Maandooriyiyo sow ma bi’in  munkarkii faafaayay?

Meles meeshuu soo muudi jiray sow iskama moosin?

 

Malqabadda kuwii dafi jiriyo macawis duugowday

Markii jirri marqaan waalay  iyo Murux la raacdeeyay

Marinadii ay tuugadu xirtee looga kala maagay

Sow dariiqyadii lama marmaro mirir bir loon oollin?

Sow jidgooyadii lama masixin meherad qaar mooday?

Sidii maalin ciideed dadkoo farxad la muusooday

Maashaa- Allee sow Muqdisho lama mushaaxaayo?

 

Maangaabkii la hubeynayee mindiyo loo dhiibay

Ee maxastay dabargoynayeen lagu masruufaayay

Waa mahade Mukulaal madow sow macaluulin?

Madaarkii diyaaradaha iyo meeshii laga quustay

Dekeddii maraakiibtu sow maal ka rogi meyso?

Maatidii la dhibay sow Cabdow leyri mari mayso?

Dhagaheennu waxa ay maqlaan sow mashxarad ma aha?

 

Middii uu Ilaahey na faray meel u wada jeesad

Muwaafaqadu iney guul tahaan dhaar ku marayaaye

Miraheedi waa taa la guran  maalmo gudahoode

Mashaa’ikhdiyo sow culimadii la marxabbeyn maayo?

Sow masaajiddii lama cammirin mowlacyadii diinta?

Cadowgii na maagmaagi jiray sow madluun ma aha?

Annaguna Maqsuud sow ma ahin muranku waa ceebe?!

 

Bulshayahay miskiin baad ahayd marag Ilaaheeye

Mashaqadu markeey kugu dhacdayeed meehannaabaysay

Colaad  waa musiibee markey xaajo kaa murugtay

Waa lagugu maadsaday adoo meyd ku hoos yaalle

Mucaawino ifkaan laguma arag madfac la tuura ahe

Mallaariyada waa yaab la yiri Mootarkow roone

Micnihiisa garo  Miin dhibco leh waan maldahayaaye ?!

 

Mabda’ beena iyo maal adduun malafsi aan raagin

Adigoo mashquul ku ah murdinta malas ku hoos taalla

Yaa lagu muraaddeyn lahaa waadse moogtahaye

Dhulkey maqashu kuu daaqdo iyo beerihii mooska

Milkigiisa waxa loo tartamay meeshad huruddaaye

Haddaan maya Ilaahey dhaheen mandaqaddoo iibsan

Marti inaad ku noqon layd adaa ii marqaati ahe !!!

 

Maantana halkaad gaartayee laga maseyraayo

Muruq laguma keenine Allaan mahadineynaaye

Muluqmuluq  iyadoo aan la galin  talo ma-dhaafaan ah

Waxba yaan maqaarsaar la shirin maahsaniyo tuuge

Waxba yaan mariid nalagu dhihin waa macaanyahaye

Waxba yaanan marinkii la dedin guusha loo maraye

Rabbi magane aan malabsannee  Musxafka taageera.

 

Mooskiyo Mareykan ma rabaan Yurub ma yeeleyso

Waa mataatac hadalkiisa iyo sheeko maraxeede

Waan madaxbannaannoo maxmiyad ma ahin tooda ahe

Iyaguba waxay maagganyihiin waw muhiim sir ahe

Munaaqishana kama yeelannoo waa mamnuuc abide

Waxba yaan Malyuun deeq ah iyo layna siin maale

Ninba waa middiisee war aan teenna meel marinno

 

Mu’aamaraddii ay nala rabeen iyo muraadkoodii

Marxabbiyo markii aan ku niri maafiyoy yeelnay

Mujrimiinta kuwii noo xulee mirayay hoygeenna

Midkii naga dhaqaaqaba qolyihii gooyay madixiisa

Marwooyinka kuwii laayayee  mudaneyaal dooxay

Miimii qofkii wali u lihi weyska maac yiriye

Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise.

 

Masaaliix in la is dhaafsadaa  waa mubaax duniye

Ha yeeshee nin qaan kaala maqan oo mag kuu diiddan

Oo wali magliyo soo watoo ku leh mar ii seexo

Miyir ruux leh waa waxanan qaban sidan maleeyaaye

Dad maquuno lagu maalo oo dhaqankii maarreey leh

Maxbuusiin inaannaan ahayn mooro ugu owdan

Haddey nimanku maan leeyihiin saaka  yow meersha.

 

Inkastoon mas’uul nahay isagaa kownkan maamulaye

Qaaddirka haddaan  magan galloon maqalno qowlkiisa

Haddaan noqonno Muslimiin dhaboo sunnaha maamuusa

Waa mugdi qabyaalade haddaan meel isaga tuurno

Midnimaa wanaag lehe haddii aan  la kala miirmin

Haddii masaska aan didinno iyo mici ku dhiigloo dhan

Hadduu maanku taliyoo la naco muhallig qowsaar ah.

 

Midkanaa i xiga iyo haddaan mudmudka reer dayno

Haddii kii maslaxaddeena wada aan mudnaan siinno

Haddaan xilku wax nacas muudsadiyo noqonnin maaweelo

Oon sida macaashkii la dhuran  hanti malaayiin ah

Caddaaladdu haddey muuqatoo xaakin  miisaamo

Muxibbiyo kalgacal inuu imaan waa mid aan hubeye

Inuu muuqan magaceenni dhumay  waa midaan  hubaye

 

Ma hubeysnid inaan la is lahayn waa mid aan hubaye

Macaluul in lagu diimayaa waa mid aan hubaye

Iney gurmad masaakiintu heli waa mid aan hubaye

Madaariistu iney badanayaan waa mid aan hubaye

Maatidu iney wada duceyn waa midaan hubaye

In shisheeye laga maarmayaa waa mid aan hubaye

Mowlana inaan hiil ka heli waa mid aan hubaye.

 

Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise

Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise

Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise.

 

 

                     ---  Dhammaad  -----

 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Delft, The Netherlands

[email protected]

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 


Add Comment-- View Comment 
0 comment(s) with
0 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online