Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Warqad Furan Oo Ku Socota Bulshada Muqdisho

               ( Inta Tabar La Hayo, Talo Ha La Yeesho)

 

                             Inj. Maxamed Cali Cibaar

                                    Delft, Holland

 

Ku: Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho

Og: Bulsho-weynta Soomaaliyeed

 

Uj: Talooyin soo jeedin

 

Taariikh: May 28 ,2006

 

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

 

Walaalayaal,

 

Anigoo ka mid ah Soomaalida Qurbe-joogta ah ee ka welwelsan xaalka ay maanta ku sugantahay caasimaddii dalka ee Muqdisho, ayaan jecelahay in aan aragtideyda idiinku soo gudbiyo qoraalkan. Magaalada Muqdisho waa magaaladii aan ku soo barbaaray waxna ku soo bartay, waxaanan dareensanahay in waajib ay tahay in dadkeeda aan la qaybsado waqtiga adag e la soo dersay, xilli dagaallo-doqomeed  ay daneysteyaal abaabulayaan ay ka holcayaan afarteeda geesood.

 

I. Hordhac

 

Ku dhowaad sanad iyo siddeetan beri ayaa laga joogaa waqtigii  warqad furan oo cinwaankeedu ahaa: Badbaadiya Bulshada Aad Badbaaddaane, aan hawada u sii marsiiyay Qabqableyaasha dagaalka ee Muqdisho. Qoraalkaas  oo daba socday  kulan shacabka lagu jihowareerinayay oo ay Qabqableyaashaasi ku yeesheen magaalada Nairobi, Markey taariikhdu ahayd  26-02-2005ta, waxay ujeeddadiisu ahayd waano iyo talooyin soo jeedin, dhagihii Alle waaniyo ayaa waansamaye.

 

Nasiib darro Qabqableyaashu waxay dhagaha ka furaysteen kummannaan talooyin ah oo jihada wanaagga wax loogu riixi karay oo ay u soo jeediyeen dad badan oo ku nool waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba, kuwaasoo daneynayay badbaadada shacabka Soomaaliyeed ee dulman.

 

Qabqableyaashu waxay kulankoodii Nairobi maalmo ka dib meeshoodii ka sii wadeen  dhaqamadoodii gurracnaa ee lagu yiqiin. Sanad ka dib shirkii luggooyo ee ay ku yeesheen Nairobi waxay magaalada Muqdisho ku billaabeen madaafiic aan loo aabbo-yeelin  oo lagu leynayo maatida waxayna huriyeen dagaalkii ugu ujeeddada xumaa dagaalladii sokeeye ee Soomaalida soo dhexmari jiray inta aan ka warhayo. Waa yaabe, maxaa loo xasuuqayaa maatida magaalada?

 

Eedeysaneyaashu shaararkii ay doonaan ha soo gashteen, wixii ay doonaanna ha sheegeene waxaa cad in dagaalkan ujeeddadiisu ay tahay in lagu barakiciyo laguna dabargooyo dadka maatida ah ee ku nool Muqdisho, laguna sii  burburiyo  magaalo madaxda Soomaaliya.  Burburka caasimadda dalku wuxuu  macno weyn ugu fadhiyaa cadowga umadda Soomaaliyeed oo ku riyoonaya inuu gacanta ku dhigo dadka iyo dalka isagoo adeegsanaya xeeladda dagaalka ee ah : “Mas madaxaa laga dilaa”. “Lafo Aboodi iyagaa laysku jebiyaa” iyo kuwo kale oo badan.

 

Mid ka mid ah Qabqaleyaasha Muqdisho kuwooda ugu tunka roon ayaa dhawaan wax laga weydiiyay dhibaatooyinkii ay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan Banaadir u geysteen dagaallada aan ujeeddada lahayn. Jawaabta aan jixinjixa lahayn ee uu Qabqablahaasi baxiyayna waxay noqotay:  Waxaa dhamaaday cunug saddex jir ah . Habar uur lahaa  wax ku dhaceen … Bulshada rayidka ah!. Waryaa Bulsho rayid ah ma naqaan, argagixisadeyna ka mid tahay!

 

La yaabe, haddii cunug saddex jir ah  iyo hooyo uur lihi ay ka mid yihiin argagixisada ay Qabqableyaashu la dagaallamayaan oo ay rabaan in ay ciribtiraan. Hadii dowlad ku sheegtii maaweelinta loo dhisay ay maqsuud ku tahay meesha xaal marayo, lana tuhunsanyahay in ayba iyadu miinada hoos ka aasayso. Haddii  dowladihii adduunka ugu itaalka roonaa ay falalka argagixiso ee  Qabqableyaasha calooshooda u shaqeysteyaasha ah taageersanyihiin. Haddii intii gargaarka iyo garabka laga filayay uu arrinkoodii ku soo aruuray; Ishaa macallin ah ! Weydiinta murugada lihi waxay tahay:  Yaa u maqan  shacabka maatida ah ee ku madluunsan  magaalada Muqdisho?

 

Yaa u maqan maatida yaabbanee muruqa loo sheegtay?

Yaa u muqan Maxbuuskaa dulmane Mujrimku iibgeeyey?

Yaa u maqan agoomaha  la miray maafiyana boobtay?

Yaa u maqan masaakiinta iyo muufo kuwan haysan?

Yaa umaqan  mariilkaa bukee manfaca loo diiday?

Yaa u maqan waayeelkaa muskiyo milic cidlaa yaalla?

Yaa u maqan marwada lagu kufsaday minankii reerkooda?

Yaa u maqan dhashaa Miinadiyo Mootar ku ciyaarta?

Yaa u maqan marqaan kuwu u diri malaggii gaadaayay?

Yaa u maqan hooyada meyd dushii muusannaabaysa?

Yaa u maqan majnuun iyo intuu miyirku naafoobay?

Yaa u maqan ummaddan maahsanee miririfleyneysa?

Yaa u maqan dadkaa maal sidiis cadowgu mooreystay?

Yaa u maqan malaayiinta qixi maalin iyo laylba?

Yaa u maqan masaajidka holciyo mowlacyada diinta?

Yaa u maqan madaariista ay xiratay Mooryaantu?

Yaa u maqan magaaladan ba’ daye madfac u heesaayo?

Yaa u maqan mijaha luudayee madax la’aan taagan?

Yaa u maqan mataanahan is nacay ee la kala moosay?

Yaa u maqan munaafaqu intuu been ku madadaalin?

 

( Gabaygii Murugo) http://www.somalitalk.com/maanso/murug.html

 

 

Su’ aalahan culus ka jawaabistoodu waa mid u taalla  waxgaradka Soomaaliyeed, waxaanan hubaa inuu isweydiinayo qof kasta oo ka damqanaya waxa maanta Soomaaliya ka socda gaar ahaan caasimaddeenna Muqdisho.

 

Qaybaha soo socda ee qoraalkan waxaan jeclahay inaan ku soo bandhigo aragtida aan ka qabo xal u helidda musiibooyinka taagan .Waxaan ka soo billaabi doonaa sida ay ku dhasheen ama ku abuurmeen Qabqableyaashan maatidii qaaq ka siiyay oo aan u arko musiibada ugu ba’an ee maanta Soomaali u soo hoyatay. Qeybaha dhexe waxaan uga warrami doonaa qaabka ay Qabqableyaashu ku xoogaysteen, kuna hanteen hoggaankii shacabka. Waxaan  marka xigta talooyin ka dhiiban doonaa qaabka ugu habboon ee shacabka dulmani isaga dejin karaan shaqsiyaadka Dulmi-ku-naaxyada ah ee  ay duudsanyihiin, dushoodana lagu tolay. Ugu dambeyn waxaan qoraalka ku soo gabagabayn doonaa talooyin waano ah oo aan u arko in ay dan u yihiin maslaxaddeenna adduun iyo teenna aakhiraba.

 

II. Yaa  yiri waa hoggaamiyeyaal, hoojiyeyaasha?

 

Waxaan muran ka taagnayn in hoojiyeyaashu, waa Qabqablayaasha dagaalkee,  ay maanta  yihiin awood aan la inkiri karin oo saameyn weyn ku leh guud ahaan dalka gaar ahaanna magaalada Muqdsiho. Sidoo kale cidina ma  dafiri karto in ay Qabqaleyaashu yihiin kuwo ku cayilay oo ku soo caanbaxay dagaallada sokeeye ee caasimadda iyo dhiigga ka qulqulaya maatida Muqdisho. Hubaal daggaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka hor wax maqlay xitaa magacyadooda ayaaba iska yaraa. Su’ aasha muhiimka ahi waxay haddaba tahay; Nimankan oo ah rag la yaqaanno taariikh nololeedkooda, lana ogyahay waxay galaan iyo waxay gudaan, sidee ayay ku dhacday in lagu sheego hoggaamiyeyaal, shacabkuna uu sidaas ku qanacsanaado kulana shaqeeyo oo waliba uu si buuxda ugu taageero?

Marka laga hadlayo cidda naaxisay nimankan nacabka ah, waa run in dalal deris ah oo iska dhaadhiciyay in xasillooni ka dhalata  Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho aysan dan u ahayni ay intaa dabada  ka riixayaan oo ay ku dadaalayaan buunbuuninta iyo taakulaynta dillaallada ay ku daneystaan. Waa run in ay jiraan dowlado waaweyn oo dano iyo damac fog ka leh deegaanka iyo dadka Soomaalida. Waa run in warbaahinta waddadeedii ka luntay ee ay inta badan ku qaraabtaan suxufiyiinta soor-doonka ahi ay tabinta iyo buunbuuninta Qabqableyaasha ka dhigteen ilo dhaqaale oo ay dhacdhac ka helaan. Hase yeeshee Dulmi-ku-naaxeyaashu kuma dallicin  intaa aan kor ku soo sheegnay oo kaliya.  Midda ugu daran ee Qabqableyaasha saartay fiinta buurta laga daba fuuli la’yahay waxaan u arkaa in ay tahay, dammanaanta shacabka jihowareersan oo ay ka helaan taageerada indho-la’ aanta ah.Maxaa lagu tilmaami karaa shacab ka dudaya daacadnimadii iyo dantiisa guud, dabayaacayana kuwii  dabargoynayay?.

  • Wax kastoo dhibaato ah
  • Waa duul ku dhaashada
  • Marba tuuggii dhacayoo
  • Khiyaanada ku dheer bay
  • Dheemankiyo lacagtiyo
  • Dhulka maal waxow yaal
  • Ammaanada u dhiibtaan  
  • Fulay dhabqiya nabaddiyo
  • Dhaadhaanka nacaska ah
  • Garashadu ka dhimmantahay
  • Naxariis ka dheertahay
  • Xishoodkiina meel dhigay
  • Been-kama-dhergaankiyo
  • Dhuuntu miday dalooshoo
  • Dhul fog laga hagaayiyo
  • Midka miinadow dhiga
  • Waaba kuway ku dhaataan 
  • Waxay dhiirrigeliyaan
  • Dhiig-miirad baas iyo
  • Kuwa dhaawacaayoo
  • Sharaftoodii dhumiyoo
  • Dhulka iyo dadkoodaba
  • Dhaafsanaaya shilinoo
  • Dhiig-yacabka laayeey
  • Ma dhintoow yiraahdaan
  • Xilalkana ku dhoobaan.

    ( Maansadii Dhakafaar)      http://www.somalitalk.com/maanso/dhakafaar.htm

Waxaa la dhihi karaa shacabka waxaa indho-tiray cudurkii Soomaali bi’iyay ee qabyaaladda. Way necebyihiin Qabqableyaasha oo dhibkoodu guri uusan saameynin ma jiro. Haddana wey jecelyihiin oo qof walbaa Qabqable ay isku reer yihiin ama uu dan gaar ah ku wato ayuu taageersanyahay, u xiiqsanyahay, una arkaa halyay Qaran!. Maxay soo kordhinaysaa in laba Qabqable oo saaxiibbo ah, meelna ka wada shidaal qaata aad midna taageerto, midna necbaato? Miyaan la dhihi karin daacad-darrada iyo dammanaanta shacabka ayaaba sababtay in ay hoggaanka ku suuxaan rag damiirkii ka lumay oo aan innaba damqasho lahayn?

Ummad madaxdeeda  loogama soo daynto ummado kale  ee waa un ummaddaas ruux ka mid ah. Ummaddii hagaagsan waxaa loo  badiyaa  inuu hoggaanka u qabto mid hanuusan. Taas liddigeeda Ummadii  habowsan  iyo burcad kali talis ahina isma seegaan. Bucadkaas  ha lagu magacaabo; Dhiigyacab, Geesi Qaran, Qabqable, Shiikh, Hoggaamiye, Khaa’inul-Waddan, Madaxweyne, Wasiir, Oday ama Inkaar-Qabe  midkii la doonayaba.

Dafo hilibka cayriin
Kuma noqoto Daa’ uus
Diin koore lagu raro
Darmaan ugu ekaan waa
Dacar ruux abuurtana
Wallee malab ma duudsado
Nin muraayad daawaday
Waxan doorsameyn iyo
Muuqii un buu dayi
Bulsho darawalkeeduna
Hummaaggii damiirkiyo
Dabcigeeda weeyaan!.

( Dadaal,Doodwanaag4 http://www.somalitalk.com/maanso/4.html)

Shaki la’aan Shacabku iyagaa wax ka matalaya sharta socota. Ma jirto cid uu daah ka saaranyahay dadnimo-xumida nimankan duggaagga ah!. Haddana waa la difaacayaa, loo doodayaa oo la daba socdaa!!.  sabab? Waxaa laysku qanciyay in Daallinku uu tolka ka difaacayo Daallimiinta reeraha kale, la’aantiisna Qabiilku uusan heleyn wax difaaca !  Markaa wuxuu caqligii keenay in reer waliba uu Daallinkiisii duubto (Boqro). Taas baddelkeeda laguma fekerin , haddii reer waliba uu dabri lahaa Daallinkooda in la waayi lahaaba Daallin meel ku duula ama wax dumiya.

Ma aha oo kaliya in la dallacsiiyay dulmi-ku-naaxyadii Bulshada balse waxaa daaqadda laga saaray oo geeska la geliyay intii lagu tuhunsanaa daacadnimo iyo in ay isku howlaan danta guud, Dib-u-socod, Qaran-diid, Daacad-iska-doondoon, Dantiis-moog iyo magacyo badan oo lagu durayana waa la daba dhigay.

Marin lagu habaabiyo markaan mugdi ku guureynay

Musbaaxii iftiimaba markii madashi loo diiday

Maya maya! markey naga muteen maskaxo loo aayo

Wada Maacaleesh  iyo markaan malignay kii liitay

Maangaab markuu taliyay iyo manaxe haamaan ah

Mahadsanid markii aan ku niri maxasta kii laayay

Oo waliba mansab loogu daray maamul darajeysan

Iyo boqol  mushaaroo gunno ah bangina loo miisay

Nin iimaanku macaluulay baan maaro loo heline

Waa kuwaa macallinkii u tagay Dabinno-Meegaare

Waa taa dugaag loo martiyay ay mashxaradeene

Hororkii Maqsuudyoo waa kaa helay muraadkiiye

 

( Gabaygii Murugo) ( Gabaygii Murugo) http://www.somalitalk.com/maanso/murug.html

 

 

Arrinka la yaab lihi wuxuu yahay; In shacabku waqti sidaa u dheer oo baaba’ iyo balanbal ay ku soo jiray ka dib uu weli taageero indho la’aan ah u sii hayo Qabqablayaasha noloshiisii ku qamaaray. Waxay dadku u dagaallamaan oo ay taageerayaan  kii dilayay. Waxay Qabqableyaasha u iibiyaan hubka iyaga  lagu gubo oo lagu gummaado. Marka xaaladda dhinac walba loo rogrogo  runtu waxay tahay in bulshadu ay si toos ah ama  si dadbanba raalli uga tahay halaagga adduun ee lagu hayo.

  • Waa yaabe wax kastoo u dana ummaddan waydaaran
  • Ummad ay wajahaddeedu tahay wixi dhibaalkeed ah
  • Ummad uu wax darankii qabiil waabab ku xaraystay
  • Ummad tuugga wada  aamintoo uu u yahay waali
  • Ummad caaqilkeedii wid loo wadata maangaabka
  • Ummad waa warey iyo colaad ka jecel waanwaanta
  • Ummad uu widaaygeedu yahay nacab wareemaaya
  • Ummad uu wadkeedii galoo waalo tumanaysa!!.
  • Ummaddaan wadiiqay ku go'i looga dhigay waasac
  •  
  • ( Gabaygii Waajib) http://www.somalitalk.com/maanso/waajib.html

 

III.  Bulsho wareertay oo waalatay !

Marka loo fiirsado dhaqanka Soomaalida maanta gaar ahaan bulshada gobolka Banaadir ku dhibban iyo Qabqableyaashooda dagaalku waa wax laga yaxyaxo. Dheel sheydaanka  iyo dhaanto baasta la isku jiibanayo ee ka socota  Muqdisho waxaa la barbardhigii karaa dhacdadii yaabka lahayd ee dadcunkii u dhashay Jarmalka ee Armin Meiwes iyo dhibbanhihii uu qashay ee Jurgen Brandes . Dadcunkaasi Internetka ayuu ku faafiyay ogeysiis uu ku sheegayo inuu u baahanyahay dad uu dilo oo markaa ka dibna  hilibkooda quuto. Yaa raba in la dilo oo ka dibna hilibkiisa la cuno?! Haddaad la soo boodi rabto: “ Cidna ”, ha degdegin, dad iyo duurba wax aadan fileyn ayaa laga fishaaye!

Waxaa la yaab leh in ninkaas dadcunka ah fikraddiisii ay dad badani la dhaceen oo ay la soo xiriireen. Dadkaas waxaa ka mid ahaa ninkii Jurgen Brandes ee uu dadcunkaasi dilay ka dibna uu  hilibkiisii ka cunay  20ka kiilo. Ninka la cunay ayaa sida maxkamadda laga caddeeyay raalli ka ahaa in la dilo ka dibna hilibkiisa la cuno. Waxaa waliba taas ka sii yaab badnayd in ninka wax cunay, Armin Meiwes, uu filim ka duubay ninka uu cuni doono, Jurgen Brandes, oo inta aan la dilin wax ka cunaya xubin ka mid ah jirkiisa taasoo ahayd xubintiisii taranka. Markii ay labada nin wada cuneen xubintii taranka  ee Brandes ka dib ayaa la khaarajiyay dhibbanihii la cunay oo la gashtay qaboojiha. Intaa ka dib ayuu ninkii dadcunka ahaa 20kiilo oo ka mid ah hilibkii Brandes  ku cunay bataati iyo maraqa khamriga wijn-ka laga sameeyo. Maxkamadda oo u muuqata mid ku wareertay xukunka qof raalli ka noqday in la cuno oo waliba hilibkiisii wax ka cunay ayaa labo sano ka hor Meiwes ku xukuntay 8sano iyo bar xarig ah.Balse dacwad kale oo laga dabaqaatay dadcunka ka dib ayay haddana maxkamadda Frankfurt sanadkaan 2006da ku xukuntay xabsi-daa’in. Waa waalli iyo cudur aan wax lagu tilmaamo la aqoonnin! Waalli hilibkaada ku cunsiisa ayaa jirtee ha la ogaado!

Sidoo kale sow la yaab uma muuqato maanta, in Qabqableyaasha Muqdisho ay shacabka ku yiraahdaan : “ Qandaraas ayaan ku soo qaadannay baabi’intiinna iyo barakicintiinna ee kaalaya aan idin Baroominnee?”. Shacabkuna isagoo u muuqda mid arrinkaas raalli ka ah , rajana ka qaba in uu  dhacdhac dhaqaale ka soo gaaro kharashkii  qandaraaska  ay ku jawaabaan: “  Waa na kane na laaya! Waxaad doontaanna noo dirsada! Waxaad doontaan nagu sameeya! Laakiin wixii laydin soo siiyay wax naga siiya illeyn taageerayaashiinnii idiin halgamayay ayaan nahaye!” Allow iimaanka nagu sug. Tanina ma noo dambeysay!

  • Mar hadday is wada waydayoo wiririflaynayso
  • Mar hadduu wahsigu tabar ka yahay iyo walaahowgu
  • Mar hadduu waraabiyo dugaag ku ag wareegaayo
  • Wan dhaylaa sidiisii haddii weerar lala maagay
  • Oo waaxyaheed lagu  murmoo  la wasladeynaayo
  • Iyaduna walaalba u qabtiyo ehel wanaag doon ah 
  • Waabay hadday fuuqsatoo biyo wareed mooddo 
  • Wuxuushnimo ka daran oo wallee xaalku waa halise
  • Waa waalli bulsho ay heshoo cadow ku wiirsadaye !

( Gabaygii Waajib) http://www.somalitalk.com/maanso/waajib.html

 

IV. Xagguu maanta marayaa xaalka Muqdisho?

Maanta waxaan u joognaa  wax  aan caqli  caafimaad qabaa suuraysan karin. Dagaal ay ujeeddadiisu yaab leedahay ayaa holciyay magaaladii, afarteeda geesna madaafiic aan yool lahayn ayaa ka daryaameysa. Waxaa dhintay boqollaal qof oo intooda badani ay yihiin dad rayid ah oo aan dagaallada wax shaqo ah ku laheyn. Waxaa ku dhaawacmay kumanaan la ildaran dawo iyo daryeel la’ aan. Waxaa sidoo kale ku barakacay qoysas kumannaan gaaraya oo ay qaarkood u baqooleen gobollada, kuwo kalena ay Muqdisho dhexdeeda maalinba meel guuraan, iyadoo laga yaabo goobtii ay maanta ku soo qaxeen in dagaal ka qarxo, danina ay gayaysiiso in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka soo carareen oo ay naf ka raadiyaan. Marmarka qaar waxaa dhacda in ay dhexda ku kulmaan laba qoys oo uu mid waliba uu qaxayo jihadii  uu kan kale ka soo qaxay!. Wareer iyo tiih ayaa maanta wehel u ah maatida Muqdisho, Mowle ayaa wax la magansado ugu mudane.

Dhanka kale Kooxaha ku dagaallamaya magaaladu waxay u muuqdaan kuwo dhagaha ka fureystay iskana indho tiraya xaaladda dhabta ah ee taagan. Idaacadaha ayaa maalin walba laga maqlayaa guri madfac cuskaday oo uu reer ku bas beelay. Waxaad maqleysaa waayeel curyaamay oo carari waayay iyo carruur saqiirro ah  oo cod tiiraanyo ku leh “ Yaa Islaam aheey!  Iyo “ War dadyahow Islaam ma tihiin!” Haddana dhag jalaq looma siiyo, waxaadna mooddaa in  codsigooda iyo cabashadoodu  ayba u keenayso ciqaab hor leh. Waxaa laysku jiibinayaa  oo maatidii loogu jawaabay “ Waa jabeene… Jabiyaay! Jug dheh... Jiibka . Madaafiic…Mab..Mab..”

Waxaad maqlaysaa nin mas’uul sheeganaya ayaa maanta u yeeray wariyaal oo soo tusay maydad fara badan oo ay kooxdiisu laysay oo dibadda yaalla. Wuxuu sheeganayaa guul, haddana maalmo ka dib ayaad maqleysaa kii ka soo horjeeday oo sheeganaya guul wariyeyaashana ugu yeeraya in ay yimaadaan oo maydadka bannaanka ku baryay ee xalay bahaluhu wehliyeen ay  sawirtaan!. Shaki iigama jiro in ay meydadkaas ka mid yihiin dad rayid ah oo aan wax shaqo ah ku laheyn dagaallada, lagana yaabo iyagoo meesha maraya in madfac ku habsaday ama si ula kac ah gardarro loogu dilay. Goorma ayay xurmadii meydku gaartay in la aasi waayo! Muslin warkiisaba daaye, xitaa gaalada ayay tahay in meydkooda layska asturo. Yaanba meyd la xurmayne miyaan xitaa laga fikireynin caafimaadka dadka nool ee ay meydadku ku dhex dillaacayaan? Waa yaabaye, Miyeysan dadkani xusuusneyn in ay maalin ay noqtaba maalin meyd noqon doonaan mowlihii abuurtayna uu la xisaabtami doono?

Waxay ila tahay haddiiba uu caqli jiro, cashar iyo ciqaabi reer Muqdisho uma laabna, ee ma la is weydiiyay waxa aakhiro iyo adduunba ay dantu ku jirto?

 

Dhaqankeenni mucjisuu noqdiyo malo waxaan galine

Miriqmirtiqda aan hayno iyo meehannowgeenna

Maqaraaruf ceebeedka iyo mahadhadaan taagan

Macangagnimo lagu faano iyo maati baan laynay

Muqdishaba qofkii minid maqlaa waa matagayaaye

Waxa dambi makaankeenna yaal Mushrik ka qiirooye

Majuustiina nala yaabtay iyo Mulxidkii gaalaade

Xoolaha macaac lihi gar u leh iney mahmaahaane

Geedaha la maagana maxkamad muddac u aadaane

Haddaan Mowlahey noo naxeyn midi ma joogeene

Yaa ii muslim ahey” haddey maanta maad noqotay

Oon qabyaalad moodeyno weli iney macaash keento

Quluubtiina ay mirirsantahay waa mashaqo weyne

Waa maan gurracan oo wallee dhaarna waan maraye

 

(Gabaygii Murugor) http://www.somalitalk.com/maanso/murug.html

 

 

V. Tagto daayoo timaadada qabo: Murugtaye Maxaa talo ah?

Talo caynwareegtay la iskuma canaanto ayay Soomaalidu ku maahmaahdaaye, aan ka gudubno waayihii murugo ee la soo maray iyo wixii dhacay  oo aan rajeynayo in ay dadka Soomaliyeed ku qaateen cashar lama illoobaan ah. Aan horay ugu durugno inaan odorosno bal sida loo heli karo xal lagu furdaamiyo arrimhan farahan ka sii baxaya.

Aan ugu horrayn is weydiinnee, Miyaa weli dulqaad loo hayaa dagaal sokeeye? Miyaa weli la daneynayaa diredire iyo daandaansi gacal? Miyaan weli hoos loo dayin dabinkii lagu hoogay ee lagu halaagmay? Miyaanse weli laga daalin in la daba-rucleeyo Dagaal-Oogeyaal  daallimiin ah oo dhallaanka dubta, umulahana dooxa, culumadana nolol-duuga?

Marba kii digtoonow yiraa oo dacay ku maareysta
Indheergaradkeed dabargooya oo culimo nool duuga
Marna umuleheed dooxa oo damag ka siinaaya
Iyo Qaa'inkii dagaya oo dalaw ka tuuraaya
Daroogada u beeroo xanniba quud daruurigiyo
Diktatoor xushmeysoo durbaan beena ugu heesto
Dabcigeennu Soomaaliyeey waa ka sii daraye
Wixii daqar na soo gaarayoo weli na doogaaya
Dockayeerro waxay noo hor kici dammani sow maaha?!.

Nacabkeed dabuu shiday iyana digo ku nooleyso
Dorraad weyl la dhacay iyo weligeed diyo ka sheekeyso
Daandaansi reer kama kortoo dirir u xiisooto
Dabcigeennu Soomaaliyeey waa ka sii daraye
Diredire haddaan u heellannahay gacal ku duulkiisa
Waxan cadowga naga daahay aan daba rucleyneyno
Diiftuna xarago noogu tahay dammani sow ma aha?!

(Gabaygii Damaq) http://www.somaliatalk.com/2005/dec/cibaar4.html)

Rabbi (Swt) cidna ma dulmiyo, wuxuuna Quraankiisa kariimka noogu sheegay In uusan qoom (Ummad) doorin in ay iyagu  isdooriyaan ma ahee. Taas macnaheedu wuxuu yahay; ummaduhu iyagaa dhibaatada abuurta oo isku keena, sidoo kalena iyaga ayay tahay inay la yimaadaan ibeddel wanaag-doon ah oo ay uga baxaan haddii ay musiibo la soo gudboonaato. Haddii waddada khaldan lagu sii carraabo, caddaabka adduunka ayaa sii kordhaya, khayrna lama fili karo.

Waa lagama maarmaan haddaba,  inuu shacabku garowsado inuu gacmihiisa ku abuurtay Qabqableyaasha qooqan iyo qalalaasaha ay wadaan ee la maareyn la’ayahay. Rabbigii  na abuuray (SWT) ayaa nagu leh: “ Anigu naftayda waan ka xaaraantinnimeeyay dulmiga, waxaanan ka dhigay dulmiga mid dhexdiinna reebban ee ha is dulmina”. Qof waliba, bal dib ha u xisaabtamo oo ha isweydiiyo inta uu dulmi falay ama  uu mid wax dulminaya ku taageeray.

Waxaa ila  habboon in ugu horrayn gafafkii naga dhacay laga qoomameeyo, Qaadirkii na abuurayna loo towbad keeno. Intaa ka dib waa in ay shacabku ka  digtoonaadan in ay ku huleelaan booraan hadimo oo lagu hodayo ayna mar, labo iyo saddexba horay ugu dhaceen. Waa inuu yimaado xisaabtan miyir ku dhisan  oo kala qeexa waxa ay tahay danta guud iyo waxa kuwa dhiigga shacabka dullaalaa ay la meereysanayaan. Waa in si degdeg ah loo abuuraa isbedel wanaag doon ah kaasoo hubaal u baahan muruq, maskax iyo maal fara badan. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaane, waa in loo istaago isbedel, dagaal wajiyo badanna  lagala hortago dulmiga iyo inta dulmi-ku-naaxyada ah;

 

Hadduu qoom dhadhaab yahay
Dhaqdhaqaaqna uu gabo
Quraankaaba dhigayoo
Ilaahay ma dhalan-rogo
Mana dayo dhankoodee
Dhayal xaalkii gudubyoo
Riyo laga dhursugo iyo
Dhadhab looma baahnee
Intaan dhaxal-wareeg iyo
Dhib la mudan adduunyada
Aakhirana dhinbilo naar
Dheddig iyo labkiinnuba
Dhallinyariyo waayeel
Dhimashadu mar weeyee
Shacabyahow la dhaansado
Diin baad u dhalatee
Xumaatada ka dhiidhiya!!


( maansadii Dhalanteed) http://www.somalitalk.com/maanso/dhalanted.htm

Inkastoo uu dhacay dhib culus, uuna  jiro niyadjab weyni, haddana haddii aan Rabbigeenna u noqonno kuna  dadaalno in aan wax  saxno, jihada wanaaggana  loo wada jeesto, waxaan ku kalsoonahay  in ay si degdeg ah wax isugu bedeleyaan insha-Allaahu.

Nabigeennii Muxamed (NNKH) ayaa xadiis uu Rabiggiisii (SWT) ka soo wariyay waxa ka mid ahaa:“ .....Addoomahaygiiyow dhamaantiin  baadi ayaad tihiin, qofkii aan hanuuniyo ma ahee. Marka soo doonta hannuun aan idin hanuuniyee. Addoomahaygiiyow, dhammaantiin waad baahantihiin ee soo doonta quud aan idin quudiyee.  Addoomaheygiiyow dhammaantiin waad arradantihiin ee soo doonta hu ( dhar) aan idin arrad tiree.  Addoomahaygiiyow habeen iyo dharaar waad gafeysaan, dambiga dhamaantiina aniga ayaa dhaafa ee dambi dhaaf i weydiista aan idiin dambi dhaafee....”.

La yaabe! Maxaa noo diiday haddaba, in aan ka faa’ideysanno naxariista iyo deeqsinimadaas aan la soo koobi kari karin ee Rabbigeennu (SWT) noogu yaboohay? Maxaan ugu kalsoonaan la’ ahay Khaaliqii Koonkan na keenay, kibisteennana qoray?

Waa doqonnimo in aan ku kalsoonaan weyno Rabbigii khalqay oo na leh : “ Kaalaya wixii aad iga doontaanba waad iga heleysaane”. Hubaal, haddii aan la nimaado dadnimo, aanan ka soo gaddoonno dariiqa luggooyo ee aan ku habownay. Haddii aan u soo noqonno diinteenna iyo wixii noo dan ah, waan guuleysan doonnaa, Rabbi (SWT) deeqdiisuna nagama soo daahi doonto Alle idankiis.

Haddaan dacay-ku-dhiigliyo
Mideey eedi dabataal
Xilal deegta loo surin
Haddaan dabinno-qoolkiyo
Dannigiyo balaayada
Dibindaabyo kii wada
Daallinka la aaminin
Insha- Allaah dareen iyo
Mar un bey wax soo duxi
Lagu diirsan doonaa!.

(Dawo: Doodwanaag1 http://www.somalitalk.com/maanso/1.html)

Waxay ila tahay in la soo taabtay xeerada gunteedii,lana gaaray watigii shacabku cod dheer ay runta  ugu sheegi lahaayeen  Qabqablayaasha qas u joogga ah, ayna ku dhihi lahaayeen: “ Waa bes.. waa bes. Wallaahi, Billaahi  besteen ayaan nahay! Baroomin, burburin iyo barakicin, been iyo borobogaando dambena  tabar uma hayno”. Waa haddii la bislaaday oo lagu baraarugay booraanta hadimo iyo boholaha musiibo ee ay bulshadu ku baaba’daye.

Tillaabada koowaad ee loo qaadayo jihada wanaaggu waa in ay noqotaa in la dareemo lagana digtoonaado dibindaabyada  Daallimiinta dulmi-ku-naaxayaasha ah. Waa duul aan dan ka lahayn dad, dal iyo diin midna.Damacoodu xad ma leh, lamana yaqaanno wax deeqa. Waxay la ildaranyihiin aqoondarro, mana yaqaannaan waxa u daran iyo waxa u danta ah. Waa in loogu dayriyaa duulkan habaaran sida ugu degdegta badan.

Dibbirsane warmoogiyo
Ifka jaahil boow daran
Ay laabtu dedantahay
Damna araggu uu yahay
Dhegtu daarsantahayoon
Daalacasho lagu karin
Dambigiisu badanyahay
Dabci xumo u dheertahay
Murankoon la deyn iyo
Dafiraad u faan tahay
Oo daaca qurunlaa
yaa adiga kuu daran?
Yaadse dano wadaagtaan?
ay ka daahantahayoo
Misna raba danjire iyo
Wasiir uusku diiqmee
Afmiishaar Duffoobiyo
Dadka qaarki naga jira.

 (Dawo: Doodwanaag1 http://www.somalitalk.com/maanso/1.html)

Tan Labaad ee muhiimka ahi waxay tahay in shacabku uu si dhab ah u joojiyo taagerada ay la daba joogaan Qabqableyaasha, mid ciidan, dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Waa in aan wax loogu tarin  oon lagu taageerin yaa ii tol aheey.... iyo tororogtii horay loo eeday, illeyn iyaguba tooda maahee cidna uma turaane. Intii ay doonto ha la ekaatee, haddaan shacabku tiirin oo  taakuleyn, ta la hubaa waa in taageero kasta oo ay ka helaan waddanka dibaddiisu aysan noqon doonin mid ay Qabqableyaashu ay ku sii taagnaan karaan.

Marka ay Qabqableyaashu waayaan odayaal isku sheeg ay ku daneystaan.  Markey waayaan wiilal ay duufsadaan oo ay dagaal geliyaan. Markey waayaan deeq uu dalka iyo dibaddaba  tolku uga soo ururiyo oo ay wax ku dumiyaan. Markay waayaan dumar u mashxarada dambigooda iyo shacab damman oo dulmigooda u dabbaaldega. Marka cidlo looga kala dareero, laga wada  danaysto oo ay dabeyshu wehel u noqoto, waa la hubaa in ay tabardarreynayaan talana ay ka hoosi doonto. Hadii sidaa la yeelo, waxaan shaki lahayn in  taladii shacabka ka haadday ay mar kale gacantiisa dib ugu soo noqon doonto, tuugadiina iyagoo tiiraanyaysan laga takhalusi doono insha-Allaah.

Tan saddexaad,  waa in shacabku  baadi-goobtaan hoggaan xalaal ah kaasoo soo xuliddiisa aan lagu miisaamin halbeegga inkaaran ee Yuu yahay? Waxaa habboon in dadka hoggaanka suuban laga rajeynayo la isku howlo maxay yihiin? Ee aan lagu habsaamin yay yihiin? Waa in la isku qiimeeyo garashada iyo waxqabadka, shacabkuna ay taageero la garab istaagaan inta ku howlan ka shaqaynta maslaxadda guud ee ummadda. Ninkii danayste ah, waa in isna laga danaystaa. Kan daacadda ahna waa in lagu durko,la dugsado, howsha uu hayana lala daddaamiyo. Tan kale waa in la xasuusnaada maahmaahdii ahayd: “ Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”. Murtidaas waxaan kala baxaynaa si loo dhalo madax xalaal ah waa in ugu horreyn la helaa shacab xalaal ah. Hadda xaalkeennu waa sidee? Fadlan aan hubsanno inaan nahay shacab xalaal ah!

Tan afraad, waa in mustaqbalka Qabqableyaasha iyo inta ku qaraabataba  la tuso in uusan dhiigga shacabka Soomaaliyeed aheyn mid raqiis u ah  sidii ay moodeen. Waa in la keydiyo oo la diiwaangeliyo xadgudubyadii ay ku kaceen, waana in dadka aqoonta u leh qaanuunka ee ehelkeeda ahi ay ka shaqeeyaan goor ay noqotaba sidii caddaallada loo horkeeni lahaa cidii ku eedeysan dambiyo laga galay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Howshani waa in ay u billaabataa sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah. Waayo arrinkani wuxuu dabri karaa Qabqableesha hadda jooga iyo intii wax kharribaysa oo laga yaabo in ay dhimaan xadgudubyadooda cabsi awgeed. Sidoo kalena dhanka caddaalad-raadinta oo loo dhaqaaqo waxay digniin culus u tahay Qabqableyaasha  soo koraya  iyo kharibeyaasha  jidka ku soo jira shaqsi,koox,ama dowlad kii ay doonaan ha ahaadeene.

Waxaan aaminsanahay in haddii shacabku ay la yimaadaan isku duubni iyo dareen feejigan ay aad u fududdahay in ay si sahal ah uga dul-tillaabsadaan cadowga ummadda. Kan gudaha iyo kiisa dibaddaba.

Aragnay kuwii aan shalay dulmiga iyo doqonnimada ku boqornay waxay na badeen. Aragnay in cid na luggoynaysa ma ahee ay yartay cid nala duuban oo badbaadadeenna jecel. Sow haddaba lama gaarin waqtigii aan isku tashan lahayn kana gilgilan lahayn heeryada dullinimo ee dusheenna lagu hubsaday? Sow lama  gaarin maalintii aan keenna yar iyo keenna weyn, raggeenna iyo dumarkeennuba hal cod ku wada dhihi lahayn: “ maanta maanta maanta, musiibadii ka daalnay maanta. Maanta maanta maanta, Mujrimiin ogaannay maanta. Maanta maanta maanta maslaxaddeenna garannay maanta..”

 

Masaruuf qadaa iyo markii majinta loo dhiibay

Kooxihii musiibada ahaa maraq na siisteene

Maansada haddii aan la faham murtida dhuuxeeda

Nabad baa macaan lehe haddaan odayo muuneynin

Haddaan wiilal marrasta u naxaa carriga maansheynin

Maryamiyo haddii aaney kicin Muxibbo qiireysan

Maqrib iyo haddaan mashriq gilgilan meel kastoon joogno

Yaa maali jirayey haddey muranka noo doorin

Oon mici ku dhiigliyo la didin inta mariid halaq leh

Miciinsiga afmiishaar haddaan saaka laga maarmin

Haddaan midigtu bidix muujinnoon talo la maareynin

Shacabkuna dhammaantii mintidin midnimo waa guule

Mabuudkow haddii aan la dhihin magani waa taada

Oon  dardaarankii Muxamed(SCW) iyo muuqan taladiisu

Nala muudsayoo marannayoo nala madoobeeye

Waa murugee wahe yaa u maqan magaci Soomaali ?!

( Gabaygii Murugo) http://www.somalitalk.com/maanso/murug.html

 

VI. Gunaanad

Xadiis  dardaaran ahaa oo laga soo wariyay Nabigeennii suubbanaa (NNKH) ayaa qaar ka mid ah wuxuu micnihiisu ahaa: “..Ninkiinnii noolaadaa wuxuu arki doonaa khilaaf fara badan. Si aad uga badbaaddaan khilaafkaas waxaan idinkula dardaarmayaa inaad raacdaan jidka Nabigiinna iyo jidka khulufadiisii hanuunsanaa.....”.

Waa nasiib wanaag aan la heli karin in dadka Soomaaliyeed ay 100% yihiin dad Islaam ah . Maxaa haddaba naga hortaagan in aan raacno jidkii Nabigeenna iyo khulafadiisii hanuunsanayd,jidkaasoo  noo fududeyneynaya inaan ka gudubno khilaafka dhexdeenna ah, noona iftiiminaya waddada badbaadada oo aan ku gaari karno baraare adduun iyo bishaaro aakhiro?

Waxaan dadka soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay dhinacyada fiiriyaan, dhuuxaan oo ay dhug u yeeshaan waxa maanta adduunyada ka dhacaya. Maslaxaddeennu maanta waxay ku jirtaa inaan ka gudubno dhallanteedka iyo dhoohnaanta, dhexdana u xiranno  sidii aan u badbaadsan lahayn jiritaankeenna, dhasheennana aan ugu reebi lahayn dhaxal khayr leh oo ay u aayaan. Badbaado waa in aan ka raadinno jihada Rabbigii na khalqay(SWT) iyo Rasuulkiisii suubbanaa (NNKH) ay noogu tilmaameen.

Dib wax jira Allaa oge
Soomalaay is daba qabo
Yuu ku duufsan Sheydaan
Daandaansi gacal iyo
Doobbinta Bilaashka ah
Kibirkaan ku daashaday
Dubashada dhallaankiyo
Toban toban u duuggaan
Daa camal Ibleyskiyo
Dirirtaan sokeeyoo
Ummadyahay is daahiri
Hala daahin toowbada
Xalna waa dadaal iyo
Isku duubnidaadiyo
Samir iyo dulqaad badan
Dariiqii Rasuulkiyo (SCW)
Diinta xariggeedoon
Marna gowsku sii deyn.

(Dawo: Doodwanaag1: http://www.somalitalk.com/maanso/1.html)

Waa waajib diini ah oo  na wada saaran in aan  la daggaalanno wixii xumaan ah,wanaaggana aan garab siinno.Xadiis laga soo wariyay Nabigeennii suubbanaa (NNKH) ayuu macnihiisu ahaa: “  Qofkii xumaanta gacan wax uga qaban karaa ha uga qabto. Kii afkiisa (hadal) wax uga qaban karaa  ha uga qabto. Kii aan intaaba karin oo ah darajada ugu liidataana qalbiga ha ka naco”.

Halkaas waxaan ka baranaynaa in cid walbaa waxqaban karto. Ciddii aan gacan iyo af midna waxba ku qaban karini waa in ay xumaanta qalbiga ka nacdo. Sidoo kalena ciddii aan samaan gacanta iyo afkaba ka qaban karin waa in qalbiga ka jeclaato. Halkan waxa kale oo loogu quus gooyay dadka isku madadaaliya, xumaanta haddii aadan waxba ka qaban karin waa inaad taageertaa! Nin in uu waxqabto aan rabin yaa khasbi kara?

Bal u fiirso Naxariista ilaahay iyo sida naloogu dhiirrigelinayo inaan wanaagga ka shaqeyno oo u istaagno. Xadiis laga soo wariyay Nabigeennii Muxamed (NNKH) ayaa qaar ka mid ah wuxu macnihoodu ahaa : “ ... Qofkii isku daya inuu samaan falo balse aan falin, waxaa Alle agtiisa loo qorayaa samaantii uu damacsanaa oo dhan!. Sidoo kalena qofkii isku daya inuu samaan sameeyo oo sameeya waxaa loo qorayaa Ilaah agtiisa 10 ajar  illaa 700 ajar wax ka badan. Maxaa haddaba naga hortaagan inaan wanaag sameynta ku dadaalno? Waxay ila tahay waa un aqoon darro naga haysa darajada uu Alle agtiisa ka leeyahay wanaagga oo loo istaago iyo nimcooyinka uu Alle na siiyay ka faa’ideysashadooda oo aan lagu baraarugsanayn.

Waxaan ognahay Samaan badan iyo xumaan badan meel islama galaan. Sida caadiga ah ama xumaanta ayaa xoog badan ama samaanta. Sammaanta oo lagu dadaalo oo la xoojiyaa  waxay keenaysaa xumaantii oo marka hore la shiiqiyo ka dibna gebi ahaanteed la tirtiro oo meesha laga saaro.Qof walbow inta aad wax kharribi karto labanlaabkeed ka badan oo samaan ah ayaad qaban kartaaye fadlan aan dhamaanteen  jihada khayrka u wada dhaqaaqno, xumaantu waa la hubaa in markaa iyadu iskeed u galban doontee.

Waxaan ugu dambeystii leeyahay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan Soomaaliyeey: “Berri tay tageyso lama hubo!, Laakiin  Maanta weli tabar ayaa la hayaaye talo ha la yeesho !”.Dadka  Muqdisho ku dhaqan waxaan si gaar ah u leeyahay: “ Waad isla harteen, Soomaalina waad la harteen, ee hadda iyo dan: Haddaad rabtaan in aad haakayah tiraahdaan halhaleel u dhiga heeryada Qabqableyaasha, una hoggaansama oo hanuun ka dalba Rabbigii cirka, dhulka iyo inta u dhaxeysaba isagu abuurtay, maamula, wixii uu doonana ka yeela.”

Anigoo Rabbiga naxariista badan ka baryaya inuu u gargaaro guud ahaan ummadda Muslimka ah ayaan qoraalkeygii ila farabaxsaday ku soo gunaanadayaa  ducadan oo aan Alle ka baryayo inuu noo aqbalo:

Duulkii ku caasiya ciqaab wow diyaar abide

Adoo daaya mooyee darxumo wey la deristaaye

Dulqaad badane adigaa ahoon deeqi kaa gurine

Cirkan daah adigaa nooga dhigay derin dhulkoo idile.

 

Daruurahan inagu hoorayee doogga soo bixiya

Qorraxdaan kuleyl nagu dubeyn diirrimaadkeeda

Dayaxaa samada meerayee leylkii noo daarma

Hawadaan daldalaneyno een naga dikhoobeynin

Darduurashada nimcadaada aan abidkeed doorsoomin

Deyn culus adaan nooga dhigin shey dib loo bixine.

 

Dildilloonka hirarkiyo berrigu wuxuu daboolaayo

Xidigahan dabrane aan sidii dhimbilo soo daadan

Waxa belo dahsoon iyo waxaad derbi ku owdeyso

Waxad naga dadbeysaba Rabbiyoow badi dad waa mooge

Adigaa khalqigan kala dabbara awalna soo deystay.

 

Duruustaad na siisiyo beryahan waxan digniin aragnay

Daldaliig far iyo noogu filan xusid damiineede

Buurahan inagu soo dumayuu duudkii celin waayay

Adigaan daqiiqadda waqtiga sakan u daaheyne

Waxaad damacdo adigeey ahaan lagana doodeeyne.

 

Adaan kaa dalbeynaa Rabbiyoow raxmad na deeqdaaye

Daaquudyadood naga waddiyo ducaqabaad keento

Dulmigoo galbada iyo xaqoo loo damaashaado

dagdag nabad ah waxan kaa rabnaa dib u heshiisiine

Dandarradan ogaannaye Allow saan ha nagu deyne

Mar uun naga dulqaad dullinimadan dawarsi waa ceebe

Aakhirana dabkoodi naga haay dabaqyadii naarta.

 

AAMIIN          AAMIIN         AAMIIN        AAMIIN

 

( Gabaygii Damaq) http://www.somaliatalk.com/2005/dec/cibaar4.html

 

Wicii falcelis ah waxaad fadlan ku soo hagaaji:

Maxamed Cali Cibaar

Delft, Holland

[email protected]

 

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 


 
0 comment(s) with
0 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online