Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Ha ka Harin Waqtiga: La Jaanqaad Assaaggaa

Cali Ibraahim Weheliye (Toronto) & Afyare Cabdi Cilmi (Edmonton)

 

Runtii, is-baddelka ka dhacay Muqdisho wuxuu hordhac u yahay rabitaan ay ummadda Soomaaliyeed ku doonayso inay ku xaqiijiso jiritaankeeda iyo horumarkeeda. Waa halgan nololeed, wuxuuna ku qotomaa himilada weyn ee ay bulshada Soomaaliyeed higsanayso. Waxaa lagula dirirayaa dulmiga iyo xumaanta, waxaana lagu doonayaa in la helo nabad iyo garsoor wanaagsan. Sidaas darteed, waxay noola muuqataa in qof kasta uu ka qeyb-qaato halgankan, islamarkaasna uu ku kordhiyo wixii awooddiisa ah.  Haddaba, si aan ugu boorrino dadweynaha Somaliyeed in ay qaybtooda ka qaataan ka miro dhalinta dadaallada socda, waxaan soo jeedinaynaa arrimahan hoos ku qoran.  

 

advertisements

1) -  Waxaa muhiim ah in ummaddu fahamto in hoggaanka iyo hawl-wadeenka Maxkamadaha Islaamku ay yihiin dad caadi ah oo ay kala mid yihiin xagga tabarta, farsamada iyo waaya-aragnimada bulshoweynta Soomaaliyeed. Mar haddii ay taasi jirto waa in aan lagu fekerin in ay ku soo afjaraan dhibaatada Somaliya maalmo kooban.  Waxaa habboon in aan hankeenna hoos u dhigno, isla markaasna garawsanno in aysan Maxaakimta Islaamku hayn xal mucjiso ah, in kastoo ay tahay in lagula xisaabtamo gaabiska iyo gefefka ay sameeyaan.

 

Dadweynaha Soomaaliyeed wuxuu u gogol-badiyey qabqablayaasha dagaalka. Waxaa laga dhur sugayey muddo ka badan 15 sano. Waxaa lagu dayey wax kasta. Tusaale, markii ay is-hortaageen natiijooyinkii ka soo baxay shirarkii hore, waxa loogu daray inay iyagu shiraan, islamarkaasna ay magacaabaan xubnaha baarlamaanka. Waxa loogu daray inay wasiirro noqdaan. Nasiib-darro iyagoo intaas loo yeelay ayey haddana waxa ugu hooseeya ee laga filayey ka soo bixi waayeen.

 

Ku talinmayno in maxkamadaha harkacaya isbeddelkaan cusub la siiyo 15 sano oo wax-ku-dheel cusub ah, laakiin, waxaan ku talinaynaa in dulqaad loo yeesho gefefka caadiga ah ee ka iman kara maadaama aysan lahayn waayo-aragnimo iyo tababar ku filan. Sidoo kale, waxaan ku talinaynaa dadweynuhu meel kastoo ay ku sugan yihiin, dal iyo dibadba,  in ay siiyaan maxkamadaha taageero buuxda oo dhan walba ah.

 

2) -  Waxaan la soconnaa in dagaallada sokeeye ay dhaawac weyn gaarsiiyeen kalsoonida shaqsiyaadka iyo beelahaba. Waana caadi in bulshada ku nool meelaha ay dagaallada sokeeye ka dhaceen ay kala shakiso.  Sidoo kale, waxa jira kooxo ku dan qaba inay sii jirto aamin-darrada bulshda dhex taal, islamarkaasna, adeegsada qabiil iyo kooxaysi si ay u waaraan colaadda iyo kala-shakigu.  Haddaba, waa in laga feejignaado arrintan, looguna kaalmeeyo maxkamadaha sugista ammaanka.

 

Waa nasiibdarro in ay soo baxaan dad raba in ay qabiil u rogaan isbeddelkaan taariikhiga ah si ay u kufiyaan.  Waxaan dadweynaha ku dhiirrigelinaynaa in aysan u dheg raaricin kooxahaan wax-dumiska ah oo dantooda gaarka ah ka hormarinaya danta guud ee ummadda.  Run ahaantiina, qaabka ay maxkamaduhu u hoggaaminayaan kacaankan cusub wuxuu muujinayaa inaysan jirin cid gooni ah oo duullaan lagu yahay. Dagaalladii dhacay oo dhan waxa ka soo baxay inaan dhibaato gooni ah lala dooneyn qabiil gaar ah. Haddaba yaan nalaku maaweelin oon nalaku dhagrin ujeeddooyin aan jirin iyo arrimo aan meesha ool.

 

3) -  Maaddaama uu isbaddelkani ku wajahan yahay in xididada loo siibo qabqablayaasha dagaalka meel kasta ha joogeene, waxaa nala quman in gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhami ay ku dhaqaaqaan dadaallo la mid ah kan ka hirgalay Xamar iyo nawaaxigiisa. Waxa nala quman in ujeeddada isbaddelkan loo fahmo inay ku salaysan tahay labada qodob ee ay marar badan ku celceliyeen hoggaanka maxkamaduhu. Qodobka hore waa in la sugo amaanka iyo garsoorka, isla markaasna la soo celiyo kaladambeyntii luntay.  Qodobka kalena waa in talada iyo siyaasadda dalka dib loogu celiyo gacantii shacabka ee xoogga looga marooqsaday.

 

Waxaan rumaysan nahay in maxkamaduhu ay wax wanaagsan ka qabteen amaanka meelihii laga hirgeliyey tan iyo markii ay samaysmeen. Waxaan wada ognahay in magaalada Muqdisho ay ka dhici jireen fal-danbiyeedyo kala duwan intii ay talinayeen qabqablayaashii dagaalku. Kolleyse, maalmahaan saxaafaddu ma aysan werin falal afduub, kufsi iyo dhac ah oo lagu arkay goobaha ay maxkamaduhu la wareegeen. Sidaa darteed, inta aan ka ognahay dalka, maxkamaduhu doorka ammaanka iyo garsoorka waxay ka gaareen guulo la taaban karo.  Waxaana hubaal ah, haddii uu dadweynuhu ku taageero in ay soo celin karaan nabad buuxda iyo kaladambeyn.

 

Qodobka ah in talada iyo maamulka lagu celiyo gacanta dadweynuha waxaan u aragnaa mid muhiim ah. Shirkii ugu danbeeyey ee ka dhacay Kenya waxaa maamulayey dalalka deriska ah ee Soomaaliya ay kala dhexeyso cadaawadda soo jireenka ah. Waxaan wada ognahay in la diiday in ay ka qeyb-galaan shiraarkaas culumada iyo inta badan bulshada rayadka ah. Waxaa laga wada dheregsan yahay qaabka lagu soo xulay xubnaha baarlamaanka ku jira. Mid ka mid ah aqoonyahannadii shirka tegay baan ka heynaa “waxay ku dadaalayeen maamulkii shirku inaysan u oggolaan inuu xubin baarlamaan noqdo qof la jahri kara aragti diini amase wadani ah.”

 

Runtii, Itoobiya iyo Kenya waa ay ku guuleysteen arrinkaas. Waxaana iska caadi ah in qofka baarlamaanka ku jira uu ka shaqeeyo danaha ciddii meesha keensatay. Waxaa maanta caddaatay in xubnaha baarlamaanku ay danta dalalka deriska ah ee iyaga soo xulay ay ka hormariyaan tan Soomaalida. Taasna waxaa keenay in markii horeba talada loo diiday shacabkii iska lahaa.  Haddaba, haddii ay maxkamaduhu ujeeddadooda weyn ay ka dhigaan in talada loo celiyo shacabkii lahaana, waa inaan ku taageerno.

 

4) -  Waxaan ognahay in ragga hoggaamiya xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee ku sugan Baydhabo ay ku mashquulsan yihiin sidii loo xagal daacin lahaa kacdoonka shacbiga iyo sidii loogu keensan lahaa ciidamo Itoobiya oo lagu cabburiyo.  Cabburin iyo caddaadin waa wixii uu ka gadooday shacabka Soomaaliyeed oo uu iskaga tuuray gumeysigii dalka qabsaday qarnigii tagay, xukuumaddii militariga ee Maxamed Siyaad iyo qabqablayaashii dagaalka. Shacabku maanta aqbalimaayo in ay Amxaaro dul dhigto cabburis iyo caddaadis ka foolxun kaa hore. Haddaba, waxaan ku talinaynaa in ay dadku, koox koox iyo kali kaliba, ugula xiriiraan Cabdullahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi, una sheegaan in aysan ka yeeleyn barnaamijga gumeysiga oo ay rabaan in ay geliyaan Ummadda Soomaaliyeed iyo in aysan gacmaha ka laabaneyn hawlaha Soomaaliya looga dhigayo KILILKA LIXAAD ee dalka Itoobiya.  Waa in si aan kala go’ lahayn lagula xiriiro taleefanka, e-maylka iyo qaybaha kale isgaarsiinta.  Waa in loo caddeeyo in aysan ka haysan kalsooni shacabka Soomaaliyeed iyo in aysan shacabka Soomaaliyeed ku sandulleyn karin u adeegista danaha Xabashida.

 

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda waxaa saaran xil weyn. Waxaa looga baahan yahay inay qaadaan olole weyn oo dunida looga dhaadhacsiinayo qadiyadda Soomaalida, gaar ahaan ujeeddooyinka Itoobiya. Sidaa darted, waa lama huraan in laga abaabulo mudaaharaadyo waaweyn caasimadaha dalalka ay Soomaalidu joogaan.

 

Ugu danbayntii, waxaan qabnaa in la isku khilaafi karo in loo baahan yahay in la keeno dalka ciidamo shisheeye oo ka yimaad dal aan Soomaalidu xasaasiyad diimeed, mid dhaqan iyo mid dhaqaale aysan ka qabin. Laakiin, ma qabno in dalka la keeni karo ciidamo Itoobiya oo ah cadawga koowaad ee ay dahay ummadda Soomaaliyeed.  Waxaan leennahay dadka u ololeeya keenista ciidamada Itoobiya waxay galeen khiyaamo qaran, waxayna gelayaan dembga ugu weyn ee laga galo ummad iyo qaran.

 

Waxaan iskula dardaarmaynaa in aan hurdada ka toosno dhamaanteen, islamarkaasna aynaan ka harin waqtiga oo aan la saanqaadno asaaggeen. Waa in aan ka faa’iidaysanno mawjadda isbeddelka cusub oo u dananaysa dalkeennaa iyo dadkeenna.  Weliba waxaan is-xasuusinaynaa in aysan hawshu kow joogin iyo in qabqablayaashii kuwii ugu khayr darraa ay hadda billaabeen olole lagula dagaallamayo kacdoonka shacbiga, iyagoo weliba ka faa’iidaysana welwelka aan xogta ku dhisnayn ee ay muujisay bulshada caalamku.  “Qof lagu seexdow ha seexan, xilbaad sitaa ha seexan, soo jeedo foojignow.”

 

Cali Ibraahim Weheliye (Toronto), Canada
Afyare Cabdi Cilmi      (Edmonton), Canada

Kala xiriira E-mailka ah: [email protected]

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 


     

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online