Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

GEERIDA ABUU-MUSCAB AZ-ZARQAAWI

Abuu-Muscab Az-Zarqaawi


Qore: Sabriye  Macalim Muuse 

Raiisul-Wasaaraha dalka Ciraaq Nuuri Al-Maaliki wuxuu shaaca ka qaaday in maanta oo Khamiis ah Abuu-Muscab Az-Zarqaawi lagu dilay weerar cirka ah ooy ciidamada Maraykanku qaadeen.

Dhanka kale ciidamada Maraykanku waxay soo bandhigeen sawirrada meydkii Zarqaawi. Waxa kaloo ay soo bandhigeen cajalad Fiidiyow ah oo laga duubay gurigii uu Zarqaawi ku jiray markii la dilayay.

Madaxweynaha Maraykanka Bush isna wuxu ammaanay dilka Zarqaawi, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay dhirbaaxo kulul oo loo jeediyay ururka Al-Qaacida iyo guul usoo hoyatay dagaal weynaha lagula jiro argagixisada.

 

WAA KUMA ABUU-MUSCAB AZ-ZARQAAWI?

 

Axmed Fadiil Al-Khalaayla oo ku magac dheer Abuu-Muscab Az-Zarqaawi waxa uu sanadkii 1967kii ku dhashay xaafad isku raran ah oo lagu magacaabo Al-Kasaaraat kuna taal magaalada Zarqa ee dalka Urdun. Waxa uu kusoo barbaaray guri xaalkiisu iska liito oo saddex qol ka kooban.

Abuu-Muscab wuxuu waxbarashada kaga haray sanadkii labaad ee dugsiga sare isaga oo sanadkaas keenay celcelis dhan 87%, lana garan maayo sababtii uu waxbarashada uga tegay. Yaraantiisii ma ahayn nin ehlu-diin ah, hase yeeshee goor dambe ayuu isbedel xoog lihi ku dhacay wuxuuna walaalihiis ka codsaday inay Taleefishinka guryohooda ka bixiyaan maadaama uu yahay kan carruurta iyo jiilka soo koraya hallaynaya. Zarqaawi wuxuu muddooyinkii dambe caan ku ahaa adadayg isagoo xitaa diiddanaa in carruurtiisa Iskuul la geeyo doonayayna inay Qur'aanka iyo Xadiithka shariifka ah oo qura bartaan. Wuxuu ifka kaga tegay afar carruur ah kalana ah: Aamina (13 jir), Rowda (10 jir), Maxamed (8 jir) iyo Muscab (6 jir) iyo hooyadood Umu-Maxamed.

Abuu-Muscab Az-Zarqaawi wuxuu ahaa ninka ugu caansan ragga hubaysan ee dalka Ciraaq. Wuxuu ahaa nin si hoos ahaaneed oon la arkayn u shaqeeya, magaciisuna wuxuu noqday mid lala xiriiriyo qaraxyada iyo dilalka aan caadiga ahayn iyo maxaabiista afduubka loo qabsado oo madaxyada laga guro.

Hubaysane Abuu-Muscab Az-Zarqaawi waxa uu markii ugu horraysay kasoo ifbaxay dalka Ciraaq isagoo ah hoggaamiyaha kooxda hubaysan ee la magac baxday Jamaacada Tawxiidka iyo Jihaadka, wuxuuse kooxdiisii ku daray ururka Al-Qaacida ee uu hoggaamiyo Usaama bin Laadin dabayaaqadii sanaddii 2004.

Macluumaadka ilaa iyo haatan laga haayo Al-Zarqaawi waa mid kooban kuna eg waxa ay ugu yeeraan dadka isaga neceb iyo kuwa raacsan labaduba.

Dadka qaar baa ku dooda in Zarqaawi uu dhaqdhaqaaqa hubaysan ee Ciraaq u adeegsaday saldhig uu ka duulo si uu u ballaariyo hawlgalladiisa hubaysan, halka dad kale ay ku doodaan in raadka iyo hawlgallada Zarqaawi la buunbuuniyay.

 

XIRIIRKA ISAGA IYO BIN LAADIN

Markii lagu jiray u diyaargarowga dagaal lagu qaado Ciraaq, gaar ahaan bishii Febraayo 2003, wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Colin Pawl wuxuu qaramada midoobay u sheegay in Zarqaawi uu xiriir la leehayay Usaama bin Laadin oo doonayay inuu usoo guuro dalka Ciraaq, hase yeeshee dadka u kuurgala siyaasaddu   way diideen fikraddaas iyagoo qaadaa dhigay tartankii soo jireenka ahaa ee labada nin ka dhexayn jiray. Dadkaasi waxay yiraahdeen: Labada ninba waxay kusoo caan bexeen iyagoo labaduba ahaa Carabtii ka dagaal gashay dalka Afqanistaan mid waliba oo kamid ahina uu hoggaaminayay dagaalyahaniintii ajaanibta ahayd ee jihaadka kula jirtay ciidankii Midawga Soofyeeti ee ka dagaallamayay dalka Afqanistaan sanidihii siddeetamaadkii.

DIB UGU SOO LAABASHADII URDUN  

Kaddib markuu dhamaaday dagaalkii Afqanistaan ee Midawga Soofyeeti lagula jiray, Zarqaawi wuxuu dib ugu soo laabtay dalka Urdun, wuxuuna kula soo laabtay afkaartiisa Islaamiga qunyar socodka ahayd. Waxa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah dalka Urdun iyadoo lagu eedeeyay inuu isku dayayay inuu inqilaabo boqortooyada dalkaas ka jirta uuna sameeyo khilaafad Islaami ah.

 

BAQO

Keddib markuu xabsiga ku jiray muddo toddoba sano ah ayaa sanadkii 1999 lasii daayay iyadoo lagu sii daayay cafis guud oo uu boqorku fidiyay. Zarqaawi dalka ayuu ka cararay, maalintaas baana reerkiisii ugu war dambeysay isagoon xitaa taleefan kula hadal. Xukuumadda Urdun waxay Zarqaawi oo dalka ka maqan ku xukuntay dil, iyadoo ku doodday inu qorshaynayay inuu dalka Urdun gudihiisa ku weerarro dalxiiseyaal Maraykan iyo Yuhuud ah.

Sirdoonka reer yurub waxay iyaguna sheegeen in Zarqaawi uu doonayay inuu Yurub iska dhiibo, ciidamada amniga ee Jarmalkuna waxay goor dambe shaaca ka qaadeen unug hubaysan oo ay sheegeen Zarqaawi inuu madax u ahaa.

Zarqaawi wuxuu dib ugu laabtay Afqanistaan, waxana la tuhunsan yahay inuu magaalada Hiiraat ee ku taal galbeedka Afqanistaan una dhow xuduudda Iiraan ka aasaasay saldhig tababar ciidan.

GAASKA SUNTA AH

Waxaa la rumaysan yahay in ardadii ka qalinjebisay saldhiggaas uu Zarqaawi aasaasay ay noqdeen kuwo khibrad u leh isticmaalka gaaska sunta ah. Waxa kaloo la rumaysan yahay in xilligaas uu Zarqaawi billaabay inuu xiriir la yeesho Al-Qaacida.

 

CIRAAQ

Keddib markii ay Maraykanku gantaallo la dheceen saldhiggii uu Zarqaawi ku lahaa dalka Afqanistaan 2001, ayuu sida la rumaysan yahay usoo wareegay dhanka dalka Ciraaq. Mas'uuliinta Maraykanku waxay aaminsan yihiin in waqtigaas wixii ka dambeeyay uu Zarqaawi wakiil uga noqday Ururka Al-Qaacida dalka Ciraaq, uuna xiriir la samaystay dhaqdhaqaaqa Ansaar Al-Islaam oo ah koox Kurdi ah oo ku hubaysan waqooyiga Ciraaq. Bishii Oktoobar 2002 Zarqaawi waxa lagu eedeeyay dilkii mas'uulkii gargaarka Maraykanka Loren Folli oo lagu dilay dalka Urdun.

 

HINDISAHA WEERARRADA

Dhowr bilood keddib gaar ahaan sanadkii 2003, Zarqaawi waxa lagu eedeeyay inuu ahaa qofkii hindisay weerarro isdaba joog ah oo dhiig badani ku daatay, weerarradas oo xiriirsanaa Kaasa-Balanka (Marooko) ilaa Istambuul (Turkiga), hase yeeshee saldhigga uu ka hawlgalaa uu ahaa dalka Ciraaq.

Bishii Febraayo 2004 Maraykanku waxay qaybiyeen waraaqo ay ku sheegayaan in hadafka istiraatiijiga ah ee Zarqaawi uu yahay siduu u weerari lahaa dadka Shiicada ah ee reer Ciraaq. Isla markiiba Zarqaawi wuxuu kasoo baxay taleefishinnada isagoo farta ku fiiqaya in qolooyinka Maraykanka taageersan oo la weeraraa ay ciriiri gelinayso joogitaanka Maraykanku uu Ciraaq joogo.

Maalmo yar baa kasoo wareegay taariikhdii waraaqaha Maraykanka la qeeybiyay kolkii weerar lagu qaaday Saldhig ciidamada amniga Ciraaq lagu tababaro, waxana weerarkaas ku dhimatay ku dhowaad 100 ruux.

MADAX GURID

Dariiqa kale ee uu Zarqaawi qaaday kaas oo adduunweynaha oo dhan argaggax geliyay wuxuu ahaa dadka ajnabiga ah oo inta la qafaasho madaxa laga wada guro. Internetka ayaana laga soo daayay cajalado Fiidiyow ah oo tusinaya dad madaxa laga gurayo, hawshaas oo la yiri waxa qabatay jamaacada At-Tawxiid wal-Jihaad.

Ciidamada Maraykanku waxay sheegteen inay sanadkii 2005 weerar ay qaadeen ku dhaaweceen Zarqaawi. Bayaan uu Ururka Al-Qaacida faafiyay wuxuu ku qirtay in  dhaawacaasi jiro, hase yeeshee uu yahay mid aad u fudud.

Dawladda Maraykanku waxay yaboohday 25 milyan oo doollarka Maraykanka ah inay madaxa Zarqaawi dhaafsanayso, waana isla qiimihii uu Maraykanku u yaboohay in la siin doono ciddii gacan ka geysata soo qabashada Usaama bin Laadin.

Sanadkii tegay Zarqaawi wuxuu awood u yeeshay inuu mar kale olo'olihiisa u dhoofiyo dibadda dalka Ciraaq. Wuxuu sheegtay inuu mas'uul ka yahay weerarro dhawr ah oo ay kamid ahaayeen saddex qarax oo isku mar ka dhacay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan bishii Nofeembar, 2005tii.

 

Sabriye Macalin Muuse
     E-mail: [email protected]

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 

 
0 comment(s) with
0 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online