Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Maxaa dhacay tan iyo 1960kii?

By Mohamed Mukhtar

46 sano ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii ay xuriyada qaadatay Jamhuuriyada Soomaliya. Haddaba qoraalkaan waxaan ku eegeynaa qaar ka mid ah wax yaabihii ugu waaweynaa ee dhacay tan iyo xiligaa. Waxaa afeef ah in qoraalkaan aan loogu tala gelin in uu koobo dhamaan wixii ka dhacay Soomaliya. Sidaa daraaded, dhacdooyinka halkaan aan ku xusneyn ma aha macnaheedu in ayan muhiim aheyn in la xuso ama kuwa halkaan ku xusan in ay yihiin kuwa si gooni ah loo xushay. Balse maadama qoraalku yahay mid yar ayuunbaan lagu soo qaatay qeyb ka mid ah wixii dhacay. Sidoo kale qoraal loogu ma tala gelin in uu faahfaahin ka bixiyo sidii ay wax u dhaceen balse waxa uu koobayaa wixii dhacay iyo xiligii ay dhaceen. 

1960

Qaramada Midoobay markii hore waxa ay u qoondeeysay Soomaliya in aay xuriyada qaadato 2dii Diseembar 1960kii laakin taa waa la soo hormariyay kadib markii dowladii Daaqiliyada codsi sameysay 1959kii. Taariqda cusub waxaa laga dhigay 1dii July 1960. 26kii Juunyo 1960kii waxaa xuriyad qaadatay Waqooyiga Soomaliya. Kowdii Juulaay 1960kii waxaa iyadana xuriyad qaadatay Koonfurta Soomaliya isla markaana waxaa midoobay Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaliya, halkaas ayayna ku abuurantay Jamhuuriyada Soomaliya. Bankigii Qaranka Soomaliyeed ayaa howlgalay kowdii Juulaay 60kii.  Aadan Cabdule Cismaan waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeyay ee Soomaliya, isna waxa uu magacaabay Cabdirashid Cali Sharmarke in uu noqdo Wasiirka Koowaad.

 

1961

Waxaa la ansixiyay dastuurkii ugu horeeyey ee Soomaliyeed kadib markii cod loo qaaday. 20kii Juun 1961dii, dastuurkii cusbaa ee la dhigay waxaa ‘Haa’ u codeeyay 1,756,216 qof halka 183,000 qof u coddeeyeen ‘Maya’. Aadan Cabdulle Cismaan ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee la doorto. Inqilaab dhicisoobay oo raga hogaaminayay uu ka mid ahaa Xassan Kayd ayaa ka dhacay Waqooyiga Soomaliya. 31dii Juulaay 1961dii, lacag la oran jiray ‘East African Shillings’ oo laga isticmaali jiray Waqooyiga Soomaliya ka hor inta aan la midooban ayaa noqotay mid la joojiyay isticmaalkeeda, waxaan si ku meelgaar ah loo sii isticmaalay midii koonfureed ‘Somalo’. Isla sanadkaa waxaa la asaasay Ciidamada Cirka Soomaliyeed.

 

1962

5tii Maarso 1962dii, waxaa uu soo saaray Madaxweynihii xiligaa wareegto lagu sameynayo lacag cusub oo la yiraahdo ‘Somali Shilling’. Dhaqdhaqaaq badan oo siyaadeed ayaa Soomaliya ka socday kasoo la doonayay in Northern Frontier District oo hadda ka tirsan Kenya (NFD) lagu soo daro Soomaliya. Isla sanadkaa Soomaliya waxa ay heshiis xaga ciidamada ah la gashay wadankii loo yaqaanay Midowga Soofiyeed. Gudi loo magaacabay in ay kasoo tala bixiyaan af-Soomaliga ayaa ku talo bixiyay in farta Soomaliga laga dhigo mid loo qoro sida farta Laatinka ah.

 

1963

Soomaliya ayaa xiriirkii siyaasadeed ka goosatay Ingiriiska aarimo la xariiro NFD daraadeed. Qafaal askareed ayaa markii ugu horeysay Soomaliya laga hirgeliyay. Waxaa la abuuray Laanqeyrta Cas ee Soomaliyeed. Waxaa kacdoon lagu doonayo Soomali weyn ka bilowday dhulka Soomali Galbeed. Lacagtii ‘Somalo’ waxa ay istaagtay isticmaalkeeda 31dii Diseembar 1963dii. Wasiirkii Koowaad ee Soomaliya ayaa booqasho lagu adkeeynayo xiriirka Shiinaha iyo Soomaliya ku tegay Shiinaha.

 

1964

Bilowgii 1964tii waxaa qarxay dagaal dhexmaray Soomaliya iyo Itoobiya. Cabdirisaaq Xaji Xuseen ayaa noqday Wasiirkii Kowaad. Madaxweynihii Kenya, Jomo Kenyatta iyo Boqorkii Itoobiya, Haile Selassie, waxay sameysteen heshiis lagu xakameynayo doonista Soomaliya ay doonaysay in ay soo ceshato dhulkeeda ka maqan.

 

1965

Wadankii Midowga Soofiyeet waxa uu ka caawiyay Soomaliya asaasida Ciidanka Badda. Jeneraal Daa’uud ayaa ku geeriyooday magaalada Mooska. Xiriirka Shiinaha iyo Soomaliya waxaa uu sii xoogeysta gaar ahaan xaga caafimaadka markii Aadan Abdulle Cisman booqasho ku tegay Shiinaha.

 

1966

Waxaa uu Shiinaha dhisay Masraxii Qaranka (National Theatre).

 

1967

10kii Juun 1967dii Aadan Cabdule Cismaan waxaa u dhamaatay xiligi madaxweynaha uu ahaa. Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa noqday Madaxweynihii Soomaliya halka Maxamed Ibrahim Cigaal ka noqday Wasiirka Koowaad.

 

1968

Dowladii Cigaal waxay isku dayday in ay wanaajiso xiriirkii ka dhaxeyay Soomaliya iyo Itoobiya. Waxay Siteembar 1968kii Soomaliya waxa ay la gashay heshiis xaga duulimaadyada ganacsiga iyo isgaarsiinta dowladda Itoobiya. Si xiriirka loo hormariyo, Itoobiya waxa ay qaaday xanibadii saarneyd xuduudka labada wadan.

 

1969

Waxaa 15kii Oktoobar 1969kii la dilay Madaxweynihii Soomaliya Cabdirashiid Cali Sharmarke. Cigaal oo markaa ahaa Wasiirka Kowaad waxa uu booqasho ku joogay wadanka Maraykanka. 21kii Oktoobar 1969kii, waxaa xukunkii la wareegay Ciidamada Qalabkasida ayada oo uu horkacayo Maxamed Siyaas Barre. Waxaa la xeray xubno badan oo ka tirsanaa dowladihii rayidka ahaa. Midowga Soofiyeet waxaa uu dayactir iyo balaarin ku sameeyay dekada Berbera.

 

1970

Waxaa la furay Jaamacadii Umadda. Feberaayo 1970kii, xukunkii Meletariga waxa uu laalay dastuurkii la dejiyay 1960kii. Waxaa la asaasay Hay’adii Nabadsugida (NSS). Abriil 1970kii, waxaa la xeray Sareey Gaas Jamac Cali Khoorsheel oo ahaa markaa Madexweyn ku xigeen ayada oo lagu eedayay qayaano qaran.

 

1971

Maajo 1970kii, xubno ka tirsan ciidamadii inqilaabka sameeyay sida Maxamed Caynaanshe iyo Salaad Gabeyre ayaa la xeray ayada oo lagu eedayay in ay inqilaab kale wadeen. Waxaa la soo nooleeyay Gudigii Luqada Soomaliga kuwaas oo lagu amray in ay diyaariyaan barnaamij waxbarasho oo ku qoran af-Soomali.

 

1972

Agoosto 1972dii waxaa la asaasay Ciidaankii Guulwadayaasha. Sanad guuradii sadexaad ee kacaanka waxaa lagu dhawaaqay in farta Soomaliga ay noqondoonda farta rasmiga ah ee dalka uu leeyahay marka laga bilaabo 1dii Janaaayo 1973dii. Waxaa la qarameeyay hay’ado badan sida bangiyada iyo caymisyada. Waxaa la bilaabay asaasitaankii iskaashatooyinka.

 

1973

Maamulkii Ciidamada waxaa ay soo saaren sharci madani ah waxayna laaleen sharciyadii ka horeyay, waxayna xadideen maxkamadihii ku dhisnaa sharciga Islaamka. Sidoo kale waxay meesha ka saareen bixinta diyada. Shaqaalaha dowladda waxaa lagu qasbay in ay qataan tabar soconayay seddex bilood oo ay ku baranayaan luqada Soomaliga.

 

1974

Agoosto 1974tii waxaa bilaawday ololaha barashada af-Soomaliga. Soomaliya waxa ay ku biirtay Jaamacada Carabta. Waxaa bilowday abarihii dabadheer.

 

1975

Maamulkii Maxamed Siyaad Barre waxa uu xabsiga ka soo daayey Cabdullahi Yusuf. 11kii Janaayo 1975tii, maamulkii Siyaad Bare waxaa uu soo saaray sharci simaya dumarka iyo raga. Isla sanadkaa waxaa la dilay 10 wadaado ah oo ka horyimid sharcigaas. Dad badan oo ay aafeeyeen abarihii dabadheer ayaa la dejiyay Dajuuma, Sablaale, Kuntur-wareey iyo meelo kale.

 

1976

Waxaa la asaasay Xisbigii Hantiwaada Kacaanka Soomaliyeed.

 

1977

Lufthansa flight 181 ayaa lagu soo afduubay magaalada Muqdisho 17kii Oktoobar 1977dii. Waxaa bilowday dagaalkii u dhaxeyay Itoobiya iyo Soomaliya kaas oo sababay in uu xumaado xiriirkii Midowga Soofiyeet iyo Soomaliya. 13 Novembar 1977 waxay Soomaliya ka saartay wadankeeda in ku dhow 6000 qof oo u kala dhashay Midowga Soofiyeet, Kuuba iyo wadamo kale.

 

1978

9kii Maarso 1978dii, Maxamed Siyaad waxa uu amray ciidamada in ay ka soo baxaan dhulka Soomali Galbeed. 8dii Abriil 1978dii, waxaa fashilmay inqilaab la rabay in kursiga looga rido maamulkii Siyaad Barre, inqilaabka ragii waday waxaa ka mid ah Ciro iyo Cabdullahi Yusuf.

 

1979

25tii Agoosto 1979kii waxaa cod loo qaaday dastuurkii maamulka meletariga ay sameeyeen. Waxaa codka ‘Haa’ siiyay 3,597,592 halka ‘Maya’ ay yiraahdeen 7898. Diseembar 1979 waxaa dhacay doorashadii Golaha Shacabka. Intii u dhaxeysay Maajo and Juun 1979kii, ciidamadii Koofiya Casta waxa ay xasuuq ka sameeyeen degaanada ku wareegsan Kaalkacyo. Jabhad la yiraahdo Somali Salvation Democratic Front (SSDF) aya la aasaasay.

 

1980

Dowladii Soomaliya waxa ay xiriir siyaasadeed ka goosatay Liibiya ayada oo ku eedeynaysa taageero ay siisay ururada mucaaradka. Isla sanadka dowladda Soomalieed waxa ay heshiis la gashay dowladda Maraykanka ayada oo u ogolaatay dowladda Maraykanka in ay isticmaasho dekedaha Soomaliya.

 

1981

6dii Abriil 1981kii, waxaa magaalada London lagu asaasay ururkii SNM. Daniel arap Moi waxa uu magaalada Nairobi kula kulmay Maxamed Siyaad isaga oo doonayo in uu ka dhaadhiciyo in ay Soomaliya joojiso sheegashada dhulka NFD.

 

1982

Waxaa xabsiga laga soo daayay Maxamed Abshir Muse iyo Maxamed Ibrahim Cigaal oo xernaa tan iyo 1969kii. 7dii Juun 1982dii waxaa la xeray Ismaacil Cali Abukar, Cumar Carte Qaalib, Cumar Xaaji Masale, Cismaan Maxamed Jeele iyo Maxamed Aadan Sheekh. Bartamihii Juulaay waxaa magaalooyinka Balambale iyo Goldogob qabsadey ciidamo mucaarad ku ahaa maamulkii markaa jiray iyaga oo taagero ka helayay ciidamada Itoobiya.

 

1983

Waxaa la furay telefishinkii ugu horeeyay ee Soomaliyee. 18kii Maarso 1983dii waxaa la joojiyay isticmaalka iyo kaganacsiga qaadka. Juun 1983dii dowladda Sacuudiga waxa ay joojisay xoolihii ay ka qaadan jirtay Soomaliya ayada oo ku eedeynayso xoolaha Soomaliya in ay leeyihiin qatar xaga arimaha caafimaadka la xariirta.

 

1984

Nofeembar 1984tii, waxaa la afduubay diyaarad ay laheyd Somali Airline. Diseembar 1984tii waxaa Soomaliya booqasha qarsoodi ah ku yimid Roelof "Pik" Botha oo ahaa Wasiirka Arimaha Dibada ee South Africa, halkaasna labada wadan waxay ku galeen heshiis kaas oo wadada u xaarta in ciidamo ajnabi ay ka qeyb qaateen xasuuqii ka dhacay Waqooyi Galbeed Soomaliya. Diseembar 1984tii waxaa wax laga badalay dastuurkii wadanka ayada oo loo kordhiyay xiliga madaxweynaha hayn karo xafiiska taas oo markii hore aheyd lix sano lagana dhigay todobo sano.

 

1985

Waxaa isku dhacay maamulkii Itoobiya iyo Abdullahi Yusuf, kadibna Abdullahi waxaa la dhigay xabsiga. Soomaliya waxa ay Maraykanka kala qeyb qaadatay dhoola tus xaga ciidamaha ah oo la oran jirayOperation Bright Star. Liibiya iyo Soomaliya waxa ay soo nooleeyen xiriirkii siyaasadeed.

 

1986

Bishii Janaaayo 1986dii, waxaa wadanka Jabuuti ku kulmay Siyaad Baare iyo Mengistu iyaga oo ku heshiiyay in la joojiyo colaada labada wadan u dhaxeysa. 23dii Maajo 1986dii, Madaxweynihii Soomaliya waxaa uu galay shil gaari. Midowga  

 

Soofiyeed iyo Soomaliya waxa ay dib u soo ceshteen xiriirkii xaga siyaasada. Xiriirkii u dhaxeeyay Soomaliya iyo Ingiriiska ayaa xumaaday Seteembar 1986ki kadib markii uu Cabdiraxmaan Jaamac Bare oo ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda ku eedeyay BBC in ay fidinayso dacaayad dhan ka ah Soomaliya. Sidoo kale maamulka Soomaliya waxay isku dhaceen Amnesty International iyo African Watch. Siteembar 1986dii waxaa la furay xaraashkii sarifka lacagaha qalaad.  23dii Diseembar 1986dii waxaa Soomaliya lagu qabtay doorasho taas oo uu Maxamed Siyaad ahaa masharax kaligiis taagan, waxa uuna helay 99.9% codadka.

 

1987

Maxamed Cali Samatar ayaa loo magacaabay Wasiirka Kowaad. Dowladda waxa ay bilowday in ay dhaqan geliso talooyinkii badan oo ay soo jeedisay hay’ada International Monetary Fund (IMF) waxaana aad u dhacay qiimaha shilinka isla markaana waxaa kacay qiimaha maciishada. Talooyinka ay dowladda fulisay waxaa ka mid ah in la dhimo shaqaalaha dowladda. Cabdi Bile Cabdi ayaa qaaday bilada dahabka aduunka ee xaga orodada 1500m.

 

1988

19kii Maarso 1988dii, waxaa heshiis nabadeed wada galay Maxamed Siyaad iyo Mengistu. Ciidamadii SNM waxay bishii Maajo 1988dii weerar ku qaadeen magalooyinka Burco iyo Hargeysa. Bishii Juun cidamadii dowladda waxa ay bilaabeen in ay diyuurado ku garacaan qeybo ka tirsan Waqooyi Galbeed Soomaliya. Sidoo kale inta u dhaxeysay Maajo ilaa Diseembar 1988dii waxaa xasuuq loo geystay dadkii degenaa meelaha ay soo gashay SNM.

 

1989

Janaayo 1989kii waxaa magaalada Rome lagu asaasay “United Somali Congress” (USC). Bishii Maarso 1990kii waxaa Maxamed Siyaad ku eedeyay Itoobiya in ay ka baxday heshiiski ay kala saxiixdeen 1988dii welina ay caawinayso mucaaradkiisa. 9kii Juulaay 1989kii, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Salvatore Colombo oo ahaa nin ka tirsan Roman Catholic. 14kii Juulaay, ciidamadii Koofiya Casta waxa ay magaalada Muqdisho ku laayeen dad banaan oo banaan baxayay. 15kii Juulaay, waxaa xeebta Jasiira lagu laayay in ka badan 40 qof oo ka soo jeeda Gobalada Waqooyi. Madaxweynihii Maraykanka, George Bush, waxaa uu macaawinadii xaga ciidamada ka joojiya Soomaliya. Maajo 1989kii, Soomaliya waxa ay heshiis la gashay shirkad ka socotay Romaniya taas oo sameyn laheyd xarun lagu sifeeye shidaalka oo maalintii soo saari karta 200,000 fuusto laakin dhacdooyinkii Romaniya iyo Soomaliya ayaa burburiyey heshiiskaa. 

 

1990

Tirada dadka Soomalida waxaa lagu qiyaasay 8.5 million oo qof. Bishii Maajo, dad ka kooban 114 indheer garad loona yaqanay “Sulax” ama “Manifesto Group” waxay warqad talo bixin ah u qoreen Madaxweynihii Soomaliya. 6dii Juulaay 1990kii waxaa garoonka Istaadiyam Muqdisho ay ciidamada ilaalada Madexweynaha ku laayeen dad ka badan 60 qof. Agoosto 1990kii waxaa heshiis looga soo horjeedo maamulkii Maxamed Siyaad wada galay SNM, USC iyo SPM. Dowladda Maraykanka waxa ay sheegtay in dowladda Soomaliya ay ku guuldaraysatay in ay bixiso daymo lagu lahaa sidaa daraadeed ayan istaahilin in ay hesho macaawino ka timaado dhanka Maraykanka. Maxamed Xawaadle Madar ayaa loo magacaabay Wasiirka Kowaad. Markii uu Sadam Xuseen qabsaday Kuwait, Soomaliya waxay ka mid noqotay

 

wadamadii ka soo horjeedsaday arintaa, taa Soomaliya waxa ay u keentay in dhaqaale badan sida Qadar oo ka cafisay dayn ay ku laheyd Soomaliya. Sacuudiga oo siiyay Soomaliya lacag dhan $70 milyan, sidoo kalana u balan qaaday Soomaliya in shidaalka looga gadi doono sicir hooseeya. Manifesto Group waxa ay soo jeediyeen in Seteembar 1990kii lagu qabto Masar wadahadali dhex mara Siyaad Bare iyo mucaaaradka, laakin labada dhinacba kama soo qayb galin martiqaadkaa. 30 Diseember waxaa bilowday kacdoonkii Muqdisha kaas oo looga soo horjeeday Siyaad Bare.

 

1991

26kii Janaayo 1991dii, Maxamed Siyaad Barre waxa laga tuuray xukunkii. Jabuuti waxay qabatay shirar dib loogu heshiisiinayo Soomalida. Shir lagu qabtay Jabuuti Juulaay 1991kii, waxaa madaxweynaha ku meelgaar ah loo magacaabay Cali Mahdi Maxamed. Cumar Carta Khaalib ayaa noqday Wasiirka Kowaad. Shir lagu qabtay, waxaa Sareeyo Guuto Maxamed Faarax loo doortay in uu noqdo gudoomiyada ururka USC, Caydiid. Shir kale oo lagu qabtay magaalada Boorame waxaa ka soo baxay 18kii Maajo 1991, gooni isu taaga Somaliland. Cabdirahmaan Tuur waxa uu noqday hogaamiyaha Soomaliland. Waxaa dhacay maamulkii Mingiste, waxaana xabsiga ka soo baxay Cabdullahi Yusuf. Waxaa Muqdisho ka bilowday dagaalkii loo yaqaan “4-bilood” oo u dhaxeeyay Caydiid iyo Cali Mahadi, dagaalkaas oo ay dad badan ku dhinteen.

 

1992

Waxaa Soomaliya ka dhacay abaarihii ugu xumaa inta tariiqda la xasuusan yahay. Qaramada Midoobay waxa ay isku dayday in xabad joojin ka dhex dhaliso Caydiid iyo Cali Mahdi. 11kii Diseembar 1992dii waxaa is gacan qaaday Caydiid iyo Cali Mahdi. Waxa cunaqabateyn xaga hubka ah la saaray Soomaliya. Sido kale waxaa la abuuray “United Nations Operation” in Somalia, ama UNOSOM taas oo howl gashay Abriil 1992dii. 9kii Diseembar 1992dii waxaa xeebaha Soomaliya ka soo degey ciidamo Maraykanka uu horkacayo si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinkii ka jiray Soomaliya. 31dii Diseembar 1992dii, Madaxweynaha Maraykanka George Bush ayaa booqday Soomaliya.

 

1993

Janaayo, Maarso iyo Diseembar 1993dii waxaa wadanka Itoobiya lagu qabtay shirar dib u heshiisiineed kuwaas oo ay ka soo qayb galeen jabhada kala duwan ee ka jiray Soomaliya. 5tii Juun 1993dii waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay 23 askari oo ka socday wadanka Bakistaan. Dilkaa waxaa lagu eedeeyay in uu Caydiid ka danbeeyay, kadibna waxaa la go’aan saday in la xero Caydiid. 12kii Juulaay 1993dii waxay ciidamadii Maraykanka weerareen guri ay filayeen in uu ku jiro Caydiid halkaas oo ay ku dileen dad ka badan 50 qof. 3dii Oktoobar 1993dii, Waxaa Muqadisho lagu riday diyaarado Maraykanka uu leeyahay halkaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomali ah iyo 18 Maraykan ah. Ambassador Oakley ayaa loo soo magacaabay in uu noqdo wakiilka qaaska ah ee Maraykanka, waxaana ciidamada Maraykanka lagu amray in ugu danbeen ka soo baxaan Soomaliya 31dii Maarso 1994. Michael Durant oo ka mid ahaa ciidamada Maraykanka lana qafaashay ayaa la sii daayay. Maxamed Ibrahim Cigaal waxa uu noqday madaxweynihii Soomaliland.

 

1994

Ciidamada Maraykanka waxay intooda badan ka baxeen wadanka Soomaliya ka hor

25tii Maarso 1994tii. 24tii Maarso 1994tii, Caydiid iyo Cali Mahdi waxay Nairobi ku saxiixeen heshiis ay ku balanqaadayaan in dagaal lagu xalin wixii farqi siyaasadeed ah isla markaana ay dhowraan heshiiskii xabad joojin ah oo ay horay u saxiixeen. 26kii ilaa 27dii Oktoobar waxaa Soomaliya booqday gudi uu horkacayo Colin Keating oo u dhashay Newzleand ayaga oo katala bixinayay xiligaa ugu haboon ee ciidamada Qaramad Midoobay ka bixi karaan Soomaliya.

 

1995

2sii Janaayo 1995kii waxaa magaalada Lagos, dalka Nigeria ku geeriyooday Maxamed Siyad Bare. 3dii Maarso 1995tii, howlgalkii ay ka waday Qaramada Midoobay ee loogu magacdaray “Operation United Shield” ayaa la soo af jaray. 15kii Juun 1995tii Maxamed Faarah Caydiid waxa uu isu magacaabay Madaxweynaha Soomaliya. 17kii Siteember 1995, ciidamo daacad u ah Caydiid ayaa qabsaday gobalka Bay. Oktoobar 1995kii waxaa la asaasay Rahamweyn Resistance Army (RRA) waxaana hogaamiye u noqday Gashaanle Sare Xassan Maxamed Nurr, "Shaargaduud".

 

1996

9kii Maarso 1996 waxaa magalaada Muqdisho lagu dilay Elman Cali Ahmed. 2dii Ogoosto waxaa la duugay Jeneraal Maxamed Faarah Aideed kadib markii uu ugeeriyooday dhaawac xabadeed oo soo gaaray darteed. Qaar ka tirsan hogaamiyayaasha Soomaliya waxay heshiis nabadeed ku kala saxiixdeen Itoobiya kaas oo loo yaqaano “Heshiiskii Sooderi”. Sidoo kale waxaa la dhisay Gudiga Badbaadada Qaranka.

 

1997

Juulaay 1997dii, waxaa isku dhacay ciidamo ka kale socday Cali Mahdi iyo ciidamo ka socday Maxkamada Islaamka. Novembar 1997 waxaa shir kale oo dib heshiiseynd lagu qabtay Qaahira kaas oo loo yaqaano “Baaqii Qaahiro”. Soomaliya waxaa ka dhacay daadad aad u weyn kuwaas oo guri la’aan ku riday dad gaaray 800,000.

 

1998

Puntaland ayaa sameysatay dowlad goboleed. 26kii Maarso 1998dii, doon wada dad qaxooti Soomaliyeed oo gaaray 180 ayaa ku degtay xeebaha Yeman. 23dii Juulaay 1998dii, waxaa noqday Madaxweynahay Puntaland Gaashaanle sare Cabdullahi Yusuf. Cigaal waxaa mar kale loo gartay in uu sii haayo hogaanka Soomaliland. Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid ayaa isku dayay in ay maamul u sameeyaan magaalada Muqdisho.

 

1999

Gobolka Bay iyo nawaxiigiis ayaa noqday meel ay ku hartamaan ciidamadii daacada u ah Xuseen Caydiid iyo Rahenweyn Resistance Army (RRA). 6dii Juun 1999kii ciidamadii RRA waxa ay ku guuleysteen in ay Baydhabo ka qabsadaan ciidamadii Xuseen Caydiid. Sanadkaan waxa kale oo uu ahaa sanad ay afduubyo badan ka dhaceen magalaada Muqdisho ku waas oo isugu jira kuwa dhaqaale lagu doonayay iyo kuwa arimo siyaasadeed ka danbeeyaan. 28kii Juun, ciidamada Itoobiya waxa ay qabsadeen gobalka Garbahaarey iyaga oo sheegtay in ay baacsanayaan cidaamo Al-itixaad ah.

 

2000

Maajo 2000 waxaa magaalada Carta ka bilowdey dibheshiisintii 13-aad ee loo qabto Soomalida. Juulaay waxaa la ansaxiyay axdiqarameed ku meel gaar ah. 26kii Agoosto  2000, Abdiqasim Salad Xassan ayaa lagu doortay Carta in uu noqdo Madaxweynaha Soomaliya. Oktoobar 2000, Cali Khalif Galeyd ayaa loo magacaabay Wasiirkii Koowaad ee dowladda Carta. 20 Oktoobar, Galeydh waxaa uu magacaabay golohiisi wasiirada. Dhowr ka mid ah ka qeyb galayaashii shirkii Carta ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho sida bishii Oktoobar 2000 waxaa la dilay Jeneraal Yusuf Tallan. 12kii Novembar 2000 sidoo kale waxaa la dilay Xasan Jaalle oo ahaa Xubin Baarlamaan. Maamulada Somaliland iyo Puntland waxa ay xereen dad badan oo ku soo laabtay maamulakood ka dib markii ay ka qayb galaan shirkii Carta.

 

2001

Janaayo 2001dii, Cali Khalif waxa uu ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay faragelinayso arimaha Soomaliya. Feberaayo 2001dii, waxaa dowladii Galaydh ku soo biiray Maxamed Khanyare. Dowladda Galaydh ayaa la wareegaytay 60 bilyan oo shilling Soomali ah oo ka mid ah lacagihii ay soo daabacdeen ganacsato Soomaliyeed. Xubnihii kasoo horjeeday dowladda Carta ayaga oo kaalmo ka helayo dowladda Itoobiya ayaa Maarso 2001dii waxay ay sameeyteen “Somali Reconciliation and Restoration Council (SRRC)”. Bishii Maajo, ciidamo ka amar qaata Muuse Suudi ayaa afduubay dad shaqaale u ah Taqaatirkta aan Xadka laheyn (Medicins sans Frontieres). 1dii Juulaay 2001dii, waxaa ku ekaa xiligii loogu talagalay Cabdullahi Yusuf in uu ahaado Madaxweynihii Puntaland, balse waa uu sii sheegan jiray xilkaas tan iyo Maajo 2002 taas uu xukunka mar kale gacantiis ku soo noqday kadib markii uu u xoog sheegtay Jamac Cali Jaamac. Novembar 2001dii waxaa loo doortay Jamac Cali Jamac in uu noqdo hogaamiyaha Puntland balse Cabdulahi Yusuf marna ma ogaaln maamulkaas. 28dii Oktoobar, waxaa dhacday dowladii Cali Khalif kadib markii ay wayday cod kalsooni ah oo loo qaaday. 12dii Novembar 2001dii, waxaa Wasiirka Kowaad ee Soomaliya noqday Xasan Abshir Faarax.

 

2002

3dii Maajo 2002, Maxamed Ibrahim Cigaal waxaa ku geeriyooday Southafrica. Waxaa madaxweyna ku meelgaar Soomaliland sii noqday Daahir Riyaale Kaahin. Waxaa magaalada Eldoret ee dalka Kenya ka bilowday dib u heshiseeneed 14-aad kasoo ay wadamada la isku yiraahdo IGAD soo qaban qaabiyeen. 27dii Oktoobar, hoogamiyayaal Soomaliyeed waxa ay heshiis nabadeed ku saxiixeen shir ka soconayay wadanka Kenya.

 

2003

14kii Abriil 2001dii, Daahir Riyaale waxaa uu ku guuleystay doorashadii madaxweynanimada Soomaliland. Jeneraal Cade Muse ayaa weerar ku qaaday maamulkii Puntland isaga oo kaalmo ka helayo Somaliland. Shirkii ka socday Eldoret waxaa loo raray Mbagathi oo iyadana ku taala isla wadanka Kenya. Maajo 2003dii waxaa xilkii madaxweynanimada Puntland si ku meelgaar ah loogu wareejiyay Mohammed Abdi Hashi.

 

2004

Siteembar 2004tii, waxaa magaalada Mbagathi lagu saxiixay Axdi qarameed ku meel gaar ah. 14kii Oktoobar 2004kii, Cabdullahi Yusuf waxaa uu noqday Madaxweynaha Soomaliya. Novembar 2004kii waxaa Wasiirka Koowaad ee Soomaliya loo magacaabay Cali Geedi Maxamed. Dowlad ayuu dhisay Gedi taas oo la dhaariyay 6dii Diseembar, laakin waxaa dowladdaas la riday 11kii Diseembar. 26kii Diseembar 2004tii, Soomaliya waxa ay ka mid noqotay wadamo badan oo ay gaartay afadii Tsunami.

 

2005

Bishii Janaayo Geedi waxaa uu dhisay dowladiisii 2-aad. Isla bishaas Cadde Muse ayaa loo doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland. 22kii Janaayo, qabuuro ay ku aasan yihiin dad Talyaani ah oo ku yaalo magaalada Muqdisho ayaa la soo faagay.  Bishii Feberaayo, hay’ada International Crises Group (ICG) waxa ay ka digtay in ciidamo deriska ah la geeyo Soomaliya. Isla bishaa, Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, Bereket Simon ayaa sheegay in wadankiisa uu ka qeyb qaadanayo ciidama loo dirayo Soomaliya. 17kii Maarso 2005tii, shir uu ku lahaa Baarlamaanka Soomaliya waxaa gacan ka hadal dhexmaray xubnaha baarlamaanka kadib markii la isku fahmi waayay dood ku saabsaneyd keenista ciidamo shisheeye. 30kii Maajo ciidamo daacad u ah Shaatiguduud iyo Sheekh Adan Madoobe ayaa soo weeraray magaalada Baydhabo oo ay gacanta ku hayeen ciidamo daacad u ah Maxamed Ibrahim Xaabsade. 11kii Juulaay 2005tii, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Cabdiqaadir Yaxye oo ahaa madaxa “Center for Research & Dialogue (CRD)”. Isla bishaas Cabdulahi Yusuf waxaa uu xarun ka dhigtay magaalada Jowhar. Bishii Oktoobar dowladda Yemen wax ay qiratay in ay hubgeysay Soomaliya kadib markii warbixin loo gudbiyay Qaramada Midoobay ay sheegtay dhowr wadan oo jebiyay cunaqabteynta saaran Soomaliya.

 

2006

Waxaa meelxun gaaray abaaro ku dhuftay gobolo badan oo ka tirsan Soomaliya. 26kii Feberaayo waxaa magaalada baydhabo markii ugu horeysay ku kulmay xubnaha Baarlaamanka ee Dowlada ku Meelgaarka. Cabdullahi Yusuf ayaa ka guuray magaalada Jowhar ayada oo ay xarun ku meelgaar u aheyd dowladda ku meelgaar ah isaga oo u guuray magaalada Baydhabo. Maarso 2006dii waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday dagaal u dhaxeeyay qaar ka tirsan dagaal oogayaasha oo la magac baxay Isbahaysiga soo Celinta Nabada iyo la Dagaalanka Argagixisada iyo Maxkamadaha Islaamka. 22kii Maajo waxaa golaha Wasiirada ee Dowlada ku Meelgaar ah ansixiyeen in dalka la keeno ciidamo ajanabi ah. Bishii Juun 2006, waxa awood roonaaday Maxkamidihii Islaamka. 14kii Juunyo 2006, Baarlamaanka Soomaliya waxa uu ansixiyay in ciidamo shisheeye la keeno wadanka. 23kii Juun waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Martin Adler oo ahaa wariya u dhashay Sweden isaga oo sawiro ka qaadayay dad isugu soo baxay si ay u taageraan heshiis dhexmaray Dowlada ku Meelgaar ah iyo Maxkamadaha Islaamka.

Mohamed Mukhtar
London, UK
Email: [email protected]

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 


     

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online