Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MIDOWGA MAXAAKIINTA ISLAAMKA

by Cumar Maxamuud Maxammad

 

Sida lala wada socda waxaa si lama filaan ah u kala diday nimankii caadeystay in ay quutaan dhiigga dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho. Raggaas goobihii ay firaaqeeyeen waxa ay gacanta ugu soo dhacday Midowga Maxaakiinta Islaamiga ah.  

 

Waxaan la wada soconnaa in Magaalada Muqdishu ay tahay halbowlihii dalka Somaliyed. Ma ogalaanayo cadowga ummadda Somaliyed in ay degto oo nabad ku soo laabato Magaalada Muqdisho. Sidaas darted waxa Midowga Maxaakiinta Islaamka dusha ka fuulay mas’uuliyad aan fududeyn. Si hadaba ay uga gudbaan carqaladaha ay damacsan yihiin cadowga ummada Somaliyeed in ay u dhigaan Midowga Maxaakiinta, waxa aan jecleystay in aan 14ka talo ee soo socda jeediyo:

 

Waqabadka Dhow:

 

  1. In Midowga Maxaakiintu sameeyo Xafiis la yiraahdo Xafiiska Xiriirka Dadweynaha. Xafiiskaas oo hadla hal cod, noqdana meesha kaliya oo ay ka soo baxaan wararka rasmiga ah ee Midowga Maxaakiinta.
  2. In ay si deg deg ah ugu casuumaan wariyayaasha caalimiga ah Gobolka Banaadir si ay u tusaan dunida in aysan joogin Magaalada Muqdisho waxa loo yaqaan argagixisada caalamiga.
  3. In ay xoogga saaraan sugitaanka  nabadyada Magaalda Muqdishu. Si taas ay u suurto gasho waa in ay ku dhawaaqaan marxalad  deg deg ah oo ay ku soo rogaan hubka fudud iyo kan waaweyn oo magaalada lala dhex marayo.
  4. In aysan ku deg degdegin fulinta shuruucda tuugada ay soo qabtaan, sida xubna gooynta iyo iwm. Waa is ugu baddelaan dhaqan celin.
  5. In ay ku dhawaaqaan in la qisaasayo qofkii qof dila wixii manta ka dambeeya.
  6. Sidoo kale waa in ku dhawaaqaan in la joojiyey waxyaabaha maanka dooriya sida qamriga iyo daroogada oo qofkii lagu qabto la xiro doono lana dhaqan celin doono.
  7. In ay la wareegaan hayadihii dhaqancelinta sida saldhigyadii boliiska iyo xabsiga guud ee magaalada.
  8. In ay ku baaqaan in ay u furan tahay magaalada Muqdishu in ay yimaadaan hayadaha samafalka si ay wax uga qabtaan baahida dadweynaha sida caafimaadka, waxbarashada iyo adeegga bulshada.

 

Waxqabadka Fog:

 

  1. In gabi ahaanba la mamnuuco qaadka. Sharci adagna laga soo saaro.
  2. In dib loo furo dekadda weyn iyo garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.
  3. In maamulka la gaarsiiyo golbolkii hore loo dhihi jiray Banaadir: Warshiikh ilaa Baraawe.
  4. In degma kasta loo sameeyo gole ka kooban dadka deggan gobolka; loona tababaro boliis ay iyagu leeyihiin.
  5. In xoogga la saaro hanti soo celinta lana banneeyo hatida guud ee dadweynaha sida skoolada iyo xafiisyada dowladda oo la deggan yahay; iyo midda gaar oo ay lahaayeen beelaha aan ku hubeysneyn Muqdisho si loo dhiso kalsoonida dadweynaha somaliyed.
  6. In la qorsheeyo lagana baaraan dego sidii wada xaajood loola gali lahaa dowlladda madasheedu tahay Baydhabo.

 

Talooyinkaas waxaa ay ila tahy in ay wax badan ka beddelo doonaan sawirka xun oo ay

Midowga Maxaakiinta ka bixiyeen cadowga ummada Somaliyed.

 

 

Wabillahi Towfiiq.

 

Cumar Maxamuud Maxammad

E-mail: [email protected]

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 


 
0 comment(s) with
0 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online