4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Xoogag Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo Ganacsade caan ahaa ku toogtay Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Bay

Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan ururka Al-shabaab ayaa maanta ku dilay deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay ganacsade lagu magacaabi jiray, Aadan Shariif, kaddib markii ay kala dageen gaari uu la socday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee Al-shabaab ka tirsan ay isla goobta ku dileen ganacsadaha, iyadoo wararku ay sheegayaan in ganacsadaha la dilay uu xilligaas hooyadiis oo xanuunsan u waday degmada Ufuroow ee gobolka Bay.

Marxuum Aadan Shariif ayaa wuxuu xilligii dowladdii C/llaahi Yuusuf uu ka mid ahaa maamulka degmada Ufurow; laakiin sannadaha dambe wuxuu ka mid ahaa ganacsatada xoolaha ee sida weyn looga yaqaan gobolka.

Deegaanka Awdiinle oo Baydhabo ka xigta Koonfur 30-km ayaa noqatay meesha ugu dilka badan toddobaadyadii lasoo dhaafay , iyadoo dhowr qof lagu dile, qaar kalena lagu gowracay, waxaana deegaankan mara waddo muhiim ah oo isku xirta degmooyinka gobolka Bay qaarkood.

Habeen hore ayaa waxaa deegaankan ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaartay.

Gobolka Bay ayaa waxaa ka kala taliyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Itoobiya iyo Al-shabaab, iyadoo ay soo krodhayeen dagaallada labada dhinac ku dhexmaraya degmadaas.

Hiiraan Online, Baydhabo