4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo yeeshay kulan ay uga hadleen qodobbo ay ka mid yihiin Canshuuraha (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Golaha wasiirradda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, kaasoo looga hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixino laga dhagaystay wasiirro kasoo noqday safarro shaqo ugu maqnaa dibadda dalka,  ansixinta tariifo KMG ah oo lagu qaadayo canshuuraha iyo ammaanka.

 Ugu horreyntii golaha wasiirrada oo uu shirkoodu guddoominayay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa warbixin looga dhageystay wasiirka howlaha guud iyo wasiirka kheyraadka dalka oo safar shaqo ah ku tagay dalalka Suudan iyo Itoobiya, waxayna sheegeen inay shirar la qaateen dhigaggooda dalalkaas iyagoo kala hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinacyada dib u dhiska, waxbarashada iyo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, golaha ayaa ka dooday sharciga bankiga horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya oo ay dowalddu ku talo jirto inay dhawaan howl-galiso, kaddib marka loo sameeyo sharci lagu maamulo. Bankiga horumarinta ayaa laf-dhabar u ah dhiiri-gelinta ganacsiga iyo horumarinta dadka danta yar, sida beeralayda iyo xoolo dhaqatada.

Waxaa kaloo goluhu maanta ka dooday sharciga nabad-sugidda iyo booliiska iyadoo lagu heshiiyay in la meel mariyo toddobaadka soo socda marka ay golaha wasiiradu isugu yimaadana kulankooda caadiga ah.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa si aad ah u soo dhaweeyay guulaha ay ciidamada dowladda dowladdu ka gareen waddada isku xirta shabeellada Hoose iyo Bay, iyadoo dhawaana la filayo in la isku furo isku socodka gadiidka ee magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa u ansixyay qiimaha canshuurta si KMG ah, iyagoo ka codsaday wasaaradda maaliyadda inay ku keento golaha hortiisa muddo saddex bilood ah jaangooyn dhameystiran oo lagu qaado canshuuraha kasoo xarooda ilaha dhaqaalaha dalka.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya