4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Waxgarad ka soo jeeda Jubbooyinka oo Xukuumadda Kenya ugu baaqay inay Faraha kala baxdo maamul u sameynta Jubbooyinka



Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah beelaha dega gobollada Jubooyinka islamarkaasina ka dhacay Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa si kulul loogu cambaareeyay dowladda Kenya oo lagu eedeeyay in ay faraha kula jirto arimaha maamul u sameynta Jubooyinka.

Odoyaal, waxgarad iyo aqoonyahanno goobta hadallo kala duwan ka jeediyay ayaa siweyn uga soo horjeestay shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolalda Jubooyinka oo ay sheegeen in uu yahay mid aan loo dhameyn islamarkaasina ay wataan dad gaar ah.

Xildhibaan Xuseen Baajuun oo kamid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa si kulul u cambaareeyay shirka imika ka soconayo magaalada Kismaayo, wuxuuna ugu baaqay dhamaan beelaha dega Jubooyinka in ay isu yimaadaan islamarkaasina ay si wadajir ah uga tashadaan aayahooda.

Xildhibaan Max’ed Xassan Fiqi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay masuul ka tahay dhibaatada ka taagan magaalada Kismaayo, wuxuuna ugu baaqay in ay faraha kala baxdo arimaha maamul u sameynta Jubooyinka.

“Uma dulqaadaneeyno in dowladda Kenya ay horistaagto hannaanka nabadda Soomaaliya,” ayuu yiri Bood C/dile Magan oo ka mid ah siyaasiyiintii goobta ka hadashay, isagoona intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay masuul ka tahay arinta maamul u sameynta Jubooyinka islamarkaasina ay haboon tahay in iyada looga danbeeyo.

Goobta ayaa waxa sidoo kale hadallo ka jeediyay aqoonyahanno, odoyaal, haween iyo dhalinyaro, kuwaasoo dhamaantoodba si isku mid ah uga soo horjeestay shirka imika ka soconayo Kismaayo ee la doonayo in maamul loogu sameeyo Jubooyinka, iyagoona sidoo kale dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsaha badan usoo farageliso arinta maamul u sameynta Jubooyinka.

Shirkan ay yeesheen waxgaradaka kasoo jeeda Jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed  uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan waxba kala socon shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Jubooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo, isagoona ugu baaqay maamulka KMG ee Kismaayo iyo shacabka ku dhaqan gobolkaasi in ay kasoo qeybgalaan shir wadatashi ah oo looga hadlayo arimaha Jubooyinka, kaasoo la filayo in bisha soo socota bilowgeeda uu ka dhaco  magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.








Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya