4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Dagaallo siyaabo kala duwan uga dhacay Degmada Baydhabo iyo Deegaanka Daynuunaay ee Duleedka Baydhabo

Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badnna way ku dhaawcmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray gabal-dhicii shalay deegaanka Daynuunaay oo 18-km u jira degmada Baydhabo.

Dagaalkan ayaa qarxay markii dagaalyahannada Al-shabaab ay weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu u lahaayeen deegaankaas, iyadoo dagaalku uu socday muddo saacad ka badan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Daynuunaay ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo markii dambe ay Al-shabaab dib uga laabteen halkii ay soo weerareen.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii ay xoogagga Al-shabaab kusoo qaadeen, ayna ka dileen afar dagaalyahan, balse ma sheegin khasaarha ka soo gaaray dhankood dagaalkaas.

Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inuu ahaa mid ay ku bartilmaameedsanaysay saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobolka Bay, ayna ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen.

Dhanka kale, xoogagga Al-shabaab ayaa xalay 2:00 habeenimo weeraray degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyagoo weerarradooda la beegsaday xarumo ay ku leeyihiin degmadaas hay’ado samafal, saldhigga booliiska iyo gurigii hore ee guddoomiyihii baarlamaanka xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe.

Khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inay dagaalkaas ka dhasheen, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah, waxaase la sheegay in dadka dhintay uu ku jiray mid ka mid ah shaqaalaha ilaalada hay’adda Mine Action xarunteeda Baydhabo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya