4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Bam-gacmeed khasaare geystay oo xalay lagu tuuray guri ku yaala Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne

Arbaco, Feberaayo, 27, 2013 (HOL) -- Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa fiidnimadii xalay waxaa ay kooxo hubeysan ku qaadeen guri ku yaala xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne, sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada booliiska.

Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla, taliyaha saldhigga booliska magaalada Baladweyne ayaa sheegay guriga weerarka lagu qaaday in uu deganaa sida uu hadalka u dhigay mid ka mid ah ciidamada nabad-sugidda maamulka gobollka Hiiraan.

‘’Waxaa inta aan ka war qabno ku dhaawacmay qaraxa ka dhashay Bamka guriga lagu weeraray sadax ruux oo rayid ah, labo ka mid ah dadka dhaawacmay waxaa ay kala ahaayeen xaaska iyo wiil yar oo uu dhalay mas’uul ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda ee gurigiisa la weeraray halka qofka kalana uu ahaa wiil dhalinyarro ah oo daris la ahaa,’’ayuu yiri Col Cali Dhuux.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay in ay qaraxaasi ka danbeysay, iyadoo saraakiisha booliiska ay sheegeen in ay wadaan baaritaan la xiriira weerarka.

Weerarka xalay lagu qaaday guriga ku yaalla xaafaddaha Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ayaa ku soo beegmaya xili magaalada ay ka socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo nabad-galyada oo ay iska kaashanayaan ciidmada maamulka gobollka iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee Soomaaliya (AMISOM).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya