3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah oo Axmed C/salaan ku soo dhaweeyay Nairobi (SAWIRRO)
ABDIS5.jpg

Talaado, February 26, 2013 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenkii, ahaana wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Axmed C/salaam Xaaji Aadan ayaa soo gaaray magaalada Nairobi, kadib markii uu ka soo kabtay dhaawac kasoo gaaray qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagula beegsaday magaalada Dhuusamareeb 1-dii bishii May 2012.

Waxaana qaraxaas oo uu fuliyay qof naftii hure ah ku geeriyooday labo xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya.

Muddo dheer oo lagu daawaynayay isbitaal ku yaalla magaalada Washington DC, kadib ayuu Axmed C/salaan soo gaaray magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen siyaasiyiin ay kamid yihiin Wasiirkii hore ee warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow),Dr. C/raxmaan Macallin Baadiyow, Xildhibaan Xuseen Warsame, Xildhibaan Faarax Cawad, Xildhibaan Cabdi Caziiz Lafta gareen, Yuusuf Garaad Cumar iyo la taliyaha Ra’iisul wasaaraha ee arimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha Cali Cabdi Wardheere.

ABDIS4.jpg

Waxaana uu Axmed C/salaan sheegay inuu caafimaadkiisu wanaagsanyahay uuna sii wadan doono hawlihii uu dalka ka waday.

“Waxaan ka shaqaynanay nabadaynta iyo isu keenida bulshada Soomaaliyeed, waana sii wadi doonaa” ayuu yiri.

Waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay horumarrada siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay intii uu xanuunsanaa.

Inkastoo uu marar kale saxaafadda la hadlay intii uu dhaawacu gaaray, waa markii ugu horreysay oo uu warbaahinta kasoo muuqdo tan iyo markii uu badbaaday isku daygii la doonayay in lagu dilo.

ABDIS3.jpg
ABDIS2.jpg
ABDIS.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
2/26/2013 3:33 PM EST
Talaado, Tuesday, February 26, 2013 (HOL) - Munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay markii la qoray far-Soomaaliga sanaddii 1972-dii ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

2/26/2013 2:02 PM EST
Talaado, February 26, 2013(HOL): Kaddib dhowr iyo labaatan sano oo colaado iyo dagaallo ay ka socdeen dalka Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan faneed la mid ah midkii Heesaha Hirgalay, kaasi oo hal-ku-dhiggiisu yahay Hirgeli Hammigaaga Faneed oo ay ka qeybgaleen fannaaniin badan oo hibo faneed leh.

2/26/2013 12:35 PM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo danjiraha Britain ee dalka Soomaaliya, Matt Baugh oo booqasho gaaban ku tagay xarunta Puntland.

2/26/2013 12:34 PM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyay safarkiisaas, isagoo sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degmadaas uusan geysan wax dhibaato ah oo weyn.

2/26/2013 12:33 PM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xarunta taliska booliska Soomaaliyeed, saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliyeed isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

2/26/2013 12:13 PM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Xudur iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno lagu kala magacaabo: Faraq iyo Abag-beedey.

2/26/2013 10:43 AM EST
Talaado, Febraayo,26, 2013 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici’ ayaa 87 arday oo ka tirsan shaqaalaha dawladda oo ka qalin jabiyey Machadka shaqaalaha Dawlada shahaadooyin ku gudoonsiiyey Hoteel maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

2/26/2013 10:04 AM EST
Talaado, February 26, 2013(HOL): Qofna waxbarasho kama duqoobo, cilmigana qofka waa baran karaa markaa uu dhasho illaa uu ka dhinto, sida qur’aamka kariimka ah ku cadna ma eka qof wax bartay iyo qof aanan waxba baran.

2/26/2013 8:47 AM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Muqdisho warqadahooda aqoonsiga danjirinimo u gudbiyay madaxweeynaha Soomaaliya ilaa shan danjire oo ka socotay qaar katirsan wadamada reer Yurub, kadib 21 sano oo dalka Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad rasmi ah.

2/26/2013 6:57 AM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) —Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano hoostaga degmada Buurhakaba oo ay dhawaan soo gaareen ciidamada isgarabsanaya kadib markii ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab ee mudada dheer ka arimin jiray.

2/26/2013 2:53 AM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa xalay jidka u galay gaari ay dad rikaab ahi la socdeen oo ka baxay waqooyiga magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, kuna sii jeedey degmada Gal-dogob.

2/26/2013 2:51 AM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay xalay guddoomiyihii deegaanka Buusaar ee dowladda Soomaaliya iyo ku xigeenkiisii, kaddib markii ay ugu dhaceen guryo ay ka deggenaayeen deegaankaas.

2/26/2013 2:51 AM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Maamulka degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa sheegay in kooxo la rumeysan yahay in ay ka tirsanaayeen xarakada Al-shabaab oo ka yimid dhinaca koonfurta dalku ay degmadaas ka gudbeen iyaga oo ku wajahan dhinaca buuraleyda Galgala.