
Ugu horreyntii waxaa loo baahan yahay in la fahmo
Ha’yadda Qaranka ee la yiraahdo BANKIGA DHEXE
EE SOOMAALIA “CENTTAL BANK OF SOMALIA).
Hay’addaan waxaa lagu dhisay Sharcia Lr. 27
taarrikhdu markay ahay Nofeembar 26, 1968, waxayna
ka madax bannaan tahay Hay’adaha Dawladda oo idil,
maxaa yeelay waa Khasnajiga Qaranka Soomaaliyeed,
waxayna u xil saaran tahay inay ilaaliso Qiimaha
Lacagta Qaranka ee Shilin Soomaaliga iyo Sicir
Bararka. Sannad kasta markii la xisaab xiro Bankiga
wuxuu Qaranka siiyaa 50% ee faaiidadiisa, inta kalena
oo ah 50% wuxuu ku biiriyaa Lacagta Kaydka
(RESERVE ACCOUNT EE BANKIGA DHEXE EE
SOOMAALIYA), si loogu daafaco qiimaha Shilin
Soomaaliya iyo haddii khasaare uu Bankigu galo inuu ku....




