4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Baaq Xaldoon u ah khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Hiiraan

Mogadishu, Somalia
Thursday July 8, 2021


Bannaanbax looga soo horjeedo maamulka Hir-Shabeelle oo dhammaadkii sannadkii hore ka dhacay magaalada Beled-Weyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.


Beryahaan waxaa soo if-baxayey khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo maamulka Dowlad-goboleeda Hirshabelle. Khilaafkaasi wuxuu u baahnaa in lagu xalliyo wadahadal iyo talo-wadaag, hase ahaatee waxaa ka dhex guuxaya faragelin joogto ah oo uu ku haayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday oo danahiisa siyaasadeed ka dhex arkay kala qeybinta bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanadaas.

Cabashooyin aad u fara-badan ayaa loo gudbiyey Dowladda Federaalka oo muujinaaya dareenka shucuubta ku dhaqan gobolka Hiiraan oo xaq u leh in xuquuqdooda la-dhageeysto, la-tixgeliyo, lagana gar-baxo si walaaltinimo iyo is-afgarasho ku jirto. Hase ahaatee, Dowladda Hirshabelle oo ay gadaal ka riixeeyso Dowladda Federaalka ayaa u muuqata mid duulaan ku ah gobolka Hiiraan oo xoog iyo jujuub rabta in ay ku maamusho gobolkaas iyadoo adeegsaneeysa ciidamada qaranka iyo kuwa AMISOM oo aan loogu talogelin in shacabka lagu maquuniyo. Ciidamadaasi waxay geesteen gaboodfallo keenay dhimasho iyo dhaawac bulshada rayidka ah iyagoo ku shaqeeya awaamiirta Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Haddaba, anagoo ah siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed waxaan soo jeedineeynaa talooyinkaan si xal nabad iyo xasilooni ku dheehan tahay looga gaaro khilaafaadkaas:

1.     In Dowladda Federaalka Soomaaliya faraha kala baxdo arrimaha maamulka Hirshabeele iyo qadiyadda Hiiraan si xal looga gaaro, ama tixgeliso oo xal u raadiso tabashada reer Hiiraan sideey u tixgelisay xalna ugu raadisay tabashada reer Gedo, haba kala duwanaadeene.

2.     Madaxda Dowlad-goboleedda Hirshabeele waa inaysan u muuqan xukuumad duulaan ku ah gobolka Hiiraan oo raba caburin iyo xoog in ay ku joogaan. Dowlad wanaaggu wuxuu ku jiraa in ay wax ka bedelaan qaabka ay wax u wadaan si ay u hantaan ulana macaamilaan shacabka ay rabaan in ay xukumaan.

3.     Qadiyadda Hiiraan ee kala dhaxeeyso Dowladda Hirshabeele waa mid soo jireen ah oo u baahan dib-u-heshiisiin iyo wadatashi dib loogu laabto heshiiska saami-qeybsiga labada gobol ee markii horeba lagu aasaasay Hirshabeele, taasoo hadda la horgeeynaayo xukuumadda federaalka cusub ee kol dhow la soo dooran doono.

4.     Kuraasta Hirshabeele ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaa lagu soo dooran doonaa magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar. Sidaa darteed, reer Hiiraan waxay xaq u leeyihiin in ay soo doortaan dad ku meteli kara 25-ka kursi ay baarlamaanka ku leeyihiin oo si xor oo xalaal ah ku yimid, si ay u metelaan uguna doodaan xuquuqdooda sida waafaqsan Dastuurka dalka.  

Waxaan ugu baaqeenaa hoggaanka iyo shacabka reer Hiiraan in ay ka faa’ideeystaan fursaddaan qaaliga ah oo ay si nabad iyo xasilooni ku jirto uga qeyb-qaataan doorashooyinka iyagoo qadiyadda Hiraan la sugaaya xukuumadda cusub ee muddo dhow la soo dooran doono.

Waxaan guud ahaan ugu baaqeenaa bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan gobolka Hiiraan in ay maslaxadooda ilaashadaan, kawada tashtaan, islamarkaana masiirkooda meel uga soo wada jeestaan.

Saxiixayaal

1. Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, Murashax Madaxweyne

2. Mudane Ridwan Hirsi Mohamed, Murashax Madaxweyne

3. Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame, Murashax Madaxweyne

4. Mudane Hussein Abdi Halane, Murashax Madaxweyne

5. Dr. Abdinassir Abdille Mohamed, Murashax Madaxweyne

6. Mudane Abdullahi Goodax Barre, Wasiir hore, Xildhibaan

7. Mudane Abdullahi Mohamed Ali (Sanbalooshe), Wasiir hore, DFS

8. Dr. Hussein Nuunow Abdi, Murashax Madaxweyne

9. Mudane Abdinassir Sheikh Osman, Murashax Madaxweyne

10. Mudane Abdirahman Aw-Dahir Osman, Wasiir hore, DFS

11. Mudane Abdirahman Hussein Addow, Guddoomiyaha Xisbiga Daldhis

12. Mudane Abdirisak Ahmed Mohamed (Jindi), Xildhibaan DFS

13. Mudane Mohamed Abdi Abdillahi (Gabiley), Wasiir hore, Hirshabelle

-Dhammaad-



 





Click here