4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
April Waa Bisha La Xuso Autismka Leyskuna Baraarujiyo Barashada Astaamihiisa

 

Baro Astaamaha Autism-ka Dhaqsana u Biloow inaad la Tacaashid Canuggaaga Haddii uu Xanuunka ku Dhoco

Waa Maxay Autism ?

Autism waa naafonimo saameysa sida uu canugga dadka u xiriiriyo, ula dhaqmo, ula ciyaaro ama uu wax u barto. Canugga autismka qaba waxba kagama duwana muuqaal ahaan caruurta kale, Qiyaas ahaan, 68dii canugba 1 canug ayaa qaba autism. Wiilasha ayaa 5 jeer kaga badan gabdhaha. Dadka oo idil ayuu ku dhici karaa umana kala sooco asalka, qoowmiyadda, heerka dhaqaalaha ama bulshonimada

Autismka wuxuu ilmo walba u saameeyaa si ka duwan kan kale – kala duwanaantaa oo la xiriirta baaxadda iyo culeyska dhibaatada cudurka.

Waa xil waalid walba saaran in uu si joogta ah ula socdo koboca ilmahiisa gaar ahaan sida uu ilmaha u cayaaro, wax u barto, u hadlo iyo sida uu u dhaqmo taas oo waalidka u bidhaamineysa haddii dareen dib u dhac ah jiro. Ha is dhiganin. Ficil deg deg ah oo aad ku dhaqaaqdid ayaa isbedel iyo horukac canuggaaga u keeni kara.

Maxaa Keena Autism-ka

Lama yaqaano dhamaan waxyaabaha keena autism-ka. Waxaase la dareensanyahay in ay jiraan waxyaabo badan oo sababi kara kuwaas oo daciifin kara canugga una sahli kara inuu qaado autism-ka. Waxaa ka mid ah waxyaabo ku sugan degaanka ay dadka ku nool yihiin, kuwo la xiriira biolojiyada (asaaska jirka aadaminga) iyo kuwo la xiriira isirka (isir raaca ah). Ma jirto sabab la ogsoon yahay oo dhaqan ahaan ama caqiido ahaan keenta autism-ka.

Waxay culimada isku raaceen in isirku door ka ciyaaro inuu ilmaha qaado autism-ka. Haddii uu qoys kaga dhoco autismka canug, fursadda inuu canug kale kaga dhoco waa ay sareeysaa.

Waxaa jira raadad cilmiyeysan oo tusaaya in waqtiyada xasaasiga ah ee uu canugga qaadi karo autism-ka ay yihiin ka hor inta uusan dhalan, waqtiga dhalmada iyo ka dib islamarka uu dhasho.

Waxaa kaloo la tuhunsanyahay in khatarka inuu canug qaado autism-ka ay kor u kacdo marka waalidiinta iska dhala canug ay da’ weyn yihiin.

Autismka wuxuu ka mid yahay cudurada faraha kulul ku haya dunida oo dhan. Cilmibaarisyo ayaa socda oo la rabo in lagu ogaado waxyaabaha keeni kara cudurkan.

Calaamadaha Lagu Garto Autism-ka

  • Canug jira 12 bilood oo haddii magaciisa loogu yeero aan ku soo jaleeceynin
  • Canug 14 bilood jira oo aan farta wax kufiiqeynin ( marka uu arko dayuurad dushiisa mareysa)
  • Canug 18 bilood jira oo aan dhumaleysi ciyaareynin.
  • Canug aan qofka indhaha la raaceynin jecelna in uu keligiis ciyaaro.
  • Canug ay dhib ku tahay inuu muujiyo dareenkiisa ama fahmo kan dadka kale.
  • Canug  dib oga dhaca waqtigii uu  ku hadli lahaa
  • Canug ku celceliya hal weedh ama jumlad
  • Canug si qaldan oo is dhaafsan kaga juwaaba su’alaha la weydiiyo.
  • Canug aan xamileynin isbedel yar  
  • Canug si xad dhaaf ah u daneeya hal shay ama ciyaar.
  • Canug gacmahiisa isku dhufta (sacab oo kale), is ruxa ama is wareejiya
  • Canug si aan caadi ahayn u dareema dhawaaqyada, urta, dhadhanka, fiirada iyo taabashada
  • Canug lumiya xirfado uu horey u bartay ( Tusaale: Joojiya erayo uu horey ugu dhawaaqi jiray.

Muhiimadda ay Leedahay in Ammin Hore la Ogaado Cudurka Autism-ka

Ma jirto daawo lagu daweeyo autism-ka. Mana jiro dhiig la baaro oo lagu ogaado.

Sidaas darteed, waxaa aad muhiim u ah in waalidiinta oo dhan si feejignaan leh ula socdaan koriimada caruurtooda bartaana calaamadaha lagu garto autism-ka. Sidoo kale, haddii aad ka wel welsan tahay canuggaaga kobociisa, la tasho takhtarka. Waxay culumo badan isku raaceen inay wanaagsantahay in canugga ammin hore daryeelka loo bilaabo (dhalashada ila iyo 36 bil jirka) , taas oo ka caawineysa ilmaha inuu barto xirfado dheraad ah sida hadalka iyo dad la dhaqanka. Qasab ma aha inuu canug walba oo hadalka ka daaho uu qabo autism. Sidoo kale, qasab ma aha inuu ilmaha qabo autism si loogu fidiyo daryeelka amminka hore. Ta Tasho Takhtarka canuggaaga mar walba.

Haddii aad maclumaad dheraad ah u baahantahay :

Centers for Disease Control and Prevention (CDC): Facts About Autism (http://www.cdc.gov/ncbddd/autism/facts.html)

Minnesota Department of Health (MDH): Autism (http://www.health.state.mn.us/topics/autism/)

University of Minnesota: Minneapolis Somali Autism Spectrum Disorder Prevalence Project (http://rtc.umn.edu/autism/





 





Click here