advertisements

Nolosha Soomaalida Sweden

fiogf49gjkf0d

Rinkeby oo ah Xaafadda ay Soomaalida aad u deggentahay ee magaalada Stockholm

Ahmed E. Gure
Abdullahi Elmi Mohamed (Asad)
Sunday, September 27, 2009

 

Horudhac


Warbixintan waa mid ay Hiiraan Online (HOL) ugu talogashay in aqristayaasheeda ay ugu soo bandhigto nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku nool waddamada kala duwan ee duwan. Waxaan ku bilaabeynaa Soomaalida ku nool dalka Sweden. Warbixintan waxa ay ka dhalatay safar uu dalka Sweden ku tagay tafatiraha HOL oo booqasho ku tagay shirkii Geeska Afrika ee  magaalada Lund, Sweden lagu qabtay sanadkan ka dibna soo maray magaalooyin kale oo ku yaala dalka Sweden

 

 

Dalka Sweden waa dal aad u dhisan, lehna dhismooyin iyo isgaarsiin casri ah. Degaan ahaan iyo cimilo ahaan dal aad u qurux badan gaar xilliga xagaaga ah ee samarka. Dadka Sweden waa dad dhinaca aqlaaqda iyo asluubta bani’aadanimo ku horeeya, waxayna Soomaali badan dhaxalsiiyeen dhaqankaas.   Waxyaabo badan ayeey Soomaalida qurbaha joogta kaga dayan karaan Soomaalida ku nool dalka Sweden

 

Degaanka iyo Tirada Soomaalida Sweden

 

Soomaalida ku nool dalka Sweden waxa tiro ahaan lagu qiyaasaa illaa iyo 40 kun oo qofood. Waxay dadkaasi badankoodu yimaadeen dalka Sweden intii ka dambeysay dagaaladii 1991 ka bilowday dalka Soomaaliya. Balse Soomaalidii ugu horeysay ee dalka Sweden degta waxay halkaasi tageen bartamihii iyo dhamaadkii 1960-maadkii, qaar dadkaasi ka mid ah ayaa weli ku nool halkaas. Maaddaama uu dalka Sweden yahay mid dadka Soomaalida ah ay u sahlan tahay in ay sharciga helaan, waa dal ay Soomaali badan ku soo qulqusho, kuwaas oo amaan iyo nolol doon ah.

 

Soomaalida Sweden waxay ku nool yihiin dhamaan magaalooyinka kala duwan ee dalka oo dhan, waxaadna degaan walba oo ka mid ah dalka Sweden ku arkeysaa dad Soomaali ah. Magaalada caasimadda ah waxaa deggan Soomaali lagu qiyaasay illaa iyo 10 kun, halka magaalooyinka waaweyn ee Gothenburgh, Malmo, Orebro, Norrkoping, Linkoping, Umea, Vasteras, Uppsala ay deggan yihiin Soomaali badan. Degaan ahaan waxay ku nool yihiin oo ay deggan yihiin daaro aad u qurux badan, marka laga eego dhinaca standard-ka guryaha dalalka reer Galbeedka ah. Dalka Sweden waa dal noloshiisu aad u sarreyso isla markaana leh nidaam gaadiid (tareenno iyo basas) oo mar walba la helo. Taasi waxa ay sababtay in dadku ay degaan oo ay ku faafaan degmooyinka iyo magaalooyinka dalka oo dhan. Soomaalida deggan magaalooyinka waaweyn waxay ku nool yihiin xaafadaha ay u badan yihiin dadka ajnabiga ah.

 

Suuqa Shaqada, Nolosha iyo Ganacsiga

 

Berigii ay Soomaalidu timid dalka, bilowgii sanadihii 1990-maadkii, waxay Soomaalidu la kulantay ayada oo dhaqaalaha dalka Sweden oo hooseeyo, taasina waxay sababtay in shaqo la'aantu ay ku badato Soomaalida. Balse sanadihii dambe waxaa Soomaalida u furmay suuqa shaqada, waxayna galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee shaqooyinka bulshada sida gaadiidka (basaska iyo tagaasida), dugsiyada (macalimiinta afka Hooyo), waaxaha adeegga. Inkasta oo ay shaqo la'aanta Soomaalida Sweden ay weli tahay tiro aad u badan sabab badan awgood, haddana waxaa muuqata in dad badan ay ku jiraan suuqa shaqada, ayada oo ay tiro aad u yar heystaan shaqooyin xirfad iyo darajo sare leh. Sababahaas waxaa ka mid ah ayada oo uu mar kale hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha dalka, Soomaalida oo aan geli karin tartanka suuqa shaqada sabab dhinaca aqoonta iyo khibradda ah.

 

Dalka Sweden waa dal leh nidaamka ceyrta, taas oo fursad u siisay in haddii qofka shaqo waayo uu ku noolaan karo  nolol deggan oo la damaanad qaadan, dhinacyada degaanka guryaha, cuntada, daawada, socodka iyo waxbarashada.

 

Dhinaca ganacsiga Soomaalida Sweden waa kuwa si bilow ah hadda u soo galaaya suuqa ganacsiga, waayo waa dal dhinaca ganacsiga xirxiran, maaddaama ay yar yihiin goobaha ganacsi ee la heli karo. Dhanka kale waxaa adag sharciyada ganacsiga iyo xisaab-xerka, taasina waxay sababtay in lagu dhiiran waayo ganacsiga. Waxaase beryihii dambe bilowday in Soomaalidu soo gasho suuqa ganacsiga, waxaan hadda jira goobo badab oo ganacsi oo ay Soomaalidu ka furatay magaaliiyinka waaweyn ee ay Soomaalidu u badan yihiin. Dukaamada ay Soomaalidu furteen waxay u badan yihiin dukaamada dharka iyo is-carfiska, cuntada, xawaaladaha, alaabta guryaha. Waxaa muuqata in sanadaha soo socad la arki doono Soomaali badan oo si weyn u soo gasha suuqyada ganacsiga.      

 

Arrimaha Waxbarashada, Dugsiyada iyo Afka Soomaaliga

 

Iskuulada iyo waxbarashada waa arrimaha ugu muhiimsan ee ay dadka Soomaaliyeed ee Sweden muujiyaan in looga bixi karo dhibaatooyinka heysta bulshada Soomaaliyeed ee Sweden deggan. Waddanak Sweden waa dal waxbarasho ahaan sarreeya. Mujtamaca Soomaaliyeed ee Sweden waxa uu u badan yahay carruur, ardayda Soomaaliyeedna waxay ku jiraan dhamaan iskuulada dalka, inkastoo natiijo ahaan ay hooseeyaan, marka lala barbardhigo arday dalka u dhashay. Waxaa u sabab ah arrimo badan oo ah ka mid yihiin aqoonta waalidka, iskuulada ay dhigtaan qaarkood oo ku yaala xaafado ay ajnabiga u badan yihiin, shaqo la'aanta waalidka iyo tirada iyo degaanka qoyska. Inkasta oo ay sidaas tahay haddana waxaa dugsiyada sare u gudba aryad Soomaaliyeed oo aad u badan, kuwaas oo qaarkood u sii gudba jaamacadaha. Dhinaca waxbarashada waxaa la amaanaa gabdhaha oo muujiyey natiijooyin aad u sarreeya, waxayna ardayda Soomaaliyeed si weyn hadda u galaan jaamacada dalka Sweden. Waxaa jira Soomaali badan oo ka qallin jebisay jaamacadaha dalka qeybahooda kala duwan. Waxayna dadkaasi qaarkood ku shaqeeyaan wixii ay barteen, inkasta oo qaar badan oo ka mid ah ay ku shaqo la' yihiin wixii ay barteen. Waxaa jira Soomaali badan oo shahaadooyin sarsare (MSc iyo PhD) ka qaadatay jaamacadaha Sweden, dhowr ka mid ahna macalimiin ka ah jaamacadahaas.

 

Dhinaca waxbarashada waxaa xusid mudan in ardayda Soomaaliyeed ee Sweden ay yihiin kuwa luqaddooda hooyo (afka Soomaaliga) si fiican ugu hadla. Waxaa arrintaas sababay nidaamka waxbarasho ee dalka Sweden oo ah mid furfuran oo dadka ajnabiga ah u oggol in maaddo afkooda hooyo ah ay iskuulka loogu dhigo. Ardayda Soomaliyeed ee dhigta dugsiyada hosse, dhexe iyo weliba dugsiyada sare loo dhigaa maaddo af-Soomaali ah oolagu baro luqadda Soomaalyeed, oo weliba lagu bixiyo shahaado gooni ah. Sidaas daraadeed waxaa iskuul walba oo ay ardayda Soomaaliyeed dhigta ka shaqeeya macallin dhiga afka Soomaaliga.

 

 

Shirka Macalimiinta Afka Soomaaliga: Macalimiinta afka Soomaaliga dhigana waxay leeyihiin xiriir iyo urur weyn oo kulmiya, kaas oo kor u qaada horumarinta maaddada afka Soomaaliga ee loo dhigo ardayda Soomaaliyeed ee Sweden, eeg bogga www.waxbarasho.com. Waxaa sanad walba la qabtaa shir looga hadla qiimaha afka Soomaaliga, shirkaas oo ay maalgeliso wasaaradda waxbarashada Sweden waxaana isugu yimaada dhamaan macalimiinta Soomaaliyeed ee wax ka dhiga iskuulada dalalka Sweden, Norway, Finland iyo Denmark kuwaas oo iska kaashada manhajka afka Soomaaliga iyo soo saaridda buugaag wax laga dhigo. Shirkaasi waxaa lagu casumaa dadka Soomaaliyeed ee ugu aqoonta badan luqadda afka Soomaaliga sida abwaanada, mu’alifiinta, qorayaasha, suugaanleyda iyo macalimiintii hore ee dalka Soomaaliya. 

 

Waxaa jira aqoonyahanno Soomaaliyeed oo macallimiin ah oo wax ka dhiga dugsiyda dhexe iyo kuwa sare ee dalka Sweden, kuwaas oo inta badan dhiga maaddooyinka xisaabta iyo seyniska.

 

Xisaabta lagu dhigo Afka Hooyo: Dalka Sweden waa dalka kaliya ee ogol in carruurta ajnabiga ah maaddada xisaabta loogu dhigo afkooda hooyo, si ay u fahmaan uguna guuleystaan maaddadaas. Ayada oo arrintaas la fulinaayo, waxaa la sameeyey oo la maalgeliyey bogg Internetka ah oo loogu talogalay in ardaydu ay ka dhegeystaan kana daawadaan casharo xisaab ah oo ku baxaaya afka Soomaaliya. Boggaas, www.webbmatte.se, oo ka hadlaaya maaddada xisaabta ee fasalada dugsiga dhexe iyo midka sare, waxaa xitaa ka faa’deysan kara ardayda Soomaaliyeed ee ku nool waddamada kale ee Yurub iyo Wuqooyiga Ameerika, iyo kuwa kale ee ku nool dunida inteeda kale oo heli kara Internetka.     

 

Waxaa muuqata in ardayda Soomaaliyeed ee Sweden ay dhinaca luqadda Soomaaliga kaga horreeyaan dhamaan ardayda kale ee Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, gaar ahaan Yurub iyo Wuqooyiga Ameerika.

 

Dugsiga Islaamiga ee Al-Azhar: Dhinaca iskuulada waxaa dalka Sweden ka jira dhowr iskuul oo islaami ah oo ay Soomaalidu maamusho. Iskuulka ugu weyn waxa uu ku yaalaa magaalada caasimadda ah ee Stockholm, waxaana lagu magacaabaa Dugsiga Al-Azhar, oo la bilaabay sanadkii 1995. Ardyada dhigata dugsiga Al-Azhar waa ilaa iyo 650 arday oo Soomaali u badan. Dugsiaga Al-azhar waxa uu leeyahay dhowr qeybood, oo ka kooban xannaanada carruurta yaryar ee da'doodu u dhexeyso 2 sano illaa iyo 5 sano, fasalada dugsiga hoose ee sanadaha 6 sano illaa iyo 9 sano, iyo dugsiga dhexe ee sanadaha 10 sano illaa iyo 16 sano. Dugsiga Al-azhar waa iskuul islaami ah balse ku shaqeeya manhajka dalka Sweden, ayada oo ay ardaydu helaan casharo islaami ah, salaadaha caadiga ah iyo salaadda jimcaha oo ay iskuulka ku dukadaan. Waxaa ka shaqeeya macalimiin badan oo muslim iyo Soomaali ah, wuxuuna iskuulku muujiyey natiijooyin aad u fiican marka lala barbar dhigo dugsiyada ku yaala xaafadaha ay u badan yihiin dadka ajnabiga ah. Waxaa mar kale idiin soo gudbin doonnaa barnaamij qaas ah iyo wareysi ay la yeelan doono maamulka iskuulka, maaddaama uu dugsiga Al-Azhar yahay iskuulka kaliya ee Soomaali maamusho oo ku yaala Yurub. Waxaa sidoo kale ka furan magaalooyinka Gothenburgh iyo Orebro ee dalka Sweden laba iskuul oo kale oo islaami ah oo ay Soomaalidu maamusho.  

 

Dhinacyada waxbarashada waxaa jira ururo badan oo ardayda ka kaalmeeya dhinaca waxbarashada sida casharada iyo leyliyada loo soo diro. Ururadaas waxaa ka mid ah Ururka Waxbarashada Al-Kowneyn ee magaalada Stockholm oo tobankii sano ee la soo dhaafay ardayda Soomaaliyeed ka caawinaayey waxbarashada. Ururka Al-Kowneyn waxaa aasaasay aqoonyahanno iyo macalimiin Soomaaliyeed ee isku xilsaaray caawinidda bulshadooda, waxayna wax bareen boqolaal arday Soomaaliyeed ah oo qaarkood hadda ka qallin jebiyey jaamacadaha Sweden.       

 

Arrimaha qaxootiga iyo sharciyada

 

Dalka Sweden waa dal ay aad ugu weyn tahay bani’aadanimada wuxuuna leeyahay nidaam qaxooti oo deeqsi ah, inkasta oo ay jiraan hadda isbedello dhinacaas ah oo uusan sidii hore aheyn. Waxaa dhacda in markii ay dadku ku soo bataan uu dalku sameeyo hakin ama joojin dhinaca sharci bixinta, taas oo sababta in uu hoss u dhaco qulqulkii qaxootiga. Waxaa si aad ah u yimaada dadka Soomaaliyeed kuwaas oo hadda sharciga la siiyo. Dadka sida aadka u yimaada waxaa ka mid ah carruurta da’yarta ah oo aysan la soconin waalidkood.

 

Waxaa marmarka qaar dhacda in dadka Soomaaliyeed ee sharci la’aanta ah la yiraahdo waxaa dib laguugu celinaayaa dalka Soomaaliya, arrintaas oo walwal ku abuurta dadkaas sharci doonka ah. Waxaa sanadihii dambe si aad ah u soo galay dalka Sweden Soomaali aad u badan oo isugu jira dhallinyaro iyo qoysas, waxaan dadkaasi ka mid ah dad waxbartay iyo kuwa ka soo shaqeeyey dalka Soomaaliya qeybihii kala duwan. Dadkaasi waxay soo galeen gaar ahaan intii ka dambeysay markii ay ciidamada Itoobiya kus oo duuleen Soomaaliya.

 

Arrimaha Bulshada iyo Ururada
 

Inkasta oo Soomaalida Sweden heysato arrimo badan oo dhinaca bulshada ah, haddana waxay u muuqdaan kuwa soo fahmaaya dalka Sweden, isla markaana u soo jeestay in ay ka muuqdaan dalka ay ku nool yihiin.

 

Waxyaabaha ay Soomaalida Sweden ku horumartay waxaa ka mid ah dhinaca ururada bulshada, waxaana jira ururo Soomaaliyeed oo aad u badan oo qabta shaqooyin kala duwan. Waxyaabaha ay ururadaas qabtaan waxaa ka mid ah kaalmada waxbarashada, baridda quraanka iyo arrimaha diinta, dhinaca isboortiga iyo dhallinyarada, kaalmada dalka Soomaaliya, wacyi-gelinta bulshada, aqbaaraha iyo macluumaadka bulshada.

 

Ururka Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed (SRFS): Soomaalida Sweden waxay leedahay dallad ay ururada intooda badan ku mideysan yihiin oo la yiraahdo Somaliska Riksförbundet i Sverige (SRFS), oo ah urur uu sameyntiisa ka dambeeyey Shiikh Cumar Faaruuq uu muddo deganaan jiray dalka Sweden. Ururka Isbaheysiga, oo la sameeyey sanadkii 1995, waxa uu sanad walba qabtaa shir sanadeed ay ka soo qeyb galaan ururada xubnaha ka ah, halkaas oo lagu soo bandhigo arrimaha ururka lagu gaaro go’aanada muhiimka ah. Waxqabadka ururka waxaa ugu muhiimsan u suurtagelinta Soomaalida Sweden in ay qaataan dhalashada dalka iyo baasaboorka Swedishka.

 

Waxaa kaloo jira ururo kale oo iyaguna waaweyn oo ka dhisan dalka Sweden oo leh waxqabad ballaaran, kuwaas oo aan ka mid aheyn ururka isbaheysiga.

 

Inkasta oo ay jiraan ururo badan oo Soomaaliyeed oo ka jira dalka Sweden, haddana ururadaasi Soomaaliyeed ma noqonin kuwa wax weyn ka qabta arrimaha heysta bulshada Soomaaliyeed ee Sweden.  

 


Dhismaha ay musiibada kula dhacday Hooyada Soomaaliyeed iyo shanteedii gabdhool
 


Yuusuf Maxamuud oo ay ka geeriyootay xaaskiisii iyo shan gabdhood uu dhalay iyo gabar ay qaraabo ahaayeen.
Musiibadii ugu weyneyd ee Soomaalida Sweden soo wajahday:
Waxaa sanadkan 2009 bishii Luulyo ka dhacay dalka Sweden, gaar ahaan magaalada Stockholm musiibo aad u weyn oo noqotay midkii ugu xanuunka badneyd ee la soo deristo Soomaalida Sweden, taas oo ah in gurigooda uu dab ku qabsaday qoys Soomaaliyeed, dabkaas oo sababay dhimashada shan gabdhood iyo hooyadood iyo weliba gabar kale oo ay qaraabo yihiin. Waxaa dabkaas ka badbaaday oo markaas aan guriga joogin aabihii reerka iyo laba wiil oo yaryar. Waxaa tacsidii qoyska isugu soo baxay Soomaalida deggan magaalada Stockholm oo muujisay midnimo iyo is-jeceyl.

 

Soomaalida deggan magaalada Stockholm waxay leeyihiin laba kanaal oo TV-ga oo usbuuc walba soo gala min hal saac, kanaaladaas oo u soo gudbiya barnaamijyo iyo aqbaaro quseeya bulshada Soomaaliyeed iyo waxyaabo kale oo ay ka faa’ideystaan dadka.

 

Dhibaatooyinka dhinaca bulshada ee Soomaalida heysta waxaa ka mid ah dhibaatada qaadka oo ah mid isticmaalkiisu uu sii badanaayo, ciqaabtiisuna ay yar tahay sida ay qabaan ciidamada amniga ee booliska iyo weliba Soomaali kaleba. Soomaalida ku nool dalka badankooda waxay qabaan in laga mamnuucu Qaadka dalka Sweden sida looga mamnuucay dalka USA iyo Canada.

 

Arrimaha Diinta iyo Mu'tamarada Islaamiga

 

Soomaalida Sweden waa dad lagu tilmaamo in ay si weyn uga muuqato diinta islaamka ee ay Soomaalidu heysato, waxaana arrintaas lagu arkaa meelaha ay ku badan yihiin iyo guud ahaan xarumaha ay ku kulmaan. Inkasta oo aysan jirin masaajidyo rasmi ah oo ay Soomaalidu leedahay oo ku yaala dalka Sweden, haddana waxaa jira xarumo inta badan ku yaala meelo aan masaajid loogu talo galin oo ay dadku u isticmaalaan masaajid ahaan. Shirkada guryaha ee goobahaas laga kireystay ay marmar badan ku doodeen in ay aad u badan yihiin dadka halkaas yimaada oo ku tukada, waxayna arrintaasi keentay dacwo iyo in shirkaddii ay ugu dambeyntii u diiddo Soomaalida in ay sii isticmaalaan goobahaas. Arrimhaas waxay ka dhaceen meelo badan oo ay ka mid tahay magaalada Stockholm, waxayna noqotay in Soomaalidu ay banaanka ku soo dhacaan, oo ay xitaa waayaan goobihii ciriiriga ahaa ee ay ku tukan jireen. Waxaa la sameeyey mudaharaadyo arrimmahaas looga soo horjeedo, loogana dacwoonaayo shirkada leh goobahaas lagu dukado. Mudaharaadyadaas waxaa ugu weynaa midkii dhacay bishii Juunyo ee sanadan 2009, markaas oo salaaddii Jimacaha lagu dukaday barxadda suuqa xaafadda Rinkeby ee ay Soomaalidu u badan tahay.  

 

 Waxaa magaalada Gothenburgh oo ah caasimidda labaad ee dalka ku yaala masaajid ay Soomaalidu dhiseen oo ah maamulaan.  Waxaa xusid mudan ayaa  in Masaajidyada  Gothenburgh iyo Stockolm (Rinkeby)khudbada Jimacaha lagu aqrinayey afka carabiga iyo afka Soomaaliga. Waa arrin aysan ka jirin meelaha kale ee ay Soomaalidu degan yihiin ee Yurub iyo Wuqooyiga Ameerika.

 

Inkastoo ay masaajidyada Soomaalida Stockholm yihiin kuwo kala afkaar duwan, haddana waxay iska kaashadaan salaadaha maalmaha ciidaha oo hal meel ummadda lagu wada dujiyo. Waxaa Soomaalida magaalada Stockholm heysta masaajid la’aan waxaana ku yar ama cariiri ku ah meelaha masaajidyada ah ee hadda jira. Waxaa jirta baahi aad u weyn oo loo qabo in la helo masaajid weyn iyo weliba masaajidyo kale oo ay dadka Soomaaliyeed yeeshaan. Waxaa muuqata in Soomaalida Stockholm ay heli karaa meel weyn oo ay ka dhistaan masaajid weyn, waa haddii ay xooggooda iyo afkaartooda mideeyaan. Riyadaas oo ah mid jirta balse u muuqata in ay adag tahay in ay rumowdo, marka eego xaaladda lagu sugan yahay.

 

Dalka Sweden waxaa sanad walba lagu qabtaa shirar (mutamaro) islaami ah oo diini ah oo ay isugu yimaadaan culumo aad u badan oo ka kala yimaada meelo kala duwan. Waxay Soomaalida Sweden caan ku yihiin mu’tamaradaas oo ay kuwa bilowday sanadkii 1993. Waxaaa ka soo qeyb gala Soomaali ka kala timaada dalalka Skandeneviyanka iyo weliba gobolada dalka Sweden. Waxaa ku kulma muslimiin badan oo ka faa’ideysta muxaadarooyinka laga soo jeediyo shirkaas, waxaana lagu uruuriyaa dhaqaalo aad u badan. 

 

Arrimaha Dhallinyarada iyo Isboortiga     

 

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Sweden waa kuwa tiro ahaan soo badanaaya, waxaana  dhallinyarada Soomaaliyeed ee Sweden heysta mashaakilyaad badan. Inkasta oo ay jiraan dhallinyaro aad u badan oo muujiyey horumar dhinaca nolosha iyo waxbarashada ah, haddana waxaa jira kuwa badan oo qatar ku sugan.

 

 

Soomaalida Sweden waxay caan ku yihiin qabashada ciyaarada kubadda cagta oo ay ka soo qeyb galaan dalalka Yurub oo dhan, waxaana la qabtaa bisha Luulyo ee xilliga samarka. Waxaa ciyaarahaas la bilaabay sanadkii 1999. Waxaa ciyaarahaas lag qabtaa xaafadaha ay Soomaalida u badan yihiin ee magaalada Stockholm, halkaas oo ay isugu soo baxaan dad aad u tiro badan oo u soo daawasha taga tartanka ay ku loolamaayaan kooxaha Soomaaliyeed ee ka yimaada Yurub. Waxaa kaloo tartankaas lagu furaa heeso Soomaaliyeed oo ay qaadaan fanaaniintii caanka ahaa ee Soomaaliya.

 

Waxaa dalka Sweden ka dhisan kooxo badan oo Soomaaliyeed oo kubadda cagta ah, iyo kuwa bilow ah oo kubadda kolayga. Waxaan weli ka jirin kooxo gaaray ciyaaraha heerka koowaad ee dalka Sweden. Carruurta Soomaaliyeed ee yar iyo weliba dhallinyarada oo ah kuwa aad u jecel ciyaaraha kubadda cagta ma helaan kooxo rasmi ah oo Soomaaliyeed oo siiya tababarada ay u baahan yihiin. Tani waa arrin aad u weyn oo heysada Soomaalida Sweden, oo caan ku ah qabashada ciyaaraha dibedda looga yimaada.

 

Waxaa jira dhowr dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku jira ciyaaradaha iyo ciyaartowda kooxaha waaweyn ee dalka Sweden. Waxaase muuqata in ay weli dhiman tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed si weyn looga arko ciyaaraha iyo kooxaha dalka Sweden.   

 

Ka qaybqaadashada Siyaasadda Dalka Sweden

 

 

Soomaalida Sweden waxay ka qeybqaataan xisbiyada siyaasiga iyo doorashada dalka Sweden, waxayna door muuqda ka qaataan doodaha socda xilliyada ay socdaan isku diyaarinta doorashooyinka ka dhaca dalka Sweden afartii sanada mar. Shaqsiyaad Soomaaliyeed ayaa isku soo sharaxa doorashooyinka heer degmo, heer gobol iyo heer baarlamaanka dalka. Codadka Soomaalida waa mid ay ku xisaabtamaan xisbiyada dalka. Iyada oo ay sidaas tahay, ayaa waxaa weli la  sugaayaa in ay Soomaalidu muujiso dadaal dheeraad ah si ay sanadaha soo socda u mideysa xooggooda si loo helo qof Soomaaliyeed oo fadhiya baarlamaanka dalka Sweden, amaba ka  mid nqoda golaha wasiirada dalka Sweden. 

 

Didb-u-dhiska iyo Siyaasadda dalka Soomaaliya

Soomaalida Sweden waxay si weyn uga qeybqaataan dib-u-dhiska iyo siyaasadda dalka Soomaaliya. Waxay Soomaalida Sweden ka fuliyeen dalka Soomaaliya mashruucyo aad u badan oo ay maalgelisay dowladda Sweden. Mashruucyadaas oo u badan dhanka waxbarashada iyo caafimaadka iyo weliba dhanka nabadda iyo xallinta khilaafaadka, waxay Soomaalida Sweden ka faa’deysteen doorka ay dalka Sweden ku yeelatay arrimaha dalka Soomaaliya. Ayada oo ay Sweden noqotay dalalka ugu horreeya ee qaaradda Yurub oo si weyn u daneeya arrimaha dalka Soomaaliya. Waxay dalka Sweden u magacowday safiir u xilsaaran dalka Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Sweden, iyo saraakiil kale oo u xilsaaran arrimaha Soomaaliya oo fadhiya hey’adda macaawinada ee dalka Sweden (SIDA).  

 

Soomaali dhowr ah oo reer Sweden ah ayaa galay dowladihii soo maray Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyey. Waxaa dalka Sweden si isdaba joog ah u yimaada madaxda Soomaalida kuwooda ugu sarreeya heer madaxweyne, heer guddoomiye baarlamaan, heer wasiiro iyo xildhibaanno oo ka kala socda dhamaan dowladda dhexe iyo maamulada ka jira Soomaaliya. Waxay dhamaantood u arkaayey in ay Soomaalida Sweden ay muhiim u yihiin siyaasaddooda. Siyaasiyiintaasi waxay inta badan sababaan in ay sii xoojiyaan kala qeybsanaanta Soomaalida Sweden. Ma aha wax qarsoon in xooggaga isku haya dalka Soomaaliya ay taageerayaal muhiim ah ku leeyihiin Soomaalida Sweden.

 

Waxaa muuqata in Soomaalida Sweden ay door muhiim ah ka ciyaareen halgankii waddanak looga saaraayey ciidamada Itoobiya, ayada oo shirarkii ugu horreeyey oo arrintaas looga hadlaayey lagu qabtay magaalada Stockholm bilwoga sanadkii 2007, halkaas oo ay ku kulmeen qurba-joogta Soomaalyeed ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.    

 

Shirka Geeska Afrika ee Lund: Waxaa dalka Sweden lagu qabtaa shir noociisa oo kale uusan ka jirin dunida. Shirkaas waxaa looga hadlaa arrimaha Geeska Afrika iyo kuwa Soomaaliya, waxaa lagu qabtaa magaalada Lund ee ku taala koonfurta dalka. Shirkaa oo ah mid sanadle ah waxaa qabta ururka Soomaaliyeed ee SIRC, waxaana isugu yimaada aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo qubaro ka kala socota dalalka Geeska Afrika, ururada UN, EU iyo madax ka kala socota waddamada Geeska Afrika, qaaradda Yurub iyo dalka Sweden, waxaana looga hadlaa arrimaha Geeska Afrika iyo gaar ahaan arrimaha dalka Soomaaliya. Waxaa kulankaas ka soo qeyb gala madaxda dalka Soomaaliya qaar ka mid kuwooda ugu sarreeya. Waxaa sanadka soo socda lagu qaban doonaa magaalda Lund, Sweden shirkii ugu horreeyey oo caalami ah oo looga hadlo arrimaha dalka Soomaaliya oo kaliya.