advertisements

SOSCA oo qabatay xafladii sanadguuradii 8 sideedaad.

Toronot, Canada

Waxaa xalay oo bishu aheyd Nov 23, 2009 Sosca qabatay xafladii shanadeedka. Xafladaas oo lagu qabtay Days Inn ku yaal Weston. Toronto .

Waxaa ka soo qeybgalay Rugcadaayadiii ciyaaraha iyo dhalinyarada hadda ciyaarata iyo waliba qabqaabiyaasha ciyaaraha xagaaga. Xafladaa oo si wacaagsan loo agaasimay, Waxaa aayado quraan ah ka akhriyey Gacal, Gudoomiyaha Sosca oo mahadceliyey dadkii xaflada ka soo qeybgalay.

Una sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ciyaaraha ay meel lagu qabto, waxaa kaloo hadlay sheegayna gudoomiye kuxigeenka Cabdulaahi Yusuf, Salad Guuleed, iyo Axmed Kulmiye oo u mahadceliyey marti sharafkii xaflada ka soo qeybgashay, ku baraarujiyey in midnindau ay tahay shay qaali ah, loona baahan yahay in ciyaaraha hal meel lagu dhigo. Waxaa xusid u baahan ciyaartooydii hore oo ay ka midyihiin. Macalin Tuke, Bruno, Oowbaare, Mukhtar Cuti, Libaan Gabebeyre, Xassan Xarbi, Xassan Kaabagalas, Baashi,