Washington
05-October-2008
Faaqidaadda Todobaadka - Soo rogo (MP3) Dilkii ugu dambeeyey ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha. Abdishakur Adan Xasan oo lagu dilay magaalada Minneapolis ee G. Minnesota.
Faaqidaadda Todobaadka - Dhegayso (MP3)
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka oo uu soo diyaariyay Maxamed Cumar Axmed Haydara ayaannu ku lafa-guraynaa dilalka soo noqnoqday ee loo gaysto dhallinyarada Soomaaliyeed ee waalidkood ula soo hayaameen qurbaha, si ay uga nabad-galaan dagaallada sokeeye ee halakeeyay Soomaaliya ku dhawaad labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Sawirka: Somali Justice Advocacy Center
Maxaa sal u ah dilalkaas, maxaase looga hortagi karaa ayay martida barnaamijku ku jeex-jeexeen falanqayntooda. Martidaasi waxa ay kala yihiin, Ibraahim Ciise oo la shaqeeya Xarunta Horumarinta Dhallinyarada oo ah urur ka dhisan London, Boqortooyada Ingiriiska, Cumar Jamaal oo ah madaxa xafiis u dooda xuquuqda dadka Soomaalida oo ka dhisan magaalada Minneapolis, Minnesota ee dalka Maraykanka iyo Cumar Maxamed Cumar Gaab oo ah la taliye dhinaca sharciga ah oo jooga magaalada Toronto ee dalka Canada.
Barnaamijka Falanqaynta halkan ayaad ka dhagaysan kartaan.