
Khamiis, May 22, 2008
Barnaamijka Cuntada Adduunku ee loo yaqaan WFP waa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka cuntada. Waajibaadkeeda ugu weyni waa inay gaarsiiso gargaar cunto oo nolosha dadka lagu badbaadinayo marka lagu jiro xaalado bini’aadminimo oo ded-deg ah, meel kasta oo gargaarkaas looga baahan yahay, iyo dadka u baahan iyada oo aan la kala takooreyn. Taas waxaa soo raaca, meelaha ay suurtogalka tahay WFP waxay gacan ka geysataa waxqadyada loogu talagalay dib-u-soo kabashada, tusaale ahaan, inay kor u qaaddo gaaritaanka suuqyada iyo helidda biyaha iyada oo la adeegsanayo barnaamijka cunto shaqo ku bedelashada; WFP waxaa kale oo ay taageertaa barnaamijyada waxbarashada iyo barnaamijyo gaar ah oo ay ka mid yihiin kuwo loogu tala galay carruurta nafaqadarradu hayso iyo haweenka uurka leh iyo kuwa ilmaha nuujinaya.
Barnaamijka Cuntada Adduunku waxa uu ka shaqeynayey Soomaliya laga soo bilaabo dhammaadkii 1960kii, waxqabadyadiisuna si isasoo taraysa ayaa ay marba- marka ka dambaysa usii ballaaranayeen, ha noqoto xagga baaxadda, tiradda dadka la gargaarayo iyo meelaha ay ka shaqaysaba.
Sannadihii 2007 iyo 2008 gaar ahaan, xaaladda hubinta cuntada ee Soomaaliya si aad ah ayaa ay u sii xumaatay, si isdaba joog ahna waa ay uga sii daraysay taas oo ay sababeen dagaallada daba dheeraday, abaaro soo noqnoqda, barokac aad u ballaaran iyo saamaynta kororka guud ee sicirka badeecadaha.
Haddaanan si deg-deg ah wax looga qaban nabadgalya xumeda ka taagan Soomaaliya, wuxuu caalamaka ku waaberiisandoonaa in ay arkaan carruur Soomaaliyeed oo dagaal mooyee aan wax kale aqoonin
Tirada dadka gargaarka deg degga ah ee bini’aadminimo u baahan ee Soomaaliya waxaa la filayaa in ay gaarto 3.5 milyan oo qof sanadkan dhammaadkiisa, taas oo saamaynaysa in ka badan kala bar dadka (sida ku cad warbixinta FSAU). Taasi waxa ay keentay in WFP hawlaheeda gargaarka deg-degga ah ee ay ka wadday gobollada koonfur dhexe ee Soomaaliya ay ku fidiso gobolka dhexe si ay gacan u siiso hawlaha ay hay’adda CARE ka waddo dhulka magaalooyinka ah ,halkaas oo dad aad u farabadan ay dhibaato ka haysato sidii ay cunto u heli lahaayeen taas oo ka dhalatay sicirkii cuntooyinka aasaasiga ah oo 400% kor u kacay iyo sicir barar xad dhaaf ah oo halkaas ka jira.


Peter Goossens, Madaxa hay'adda WFP ee Soomaaliya
Muddada u dhaxaysa bilaha Juun iyo Diseembar 2008, WFP waxay ku talo jirtaa in ay qaybiso raashin gargaar ah oo gaaraya 30,000 ilaa 40,000 Mitrik Tan bishiiba – taas oo u dhiganta ilaa 1,500 baabuur bishiiba.
WFP waxa ay aad ugu dadaalaysaa inay gacan ka hesho deeq-bixiyayaasha si ay cunto ugu soo iibiso, una gaarsiiso dadka u baahan. Si kastaba ha ahaatee, kororka sicirka cuntada ee saameeyay dunida oo dhan, iyo sicirka galayda oo kor uga sii kacaya
WFP waxa ay jeceshay in muujiso baahida loo qabo in la gaaro dhammaan degaannada Koonfur Dhexe ee Soomaaliya. Hay’addu waxa ay mas’uul ka tahay in ay siiso gargaar cunto dadka ay caddaato in ay u baahan yiihiin iyada oo aan loo eegayn cidda ay xiriirka la leeyihiin. WFP waxay ugu baaqaysaa cid walba in ay gacan ka geysato fududeeynta gaarsiinta gargaarka bini’aadminimo ee lagu badbaadinayo nolosha dadka, dhaqdhaqaaqa gaadiidka cuntada sida iyo shaqaalahaba.
Mr. Peter Goossens
Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka,ee Soomaaliya,
Nairobi, Kenya
+254 20 762 2693
+254 734600601